Daabaco
Boggan | Print
SomaliTalk:
Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag,
laakiin..
Akhri...
Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya
oo
Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka
Soomaaliya...
Akhri
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado
xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka
Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...
Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006
Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006
ARAGTIDA/MAQAALLADA
DADWEYNAHA EE MAANTA
Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu
gashay: Kismaayo
(70), Muqdisho
(74), Beledweyne
(77), Baydhabo
(85), Galkacyo
(106),
Sarbeebtii Diinaari |
Wararkii: March 14, 2007
- C/llaahi Yuusuf oo
isagoo ku sugan Madaxtoonyada lagu soo weeraray..
- Ciidamada Itoobiya
oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..
- Ciidamo Itoobiyaan
ah oo lagu weeraray inta u dhaxeysa Zobe iyo..
- Qaar ka mid ah
Xubnaha Dowladda oo diiday in ay Muqdisho yimaadaan…
- Afhayeenka
Ciidamada Midowga Afrika oo sheegey .
- Xil ka qaadistii
Muxiyadiin Darbaweyne oo ay soo dhaweeyeen Bahda
Sporti-ga …
- Beelaha Isaaqa ee
Koonfurta oo dhaleeceeyey Guddi ay hore u sameysteen..
- Weerar lagu qaaday
gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada
Muqdisho..
- Dr. Axmed Taajir oo
ku guuleystey in in Buro 5 kiilo ah ka soo saaro Gabar
yar oo jirta Sagaal bilood
C/llaahi Yuusuf oo isagoo
ku sugan Madaxtoonyada lagu soo weeraray..
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay soo
gaaray Magaalada Muqdisho ayaa isagoo ku sugan xarunta
Madaxtoonyada waxaa weerar ku soo qaaday kooxo aan la
garaneyn, waxa uuna socday weerarkaasi mudo daqiiqado ah,
ayaan la garaneyn khasaarihii ka dhacay xarunta
madaxtoonyada, hase yeeshee madaafiicdii ay rideen Ciidamada
Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa khasaaro ka soo
gaartay dad rayid ah, waxaana la xaqiijiyey in ay ku
dhinteen ilaa iyo 7 qofood oo ay madaafiicdu guryahooda ugu
tagtay.
Warar ayaa waxay sheegayaan
in markii madaxtoonyada la weeraray uu Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed kulan la lahaa saraakiisha ciidamada oo uu kala
hadlayey arimaha nabadgelyada ee Magaalada Muqdisho.
Madaafiicdii la ridiyey
ayaa waxay ku dhaceen agagaarka Cali Kamiin, xaruntii hore
ee Xisbiga, Baar Ayaan iyo Foloransa iyo waliba Towfiiq.
Sidoo kale madaafiicdaasi waxay dhaawaceen dad gaaraya ilaa
iyo 15 qofood.
Bishii janaayo ee sanadkaan
ayay ahayd markii goor habeen ah kooxo aan la garaneyn ay
madaafiic ku gaareen Madaxtoonyada xiligaas oo uu ku sugnaa
Madaxweyne C/llahi Yuusuf.
Maalintii doraad ayay ahayd
markii Golaha Baarlamaanka isku raacay in Golaha
Baarlamaanka iyo xukuumaddaba ay si dhaqsi leh ugu guuraan
Magaalada Muqdisho si ay halkaasi uga hawlgalaan, hase
yeeshee qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda ayaa sheegay
in waqtigaan aysan xasilooni qabin Muqdisho.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed ayaa dhawaan ku dhawaaqayin 16-ka bisha April lagu
qaban doono Muqdisho kulan dib u heshiisiin ah oo lagu soo
afjarayo khilaafaadka u dhexeeya Beelaha Soomaliya, hase
yeeshee kulan ay dhawaan iyana isugu yimaadeen Odoyaasha iyo
Waxgaradka Beelaha Hawiye ayaaa iyana sheegay in aysan ka
qaybgali doonin kulankaasi, iyagoo Madaxweynaha ku eedeeyey
in uu ku xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah.
Ciidamada Itoobiya oo
kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Darmooley ee
Ceel-Cirfiid ayaa kufsaday Hooyo-Soomaaliyeed oo da’deedu
tahay 37 jir oo dhashay sideed carruur ah mar ay ku soo
socotay Magaalada Muqdisho, wadatayna Gaari Dameer u saarnaa
xoogaa Caws ah oo ay dooneysay inay ka iibsato Magaalada
Muqdisho.
Hooyadaas Soomaaliyeed oo
lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa shalay shir
jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho, waxayna ku
faahfaahisay qaabkii ay Ciidamada Itoobiya u kufsadeen,
waxayna sheegtay in ay goor barqo ah ay ku soo baxeen labo
nin oo Itoobiyaan ah kadibna inta ay gaarigii ka dejiyeen ay
u geysteen garaacis, kadibna ay u jiideen meel hawd ah
halkaas oo ay ku fara xumeeyeen.
Suuban waxay sheegtay in waqti dambe halkaasi laga soo
qaaday iyadoo aad u xanuusaneysa, waxaana la keenay
Isbitaalka Kaydsaney, waxayna Taakhaatiirtu sheegeen in
Hoyadaas Soomaaliyeed si xun loo kufsaday, waxayna ku
wargeliyeen ninkeeda in uusan u tagi mudo lix bilood ah,
dhanka kalana aysan nuujin Karin canugeeda, mudadadaas
kadibna dib loogu soo celiyo Isbitaalka si looga baaro
cudurkaq Aidska.
Ninkeeda oo lagu magacaabo Axmed Cali Xasan ayaa waxa uu
sheegay in Xaaskiisa lagula kacay wax ka baxsan
Bini’aadannimada, waxaa uuna u soo jeediyey Dowladda
Federaalka in ay gacan ka gaysato sidii gacanta loogu soo
dhigi lahaa labadii nin ee Itoobiyaanka ah ee kufsaday
Xaaskiisa.
Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin kufsiga
loo gaystay hooyadaasi Soomaaliyeed, dhanka kale shacabka
Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa iyana aad
uga carooday falkaas lagula kacay hooyadaas Soomaaliyeed ee
dhashay 8-deeda carruurta ah.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo
lagu weeraray inta u dhaxeysa Zobe iyo..
Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey inta u dhexeysa
Isgooysyada Soobe ilaa iyo kan Banaadir ayaa halkaas lagu
weeraray, waxaana lagu waramay in ciidamada Itoobiya laga
gubay gaari, sidoo kalana kooxdii gaystay weerarkaasi ayaa
iyana waxay sidoo kale rasaas la dhaceen Ciidanka Itoobiya
ee Gawaaridaas saarnaa, markaas kadib oo ay Ciidamada
Itoobiya rasaas aan loo meel dayin ku fureen dadweynihii
halkaasi ka dhawaa, waxaana halkaasi ku dhintay afar qofood
oo ka ag dhawaa goobtii uu ka dhacay weerarkaasi.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in markii la
weerarayey ay ahaayeen kuwo ka baxayey Magaalada Muqdisho
kuna sii jeeday dalkooda, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa
yimid markii dambe Ciidamo ka socday Dowladda Federaalka oo
baaritaan kula dhaqaaqay dadweynihii halkaasi ka dhawaan
iyadoo qaarkood loo gaystay jirdil, sidoo kale dad goob-joog
ahaa ayaa sheegay in ciidamadii Dowladda ay galeen masaajid
halkaasi ku yiilay, iyagoo wata kabahoodii, waxaana si aad
ah arintaasi uga carooday dadkii ku dukanayey masaajidkaasi.
Qaar ka mid ah Xubnaha
Dowladda oo diiday in ay Muqdisho yimaadaan…
Wararka naga soo gaaraya Baydhabo waxay sheegayaan in xubno
ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka ay diideen inay yimaan
Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in Magaalada
Muqdisho aysan ahayen magaalo nabdoon oo aysan xiligaan ka
shaqeyn Karin xubnaha labada gole.
Xubnahaan waxay sheegeen in ay iska joogi doonaan Magaalada
Baydhabo, hase yeeshee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa
sheegay in Xildhibaankii iyo Wasiirkii aan tagin Magaalada
Muqdisho uu la mid yahay nin ka soo horjeeda go’aanka
Baarlamaanka.
Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Muqdisho waxaa soo
gaaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la filayaa
in maalmaha soo socda Muqdisho ay soo gaaraan xubnaha labada
gole, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi lagu waramay
in uu maalintii shalay ahayd u ambabaxay Magaalada Nayroobi
halkaasi oo uu kulamo kula soo yeelan doono mas’uuliyiin ka
tirsan Beesha Caalamka iyo waliba Dowladda Kenya.
Weerar lagu qaaday
gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada
Muqdisho..
Burburkii Gaarigii Ibrahim Omar Sabiye oo yaal wadada dhinaceeda,
Sawirka: Talaada March 13, 2007. [AP]
Gaari uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada
Muqdisho ee Arimaha Nabadgelyada iyo Siyaasadda Ibraahim
Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa mar uu marayey agagaarka
Isgooyska Xararyaale waxa uu la kulmay qarax aad u weyn oo
gebi ahaanba burburiyey gaarigii uu Saarnaa Guddoomiye ku
xigeenka.
Gaarigaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen labo
qofood oo uu ku jiray ku xigeenkii Ibraahim Shaaweeye oo la
oran jiray Mudane Duubane, dhanka kalana Ibraahim Shaaweeye
ayaa isna la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.
Gaari DFKMG oo gubanaya, Muqdisho, Talaada march 13, 2007. AFP
Gaarigaan oo gebi ahaanba burburay ayaa la garaneyn in
qaraxaasi uu ahaa mid uu loo dhigay Gaariga ama uu ahaa mid
horey loogu soo rakibay, waxaana haatan baaritaan ku haya
Ciidamada Dowladda Federaalka.
Waxaa maalmahan weeraro lagu hayey mas’uuliyiinta iyo
Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo dhawaan Isgooyska
Lambar Afar lagu dilay labo ka tirsan Ciidanka Booliiska
kadib ay si gaadmo ah ku soo weerareen kooxo dabley ah,
sidoo kale waxaa iyana weerar lagu qaaday ciidamo ka tirsan
Dowladda Federaalka kuwaas oo la sheegay inay waxyeelo ka
soo gaartay weeraradaasi.
Afhayeenka Ciidamada
Midowga Afrika oo sheegey .
Afhayeenka Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta ayaa shalay
waxa uu daboolka ka qaaday in ciidamada Midowga Afrika ay
dhex dhexaad ka noqon doonaan Xaaladda Soomaaliya.
Afhayeenku waxa uu sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan
Odoyaasha iyo Waxgaradka ku nool Magaalada Muqdisho si looga
wada hadlo xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho oo
maalmahan faraha ka sii baxeysay.
Ciidamo Uganda ah oo ilaalinaya
Garoonka Muqdisho. March 12, 2007. Reuteres
Afhayeenka waxaa kale oo uu sheegay in Midowga Afrika uu
qorsheynayo in qaybaha Siyaasadda isku haya ee Soomaalida la
isugu keeno shir dib u heshiisiin ah, waxa uuna carabak ku
adkeeyey in shirkaasi laga qaybgeli doono Mas’uuliyiinta
Maxaakiimta Islaamiga ah.
Xil ka qaadistii Muxiyadiin
Darbaweyne oo ay soo dhaweeyeen Bahda Sporti-ga …
Iyadoo maalintii doraad ahayd Shirweyne ay isugu yimaadeen
Naadiyadda kala duwan ee K/cagta ayaa waxay ogolaadeen
go’aankii Guddiga Fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta
ee ahaa in xilka laga qaado Muxiyadiin Xasan Cali Darbaweyne
kadib markii lagu eedeeyey in uu lunsaday dhaqaalihii
xiriirka iyo waliba in uu ku xadgudbay xeerka Xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta.
Bahda Isboortiga ayaa si weyn u soo dhaweysay xil ka
qaadistaasi waxayna ku tilmaameen mid toosineysa Xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta oo ay sheegeen in uu wax weyn ka
tari karo horumarinta k/cagta ee Soomaaliya.
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed waxay u rajeeyeen waxay u
rajeeyeen Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta
Siciid Mugaanbe in uu xilkaasi u guto si cadaalad ah iyagoo
uga digay in uu qaado wadadii Muxiyadiin Darbaweyne.
Guddiga xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa mudooyinkaan
kulamo ka lahaa waxa laga yeelayo Muxiyadiin Darbaweyne,
waxayna aakhiri-taankii isku raaceen in xilka laga qaado
Muxiyadiin Darbaweyne, iyadoo ugu dambeyntii soo hor dhigay
go’aankaasi Shir aan caadi aheyn ee isugu yimaadeen madaxda
Naadiyada kuwaas oo markii dambe cod aqlabiyad ah ku aqbalay
go’aankaasi.
Beelaha Isaaqa ee
Koonfurta oo dhaleeceeyey Guddi ay hore u sameysteen..
Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiiyeen Odoyaal iyo
Waxgarad ka tirsan Beelaha Isaaqa ee Koonfurta Soomaaliya
ayaa waxay dhaleeceeyeen guddiga Beelaha Isaaq ee Koonfurta
Soomaaliya waxayna ku eedeeyeen in ay ku takrifaleen hanti
ay lahaayeen beelaha Isaaq ee Koonfurta, sidoo kale waxay ku
eedeeyeen inay bedeleen magicii Guddiga Beelaha Isaaq.
Max’ed Xirsi Axmed oo ka mid ahaan jiray Guddigaasi ayaa
waxa uu sheegay in uu ka baxay guddigaasi sababa la xiriira
eedeymahaasi.
Guddigaan oo u qaybsanaa uruurinta Beelaha Isaaq ee
Koonfurta, iyo waliba ka hortagida wixii dhibaato ah ee ku
imaan kara beelahaasi, ayaa waxgaradkaani waxay sheegeen in
dhamaan waxyaabahaasi aysan guddigii loo xilsaaray waxba ka
qaban, waxayna u soo jeediyeen in guddigaasi si deg deg ah
xilka u wareejiyo.
Qoraalkaan ayaa waxaa kaloo guddiga Isaaq lagaga dalbaday
inay dib u soo celiyaan wixii hanti laheyd beeshu oo ay
horey u lunsadeen.
Dr. Axmed Taajir oo ku
guuleystey in in Buro 5 kiilo ah ka soo saaro Gabar yar oo
jirta Sagaal bilood
Waxaa taariikhdu Markey ahayd 7/3/2007, Isbitaalka Kaysaneey
Loogu sameeyay Qalliin Gabar yar ee jirta 9 Bilood, Gabadha
waxaa lagu magacaabaa Caasha Cismaan Isaaq, Hooyadeedna
waxaa lagu Magacaabaa Soonto Cali Aadan, Gabadha ayada oo
jirta 2 Billood waxay eheledeeda caloosha Uga arkeen Buro
aad u soo korayso bilba bisha ka dambeeysa, Ilaa ay kala
ekaato waynigeeda sida sawirka ka muuqda, Laguna qiyaasay
ilaa iyo 5 Kiilo.Gabadha oo ka dhalatay qooys aad sabool u
ah, ayeey la Xariireen Isbitaalka SOS ee magaalada muqdisho,
kadbna sidaa ayaa Loogu soo wareejiyay Isbitaalka Keysaneey
oo Qalliinka ,Loogu sammeeyay si tabarrucaad ah, ayadoon wax
lacag ah Laga qaadin, Qalliinka waxaa looga soo saaray Buro
culyskeeda lagu Qiyaasay 5 Kiilo oo Caloosh ilaa iyo Kalyaha
ku fidday. Ilaahay mahaddiis waa lagu guuleeystay qalliinka
oo socday qiyaastii 2 Saac, Haddana xaaladda bukaanku waa ay
wanaagsantahay, Qalliinka waxaa sammeeyay Dr.Ahmed Mohamed
Ahmed [Ahmed Taajir] Madaxa Qalliinka Isbitaalka Keysaneey.
Hadaba Gabdhaa yar ciddii dooneysa in ay u kaalmeyso ha la
soo xiriiraan
Dr ahmed mohamed ahmed
dr_taajir@hotmail.com
ama Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494
Faafin: March 14,
2007
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.
Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo
siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa...
Akhri....
|