Wararki: Mar 9, 2007
- Warbixin
dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday
Ciidamada Uganda.
- 8-da Maarso
oo si weyn looga xusay Dalka Soomaaliya.
- C/llaahi
Yuusuf oo soo gaaray Magaalada Baydhabo.
-
Qaylo-Dhaanta Ku Wajahan Maamulka Dowladu Ka
Samaysay Gobolada Juba-land Oo Sii Kordhaysa ..
- Khasaarihii
Ka Dhashay Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Ciidamada
Ugaandha Ee Muqdisho Jooga .
-
DUBAI - Missing in Somalia
Warbixin dheeraad
ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday Ciidamada
Uganda.
Habeen hore ayey
ahayd markii Ciidamo ka tirsan Dalka Uganda weerar
lagu qaaday mar ay marayeen agagaarka Km4. ciidamada
ayaa kooxaha kacdoonka wada waxay ku tureen qorey
Baasuuke ah, hase yeeshee qorigaasi lama aysan helin
ee waxa uu ku dhacay meel Maqaayad ah, balse rasaas
ay fureen ciidamada Uganda ayaa waxay keentay in ay
dhintaan dad rayid ah oo aan iyagu waxba galabsan oo
ay tiradoodu gaareyso ilaa iyo 10 ruux, waxaana ku
dhaawacmay ilaa iyo 20 qofood oo la dhigay
Isbitaalka Madiina.
Warar ayaa waxay
sheegayaan in Ciidamada Uganda loo dhigay Miino,
hase yeeshee markii ay gudbeen ay qaraxday, markaas
oo iyana rasaas ku jawaabeen, taas oo keentay
waxyeelo fara badan. Goobtii ay ka dhacday
mashaqadaasi ayaa waxaa yimid ciidamo fara badan,
waxayna wararka qaar sheegayaan in Gawaaridii ay
wateen Ciidamada Uganda waxyeelo soo gaartay, iyadoo
sidoo kale Labo Askari oo Ciidamada Uganda ah ayaa
ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi.
Shalay subax ayaa
ciidamo aad u xoogan waxaa la soo dhigay goobtii uu
iska hor imaadku ka dhacay ciidamo xoogan oo kuwaas
oo baarayey Gawaarida iyo Guryaha, basle waxba
halkaasi kama helin. Wasiirka ku xigeenka
Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu sheegay
in aysan wax dhibaato ah soo gaarin Ciidamada
Uganda, marka laga reebo labo Askari oo ku
dhaawacantay.
8-da Maarso oo si
weyn looga xusay Dalka Soomaaliya.
Shalay oo ay ku
beegneed 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka
Adduunka ayaa waxay munaasabado lagu xusayey ka
dhaceen qaybaha kala duwan ee Dalka Soomaaliya.
Munaasabad si heer
sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Hotl
Global, waxaana isku soo dubariday Hay’adaha INXA,
Xarunta Ismaaciil Jimcaale iyo Guddiga Olombikadda
Soomaaliyeed, waxaana ka qaybgalay Guddoomiye ku
xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa iyo mas’uuliyiin
ka tirsan Dowladda, waxaana ugu hroeyntii halkaasi
warbixin ka soo jeediyey C/llaahi Calas Jimcaale oo
ka socday Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Ismaaciil
Jimcaale waxa uuna sheegay in Haweenka Soomaaliyeed
lagula kacay xadgudubyo fara badan, isagoo sheegay
in xadgudubyadaasi sii xoogeysteen markii ay dhaceen
dagaalada Sokeeye, C/llaahi Calas waxa uu sheegay in
halkudhiga sanadkaan uu yahay (Hala joojiyo
Xadgudubyada lagu hayo Haweenka).
Duqa Magaalada
Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow oo ka
hadlay munaasabaddaasi ayaa waxa uu sheegay in ay
aad uga soo horjeedaan in dhibaatooyin la gaarsiiyo
Haweenka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay u
halgamaan xaquuqdooda, dhanka kalan mar uu ka hadlay
Xalaadda Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in aysan
u dulqaadan doonin qalalaasaha ka jira Magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in Magaalada Muqdisho ay
tahay magaalo keliya, ciiddii dooneysa in ay kala
qaybisana la dagaalami doonaan.
Waxaa kaloo ka hadlay Prof. Max’ed Cumar Dhalxa oo
isna sheegay in Haweenka Soomaliyeed ay yihiin kuwo
lafdhabar u ah Bulshada Soomaaliyeed, loona baahan
yahay inay iskaashadaan, mar uu isna ka hadlay
Xaaladda Muqdisho, waxa uu sheegay in Magaalada
Muqdisho ay laheyd magacyo kala duwan oo wanaagsan,
sida Xamarbila, Xamarjadiid, Xamarweyne, basle
maanta ay jiraan dad doona in ay ka dhigaan
Xamar-Bi’iye, Xamar-Dumiye, waxa uuna u soo jeediyey
Bulshada inay ka hor tagaan kooxahaasi.
Xafladdaas intii ay
socotay ayaa waxaa halkaasi cayaaraha Hiddaha iyo
Dhaqanka ku soo bandhigay koox ka socotay Degmada
Boondheere, cayaartaas oo ay si aad ah ugu
qushuuceen dadkii daawanayey.
Sidoo kale xaflad
tan la mid ayaa ka dhacday xarunta COGWO, waxaana ka
qaybgalay Haween ka kala socday Gobalka Banaadir,
waxaana halkaasi ka hadlay Cayni Abuukar Gacal,
waxayna sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin
kuwo la soo kulmay xadgudubyo fara badan, ha noqoto
dhinacyada Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, sidoo kale
xaflad tan la mid ayaa waxay ka dhacday Xarunta
IIDA, waxaana ka qaybgalay Haween iyana kala socday
qaybaha Bulshada, waxayna dhamaantood sheegeen in
Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dulman, xaflad
iyana si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay
ka dhacday Xarunta SSWC, waxaana halkaasi lagu soo
bandhigay baraanburo iyo Gabayo ka hadlaya waxtarka
Haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin Bulshada,
waxayna ka codsadeen Shacabka Soomaliyeed in la
dhowro halkudhiga sanadkaan ee ah (Hala joojiyo
xadgudubyada Haweeenka lagula kaco).
C/llaahi Yuusuf oo
soo gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf oo labadii maalmood ee ugu dambeysay ku
sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa
shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo,
waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka
tirsan Dowladda Federaalka.
C/llaahi Yuusuf
intii uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo waxa uu
kulamo la yeeshay Madax ka tirsan maamul gobaleedka
Puntland oo uu ku jiro Madaxweyne Cadde Muuse
waxayna isla soo qaadeen sidii maamul gobaleedkaasi
uga qayb-qaadan lahaa shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed, iyadoo maamul Gobaleedka Puntland
ballanqaaday inay bixinayaan lacag gaareysa 2-Milyan
oo Doolar, arintaas oo uu si weyn u soo dhaweeyey
Madaxweyne C/llalahi Yuusuf Axmed.
C/llaahi Yuusuf
waxaa kaloo uu soo maray wadamada Kuwait iyo
Emirate-ka Carabta, waxayna labadaasi dowladood
ballanqaadeen inay ka qayb-qaadan doonaan shirka dib
u heshiisiinta ee Madaxweynuhu horey ugu dhawaaqay.
TAAGEERO BAAQA BEELWEYNTA
HAWIYE
Anaga oo ah
jaaliyadaha beelweynta hawiye ee ku nool qaaradaha
YURUB iyo waqooyiga AMERICA waxaan cadeeynaynaa
inaan ku faraxsanahay baaqii cuqaasha beelweynta
hawiye ka soo saareen caasimada somalia ee muqdishu
taariikhdu markii eheed 06/03/2007
Hadii aan nahay
jaaliyadahaas kor ku xusan waxan cadeeneynaa inu noo
dhahanyahay dhahmada odayaashayada
Waxaan hiil iyo
hooba la garabtaaganahay shirarka ceeynkan oo kale
ah oo loogu adeegayo danaha bulshaweynta soomaliyeed
gaar ahaan beelweynta hawiye .
Waxaan ka
codsanaynaa in cuqaasha beeshu anay ka daalin
howlaha ceynkan oo kale ah waxaanan ka codsanaynaa
oo kale inaanay dhag jalaq u siin waxma garatada
ilaah naga dhaliyay waxay jirta oraah oranaysa (NINKII
WAALAN WALAALKIIS BAA U FIYOOW),
Xariiriyaha
jaaliyadaha ee beelweynta hawiye
Ali abdi Wardhere Ali Yare
Cali_yare@hotmail.com
Stockholm Sweden
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Qaylo-Dhaanta
Ku Wajahan Maamulka Dowladu Ka Samaysay Gobolada
Juba-land Oo Sii Kordhaysa ..
Waxaa isa soo taraya qaylo-dhaanta iyo cabshooyinka
ku aadan maamulka ay ka samaysay dowlada kmg ahi
gobolada jubooyinka iyadoo kulamo isdaba jooga oo ay
yeesheen beelaha degaanka waamo ay isku afgaran
wayeen islamrkaana kala qaybsan siyaasadeed oo
xoogan uu halkaas kasoo ifbaxay ...
taasoo ay kasoo saareen baaq ay kaga hadlayaan
xaalada dhabta ah ee ka jirata halkaas aqoon-yahano
iyo isimo kasoo jeeda beesha siciid
harti(dhulba-hante) waxaana baaqan ku saxiixnaa
nabadoon xaaji cabdi yare iyo ing,caydiid saleebaan
xaashi,waxuuna u qornaa sidan:
Markaanu araganay xaalada dalku marayo isalamrkaana
isla gofayanay sida ay dowlada Embaghati wax u
maamulayso ,ugana fog-tahay xaqiiqda iyo xeerarka
waafaqsan shuruucda u degsan dalka islamarkaana ugu
qotonto hab beeleedka lagu doonayo in dalka oo dhan
lagu dhaxal siiyo beesha ina yuusf yey ayaanu
waxaanu isla garanay inaanu kala noqono kalsoonida
anagoo eegayna soomaali-nimada iyo umad ahaan
masiirka danaha dadka reer juba-land .
waxaanu u sheegaynaa shacabka reer juba-land ee ku
abtirsada beeshan siciid harti inay kafogaadaan wax
kasta oo lagu doonayo in lagu lumiyo masiirka umada
ay kasoo jeedaan islamrkaana waxaanu ugu baaqaynaa
dadka reer juba -land ee beeshan ah inay gartaan
danaha dadka ay wada nool yihiin islamarkaana
taageeraan nabada.
waxaanu kasoo hor jeednaa musuq-maasuq ,diin,;la,aan
,siyaasad aan meelna gaarsiisnayn ,keligii taliye
iyo weliba waxii aan dan u ahayn umada reer
juba-land oo dhan ,waxaanu kasoo hor jeednaa wax
kasta oo keeni kara colaad iyadoo ay soo baxayaan
mad-madow durba soo galay gobaloda juba-land oo ay
isa siinayaan hal beel oo ah beesha majeerteen.
Ugu dambayntiina waxaanu ugu baaqaynaa umada
soomaaliyeed inaanu kasoo horjeedno si cadna aanu u
qeexayno musuq-maasuqa ay wadodowlada Embaghati
islamrkaana umada soomaaliyeed u sheegayno anagoo ku
hadalayna magaca beesha siciid harti (dhul-bahante)
inay kahor tagaan caburinta siyaasadeed iyo ku tag-rifalka
masiirka umada soomaaliyeed ee ay wadaan maamulka c/laahi
yuusuf ...
wa billaahi towfiiq
beelaha juba-land
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Khasaarihii Ka
Dhashay Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Ciidamada
Ugaandha Ee Muqdisho Jooga .
Waxaa isa soo taraya khasaarahii ka dhashay
weerarkii gaadmada ahaa ee xalay lagu qaaday kolonyo
baabuur ah oo ay wateen ciidamada dalka ugaandha ee
ku sugan caasimada muqdisho iyadoo la xaqiijiyey
ilaa iminka 15 qofood inay ku dhimatay 22 -kalena ku
dhaawacantay .
Weerarkan Qaraxyadii iyo rasaasta ka dhalatay
dirayankeeda ayaa saamayn weyn ku yeeshay
degmooyinka iyo xaafadaha jaarka la ah deegaanka
km-4 iyadoo fiid horaadkii xalay ay kooxo hubeysan
oo aan la garaneyn ay weerar ku qaadeen Kolonyo
gaadiidka dagaalka ciidamada Uganda oo marayay
wadada NO,4
Sidoo kale Ciidamada Uganda ayaa la sheegay in lala
beegsaday qaraxyo iyo rasaas, iyadoo ciidamada
Uganda ay is-difaaceen oo ay fureen rasaas xoogan oo
aan kala joogsi lahayn oo ay u ridayeen afarta
dhinac .
Xaaladda deegaankaas ayaa halmar isu bedeshay qiiq
iyo uuro ka dhalatay rasaasta iyo qaraxyada lays-
dhaafsanayey oo ahaa mid ka duwan dagaaladii hore ee
ka dhici jiray caasimada , iyadoo ay sii bada nayso
wel-welka iyo walaaca laga qabo kusii noolaashaha
magaalada caasimada ee muqdisho .
ma jiraan wax waan waan ah ama wada hadal ah oo lagu
dhimayo weerarada isdaba jooga ah ee ay is
dhaafsanayaan ciidamada Ethiopia ,ugaandha iyo
weliba kooxaha kacdoonka wada ee kajira caasimada ,iyadoo
Meydadka dadka ku geeriyooday qaraxyadii iyo
israsaaseyntii xalay ,saaka lagu arkayey wadooyinka
soo gala Km4, islamarkaana xaalad amaan xumo darteed
loo gali-waayay xalay, ka dib markii ciidamada
dowladda kmg ah iyo kuwa Ethiopia ay isku gadaameen
goobta dagaalku kadhacay .
ma cada qasaaraha dhabta ah inuu intaas ku ekaan
doono iyo in kale waloow ay jiraan warar dheeraad ah
oo sheegaya inay jiraan madaafiic iyo rasaas wax ku
laysay meelo ka durugsan meesha dagaalku kadhacay .
si kastaba ha ahaatee iska hor imaadkii xalay ayaa
ka duwanaa kuwii hore uga dhici jiray caasimada
iyadoo ciidamada dalka ugaandha ay rasaasta faraha
ka bixiyeen ilaa iyo dadkii shacabka ahaa ee ka aga
dhowaa deeganadaas ay dhamaan wax dhaawaca ,wax
dhintay iyo kuwo cagahooda ku cararay noqdeen.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com