SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 4, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (63), Muqdisho (67), Beledweyne (70), Baydhabo (78),  Galkacyo (99),
Sarbeebtii Diinaari


WARARKII: Mar 11, 2007
  • Qarax Miino oo lala beegsdey Ciidamada Itoobiyaan ah oo ka yimid..
  • Dadka reer Uganda oo ka walwalsan Ciidamadooda loo direy Soomaaliya.
  • Iska hor imaad dhexmarey Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka
  • Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska oo lacag deeq ah u soo dirtay wiil xanuunsan oo ku sugan Muqdisho

Qarax Miino oo lala beegsdey Ciidamada Itoobiyaan ah oo ka yimid..

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa waxay sheegayaan in Kolonyo Ciidamo Itoobiya ah oo ka yimid Magaalada Kismaanyo ay la kulmeen Qarax aad u weyn mar aya marayeen agagaarka Lambar 60 ee Gobolka Shabeelada Hoose

Qaraxaan ayaa la ogeyn waxa uu geysey ee dhinaca Khasaaraha balse warar ayaa sheegaya in Qaraxaas uu geystey Khasaaro fara badan iyadoo Goobtii uu ka dhacay Qaraxaasi ay xireen Ciidamada Itoobiya oo diidey in ay maraan Gawaarida iyo dadka socotada ah

Warar aan ka helney dhinaca deegaan ayaa noo sheegey in khasaaro ba’an loo geystey Kolonyadii Ciidamada Itoobiya waxaa kaloo ay noo sheegey in goobtii uu ka dhacay Qarax ay ku qul qulayeen xubno ka tirsan Dowladda oo ka kala yimid Deegaanka Balidoogle iyo Magaalada Muqdisho

Ciidankan ayaa la sheegey in ay u soo socdeen Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan howlgal lagu sugayo amaanka Magaalada waana qaraxii ugu darnaa ee soo gaara ciidamada Itoobiya ee soo galey soomaaliya mar ay gacan siinayeen Dowladda Fedraalka

Dadka reer Uganda oo ka walwalsan Ciidamadooda loo direy Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya wadanka Uganda waxay sheegayaan dadka Uganda ay si aad ah uga walwalsan yihiin Ciidamada Uganda ee Howlgalka nabad ilaalineed loogu direy wadanka Soomaaliya

Mucaaradka wadanka Uganda ayaa markii hore ka soo horjeestey in Ciidamo Uganda loo qaado wadanka Soomaaliya iyagoo sheegey in ciidamadaas ay ku dhici karaan Khatar aad u weyn Maadaama dadka soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad u hubeysan Saxaafadda wadanka Uganda ayaa maalmahan si aad ah uga hadlayey Khatarta soo wejihi karta ciidamada Uganda oo sheegey in diristooda ay ka dambeysey Dowladda Mareykanka , waxayna siyaasiyiinta qaarkood ay dalbadeen In Ciidamaadaas deg deg looga soo celiyo inta ay goori goor tahay Wadankooda

Markii ciidamada Uganda ay soo gaareeen Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo dhaweeyey Qaraxa Hoobiyayaasha sidoo kale waxaa jidka loo galey Kolonyo Ciidamada Uganda

Iska hor imaad dhexmarey Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka

Waxaa maalintii shelay Saldigga Galbeed ee degmada Dharkeenleey ka dhacay Iska horimaad u dhaxeeyey Ciidamada Dowlada ee tababarka ugu soo dhamaadey Garoonka Balidoogle iyo Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa Saldhiga Galbeed

Iska horimaadkaas ayaa waxaa ku geeriyoodey Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada waxaana ku dhaawacmey laba Askari oo iyana ku sugnaa Saldhiga Galbeed

Lama garanayo sababihii keeney iska hor imaadkaas balse warar baa sheegaya in uu ka bilowdey kala shaki soo kala dhex galey labada Ciidan

Ciidamada tababarka ugu soo dhamaadey Bali-doogle ayaa tiradooda gaareysaa ilaa 4 kun oo askari waxaa lagu waramey in ay ka qayb qaadan doonaan howlo amaanka Muqdisho lagu soo celinayo

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa sheegey in ciidamadaan ay hanan doonaan nabadgelyada Magaalada Muqdisho oo waayadaan faraha ka sii baxaysey waxayna dadka qaar ku tilmaameen Howlgalkan Mid keeni kara Iska horimaad.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 


Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska oo lacag deeq ah u soo dirtay wiil xanuunsan oo ku sugan Muqdisho

Gabar Soomaailyeed oo lagu magacaabo Faadumo Cabdi Magan oo ku dhaqan dalka Britain, gaar ahaan Magaalada London ayaa ugu deeqday lacag gaaraysa 150-dollar wiil xanuunsan oo ku sugan Muqdsiho.



Gabadhaas Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay inay ugu deeqday lacagtaas Wiilka xanuunsan oo lagu magacaabo Axmed-Nuur Khaliif Macaallin Cabdi oo lugta midig ka go’an sababo Cancaro ah uga go’day.

Lacagtaan ayaa waxaa loogu soo hagaajiyay wiilkaan Wariye Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) iyo C/naasir Yuusuf Macallin (Ganey), iyadoo lacagta lagu guuddoonsiiyay wiilkaan yar ee xanuunsan Isbitaalka uu ku jiro ee Ramadaan lagu magacaabo oo lagu hayo, inkastoo dhaqtarka isbitaalka ka howgala ee Dr. C/risaaq Cumar Jees uu sheegay inaan dalka waxba looga qaban Karin.

Hooyada Dhashay wiilka yar oo lagu magacaabo Waris Axmed Xaaji oo guddoonsiinta lacagta ka hadashay ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda aan dalka waxba looga qaban Karin, balse ay ku hayaan sababo dhaqaale oo haysata awgeed, ayna ka codsanayso Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool inay u soo raadinayaan dhaqtar lagu daweeyo xanuunka wiilkeeda oo ay sheegtay inuu dhibaato xooggan ku hayo nafsaani ahaan.

“Waxaan u mahadcelinayaan Gabadha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka England ee la qaybsatay xanuunka, isla markaana waxaan EEBBE uga baryayaa inuu khayr badan siiyo, uuna ka abaalmariyo deeqda ay u soo dhiibtay wiilkeeda” ayay tiri Hooyo Waris oo ay ka muuqatay wajigeeda murugo aad u weyn oo ay ka qabtay xaaladda wiilkeeda yar oo xanuunkiisa uu yahay mid daran.

Wiilkaan ayaa u baahan caafimaad dibadda ah sida uu sheegay Dhaqtar Jees oo weli lagu hayo isbitaalkiisa, kana gooyay lugta mar uu ku faafay Cancer la sheegay inuu ka dhashay rasaas kaga dhacday lugtiisa Midig.

Axmed Nuur, wuxuu ku jiifay Joodari u yaallay qol gaar ah, waxaana ka muuqday diifta uu ku hayo xanuunka ka haya lugta Midig ee ka go’an, waxaana uu ka codsanayaa Soomaalida Dunida inay u kaalmeeyaan una raadiyaan dhaqtar dawo uu ka helo haddii RABBI ogolaado.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:002521-5573321
 



Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com