Gen. Cabdiramaan Caare:
Taariikh Madow
Dadka soomaaliyeed waa
in ay u diyaargaroobaan Sidii ay isaga kicin
lahaayeen Gumeysiga Cusub ee Itoobiya
Soomaaliya waxay
gashay marxalad gumeysi kadib markii bishii Disembar
2006 Itoobiya sida gardarrada iyo sharci-darrada ah
ugu duushay oo qabsatay, taasoo ah boq madow oo ku
soo biiray taariikhdeenna. Arrintaasina ma ahan mid
uu ka aamusi karo ama gacmahana ka laaban karo qof
Soomali ah oo damiir iyo dareen waddaniyadeed leh.
Sidaas darteed, in aan is eedaynno oo faraha isku
fiiqno waxba nama tarayso. Waxaa maanta na horyaal
waa taangi (dabaabad) iyo askar Xabashiyeed oo
dalkeennii iyo dadkeennii gumaad ku haya.
Itoobiya waxay ku
duushay oo barqo cad qabsatay Soomaaliya oo ah dal
xor ah oo xubin ka ah Ururka Qaramada Midoobey,
Midowga Afrika, Ururka Jamacadda Carabta, ururka
dadwladaha Islaamka ah iyo kuwo kale oo badan.
Waxaase nasiib darro ah in Beesha caalaamku ay ka
aamustay qabsashadaas, iskaba daa tilaabo ay ka
qaaddee. Falkaas sharcidarrada ah wuxuu albaabada u
furay oo uu xalaaleeyey in lagu duuli karo dal kasta
oo siyaasadiisa loo bogi waayo ama dano gaar ah laga
yeesho.
Duullankan
dalkeenna lagu qabsaday wuxuu ahaa mid muddo dheer
la qorsheynayey, kana tarjumaya hammigii ama riyadii
hogaamiyayaashii kala dambeeyey ee Itoobiya laga soo
bilaabo Meneliq ilaa Senaawi. Itoobiya waligeed
waxay ka lahayd dalka Soomaaliyeed dano siyaasadeed,
istraatiijeed, dhaqaaleed, iyo ciidameed. Itoobiya
dalkeena uma imaan wanaag iyo nabad xasilin, sida ay
ku andacoonto, balse waxaa la wada ogsoon yahay in
ay muddo dheer ka shaqaynaysay kala qaybinta iyo
burburka Soomaaliya, kadibna markii ay dareemeen in
ay soo noqonayso dareen qowmiyadeed iyo nabadgalyo,
waxay ku tallaabsatay inay baabi’so madaxbanaanida,
midnimada iyo gobannimada qarameed ee ummadda
Soomaliyeed. Qabsashada Soomaaliya ee maanta waxay
Itoobiya sabab uga dhigatay in ay dalkeenna joogaan
argagixiso caalami ah oo khatar ku ah nabadda
adduunka iyo danaha iyo xasilloonida Itoobiya,
taasoo ilaa maanta aan loo hayn wax caddayn ah.
Isweydiintu waxay tahay maxay ciidamadoodu hadda u
joogaan ciidda Soomaaliya? Jawaabtu waxay tahay in
ay fulinayeen istiraatijiyadoodii aan kor kusoo
sheegnay. Sidoo kale waxay sheegteen in ay
tababarayaan ciidamada Soomaaliya. Hoggaamiyaha
Itoobiya, Zenawi ma iloobay in ay joogaan
ciiddamadii Soomaaliya ee tababari jiray isaga iyo
saaxiibadiis.
Gumeysiga Itoobiya
ku hayso Soomaaliya, si kastaba ha ku yimaadee, waa
bog madow ee ku qormay taariikhda Ummadda
Soomaliyeed; wuxuuna qiima dilayaa taariikhdii
jiilkii xorriyadda horseeday, nafta u huray,
dhiiggana u daadiyey unkidda gobanimada iyo qaranka
Soomaaliyeed; jiilka jooga waa u taariikh xumo iyo
laf dhuun gashay, ka soo socdana, haddii aan laga
dhiidhiyin, waa u dhaxal xumo. In kasta oo
dagaalada sokeeye ay waxyeeleeyeen dunta hoose ee
bulshadu ka samaysan tahay, haddana nasiib wanaag
marna ma dhiman dareenka Soomaalinnimo iyo midnimo
ee ummadda Soomaaliyeed. Taas waxaa u daliil ah,
kadib markii cadowgu cagta soo dhigay ciidda
Soomaaliyeed waxaa lagala hortagey xabbad iyo
mudaharaadyo lid ku ah. Ma dhacayso in Itoobiya
dalka Soomaaliyeed nabad ku joogto. Xorriyadda,
madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliyeedna ma
dhiman inta Soomaali qof damiir lihi ka nool yahay.
Xabashida waxaa u
sahlay inay qabsato Soomaaliya dhawr arriimood,
waxaase ugu muhimsan saddexdan qodob: 1)
khilaafaadka iyo kala-qaybsanaanta Ummaddeenna; 2)
loollankii siyaasadeed ee qabiilka ku dhisan, taasoo
horseeday nidaam beel beel ku salaysan iyo wax loogu
magacdaray 4.5; iyo 3) gacan laga helay Somaalida
dhexdeeda (gudiney ima goyseen haddaan gabalkay kugu
jirin). Inkastoo ruux kasta iyo koox kasta oo
Soomaali ah ay xaq u leeyihiin ka qaybgalka
loollanka siyaasadda iyo qabashada hoggaanka dalka,
haddana waxaan marna garawsho lahayn in cadowga
dalka loo soo hoggaamiyo. Dhinaca kale, xukuumad
ayaan dadkeeda ka ilaalinaynaa ma noqon karto sabab
loogu soo duulo, loona qabsado dal xor ah. Si
kastaba ha ahaatee, lagama yaabo in ay Itoobiya uga
baxdo Soomaaliya codsi iyo baryo toona, waxaase
marnaba laga fursan doonin in dagaal iyo qori
caaradiis looga saaro. Waayo maanta waxaa gumeysi
hoostiis galay oo khatar ku jira jiritaanka,
madaxbanaanidii, midnimadii iyo calankii Ummadda
Soomaaliyeed ee naf iyo maalba loo soo huray ee la
hoos harsanayey. Taasi waxay nagu waajibineysaa gebi
ahaanba in la joojiyo kala qaybsanaanta, dagaallada
sokeeye iyo in mar dambe dhiig ku daato Soomaalida
dhexdeeda, la iskana ilaawo wixii hore u dhacay;
waxaana loo baahan yahay in la mideeyo maskaxdeenna,
muruqeenna iyo maalkeenna, loona jiheeyo difaaca
dalka iyo dadka.
Hadafka
iska-xorraynta cadowga iyo soo-celinta gobannimada,
waa in ay ka dambeysaa istraatiijyo siyaasadeed ee
waddani ah oo dalka laga dhisayo qaran Soomaaliyeed
oo awoodda dadweynuhu iska leeyahay, hoggaankiisuna
ku yimaado nidaam nabadeed iyo siyaasadeed ee ku
sallaysan tartan loo marayo doorashooyin xor iyo
cadaalad ah ee ka madax bannaan faragelin shisheeye,
si aan mar dambe nidaam keli-talineed ugu soo noqon
dalkeena.
Dagaalka sokeeye ee
dalka ka dhacay wuxuu ka dhashay caddaaladdarro iyo
hoggaan aan ku imaanin, kuna shaqayn rabitaanka
dadweynaha. Dagaalladu waxay ku salaysnaayeen koox
leh anaa talinaya, la igamana daba-hadli karo,
khayraadka dalkana aniga iyo qaraabadayda ayaa iska
leh; iyo kuwo leh talada iyo khayraadka dalkaba ha
la wadaago. Si kastaba ha ahaatee, awoodda iyo
khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado,
waxay dhici kartaa marka ummaddu iska xorrayso
gumeysiga foosha xun oo ay maanta ku hoos jirto.
Dalal badan oo
dunida ka tirsan ayaa dagaal sokeeye iyo burbur ka
dhacay sida Rwanda, Liberia, Sierra Leone, Congo
i.w.m. Dalalkaas intooda badan waxaa taageeray oo
nabadgelyadoodii iyo qarannimadoodii dib u soo
celiyey Beesha Caalamka sida Ururka Qaaramada
Midoobey iyo quwadaha weyn qaarkood. Hayeeshee ma
dhicin in dal deris ah ee cadaw ahi dalalkaas mid ka
mid ugu duulo oo qabsado sida maanta ka dhacday
Soomaaliya ayadoo Beesha Baalamka qaar ka tirsan ay
taageerayaan amaba gebi ahaan ka aamusto. Arrintani
waa mid ku cusub nidaamka iyo xeerarka caalamiga
marka la eego gar-darrada iyo sharci-darrada
Itoobiya ku qabsatay Soomaliya iyo Beesha Caalamku
mawqifka ay ka qaadatay ee isugu jira aammus iyo
taageero.
Ugu dambayn, waxaan talooyin u soo jeedinayaa
Shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda
ku nool iyo Beesha Caalaamka.
SHACBIGA
SOOMAALIEED
1. Waxaan mar
labaad kula talinayaa shacbiga Soomaaliyeed meel uu
joogaba, gudaha iyo dibadda, inuu muujiyo damiir iyo
dareen Soomaalinimo iyo waddaniyad, kana xoreeyo
dalkiisa ciidamada cadawga ee Itoobiya; kuwaas oo
caburin, dil, burburin, barakicin, kala-qaybin iyo
gumeysi ku haya Ummadda. Soomaaliyeey heshiiya,
midooba oo gumeysiga diida.
2. Halganka is-xorraynta
in shabigu u adeegsado hab iyo qaab kasta oo
suuragal ah sida diidmo iyo qaadicid amarrada iyo
la-shaqaynta ciidamada Itoobiya iyo shaqsiyaadka
Soomaalida ee madiidinka u ah, bannaanbaxo diidmo
ah, in af iyo qoraalba lagu cambaareeyo; iyo haddii
ay xoog iyo hub adeegsadaan ciidamada Itoobiya, in
ayagana xoog iyo hub lagula dagaalamo.
3. Waxaan leeyahay
taaariikhda dagaaladii qabiil ee Soomaalida soo
dhexmaray, laguma hayo dagaal si kama dambays loogu
kala adkaaday, maalin kii guulaystay, maalinta ku
xigta ayaa laga guulaysan jirey. Dagaalada hadda
socdaana waa aarsi qabiil oo la isu adeegsanayo
shisheeye, taas waa in la joojiyo inta aan godobtu
badan, taasoo keeni karta aarsi dambe oo qabiil.
4. Dalkeena looguma
talin karo ciidamo shisheeye oo la adeegsado iyo
durbaan qabiil oo dib loo tumo. Taas iyadana ha laga
waantoobo
BEESHA CAALAMKA
Waxaan Caalamka
xasuusinaynaa, dagaalkii 1977/78 ee dhexmaray
Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii ay ciidamada
Soomaalidu gaareen Diridhabe iyo Harar, in ay
dawladaha waaweyn xoog uga soo saareen ciidankii
Soomaalida oo dib ugu soo celiyeen xuduudahoodii
iyagoo ilaalinaya xeerarka caalamiga ah. Sidaas
awgeed, waxaan ka codsanaynaa Beesha Caalamka
qodobada soo socda:
1. In ay fuliso
go’aankii Golaha Amniga, tirsigiisuna ahaa ee ka
mamnuucayey in ciidamada la keenayo Soomaaliya aysan
ka mid noqon karin ciidamada dowladaha xuduudda la
leh Soomaaliya (Kenya, Djibouti & Itoobiya).
2. Beesha Caalamka,
gaar ahaan quwadaha waaweyn, iyo Ururka Qaramada
Midoobey, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta,
i.w.m. inay caddaadis ku saaraan dawladda Itoobiya
inay ciidamadeeda degdeg ugala baxdo Soomaaliya.
Sidoo kale, in ay ka shaqeeyaan in labada dal ku
wada noolaadaan nabad, deris-wanaag iyo iskaashi.
3. In Beesha
Caalamka qabanqabiso Shirweyne qaran ee dib-u-heshiineed
oo loo dhan yahay, si loo gaaro dowlad lagu midaysan
yahay.
Gen. Cabdiraxmaan
Warsame Cilmi
Waxaad igala
soo xiriiri kartaan:
Awarre@hotmail.co.uk
Waxaa idiin soo
gudbiyey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: March 11,
2007