Taageerid
Baaqii waxgaradka Muddulood ee waqooyiga Ameerika
iyo Yurub oo laga taageeray Sweden
Shir ay ku yeelatay
jaaliyadda Muddulood ee magaala madaxda Iswiidan ee
Stockholm 27/02/2007, falanqeyn iyo doodo dhaadheer
oo ku saabsan xaaladda dalkeennu marayo waqtigaan
xaadirka ah kaddib, waxay ku gaartay go'aannada soo
socda:
1) In si buuxda loo
taageero baaqii waxgaradka iyo aqoonyahannada
Muddulood ee ku nool waqooyiga ameerika iyo yurub ee
25/02/2007;
2) In la
cambaareeyo qabsashada Ciidammada Tigreega ee
dalkeennaIyo xasuuqa ay ka wadaan;
3) In kaalinta beesha Muddulood ee waqtigan adag ee
dalku ku jiro ahaado mid cad oo ku saleysan
taageeriid hiil iyo hooba leh ee dhaqdhaqaaqyada
ummadda soomaaliyeed uga soo horjeeddo ciidammada
shisheeye ee dalka qabsaday;
4) In weecinta
go'aammadii shirkii dib u heshiisiineed ee Keenya
Uusan Muddulood cidna xulufo kula ahayn kana soo
horjeedo wixii ay ummaddu wadalahayd in koox gaar ah
kelideed ku takrifasho;
5) In beesha
Muddulood looga digo shirarka waqooyiga Mudisho ka
Socda kuwaasoo ah shirqoollo lagu damacsan yahay in
ummadda looga qariyo abaabullo dagaallo sokeeye iyo
xasuuq isir sifeeyn oo ay wadaan ciidammada
tigreegaiyo dabadhilifyadoodu;
6) In joogitaanka
ciidammada tigreega iyo kuwa dabadhilifka ah ee lagu
sheegayo kuwa qaran ee ku soo qulqulaya Muqdisho loo
arko kuwa halis ku ah beesha Muddulood gaar ahaan
iyo guud ahaan beelaha la deriska ah iyo kuwa ay
haybta wadaagaan.
Waxaan ugu dambeyn
beesha Muddulood ku boorrinaynaa in ay ilaaliyaan
midnimada ummadda iyo inaysan gabin kaalintii
hormuudnimo ee lagu yiqiin teer iyo waqtiyadii
dhaqdhaqaaqa gobannimodoonka ilaa waqtigan xaadirka
ah,layskana ilaaliyo inaysan dhicin siduu ka digay
abwaankii ku tiriyay shiribkan: Ubbo ay abeeso ku
jirtoow - Abgaal Cusmaan ku istanjoo rabaa.!!
Waxaa qoray
Hormoodka iyo waxgaradka beesha muddulood ee
Stockholm.
1. Maxamed Mukhtar Shiikh
2. Xassan Isloow Axmed Mxamud.
3. Inj. Cali Shiikh Xassan.
4. Xamdi Axmed Caraay
5. Abukar Cabdulle (dhabareey).
6. Cabdi Dhuxul Maxmauud
Wa Billaahi Towfiiq.
La xiriir: ahmed
Mohamed |
ahmedmohamed450@hotmail.com
Stockholm, 02/03/2007.