SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararki: Mar 7, 2007
  • Shirkii Beelaha Hawiye oo ay ka soo baxeen Go’aano Xasaasi ah..
  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii u dhaxeeyey Ciidamada Itoobiya..
  • Hoobiyayaal lagu garaacay shalay Goroonka Diyaaradaha..
  • Cutubkii ugu horeeyey ee Ciidamada Uganda oo shaley soo gaarey …
  • Yemen oo Jaamacadda Carabta ka codsaneysa in ay gacan siiyaan Dowladda ..
  • Ismaaciil Cumar Geele oo sheegay in Maxkamadaha Islaamiga aan looga ..

Shirkii Beelaha Hawiye oo ay ka soo baxeen Go’aano Xasaasi ah..

Kulan ay ka soo qaybgaleen Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beelaha Hawiye ayaa shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi laga akhriyey qoraal ka koobnaa dhowr bog, waxaana ugu horeyntii ay Beelaha Hawiye sheegeen in Dowladda Federaalka sameysay xadgudubyo ay ka mid yihiin keenista Ciidamo ka socda wadanka Itoobiya oo aan ogolaansho looga haysan Baarlamaanka, soo rogista Sharciga Xaaladda Deg-Degga ah oo aan u adeegeen deganaashaha iyo Xasiloonida dalka, ku xadgudubka qaawan ee Awoodda Qaybsiga 4.5, u aqoonsiga Maleeshiyo beeleed gaar ah ciidamo qaran, taas oo dhaawaceysa is aaminkii Bulshada xiligaan Xasaasiga ah, ku garaacista Bulshada rayidka ah Madaafiic iyo Hoobiyayaal, ku dhawaaqista shir dib u heshiisiineed oo aan marnaba dawaneyn is maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira, boobka hantida guud iyo baneysashada midda gaarka loo leeyahay.

Beelaha Hawiye waxay baaq u soo jeediyeen Bulshada Weynta soomaaliyeed oo ah in ay gacmaha is qabsadaan meelna uga soo wada jeestaan ilaalinta qaranimada iyo midnimada, in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara dib u soo laabashada dagaaladii sokeeye, waxay baaq u soo jeediyeen Dowladda Federaalka ah oo ah in ay shacabka ka joojiso madaafiicda lagu garaacayo, in la joojiyo lagana noqdo xukunka shuruucda amniga degdega ah, kuwaas oo ka soo horjeeda Dastuurka, waxaa qoraalkaan lagu sheegay in dowlad aan dhexdeeda heshiis aheyn dadkeedana aan heshiis la aheyn aysan qaban karin shir dib u heshiisiineed.

Beesha Hawiye waxay u caddeyneysaa Dowladda in aysan jirin wax dagaal ah oo ay kula jirto beelo kale oo loo baahan yahay in Dowladda dib heshiisiin siyaasadeed la furto xoogagga kale ee ay iska hor jeedaan, sida Dowladda dhexdeeda iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, dowladdu ka laabato magacaabista maamulada Gobalada. Ugu dambeyntii Beelaha Hawiye waxay u soo jeediyeen beesha Caalamka in ay xoogga saaraan sidii Ciidamada Itoobiya looga saari lahaa dalka, in ay u hawlgasho sidii ay u dhici laheyd dib u heshiisiin dhab ah, in Beesha Caalamku ka fiirsato taageerada dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee maamul keligiitalis ah.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii u dhaxeeyey Ciidamada Itoobiya..

Shalay ayaa Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka waxay damceen in ay baaraan xaafadda Shiirkole iyo Xeradii hore ee Guul-wadayaasha, balse markii uu baaritaankaasi mudo socday ayaa waxaa bilaabatay tacshiirad ay is weydaarsanayeen kooxaha kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo labo qaybood ayaa ayaa qaybtii hore waxa uu soo socday mudo 40 daqiiqo ah, waxaana halkaasi ku dhintay dad dhowr ah, balse mar dambe ayuu dib u bilowday, waxa uuna ka xoog badnaa kii hore, waxaana halkaasi ku dhintay dhowr qofood, waxaana ku jiray saddex askari oo Ciidamada Itoobiya oo Maydkoodii markii dambe xoog ku qaateen.

Xaafadda Shiirkole ayaa markii dambe waxay noqotay goob ay soo buux dhaafiyeen ciidamo xoogan oo ka socday kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho, waxayna Ciidamada Itoobiya dib ugu laabteen xaruntoodii Gaashaandhiga.

Ciidamada Itoobiya ayaa markii ay baarayeen Xaafadaha, waxaa la soo sheegay inay dadka ka qaadanayeen wax alla iyo wixii ay arkaan sida Taleefanada Gacanta iyo hubka fudud, taasina waxay keentay in ay aad uga caroodaan dadkii deegaanka oo bilaabay inay Ciidamadaasi ku sameeyeen jid gooyooyin, waxayna taasi keentay rasaasta shalay galab ku dhex martay halkaasi labada dhinac.

Meel aan sidaasi uga fogeyn halka uu ka dhacayey Dagaalka ayaa waxaa ku shirayey Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsanaa Beelaha Hawiye, waxayna wararka qaar sheegayeen in Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federalaka damacsanaayeen in ay shirkaasi joojiyaan, waxaase markii dambe ka hor yimid kooxihii kacdoonka ka waday Magaalada Muqdisho maalamahan.

Hoobiyayaal lagu garaacay shalay Goroonka Diyaaradaha..

Shalay duhurnimadii ayaa ugu yaraan sideed Hoobiye waxay ku dhaceen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana lagu waramay in hoobiyayaashaasi bartamaha u galeen Garoonka xili ay halkaasi ka degayeen ciidamadii ka socday Midowga Afrika, gaar ahaan Dowladda Uganda, waxaana halkaasi ka bilowday kala carar, waxaana la joojiyey xafladdii halkaasi ka socotay oo ay ka qaybgaleen Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka iyo Hogaamiye kooxeedyadii.

Muuse Suudi oo ka hadlay xafladdii lagu soo dhaweynayey Ciidamada Uganda ayaa waxa uu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo Dowladda Federaalka wax u dhimana Dowladda ay tahay mudo labo sano ah wixii waqtigaas ka dambeeyana uu cid kasta oo bandhigi karo waxa uu doonayo.

Ciidamada Uganda oo gaareyay 500 oo Askari ayaa waxaa keenay lix diyaaradood oo la sheegay inay la ahayd Dowladda Al-Jeeriya.

Cutubkii ugu horeeyey ee Ciidamada Uganda oo shaley soo gaarey …

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka soo degay cutubkii ugu horeeyey ciidamo ka socday dalka Uganda, waxaana halkaasi ku soo dhaweyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo uu ugu horeeyey Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaaanka Prof. Dhalxa iyo Mas’uuliyiin kale.

Cutubkaan oo shalay loo garaacay Astaanka Soomaaliya iyo Uganda ayaa waxaa la sheegay in ay ka koobnaayeen 500 oo Askari, waxaana keenay lix diyaarood oo labo ka mid ahi sideen qalabka Ciidamada.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadaani ay yihiin kuwo gacan siin doona Dowladda Federaalka ah, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo isna sheegay in ay muhiim tahay in marka hore Bulshada hubka laga dhigo, taas oo uu sheegay inay tahay midda keliya ee xal lagu gaari karo.

Mareykanka oo ganaax dusha kaga tuuray Bankiga Islaamka …

Dowladda Mareykanka oo barnaamijkeedii Argagixisada u bedelatay mid ay ku cunaqabateyso Wadamada Islaamka ah ayaa dhawaan waxay ganaax dusha kaga tuurtay Bankiga Islaamka oo uu ku eedeysay in uu taakuleyn u fidiyey wax uu ugu yeeray kooxo aragigixiso ah.

Arrintaan oo la yaab ku noqotay Bulshada Islaamka ayaa Hay’adda sirdoonka Mareykanka ku eedeysay Bankigaasi in uu lacago ay bixisay Dowladda Sucuudiga la marsiiyey si uu ugu gudbiyo kooxo ka dhisan dalka Falastiin iyo wadamo kale oo Islaam ah.

Sirdoonka Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay baaritaankaan wadeen mudo afar sano ah, haatanna lagu helay Bankiga Islaamka in uu galay dambigaasi sida ay warbixintooda ku sheegeen, waxayna wararku sheegayaan in ganaax lagu soo rogay, iyadoo dhanka kalana aysan wax war ah ka soo saarin Ururka islaamka iyo Mas’uuliyiinta Bankiga.

Dhawaan ayey ahayd markii Hay’addii Samafalka ee Al-Xarameyn ee taakuley jirtay Carruurta agoonta ah uu Mareykanku Albaabada u laabay.

Yemen oo Jaamacadda Carabta ka codsaneysa in ay gacan siiyaan Dowladda ..

Dowladda Yemen ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Dib u heshiisiinta ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo lagu wado in uu dhaco 16-ka April ee soo socota.

Wasiirka Arimaha Dibadda DAlka Yemen oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa waxa uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan wadankaasi oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya iyo sidii Dowladda Masar ay taageero balaaran ugu fidin lahayd shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu booqan doonaan wadamo fara badan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta si uu uga dhaadhiciyo in taageero lixaad leh la siiyo Dowladda Federaalka ah.

Ismaaciil Cumar Geele oo sheegay in Maxkamadaha Islaamiga aan looga ..

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo u waramayey Wakaaladda WArarka AP ayaa mar kale ku celiyey in loo baahan yahay in shirka dib u heshiisiinta ah laga qaybgeliyo Maxaakiimtii Islaamiga oo uu sheegay inay taageero fara badan ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa uu ammaanay doorkii ay Maxaakiimtu ka qaateen nabad ku soo dabaalida gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay rajo geliyeen shacabka Soomaaliyeed oo mudo 16 sano ah ku jiray dagaalo sokeeye.

Ismaaciil Cumar Geele waxa uu sheegay in aysan Soomaaliya ku sugneyn kooxo xiriir la leh ururka Al-Qaacida, isagoo sheegay in Maxaakiimta islaamiga ah ku yimaadeen rabitaanka Shacabka Soomaaliyed. Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in la yimaadaan midnimo buuxda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Xaggee Mareysaa Soo Celinta Maalkii Dadweynaha kaga Maqnaa Shirkaddii Dalsan


iska horimaad lama filaan ah oo kooxo hubeysan iyo ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada oo isgarabsanaya goobo ay baaritaano ka sameynayeen

Dagaal kaan oo aan la ogeyn inta uu la egyahay qasaaraha uu geystey ayaa wuxuu dhawaan ku dhex maray duleedka wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya kooxo malleeshiyooyin ah iyo ciidammada dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka oo halkaas ka waday baaritaanno.

Ciidammada dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah ayaa waxay sameeyeen saakay baartaanno lagu sameynayo guryaha ku yaalla dhismihii hore ee Shiirkole oo ay dad shacab ah daggan yihiin iyo xaafadaha ku dhowdhow.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ku billowday si lama filaan ah isagoo aan caddeyn Karin khasaaraha uu sababay, waxaana kooxahaan burcadda ah ay rasaas aad u xoog badan iyo baasuukayaal la beegsadeen ciidammada iyadoo ciidammaduna ay kaga jawaabeen rasaas aad u xoog badan.

Kooxaha weerarka geystay ee burcadda ah ayaa waxaa la sheegay inay ka awood badiyeen ciidanka dowladu iyo kuwa Itoobiya ee taageera dowlada ayna kala eryeen, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dagaalka uu aha mid cabsi weyn ku beeray dadka deegaankaas ku dhaqan.

Waa markii ugu horreysay oo dagaal noocan oo kale ah lagu soo qaado ciidammada dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah oo wada howlo baaritaanno ah, waxaana la sheegay baaritaankii ay ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah ay istaageen.

Garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha u dhow dhow oo ay madaafiic iyo hoobiyeyaal habow ihi ku so dhaceen

Agagaarka iyo nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ku dhacay madaafiic nooca hoobiyaha ah, waxaana taasi ay sababtay in ay joogsadaan khudbado halkaas ka socday.

Waxaa si dhaqso ah u joogsaday khudbooyin ay wadeen madaxda dowladda iyo xubnihii kale ee halkaas lagu soo dhaweeyay maanta, waxaana tani ay keentay in garoonka lagu kala dareero.

Madafiicda ayaa waxay ku dhaceen xaafadda Afisiyoon oo ku dhow Saldhigii hore ee ciidammada cirka Soomaaliya, waxaana madaafiicda mid ka mid ah oo ku dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu sigay diyaarad kuwa rakaabka ah oo halkaas shacab ka qaadday.

Weerarkaan oo aan geysan wax khasaare ah oo muuqda ayaa wuxuu sababay in garoonka lagu tago, waxaana ciidammadii Uganda ee halkaas oo dagay ay weli ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Ciidammada Dowladda ayaan iyagu wax jawaab ah ka bixin madaafiicda ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho agagaarkiisa, waxaana dadka deegaankii ay kooxaha wax tuuraa la galeen dagaal aad u fool xun oo sababay in kooxahaas ay ka cararaan deegaannadii ay doonayeen inay wax ka tuuraan.

Guddoomiyaha golaha Maxkamadaha Midoobay oo sheegay inuu ka qaybgalayo shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Muqdisho ka dhacaya kaasoo uu ku dhwaaqay madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha gudiga Fulinta ee Maxkamadaha islaamka ee laga looga awood roonaaday talada dalka ayaacadeeyey inuu ogol yahay inuu qayb ka noqdo shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu qabanayo Muqdisho.

Sheekh Shariif oo haatan ku nool dalka Yemen ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu qayb ka noqdo wax walba oo lagu dhameynayo khilaafaadka ka jira gudaha dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay inuu ogol yahay shaqsiyan inuu qayb ka noqdo shirkaas.

Wuxuu carrabka ku dhajiyay Sheekh Shariif in shirkaas uu uga qaybgalayo oo keliya haddii lagu casuumo, balse uusan tagayn haddii aan lagu casuumin, mana uusan sheegin haddii ay u yeeraan madaxdii Maxkamadaha ee la midka ahaa uu tagayo iyo in kale.

Danjiraha Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Fall ayaa saxaafadda dunida qaarkeed u sheegay in Sheekh Shariif uu kula hadlay khadka taleefoonka uuna ka ogolaaday inay shirkaas ka qaybgalayaan.

"Waxaan ka codsanay Sheekh Shariif inuu qayb ka noqdo shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu qabanayo dhawaan Muqdisho, caasimadda Soomaaliya waana uu naga ogolaaday" ayuu yiri Danjire Fall oo sheegay inuu kula hadlay Sheekh Shariif qadka Taleefoonka.

Lama garnayo go’aanka uu ka qaadan karo Madaxweyne Yuusuf iyo cali maxamed geedi oo dhowr jeer oo hore sheegeen inaysan jirin Maxkamado ay la hadlayaan, sidoo kale aan ku casuumin shirka markii uu dhawaan ku dhawaaqay cidda ka qaybgalaysa shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka furmaya 16-ka April Muqdisho.

Ciidamada yugaandha oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho

Iyada oo beryahaanba la sugayey ciidamada nabad ilaalinta ee kas socdo wadamada Africa ayaa Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha Muqdisho soo 400-askari oo ka mid ah ciidammada Dowladda yuganda ee nabad ilaalin ahaanta u yimid Soomaaliya ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.



Ciidammadaan iyo qalabkooda ayaa waxaa keenay 5-diyaadood oo mid ka mid ah ay tahay diyaarad dagaal oo Helicopter, waxaana diyaaradaha kale lahaa ciidammada dalka Algeria oo iyadu horay u ballaqaaday inay daadgureynayso ciidammada nabad ilaalinta ah ee la geynayo Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa timid diyaarad kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay Mareykanaka oo waday laba taangi oo ah nooca ayasan xabbaduhu Karin oo casri ah, waxaana la sheegay in labada taangi ay yihiin kuwii ay ciidammada ku billaabi lahaayeen illaa caawa howlgalladooda nabad ilaalinta ah.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay ciidammadaan madaxda Dowladda oo ay ugu horreeyaan Prof. Dalxa iyo Cadde Gaaboow, salad cali jeele waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa soo dhaweynta ciidammada Uganda oo ay ka mid yihiin Hoggaamiyeyaashii Dagaalka Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, , Cabdi Nuurre siyaad , cabdi qeydiid cumar finish .maxamed cumar xabeeb maxamed dheere iyo xubno kale oo ka tirsanaa hoggaamiyeyaashii dagaalka.

Ciidamada ayaa waxay u soo dageen markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si tareerin ah oo ay ka muuqatay tababarka ay qabaan, waxaana ay u taagnaayeen si asluubaysan; waxaana halkaasi ka dhacay xil wareejin iayda oo calanka dowlada yugaandha oo ay wateen lagu bedelay calnka IGAD ka dibna lagu bedelay calanka somaliya taas oo ka tarjumeysa in howsha iyo amarkaba ay somalidu leedahay waxaana lagu wado in saacadaha soo socda ay soo gaari doonaan tiro kale oo ciidamo wadamo kala duwan ka socdo u soo gaari doonaan Muqdisho.

Gen. Levi Karuhanga oo ah taliyaha ciidammada nabad ilaalinta ah ee Afrika ayaa ka sheegay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta ay noqoto maalintii ugu horreysay oo ay soo gaaraan Muqdisho ciidammo ka tirsan AMISOM oo nabad ilaalin ahaan uga howlgalaya Soomaaliya.

Garoonka Muqdisho ayaa waxaa ku dhacay wax yar kaddib markii ay soo gaareen ciidammadaan ilaa iyo 8 madfiic oo la sheegay inay intooda badan ku dhaceen goobo ka baxsan Garoonka ayna ku dhaceen Xeradii hore ee ciidammada cirka ee Afisiyooni loo aqoon jiray, halkaasoo ay ku gubeen guryo shacab.

Lama garanayo goobaha dhabta ah ee ay ka soo dhaceen madaafiicdaas balse, waxaa la ogyahay inay yihiin kuwo diidan in ciidammada nabad ilaalinta ah ay soo galaan Soomaaliya.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 /002521653623


Madaxweynaha Uganda Muxuu Kula Dardaarmay Ciidankiisa aadaya Soomaaliya?


PRESIDENT Yoweri Museveni yesterday (March 1, 2007) flagged off the UPDF contingent to Somalia, sternly warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.
| New Vision, Uganda

PRESIDENT Yoweri Museveni said: “I have heard that you went to doctors who found out that you do not have these dudus (HIV/AIDS). Take care of your lives when you go to Somalia. You have had enough women here.” | Source: Newvision

Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa (March 1, 2007) khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyey ciidamada militariga Ugandha ee aadaya Soomaaliya. Wixii ugu weynaa ee uu kala dardaarmayna waxay ahayd dumark Soomaaliyeed.

Museveni waxa uu luqadda afka Sawaaxiliga isagoo kula hadlayey ciidamada u socda Soomaaliya uu ku yiri: "Waxaan maqlay in ay idin bareen dhakhaatiir kuwaas sheegay in aydin qabin bahalkaas loogu yeero HIV/AIDS. Naftiina u taxadara marka aad tagtaan Soomaliya. Dumar idinku filan waxaan ku haynaa halkan."

Jariidada New Vision ee ka soo baxda Ugandha oo arrintaas ka hadleysey waay tiri: Madaxweyne Yoweri Museveni oo la dardaarmayey ciidamada u ambabaxaya Soomaaliya waxa u didgniin culus ku siiyey in ay iska ilaaliyaan la macaamilka (xagga jacaylka/galmada) dumarka Soomaaliyeed. [warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.]

Nin oday ah oo Soomaali ah oo hadalkaas loo sheegay ayaa yiri: "Madaxweynaha Uganda waxa uu u gafey Mujtamaca Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed, hadalkasuna waa mid dhalin doona cadaawad dheer oo dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Ugandha ee imanaya Soomaaliya."

Weli ma jiro mas'uul Soomaaliyeed oo hadalkaas ka jawaabey.

Ciidamada uu dardaaranka siinayey madaxweyna Ugandha ee u ambabaxayey Soomaaliya waxay tiradoodu ahayd 1,605, waxaana dumar ka ahaa saddex.



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com