Jaaliyada Soomaaliyeed ee San Diego, California
oo Sameysay mudaharaadkii labaad ee ay kaga soo
horjeedaan qabsashada Itoobiya ee dalka
Soomaaliya.
Maarso 9, 2007 San Diego (California): Jaaliyada
magaalada
San Diego ee gobolka California ayaa maalintii
Jimcaha ahayd ee bisha Maarso 9 keedii 2007
sameysay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan
qabshada Itoobiya ay qabsatay dhulka
Soomaaliyeed. Mudaharaadkaas oo ahaa mid si heer
sare ah loo soo agaasimey waxaa ka soo qeyb
galay dadweyne ay tiradoodu kor u dhaaftay ilaa
iyo laba boqol oo qof. Dadweynahaasu waxay isu
jireen haween, carruur, odeyaal , dhallinyaro
iyo wax garadba. Dadkii mudaharaadka sameynayey
waxay socod dheer ku mareen badhtamaha magaalada
San Diego, waxayna ishor taageen xafiiska
maamulka dawlada ee magaalada San Diego.
Dadweynihii bannaan baxaas ka soo qeyb galay waxay ku
dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen dawlada Itoobiya ha ka
baxdo dhulka Soomaaliyeed, si deg deg ahna ha u joojiso
falalka waxashnimada ah ee ku sameynayaan dadweynaha aan
waxba galabsan.
Magaalooyinka uu bannaanbaxan lagu qabtay waxaa ka mid ah
dalka Maraykanka San Diego, Washington, Columbus, Seattle;
dalka Kanada: Ottawa, Toronto, Windsor; Swizerland- Geneva,
Sweden Stockholm, London-UK
Dadweynihii bannaan baxa dhigay waxay soo jeediyeen dhawrkan
qoddob ee soo socda:
Inay ciidamada Itoobiyaanku shuruud la'aan si deg deg ah uga
baxaan dhulka Soomaaliyeed.
Inay bulshada
caalamka ah ee nabadda iyo dimoqiraadiyada jecelba
dhallecayn dusha kaga tuuraan falalka xun xun ee ay
ciidamada Itoobiyaanku dadka Soomaaliyeed u geysanayaan.
In arrimaha Soomaaliya si daacadnimo ah wada hadal iyo nabad
lagu soo dabbaalo, ayna ka qeyb galaan dhinacyada ay
khuseyso oo dhan.
Inay dawlada ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliyeed ka shaqeyso
danaha dadkeeda iyo sidii ay isugu soo dhaweyd lahayd
ummadda Soomaaliyeed. Shisheeyahana dalka looga saari lahaa.
Warbixintan
iyo sawiradan waxaa idiin soo gudbisay:
Sahra Ugaas Maxamed Cabdi (Sahra Majeerteen)
San Diego, California
e-mail:
fartunhussen@yahoo.com
Faafin: March 11,
2007
|