Daabaco
Boggan | Print
SomaliTalk:
Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag,
laakiin..
Akhri...
Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya
oo
Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka
Soomaaliya...
Akhri
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado
xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka
Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...
Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006
Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006
ARAGTIDA/MAQAALLADA
DADWEYNAHA EE MAANTA
Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu
gashay: Kismaayo
(70), Muqdisho
(74), Beledweyne
(77), Baydhabo
(85), Galkacyo
(106),
Sarbeebtii Diinaari |
Eng : Moxamud Xaaji
Cabdiraxman
Dadka
soomaaliyeed waa in ay ka shaqeeyaan sidii ay u taageeri
lahayeen DKFS sidii ay qaran nimadooda u soo celin lahayeen
Annigoo ka ambaqaadaya
maqaalkii uu Walaalkay General Caare uu ku qoray SOMALITALK
(Dadka
soomaaliyeed waa in ay u diyaargaroobaan Sidii ay isaga
kicin lahaayeen Gumeysiga Cusub ee Itoobiya),
soomaaliya waxay mugdi gashay markay hanatay dowlad nimo
aysan u bislaan, halgan dhab ahna aysan u marin hanshadaasa
, taas oo dhalin lahayd garashada kala saaridda qabiil iyo
qaran nimo , xornimadadii la hantay oo ay SYL soo dhalisay
mid cilmiyeysan ma ahayne waxay ahayd mid salka ku haysay
caadifad diineed oo kulmisa ummadda soomaaliyeed oo ah
gaalka ku gumaysanaya iska saar, adduunkuna waxuu marayey
xilli kala guur ah oo xattaa gumaystihii dalalka Africa iyo
asia uu isbedel ku samaynayey strateejiyadiisa gumaysi
assagoo arkay in noocii gumaysiga ee hore uusan socon Karin
hadduu socdana uu khasaarooyin farabadan kala kulmayo , taas
oo keentay markii xornima ku sheegta la helay in kuwii u soo
halgamay second range ga la galiyey oo garaaniyaal
gumaysigu magacowday uu ku soo taba bartay dalkiisa ,
annigoo aan wax tuhuna saarayn ayaga maxaa yeelay khibrad
siyaasadeed uma yeelan maamul qaraneed halgan siyaasadeed oo
garashada qaarkeed kordhiyana ma lahayn, garaad xumi
siyaasadeed darteed ayey waaxay ku dhaqaaqeen in waxii
jabhado soomaaliyeed ahaa oo ay u suurta gal u ahaan lahayd
waayahaas in ay hantaan gobanimadooda in ay kula taliyeen in
ay soomaaliya jamhuuriyada noqotay soo galaan dowladaasna
ay xorayntooda ka dhigato saldhig siyaasadeed taas oo
keentay in ay ka soo qaxaan deegaanadoodii kuna soo
qulqulqqn jamhuuriyadii Somalia ee curatay ciidamadiina ay
si xoog leh u galaan ee soomaaliya, taas waxaa soo raacday
kala jabkii SYL , dadkii xukunka ayagoo aan aragti
siyaasadeed lahayn ku indha furay ka dibna dhadhanshay
awooda siyaasadeed iyo waxay tahay , waxaana durbadii soo if
baxay tartiib tartiib dhaqan guuraa nimadi qofka soomaliga
ah ee ku salaysan qabyaaladda , ayadoo aanan si fiican u
curan ayaa dowladdii daakhilyada lagu magacaabay intii laga
badalay Governo Somalo layiri Governo Sacad tii lixdankii
hadba prime ministarku ninkuu yahay loo saarijiray oo looma
saarin madaxweynayaashii waagaas (Aden Cadde allaha
caafimaad siiyee iyo Cabdirashid Allaha u naxariistee) ,
Markii milatarigu xukunka
la wareegay nin walba oo soomaali ah wuu garanayaa structure
ka uu laha milatarigaas khaasatan marka laga soo reebo
jiilkii hore , waxay u badnaayeen saraakiishu dhalinyaro
schoolaadkii carabta ka soo baxay kuwaas oo loo dhigi jiray
waxa layirahhdo التربيه الوطنيه او الاجتماعيه waxaa lagu
abaiyey wax loo yaqaano القوميه العربيه haddaba meshii
halkaas ahayd waxay ku badaleen raadinta القوميه الصوماليه
waxuu fakarkoodu ku lifaaqnaa kacdoonkii jamal cabdinassir
iyo fikirkii hantiwadaagnimada iyo xornimodoonka ayagoo
intooda badan wax ku soo bartay ama masar ama ruushka, ay
saas tahay haddii aan lays inkirayn muddo yar gudaheed
soomaaliya aad bay u hormariyeen dhinac kasta oo waxay la
soo simeen ummadaha kale qaarkoodna way ka hormareen, illaa
marka la soo gaaray dagaalkii 77 iyo waxii u dhaliyey ,
ayadoo aan la inkirayn waxii qalad dhacay , midna ay run
tahay oo ah xukun kasta haddii uu dhaafo xad ugu badnaan 7
sano waxuu isku badala dictator xattaa hadduu yahay kan ugu
dimoquraadisan, taas waxaa kuugu daliil ah ah USA da u soo
qaado marka labaad oo uu madaxweyn ku soo laabto aqalka cad
waxuu ugu tagaa fadeexooyin iyo magac xumi midba heerkeeda
leh , maxaad u malayn Africa ama asiya ,matalku waxuu
yiraahdaa كل شىء ادا زاد عن حده انقلب الى ضده jabhadayn
qabiil ku dhisan waa yadii dilaacay Cabdullahi Yusuf kow u
ahaa , meel uu gubo deegaankiisa uu ka dhashay ayaa ugu
horeeyey , SNM iyo USC aasaaskeedi wax buu ku lahaa intuba
saldhig waxaa u ahaa aragti qabiil iyo ETHIOPIA , waxaa
soo raacay kobcinta aragti qabiil xattaa kuwa isla golaha
dowlada ku wada jira oo isjilaafay iyo khiyaano kuwada socda(
SIDA HADDA AY U KALA HADLAAN KUWA KU WADA JIRA GOLAHA
WASIIRADDA , AMA MADAX WEYNAHA IYO RA’ISULWISAARIHIISU EE
DFKS) , ay saas tahay xaaladdu in aysan gaarin manta heerka
ay marayso iyo burbukii dhacay dhowr jeer ayey dabo qabasho
lahayeen , maxaa dhacay ummadda soomaaliyeed oo dhan in la
badalo xukunkii markaas ka jiray waysku raacsanayd lakiin
waxaa nasiib darro ahayd in aysan jiran aragti siyaasadeed
oo badali karta markaas xukunkii taagnaa , kooxdii
MANIFESTO ayaa ugu dhawayd ayagana waxaa mija xaabiyey koox
aragti qabiil oo qayaxan wadatay , in kasto ay ayaga u ahayd
istrategiyad ku howl galin dagaal , lakiin waxay la gashay
meel aysan cajaladdii ay furka ku roogeen aysan lahayn wax
ka qabasho , waxaa ka lumay furihii , illaa iyo haddana waa
la raadinayaa , shirkii ugu horeeyey ee djabouti oo cali
mahdi loo caleemo saaray assaguna waa dhicisoobay aragti
qabiil darted , djabouti carta oo shir loo qabto soomaali
kii ugu fiicnaa ahaa assaguna waa mijara habaabay oo sidii
markii hore loo qorsheeyey kuma dhicin , 4.5 iyo qabiil wax
ha lagu xaliyo ayuu nookeenay , cudur cudur ku dawee ,
cabdiqasim waxaa la dagay qabqable dagaal iyo qorshe xumo
iyo assagoo aragti qabiil aanay ka maqnayn waxna kala
dhaqaajin kari waayey.
Waxaa soo raacay shirkii
Nairobi oo aragti ahaan ay ahayd bal in lasoo dabi karo
qabqablayaashi dagaalka oo wax laga kala wadi waayey iyo
dowladihi ka biya diidanaa shirkii djabouti , aragti ahaan
waxaan ku jiray intii ka soo horjeeday qaabkii uuku
dhamaaday shirkii djabouti 4.5 ka ay saas tahay haddii ay
wax ku kala socon karayaan soomaalina intay isku timid ay
saas garatay waxaan doorbiday bal in la taageero waxii talo
ah oo lagu hagaajin karayana wax lagu darsado , markii
Nairobi la yimid aragtido waxay ahayd in qoloftii ka timid
jabouti in aan la waayin ha qaldanaato haday rabtee , is
jiid jiid badan ka dib waa tan ay dhalatay DFKS. Siday ku
dhacdayba ha ku dhacdee iyo ujeedadii dadka cabdullahi u
doortay maalintaas madaxweyna nimadu ha ahatee waa mid
dhacday ta’wiilkeeda iyo fasiraadeeda ninba siduu rabo how
qoro ama how qaato , sido kale ra\isulwasarah geedi siduu
ku yimid, Kuwii la rabay in lagu soo dabo shirka Nairobi oo
gacanta ku hayey moqdishu soconwayday oo arrintu way labo
kaclaysay mar marsiyo ha laga dhigto haddii la rabo ETHIOPIA
ayaa nagu soo duulaysa in yar oo runta ahse ha laysku sheego
:
1 - Soomaliya haddii aan
ciidamo shisheeye oo ka qayb qaata nabadaynta iyo hub ka
dhigistay maleeshiyada ku baahday soomaaliya dowlad shaqayn
karaysa ma leh
2 - Ethiopia markii runta
loo hadlo in kasto ay dowlad dhisan tahay way kaa itaal
darantahay , oo intaas oo qowmiyadood, oo kacdoon baahsan
ka jiro ayaa dhex jiifa , danaynta ay soomaaliya danaynayso
waa mid ay rabto in ay ku hesho dowlad ugu yaraan ayada
xulafo la ah oo noqota mid aysan gacan ka helin qowmida haas
kacsan.
3 - Ethiopia khaasatan
Tigreega xukunka haysta maanta in kilka 5 ee soomaalidu
dagto uu noqdo mid iski u istaaga way ka shaqeeyeen lakiin
ummadda dagtaa kilkaa wayhanan la’yihiin illaa iyo maanta
maamulka kilka (musuqmaasuq ‘ hanti lunsasho , maamul
xumo)layaab ma leh waxii soomaaliya soo rogay oo hadda ah
Ethiopian ayaa lawareegay maamulka. Ummadu ayadoo
dagaalamaysa ayey isla markaasna dalkeed ama deegaankeeda
hadba inta uu u ogolyahay maamulkaasi samaysataa waxay
durugsan kartana durugsataa.
4 - Midda nakala saarta
waxa weeye qofka Ethiopianka ka ah qaran nimo ayuu
aaminsanyahay qabiil ka hor , annigu dibada ayaa wax ku soo
bartay , arday ay dhaleen dadkii xukunka boqortooyadii la
radiday ay dhaleen ayaan wax isla baranjirnay waa
lixdankii nin oo la dili jiray markii kacdoonku ka dhashay
Ethiopia oo xayle salase la riday , ardadaas qaarkood
aabayaashood ayaa la dilay , intay tola’ay dhihi lahaayeen
waxay dheen baga wax la dilo way istaahileen ummadda dhib
ayey ku hayeen aan loo adkaysan Karin , bal ninka
soomaaliga ah oo ay ka suurtoobi karto in uu mowqif saas oo
kale ka qaadankaro iska dhaaf aabihiise ina adeerkiis bal
keen , kolba ma filayo nin soomaaliya oo heerkaas u
bislaaday in uu jiro , in aan qaldanahayna waan jeclaan
lahaa
5 - Markii dhibto ka
dhacday Soomaaliya ummaddii u qaxday Ethiopia wax dhiba
lama kulmin marka loo eego waxii ku dhacay soomaalidii u
qaxday Kenya (dhac , kufsasho , hanti kala wareeg , xabis
dhigid , illaa iyo maantana qaxootiga jooga Kenya lagu hayo
iyo kuwa jooga Nairobi).
Marka aan u soo laabto
Maxkamadihii Islaamka ahaa ee ka dilaacay Muqdisho mid waa
marag madoonto in uu ahaa kacdoon dadweyn oo ay iskaga
qaadayeen baladi ku habsatay 16 sano oo kala qoqobaysay ,
midna way ahayd oo asalkeedii baa ahaa oo qabiil kama
marnayn marka loo raaco aragti iyo aqoonba , waxaa u raacay
intaas lahaansho la’aan aragti siyaasadeed oo qotodheer ,iyo
ayagoo aan caga dhigan oo maamul wax ku ool ah oo loo soo
istaagi karo aan ka samayn magaalo madaxdii oo ay awood u
waayeen dhibta daahsoon oo xamar ka jirta awgeed , waxaa
intaas u raacday dhalinyaro fudayd watay oo ay xakamayn
waayeen golaha shuuradu farahoodana ka baxay, soo raaci
intaas ayagoo dhexdooda qaar mijaxabeen ku jirtay iyo kuwo
ka shaqaynayey in la burburiyo waxii lagu soo dhoodhoobay
Nairobi ee dowlad ku sheega ahayd taas wax kastaba ha
ahaatee weynteedu maant waxaan dhib ahayn aysan u soo
kordhinayn soomaaliya.
Haddii aan u guda galo soo
galitaan ciidamadda Ethiopia soomaaliya , waxaa fiican in
labo qof lakala saaro :
- mid waa ninkii
aqoonsan qaab dhismeedka DFKS , kaas waxuu aaminsanyahay
aragti ahaan in ay dowlad jirto , dowladaas ay saaxiibo
leedahay , ay xiriir leedahay , ay heshiisyo difaac
lagali karto dowlado …… iyo waxii xiriir ah ay dowlad
samaysankarto , markaas haddii dowladaas ay ka dalabto
dowlad ay saxiib yihiin (sida Ethiopia) iyo dowlado
kaleba ka soo qaade in ay ka gacan siiso nabdaynta dalka
iyo hub ka dhigista xaq bay u leedahay , sidaas darted
ayaana wax ka horyimid soo galitaanka ciidamadda
Ethiopia Soomaaliya aysan jirin .
- lakiin ninkii aan
aqoonsanayn jiritaan waxa la yiraahdo DFKS hadde xaq
ayuu u leeyahay in uu ka hadlo gumaysi iyo waxii la mid
ah marka qofka ka hadlaya soogalitaanka ciidamada
Ethiopia soomaaliya waxaa fiican in uu horta cadeeyo
mowqifkiisa ku aadan DFKS.
Haddaan u soo laabto
xaaladda maanta taagan waxay ila tahay in laga gudbo durbaan
tumid ah Ethiopia ayaa nagu soo duushayda ah oo ummadda
lagu marin habaabinayo , runti maanta ninka ka soo horjeeda
s soo galitaanka Ethiopia soomaliya qabiil ahaan ayuu ugu
soo horjeedaan inta badan , kan la jiraana sidoo kale weeye
, taasna waxaa ku lumaysa dantii ummadda. waxay ila tahay
dantu waxay ku jirtaa in la taageero DFKS dadaalka ay ugu
jirto nabadaynta dalka , dowlad xun kolba dowlad la’aan way
dhaantaa, in lagu dadaalo sidii loo najaxin lahaa shirka dib
u heshiisiinta ee dowladdu ku dhawaaqday, in la saxo waxii
la sixi karo, in la soo dhaweeyo ciidamada ka imaanaya
Africa sidii loo nabdayn lahaa soomaaliya , isla markaasna u
noqota sabab ku filan in ay ka baxaan dalkeen ciidamada
Ethiopia, waxaan huba xal u helid mushkiladda soomaaliya mid
meel dheer jirta in aysan ahayn haddii niyad sami lahelo ,
sida ugu dhaqsaha badana aan ka kaaftoomi karayno haddaan
aragti suuban la nimaadno oo qabiil ka dheer , oo bal mar un
aan qaran nimo u fakarno , in laga waantoobo aragtida ah in
ciidamada nabadaynta ka qaybgalayaa ay qabiil u adeegayaan
, in besesha caalamku ku taageerto DFKS sidii uu u najixi
lahaa shirka dib u heshiisiintu
In DFKS ay ka shaqayso
sidii ay u kasban lahayd kalsoonida ummadda soomaaliyeed ,
in la soo celiyo ciidamadii soomaaliya iyo poliska ka qayb
qaadan laha nabadaynta iyo hub ka dhigista dhammaan gobolada
soomaliya ayagoo adeegsanaya ciidamada Africa uga imaanaya
iyo ayagoo is aamina in ay ciidan qaran yihiin aamina oo
hab qaran nimo ku shaqeeya. In website yadda af soomaaliga
ku qoraa ay ka waantoobaan intii suurta gal aragtida qabiil
oo ay ku dadaalaan bal sida ugu roon oo aragti qaran loo
heli karo , sido kale warbaahinta soomaaliya ku fiday ayadoo
intuba ay aad iyo aad u fa’iido badanyihiin haddii si hufan
loo isticmaalo.
Shacabka soomaaliyeed
waxaan leeyahay ha laga waantooba arragtidaan wax walba
qabiilka loo saarayo waxii watana ha lagu diido waxii ku
shaqaysanayana ha laga waaniyo hana laga hortago, hab qaran
ha loo fakaro iyo sidi si wada jir ah dhibtan looga bixi
lahaa , ha layska qabto kuwa doonaya wax walba in ay
burburaan ayagoo danahooda gaarka ah fiirinaya kuna
andacoonaya in ay qabiilkooda u adeegayaan , duqo
dhaqameedka soomaaliyeed iyo isimada aragtida gaaban ee
qabiilka ku samaysan ka gudba ayaan leeyahay mid qaran nimo
ummadda u horseeda oo ha laga gudbo annagu haddaan reer
hebel nahay waa nala qadiyey , wasiir nalamasiin , iyo waxii
la mid ah , soomalidu waa in ay aaminto dulkan khayraadka ku
jira in 50 million oo qof iyo siyaado uu deeqi karayo
haddii u helo raggeeda iyo dadka khayraadkaas la soo bixi
kara .
Ugu dambayntii ummaadaan
waxaan aaminsanahay in ay caro rabbi ku dhacdayee , diintiin
iyo rabigiin u soo laabta oo is cafiya dhammaantiin, rabbi
tubta toosan ha na tuso.
Eng: Moxamud Xaaji
Cabdiraxman
Email:
mabdurahman1@hotmail.com
12/03/2007
Gen. Cabdiramaan Caare:
Taariikh Madow
Faafin: March 14,
2007
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.
Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo
siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa...
Akhri....
|