SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARARKA
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


WARARKII: Maarso 12, 2007

  • Labo Soomaali ah oo Ku Dhintay Shil-Baabuur oo Ka Dhacay Minnesota, USA

  • Weeraro xalay lagu qaaday Ciidamada Itoobiya....

  • Warar ku saabsan xaaladda Kismaayo...

  • Salaad Cali Jeele oo sheegay in saacadaha soo socda wax laga qaban doono…

  • Ciidamada Itoobiya oo isku uruursanaya…

  • Ciidamada Uganda oo la wareegay ammaanka Garoonka…

  • Wabar C/llaahi Orey oo soo jeediyey in aan laga hordhicin...

  • Maalintii shanaad oo uu Dowladda u xiran yahay Weriye...


Labo Soomaali ah oo Ku Dhintay Shil-Baabuur oo Ka Dhacay Minnesota, USA

Wararka ka imanaya magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in laba dumar ah oo Soomaali ah ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay meesha lagu magaacabo Edina oo la ollog ah magaalada Minneapolis.


Meeshii shilku ka dhacay. Sawirka: Fox9

Barni Axmed oo 61-jir ah iyo Xaliimo Maxamuud oo 31-jir ah ayaa dhintay kaddib markii gaarigii ay wateen oo marayey meel u dhow halka ay iska gooyaan labada jir-weyne Highway 62 iyo Highway 169 uu qiyaastii 2.am (waa soo dhowaadkii habeenimadii Axadda March 11, 2007) si toos u duqeeyey gaari kale. Gaariga kale waxaa ku dhaawacmay dareewalkii oo 23-jir ah iyo qof kale oo la saarnaa.

Telefishanka FOX9 ee Minneapolis oo soo xiganey booliska ayaa sheegay in dareewalka aan weli magaciisa la sheegin ee 23-jirka ah oo wadey gaari ah nooca Lexus RX3 uu ku socdey dhinac khaldan ee jidka, sidaas daraadeedna uu si toos ah uga hor tegey gaariga ay wadeen labada marxuum ee dhintay oo ahaa nooca Plymouth Breeze.

Labada Soomaalida ah ee dhintay mid ka mid ah ayaa waxay ifka kaga tagtay toddoba carruur ah oo da'yar, sida uu sheegay ninkeedii, Hassan Mohamud, oo u waramay Telefishanka Chanel 5 ee Minneapolis. Waxa kale oo Telefishanku sheegay in marxuumiintu ka yimaadeen xaflad aroos.

Wadooyinka Minnesota ayaa habeenimadii Axada ay maridooddu aad u adkayd kaddib markii baraf badan ku dhalaalay waddooyinka, kaas oo sababay shilal baabuur oo dhawr ah.

Weeraro xalay lagu qaaday Ciidamada Itoobiya....

Xalay fiidnimadii ayaa waxaa koox aan la garaneyn weerar ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan wasaaraddii Gaashaandhiga iyo kuwa ku sugan Isbitaalka Digfeer. Dagaalkaan oo socday mudo dhowr daqiiqo ah ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxayna Ciidamada Itoobiya isticmaalayeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna ku dhacayeen goobo ku yaala Magaalada Muqdisho oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho ayaa iyana dhowr qoryaha culus ah ku riday xarumahaasi, waxay kaloo weerar toos ah la galeen Ciidamada Itoobiya, dadka ku dhaawacmay ayaa la sheegay in ay guryahooda ay dhigteen dhaawacooda, kaddib markii la waayey goobo loo marsiiyo Isbitaalada, waxaana laga cabsi qabaa in mararka qaarkood ay u dhintaan dhiigbax. Dagaalkii xalay oo inta badan ku baahay xaafadaha Al-Barakada, NBC, Shiirkole iyo ilaa ceymiska ayaa waxaa la sheegay in dadka intooda badan ku dhaawacmeen rasaasta yar yarta ah ee wiiftada ah.

Dhawaan ayay markii Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Wasaaradda Gaashaandhiga ay damceen in ay baaris ka sameeyaan, balse waxaa markii dambe lagu bilaabay weerar, waxaana ku dhintay dhowr qofood oo u badnaa dadka deegaanka, iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen labo askari oo Itoobiyaan ah, sidoo kale habeen hore ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid Magaalada Kismaayo, waxaa miino loo dhigay agagaarka Lambar Lixda, waxaana kaga qarxay labo gaari, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee gaaray ciidamada Itoobiya. Ciidamada Itoobiya ee ka yimid Kismaayo ayaa lagu waramaya in ay ka qayb-qaataan hawlo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, balse warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamadani ay bixin doonaan Ciidamada kale ee Itoobiya ee ku sugan goobo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Warar ku saabsan xaaladda Kismaayo...

Tan iyo markii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya magaalada Kismaayo ayaa waxaa isa soo tarayey xasilooni darida ka jirta Magaaladaasi.

Ciidamada Dowladda oo iyagu lagu wareejiyey ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa ilaa iyo hadda wax ka qaban ammaan daridaasi, iyadoo maalmilihii ugu dambeeyey Magaalada gudaheeda lagu dilay dhowr qofood oo aan waxba galabsan.

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo maamulka cusub ee gobalkaasi, sidoo kale kulan ay dhawaan yeesheen dhowr beelood oo wada dega deegaankaasi ayaa waxay sheegeen in ay si aad ah uga soo horjeedaan maamulkii loo dhisay gobalada Jubbooyinka, waxayna ku tilmaameen mid cadaalad daro ah. Habeenkii ayaa Magaalada waxaa laga maqlaa rasaas fara badan oo aan la ogeyn cidda rideysa, iyadoo ciidamada Dowladda ay iyana ku ekaadaan xarumahooda. Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkaan dambe waxa ay magan u noqotay qalalaaso ku aadan gacan ku haynta maamulka.

Salaad Cali Jeele oo sheegay in saacadaha soo socda wax laga qaban doono…

Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu dhamaaday wajigii hore ee wuxuu ugu yeeray argagixiso la dagaalanka, isagoo sheegay in saacadaha soo socda uu bilaaban doono wajigii labaad ee Hawgalka ammaanka Gobalka Banaadir oo uu sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan dhowr kun oo Askari.

Wasiir ku xigeenka waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay dib u soo celiso ammaankii iyo kala dambeyntii Magaalada Muqdisho oo waayadan faraha ka baxay.

Wasiir ku xigeenka waxa uu sheegay in ciidamada ay dhowr goobood ka degi doonaan Magaalada Muqdisho si ay u ogaadaan dhaqdhaqaaqa kooxaha caadeystay inay carqaladeeyaan Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Dadka u kuurgala arimaha Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Dowladda ku adkaan doonto in ay sugaan ammaanka Magaalada, maadaama inta badan shacabku yihiin kuwo aad u hubeysan horeyna u fashiliyey hawlgalo amaanka lagu sugayey.

Ciidamada Itoobiya oo isku uruursanaya…

Ciidamada Itoobiya oo Soomaaliya ku soo galay in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka ah ayaa haatan waxay bilaabeen inay isku ruursadaan duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Carbiska.

Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka yimid gobalada Jubbooyinka ayaa soo gaaray deegaanka Carbiska, hase yeeshee intii ay soo socdeen ayaa waxay la kulmeen qarax miino oo ay waxyeelo ka soo gaartay.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa garoonka Diyaaradah ee Muqdisho ayaa iyana u dhaqaaqay dhinacaa iyo deegaanka Carbiska, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda in ciidamada kale ee iyana ka jooga goobaha kale ee Muqdisho ay iyana halkaasi tagi doonaan.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa waxa uu horey u sheegay in marka ay yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ay si rasmi ah uga bixi doonaan Gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa deegaanka Carbiska ay u soo dhaqaaqeen Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay ka qayb-qaadanayaan hawlaha nabad ilaalinta ah ee Muqdisho laga bilabaanayo, wara kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamadani ay garab siin doonaan ciidamada Dowladda Federaalka ee dhawaan tababarka ugu soo dhamaaday Garoonka Balidoogle kuwaas oo intooda badan soo galay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Uganda oo la wareegay ammaanka Garoonka…

Maalintii shalay ahayd ayaa Ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta Midowga Afrika waxay la wareegeen ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxayna kala wareegeen ciidamada Itoobiya oo iyagu horey u hayey ammaanka Garoonka.

Ciidamada Uganda ayaa waxaa la sheegay ayaa waxaa la sheegay inay gebi ahaanba la wareegeen goobihii ay kaga sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee Goroonka Muqdisho, waxaana shalay la arkayey Ciidamada Uganda oo baaraya dadka doonaya inay garoonka galaan.

Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamada Uganda dhex dhexaad ka yihiin xaaladda Soomaaliya, isla markaana aysan wax shuqul ah ku laheyn in ay hubka ka dhigaan kooxaha maleeshiyada ah, balse waxa uu sheegay in haddii la soo weeraro ay is difaaci doonaan.

Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa haatan tiradoodu gaareysaa 1500 oo Askari, hase yeeshee mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika ayaa waxay sheegeen in ciidamada Uganda aysan awood u laheyn inay la wareegaan ammaanka dhamaan goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya, balse waxay sheegeenin loo baahan yahay in deg deg loo keeno ciidamo kale.

Maalintii shanaad oo uu Dowladda u xiran yahay Weriye...

Weriye u shaqeeya idaacadda Hoonafriik oo lagu magacaabo Xasan Sade Dhaqane ayaa maalintii shanaad u xiran ciidamada Dowladda Federaalka ah markii laga qabtay agagaarka Km4 maalintii khamiista ahayd.

markii la qabanayey Weriye Xasan Sade Dhaqane waxa uu ku jiray hawlihiisii saxafinimo, ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha rasmi ah ee loo xiray weriyahaasi.

Hay’adda xaquuqda Aadanaha ayaa cambaareeyey xariga Weriyahaasi kuna tilmaamay mid xadgudub ku ah xaquuqdiida Aadanah qodobkiisa 3-aad oo oronaya (qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo), sidoo kale Ururada Suxufiyiinta ayaa cambaareeyey xariga Weriye Xasan Sade Dhaqane waxayna Dowladda ka codsadeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo weriyahaasi.

Maalmahan dambe ayaa Dowladda Federaalka waxay waday hawlo dhan ka ah Saxaafadda madaxabanaan, iyadoo dhowr jeer la xiray weriyayaal iyo waliba xarumo war-baahineed.

Wabar C/llaahi Orey oo soo jeediyey in aan laga hordhicin...

Wabarka Beesha Cayr Wabar C/llaahi Orey Caraale ayaa ka hadlay shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in dhawaan lagu qabto Magaalada.

Wabar C/llaahi waxa uu sheegay in aan waqtigaan loo baahneyn in laga hor dhaco shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay soo martay saddex colaadood oo fog laga soo bilaabo sanadkii 1900.

Wabarku waxa uu sheegay in xiligaasi ay dhacday colaad loogu magacdaray Colaaddii Darwiishta iyo Duubcad, waxaana kala hogaaminayey Sayid Max’ed C/lle Xasan iyo Yuusuf Kayna Diid.

1925 waxaa dalka ka dhacay isku dhicii uu sababay turjubaanimada kadib markii gaaladu dalka qabsatay, sankadii 1960 markii xoriyada la helay waxaa soomaaliya ka bilowday colaad sababtay calaad daro, waxaana dhacay dil ilaa heer madaxweyne Gaarsiisan, kufsi, dhac barakicin, waxayna soo gaartay ilaa iyo 2007, ugu dambeyntii Wabarku waxa uu ku talinayaa in aan laga soo soka dhicin dib u heshiisiinta ee laga soo bilaabo 107 sano in ku siman.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: March 12, 2007

Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....

Dadka reer Uganda oo ka walwalsan Ciidamadooda loo direy Soomaaliya.
.Qarax Miino oo lala beegsdey Ciidamada Itoobiyaan ah oo..
.Iska hor imaad dhexmarey Ciidamo kawada tirsan DFKMG
.Gabar Soomaaliyeed oo lacag deeq ah u soo dirtay....
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Mar 11

Gen. Cabdiramaan Caare: Taariikh Madow
Dadka soomaaliyeed waa in ay u diyaargaroobaan Sidii..
Akhri



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com