Daabaco
Boggan | Print
SomaliTalk:
Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag,
laakiin..
Akhri...
Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya
oo
Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka
Soomaaliya...
Akhri
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado
xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka
Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...
Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006
Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006
ARAGTIDA/MAQAALLADA
DADWEYNAHA EE MAANTA
Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu
gashay: Kismaayo
(70), Muqdisho
(74), Beledweyne
(77), Baydhabo
(85), Galkacyo
(106),
Sarbeebtii Diinaari |
Wararkii: March
13, 2007
- Ciidamada
Itoobiya oo maalmaha soo socda Gebi ahaan ka bixi doona
Soomaaliya?
- Qarax ka dhacay
Suuq-Bacaad oo sababay...
- Golaha Baarlamaanka
oo ansixiyey in Xukuumadu ku shaqeyso Muqdisho..
- Guddoomiye cusub oo
loo doortay ururka Samo..
- 20-kooxood oo
ansixiyey Go’aankii ee Guddiga Fulinta Xiriirka
soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ee ahaa in Xilka laga
qaado..
- Wakiilka Isboortiga
Puntland ee skandeneefiyanka oo qalab Isboorti la
gudoonsiiyay
-
Belarus cargo plane attacked in Somalia,
nobody hurt
Ciidamada
Itoobiya oo maalmaha soo socda Gebi ahaan ka bixi doona
Soomaaliya?
Ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya bishii December
sanadkii hore iyagoo gacan siinayey Dowladda Federaalka ah
mar ay dagaal la gashay Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa "la
filayaa" in maalmaha soo socda gebi ahaanba ka baxaan dalka
Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya ayaa wararku sheegeen in "xoogoodii" ay
haatan ka baxeen dalka, waxayna Magaalada Muqdisho ka
joogaan dhowr goobood, iyagoo doraad wareejiyey Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la filayaa inay maalinta beri
ah wareejiyaan Dekedda weyn ee Muqdisho, iyagoo ku wareejin
doona ciidamo ka socda Midowga Afrika ee nabad ilaalinta ah
ee haatan ka joogaan Muqdisho kuwa dalka Uganda.
Ciidamada Itoobiya ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in
inta aysan bixin ay ka qayb-qaadaan hawlgal lagu sugayo
ammaanka Magaalada Muqdisho, kadib markii Muqdisho ay
noqotay goob ay maalin walba ku dagaalamaan Ciidamada iyo
kuwa Dowladda Federaalka ah oo garab ah iyo kooxo kacdoon ka
wada Muqdisho.
Qarax ka dhacay
Suuq-Bacaad oo sababay...
Shalay galabnimadii ayaa qarax banbaano waxa uu ka dhacay
meel ay isugu yimaadaan dadka oo ku taala Suuqa-Baac ee
Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku geeryooday hal qof
oo ahaa dadkii halkaa ku sugnaa.
Qaraxaan oo qalqal geliyey suuqaasi ayaa la garaneyn ciddii
ka dambeysay iyo sababihii halkaasi loogu tuuray.
Dhinaca kale shalay ayaa Isgoyska Black Sea lagu dilay nin,
laba kalana lagu dhaawacay, kadib markii ninka la dilay ay
soo weerareen kooxo dabley ah.
Waxaa maalmahan Muqdisho ku soo kordhayey dilalka dad aan
waxba galabsan iyo qaraxyada lala beegsanayo goobaha ay
degan yihii ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, tanina
waxay kentay in ay cirka isku shareerto Xaaladda Nabadgelyo
ee Magaalada Muqdisho.
Golaha Baarlamaanka oo
ansixiyey in Xukuumadu ku shaqeyso Muqdisho..
Kulan ay shalay isugu yimaadeen Xubnaha Baarla-maanka ayaa
waxaa looga hadlay arimo la xiriira sidii ay Dowladda ugu
shaqeyn lahayd Magaalada Muqdisho.
Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa la isku raacay in
xukuumadda ay ku shaqeyso Magaalada Muqdisho, sidoo kale
madaxtoonyada ayaa ka mid ah go’aanka Baarlamaanka ee ah in
Xukuumadda iyo madaxweynuhu ku shaqeeyaan.
Xubnaha dowladda ayaa la filayaa inay soo gaaraan Muqdisho
todobaadka Soo socda, iyadoo maalmaha soo socda lagu waramay
in ay Muqdisho ka bilaaban doonto hawlgal aad u balaaran oo
lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka
qayb-qaadan doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo
kuwa booliiska.
Soo gelitaanka Dowladda ee Magaalada Muqdisho ayaa dadka
siyaasadda u kuurgala waxay sheegayaan in ay ka dhalan karto
iska hor imaadyo iyo dagaalo ka dhaca Magaalada Muqdisho,
kaas oo dadka rayidka ah ku gaysan kara khasaare naf iyo
maalba leh, waxayna dadku codsadeen in Dowladda marka hore
sugto Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye cusub oo loo
doortay ururka Samo..
Waxaa maalintii shalay kulan isugu yimid Waxgarad, Odoyaal
iyo Siyaasiyiin ka tirsan ururka Samo waxaana kulankaasi
looga hadlay sidii ururka Samo u yeelan lahaa guddoomiye
cusub.
Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa la isku raacay in
Guddoomiye loo doorto Ibraahim Maadaay Axmed.
Guddoomiyaha mar uu hadlay Doorashada kadib waxa uu sheegay
in ururkiisa uu soo dhaweynayo shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed oo dhawaan la filayo in lagu qabto Muqdisho,
waxa uuna sheegay in aysan mar dambe ogolaan doonin in wax
lagu qaybsado 4.5, isagoo sheegay in Beelaha Ururka Samo ay
ka kooban yihiin lix beelood.
Guddoomiyaha cusub waxa uu sheegay in uu dadaal u gali doono
sidii uu isugu keeni lahaa beelaha Jareerweyne, waxaa kaloo
uu sheegay in ururka Samo uu soo dhaweynayo in wada hadal
lala yeesho cid kasta oo wax tabeysa si loo soo gebagabeeyo
xaaladda qasan ee ka taagan Soomaaliya, waxaa kaloo halkaasi
ka hadlay Ugaaska Beesha Jareerweyne Ugaas Axmed Sheekh
Maxmed iyo Guddoomiye ku xigeenka Samo Axmed Sheekh Abuukar,
waxayna dhamaantood sheegeen in ay soo dhaweynayaan
Guddoomiyaha cusub.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
20-kooxood oo ansixiyey
Go’aankii ee Guddiga Fulinta Xiriirka soomaaliyeed ee
kubbadda Cagta ee ahaa in Xilka laga qaado..
Maalintii shalay ahayd Hotel Muqdisho Ex- Daameeye ee
Magaalada Muqdisho ka dhacay shir-weyne aan caadi aheyn oo
ay isugu yimaadeen kooxaha hoos yimaada Xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana kulankaasi looga hadlay
dhowr qodob oo kala ah, in la kala qaato warbixin guud oo la
xiriirta waxyaabihii u qabsoomay xiriirka Soomaaliyeed K/cagta
markii lagu doortay Magaalada Bqydhsbo, ansixinta go’aankii
Guddiga Fulinta ee ahaa in xilka laga qaado Guddoomiyaha
xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Muxiyadiin Darbaweyne kadib
markii lagu eedeeyey in uu lunsaday lacago uu lahaa xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta, ansixinta Miisaaniyadda Xiriirka ee
2007, ansixinta hanti dhowr madax banaan, taariikhda la
qabanayo shirweynaha xiriirka Soomaaliyeed ee k/cagta.
Kulankaan oo ay ka
qaybgaleen ilaa iyo 20 kooxood ayaa waxaa halkaasi looga
dooday qodobadii la soo hordhigay, waxaana goob joog ka haa
mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo
Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Cusmaan
Max’ed Gacal. Mas’uliyiinti ka socotay kooxaha ayaa u
mahadceliyey guddiga fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta,
sida ay u badbaadiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta,
waxay kaloo mas’uuliyiintaasi sheegeen in loo baahan yahay
in la horumariyo xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.
Gebagabadii waxay kooxuhu ansixiyeen go’aankii guddiga
fulinta xiriirka Soomaliyeed ee K/cagta ee ahaa in xilka
laga qaado Muxiyadiin Xasan Cali Darbaweyne, waxaana u
codeeyey 20- kooxood, iyadoo shan kooxna ka aamuseen.
Mas’uuliyiinta kooxaha waxa ay guddoomiye ku meel gaar ah u
doorteen Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe),
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga
Dowladda Federaalka Mudane Gacal ayaa u mahadceliyey
mas’uuliyiinta kooxaha sida xoriyadda leh ee ay u doorteen
Guddoomiye Siciid Mugaanbe, waxa uuna u soo jeediyey
mas’uuliyiinta kooxaha iyo guddiga fulinta xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta u soo jeediyey inay la shaqeeyaan
guddoomiyaha cusub.
Kulankaan oo qaatay dhowr
saacadood ayaa waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiinta guddiga
olombikada Soomaaliyeed oo iyana si aad ah u soo dhaweeyey
isbedelka weyn eek u yimid Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta,
waxayna ka codsadeen Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah inuu si
cadaalad ah ugu shaqeeyo K/cagta, waxaana shirweynahan
xiriirinayey xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta C/Qani
Siciid Carab.
Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Xiriirka Soomaaliyeed ee
K/cagta Siciid Max’ed Nuur (Siciid Mugaanbe) oo isna ka
hadlay goobtii doorashada ayaa sheegay in uu waa-cusub uu u
baryey xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, isla markaana waxa
uu sheegay in uu ku shaqeyn doono si cadaalad ah, isagoo u
soo jeediyey mas’uuliyiinta kooxaha inay gacan ku siiyaan
xilkaasi loo dhiibay.
C/llaahi Aabow oo ku hadlayey Magaca kooxaha ayaa waxa uu
sheegay in wixii haatan xiriirka looga baahan yahay in uu la
yimaado qorshayaal ay ku qanci karaan dhamaan Ummadda
Soomaaliyeed si Kubbadda cagtu u gaarto horumar la taaban
karo.
Bilihii la soo dhaafay ayaa guddiga fulinta ee Xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta waxaa u socday kulamo ay kaga
hadlayeen sidii wax looga qaban lahaa lacago uu lunsaday
Guddoomiyihii xiriirka Muxiydiin Xasan Cali iyo ku dhaqmi
la’aanta dastuurka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, taasina
waxay keentay in guddigu isku raacay in xilka laga xayuubiyo
Muxiyadiin Xasan Cali Darba-Weyne, waxaana si ku meel gaar
ah loogu dhiibay Siciid Mugaanbe.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wakiilka
Isboortiga Puntland ee skandeneefiyanka oo qalab Isboorti la
gudoonsiiyay
xaflad ka dhacday Denmark kuna saabasaneyd qalab ispoorti oo
kala duwan oo ay gudoonsiyiinaayeen Somali Community ee
Denmark ayaa waxaa halkaas lagu gudoonsiiyay wakiilka
ispoortiga u fadhiya skandeneefiyanka dowlad goboleedka
puntland Saadaq Aden Mohaméd (suujino)
Cabdirashiid Sheekh (Siyaasi) oo ka mid ah mas’uuliyiinta
saree ee Somali Community ee Denmark ayaa ahaa ruxii
gudoosiiyay qalabka isboorti wakiilka isboortiga Puntland u
fadhiya skandeneefiyanka Saadaq Aden Mohaméd (suujino).
“waxaan mar walba ku dadaalnaa sidii aan ku hormari laheyn
isboortiga Soomaaliyeed, inagoo u heelan inaan kor u qaadno
sumcaddda Isboortiga Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdirashiid
Sheekh (Siyaasi) oo ka mid ah mas’uuliyiinta saree ee Somali
Community ee Denmark oo intaas sii raaciyay inay dadka
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay diyaar u yihiin
sare u qaadida isboortiga Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdirashiid Sheekh (Siyaasi)
inay kaalmadaan aysan noqoneyn tii ugu horeesay oo ay
siiyaan Maamul goboleedka Puntland, wuxuuna carabka ku
adkeeyay inay bixin doonaan kaalmooyin kale oo sare loogu
qaadi doono isboortiga Soomaaliyeed.
Ugu dambeentii waxaa halkaas ka hadlay wakiilka ispoortiga u
fadhiya skandeneefiyanka dowlad goboleedka puntland Saadaq
Aden Mohaméd (suujino) oo mahadcelin balaaran u jeediyay
Somali Community ee Denmark, wuxuuna sheegay in loo baahan
yahay in Jaaliyadha kale looga baahan yahay inay ku daydaan
Jaaliyada Denmark.
“Ma ilaabi doono dadaalka iyo gacanta ay na siiyeen Somali
Community ee Denmark, waxaana xusi doonta taariikhda” ayuu
yir wakiilka ispoortiga u fadhiya skandeneefiyanka dowlad
goboleedka puntland Saadaq Aden Mohaméd (suujino) oo
cadeeyay in qalabkaas isboorti uu wax weyn ka tari doono
sare u qaadida isboortiga Puntland.
Xafladaas waxaa goobjoog ka ahaa ciyaartooy hore oo
Soomaaliyeed iyo Jaaliyada Soomaaliyeed Denmark, waxeyna
aheyd mid si weyn loo soo agaasimay looguna mahad celiyay
Somali Community ee Denmark.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Faafin: March 13,
2007
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.
Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo
siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa...
Akhri....
|