Wararki: Mar 10, 2007
- Faahfaahin
dheeraad oo ku saabsan Diyaaradii dabka ku
qabsadey Muqdisho..
- Garoonka
Inteba oo ay soo buuxiyeen dad doonayey in ay
ogaadaan xaalada Diyaaradii..
- Ciidamada
Dowladda iyo kuwo Uganda oo Miino ka soo saarey..
- Nin
ganacsade ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso..
- Haween ka
socday Beesha Habargidir oo ka digay in xilka
xildhibaanimo laga qaado Caasha Xaaji Cilmi..
- Ciidamo
tababar ugu dhamaaday Garoonka Balidoogle..
- Musaveni oo
la filayo in uu soo gaaro Soomaaliya
Faahfaahin dheeraad
oo ku saabsan Diyaaradii dabka ku qabsadey Muqdisho..
Shalay
subaxnimadii ayaa Diyaarad weyn oo kuwa Milatariga
ah oo kana timid dalka Uganda sidayna Ciidamo iyo
qalab milatari ayaa dab ku qabsaday Garoonka
Muqdisho.
Diyaaraddaan oo loo diiday in ay Saxaafaddu wax ka
ogaato, ayaa waxay muddo dhex taaganayd halka ay
Diyaaraduhu ka haataan, waxayna diyaaraddaani
saameyn ku yeelatay Diyaaradihii kale ee imaan lahaa
Garoonka Muqdisho. Diyaaraddaan ayaa warar kala
duwani ka soo baxayaan, qaar ayaa waxay sheegayaan
in ay siday 150 Askari, halka warar kale ay
sheegayaan in ay siday qalab Milatari, hase yeeshee
afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa waxa uu
sheegay in Diyaaraddu ay siday qalab Milatari iyo
todobo Askari, isagoo sheegay in ay dhamaantood
badbaadeen.
Afhayeenku waxa uu sheegay in aysan meesha ka
marneyn in diyaaraddaasi meel fog laga soo toogtay,
isagoo sheegay in haataan ay wadaan baaritaan xoogan,
waxa uuna sheegay in loo saaray guddi soo saara waxa
keenay dabka qabsaday diyaaraddaasi.
Garoonka Inteba
oo ay soo buuxiyeen dad doonayey in ay ogaadaan
xaalada Diyaaradii..
Markii la maqlay in Diyaarad siday Ciidamo Uganda ah
uu dab ku qabsaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Muqdisho ayaa garoonkii ay ka soo duushay ee dalka
Uganda waxaa soo buuxiyey dadweyne aad u fara badan
oo Reer Uganda ah oo doonaya inay wax ka ogaadaan
xaaladda diyaaradda uu dabku ku qabsaday garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Dadka oo raxan raxan u dhoobnaa garoonka, ayaa waxay
Dowladda ka codsanayeen in ay xaqiiqda dhabta ah u
sheegaan shacabka Uganda oo la sheegay inay si weyn
uga walwalsan yihiin waxa dhacay.
Afhayeen u hadlay Dowladda Uganda ayaa waxa uu u
sheegay shacabka in ay is dejiyaan sida ugu
dhaqsiyaha badana war cad looga soo saari doono
xaaladda Diyaaraddaasi, hase yeeshee kuma aysan
qancin warkaasi oo ay waxay si weyn u dhoobnayeen
garoonkaasi.
Ciidamada
Dowladda iyo kuwo Uganda oo Miino ka soo saarey..
Maalintii shalay ahayd ayaa Ciidamada Dowladda iyo
kuwa Uganda waxa ay isgooyska Km4 ka soo saareen
miino lagu halkasi lagu aasay, waxayna ciidamadaasi
xireen dhamaan wadooyinka soo gala halka ay miinado
ku aasneyd, iyagoo sidoo kale xiray dhamaan
dhaqdhaqaaqii ganacsi ee halkaasi ka socday.
Baaritaan dheer ayey ciidamada u suurgashay
miinadaasi, waxayna u xirneyd ilaa iyo shalay
maqribnimadii iyagoo diiday isku socodka Gaadiidka
halkasi mari jiray.
Dhawaan ayay ahayd markii kooxaha Kacdoonka ka wada
Muqdisho ay weerar ku qaadeen kolonyo Ciidamada
Uganda ah oo halkaasi marayey, waxaana ku dhintay
dad rayid ah iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ka tirsan
Ciidamada Uganda.
Ciidamadii
Itoobiya ee ku sugnaa Kismaayo oo soo gaarey ..
Wararka naga soo gaaraya gobalka Sh/hoose waxay
sheegayaan in ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa
Gobalada Jubbooyinkagaar ahaan Kismaayo oo habeen
hore halkaasi isaga soo baxay ay soo gaareen
deegaanka Baraawe, ee Gobalka Sh/hoose.
Ciidankaan oo waa 70 Gaari oo Tikniko ah ayaan la
ogeyn halka ay ku sii jeedaan, balse warar ayaa
waxay sheegayaan in ciidamadaasi ay dib ugu laaban
doonaan deegaanadii ay markii hore ka yimaadeen ee
dalka Itoobiya.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada
Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho
si ay uga qayb-qaataan hawlgalo lagu sugayo amniga.
Markii ay ka soo baxayeen Kismaayo ayaa waxay
Garoonka iyo Dekedda ee Magaalada Kismaayo ku
wareejiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo uu
dhawaan tababarku ugu dhamaaday xerada Luglow ee
Duleedka Magaalada Kismaayo, iyadoo xaaladda
Magaalada Kismaayo ay haatan degan tahay, inkastoo
beelaha dega halkaasi ay aad u saloogeen qaabkii loo
qaybsaday maamulka Gobalada Jubbooyinka, waxayna
codsadeen in dib loogu laabto
Nin ganacsade
ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso..
Warar naga soo gaaraya Boosaaso ayaa waxay
sheegayaan in Magaaladaasi lagu dilay nin ganacsade
ahaa kaddib markii koox dabley ahi rasaas ku fureen
goob ganacsi oo uu ninkaasi ku sugnaa. Waxaa wararku
sheegeen in Ciidanka Booliiska ee maamulkaasi ay ku
raad jooga kooxihii ka dambeeyey dilkaasi.
Waxaa maalmahan soo xumaanayey ammaanka Magaalada
Boosaaso kadib markii todobaadkii hore lagu dilay
nin ka tirsnaa Booliiska oo ay dileen kooxo aan la
garaneyn, sidoo kale dhawaan ayaa xabsiga Magaalada
Garoowe waxaa lagala baxay rag ku xukunnaa dil,
kaddib markii ay Xabsiga soo weerareen kooxo dabley
ah oo mudo dhowr daqiiqo ah haystay xabsigaasi.
Dhawaan ayaa shir looga hadlayey xaaladda Nabadgelyo
ee Gobalada Puntland waxa lagu qabtay Magaalada
Garoowe oo xarun u ah Maamulkaasi, waxaana shirkaasi
ka qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee Ciidamada,
waxaana looga arisanayey sidii loo sii xoojin laha
ammaanka gobalada hoos yimaada Maamul Gobaleedka
Puntland.
Dhanka kale waxaa
Jimcadii xilka iska casiley taliyihii
Ciidanka Gobolka Bari,
Col. Cali Nuur Xagaafe, kaddib markii uu sheegay in
maamulka DGPL ay waxba ka qaban waayeen codsiyo uu u
gudbiyey oo la xiriirey in wax laga bedelo qaab
dhismeedka Booliska Puntland.
Haween ka socday
Beesha Habargidir oo ka digay in xilka xildhibaanimo
laga qaado Caasha Xaaji Cilmi..
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa Hotelka Muqdisho
ee Ex-Daamey kulan ku yeeshay Haween ka socday
Beelaha Habargidir.
Haweenkaan ayaa kulankooda ku micneeyay in ujeedada
loo qabtay ay tahay, markii ay soo baxeen warar
sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Dowladda
Federaalka ah xilka laga qaadi doono, taas oo ay
sheegeen in ay tahay mid sharciga ka baxsan.
Haweenka ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaan kasta
uu kursiga ugu fadhiyo beel, isla markaana aysan
waqtigaan fiicneyn qas laga dhex abuuro Baarlamaanka
iyo waliba Dowlada, Haweenku iyagoo si gaar ah farta
ugu fiiqay Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi ayaa
waxay sheegeen in Caasha ay tahay Xildhibaanad ka
soo jeeda Beesha Habargidir, sidaasi darteedna ay
qalad tahay in xil ka qaadis lagu sameeyo.
Aamino Cali Axmed oo ka mid ahayd haweenkii ka
qaybgalay kulankaasi ayaa waxayka codsatay Dowladda
Federaalka ah in ay arintaasi dib ugu laabato, isla
markaana ay ka fiirsato arimaha keeni kara khilaaf
hor leh oo ka dhex dhasha xubnaha Baarlamaanka, iyo
waliba Dowladda.
Ciidamo tababar ugu
dhamaaday Garoonka Balidoogle..
Ciidamadii ku xareysnaa Garoonka Balidoogle ayaa
shalay loo soo gebabgabeeyey tababarkoodii, sida uu
sheegay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali
Jeele. Ciidankaan oo tiradooda lagu qiyaasay 6-kun
oo Askari ayaa waxaa la sheegay inay sugi doonaan
Ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalmahan faraha ka
baxay.
Ciidankaan oo mudo saddex bilood ah ku jiray
xeradaasi, ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda
soo gaaraan Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay
in ay la shaqeyn doonaan ciidamada nabad ilaalinta
ah ee maalmahan soo gaarayey gudaha dalka Soomaaliya.
Salaad Cali Jeele waxa uu sheegay in Ciidamadani ay
ka hawlgali doonaan dhamaan gobalada Dalka, hase
yeeshee kulan ay beelaha Hawiye ku yeesheen
Magaalada Muqdisho ayaa waxay ciidamadaasi ku
tilmaameen kuwo aan loo dhameyn oo ka soo jeeda Beel
qura, hase yeeshee Dowladda Federaalka ah waa ay
beenisay, waxayna ku tilmaantay hadalkaasi la iska
yiri oo aan loo meel dayin oo ay ka soo shaqeeyeen
shaqsiyaad gaar ah.
Musaveni
oo la filayo in uu soo gaaro Magaalada…
Madaxweynaha dalka Uganda oo si weyn u soo
sagootiyey Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah ciidanka
Nabad ilaalinta ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu
soo gaaro dalka Soomaaliya, gaar ahaan sida warar
lagu helay Magaalada Muqdisho todobaadka soo socda.
Madaxweynaha ayaa waxa uu dhiiragelin siin doonaa
ciidamadiisa ka jooga gudaha dalka Soomaaliya, waxa
uuna horey u sheegay in ciidamada Uganda ay
dhexdhexaad ka yihiin xaaladda ka taagan dalka
Soomaaliya, basle ay la shaqeyn doonaan Dowladda
Federaalka ah.
Madaxweyne Musaveni
ayaa markay soo baxeen ciidamada waxa uu uga digay
inay dhex galaan bulshada Soomaaliyeed, isagoo sidoo
kale u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan nabadda iyo
xasiloonida dalka Soomaaliya oo mudo 16 sano ah aan
helin nabad buuxda. Musaveni waxa uu yimid dalka
Soomaaliya 1992 isagoo oo ka soo degay garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna
xiligaasi beesha caalamka tusayey in gacan la siiyo
dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen abaaro iyo gaajo,
waxa uuna xiligaasi kulan la yeeshay Max’ed Faarax
Caydiid. Musaveni xiligaa uu imaanayey waxaa
Soomaaliya ka jiray qalalaaso aad u xoogan, isagoo
isku soo biimeeyey dalka Soomaaliya, waana midda
keentay in ciidamo uu horkacayey Mareykanka ay soo
gaaraan dalka Soomaaliya. Ciidamada Uganda waxaa
haatan Soomaaliya ka jooga ilaa iyo 1500 oo Askari,
waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo
dhameystirmaan ciidamadaasi. Dowlado fara baan ayaa
waxay sheegeen in ay Soomaaliy u soo diri doonaan
ciidamo nabad ilaalin ah waxaana ka mid ah
dowladahaasi dalka Nigeria , Ghana, Burundi iyo
Algeria.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Hogaamiye
Sare Oo Kamid Ahaa GMIS Oo Wacad Ku Maray Inaysan Ku
Ledi Doonin Ciidamada shi-sheeye Ee Dalka Imaanaya .
Hogaamiye sare oo ka tirsan GMIS soomaaliyeed ayaa
waxaa uu wacad ku marey inaysan ku ledi doonin
islamrkaana ay la dagaallami doonaan ciidamada Dalka
imaanaaya iyo kuwa jooga intuba.
Aadan Xaashi Ceyrow oo dhinaca abaanduulka
uqaabishanaa Maxaakiimta Islaamka ayaa fariin cajal
maqal ah oo uu soo direy oo loo qeybiyey war
baahinta ayaa waxaa uu ku sheegey in uu caafimaad
qabo islamrkaana uusan wax dhibaato ah heysan uguna
baaqayo umada soomaaliyeed ee imaanka daahirka leh
inay ka hor-tagaan cadowga kufaarta ah .
sidoo kale aadan Cayrow ayaa waxaa uu sheegey in uu
bed qabo waxaana uu illaah ka baryey in uu ka
guulleeyo ciidamada Ethiopia iyo kuwa kale oo uu ku
sheegey in ay dalka iyo diinta Islaamka ku soo
duulleen.
Aadan Ceyrow ayaa waxaa uu fariintiisa ku sheegey
sidoo kale in ciidamada lajira Ethiopia ee dowladda
kMG ah ee Somaliya iyo kuwa kaleba uu dagaalku kala
dhexeeyo oo ay la dagaallami doonaan.
Fariintan oo ah tii ugu hosreysey tan iyo intii
golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ay ka
bexeen muqdisho uu soodiro hogaamiye sare oo ka
tirsan maxaakiimta .
Aadan xaashi cayroow oo lagu tilmaamo shaqsi ku ad-adag
diinta iyo shareecada ayaa badanaaba xiligii golaha
maxaakiimta islaamku ay katalin jireen koonfurta iyo
bartmaha soomaaliya aan ka haldi jirin qayabaha
warbaahinta .
Warkii
ugu dambeeyey Ee Xaalada Diyaaradii Dabku Ku
Qabsaday Garoonka Muqdisho ..
Dayuurada oo aheyd noocyada milateriga ah oo lagu
daabulo qalabka iyo ciidamada intaba ayaa la sheegay
iney ka badbaadeen askartii saarneyd diyaaradaasi,
inkastoo uu saran yahay qalab milateri oo aan la
sheegin waxa uu yahay, waxaana lagu waramayaa iney
iminka fadhido garoonka dayuuradaha iyadoo lagu
guulaystay in la baqtiiyo dabkii ka dhex qarxay
diyaarada kaasoo ay ciidamada Ugandha,ku gulaaysteen
iyadoo qaac iyo uuro fara badan ay ka baxaday
diyaarada laga dareemay guud ahaan garoonka
caasimada ee Muqdisho.
Dad goob joogayaal ah ayaa waxay sheegeen inay
arkayeen markii diyaaradaasi ay soo caga dhiga
dhiganeysay iyadoo qaac fara badan uu ka baxayo gaar
ahaan dhinaca dambe , waxayna tilmaameen iney
maqleen wax u ‘eg qarax aaney garan karin inuu ahaa
wax dhulka laga riday iyo inuu ahaa mid ka dhashay
diyaarada gudaheeda, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan
warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dayuuradaasi si
toos ah dhulka looga toogtay.
Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada Midowga Africa ee
Somalia Paddy Ankunda oo saxaafada u waramay ayaa
waxa uu yiri " Waxa aynu heynaa xog cad oo markii
diyaaradda ay soo dageysay uu dab qabsaday, dabkana
uu ka kacay gudaha dhinaca bidix ee diyaaradda".
Waxa uu sheegay in aanu jirin wax qasaaro ah oo ka
dhashay halkaasi, isla markaana 7 askari oo Uganda
ah oo saarnaa iyo shaqaalihii diyaaradda ay si
nabadgalyo ah uga soo dageen.
" Waxaa socda baaritaan la xiriira waxii dhaliyay
dabka" ayuu hadaladiisa sii raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee xaalada diyaarada ayaa iminka
xasiloon islamarkaana aysan jirin wax dab holoc ah
oo ka muuqanaya banaanka iyo gudaha iyadoo halkaasna
ay dhowr dam-damis isugu yimaadeen .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com