Wararki: Mar 6, 2007
Wadaad
Mu’adin ka ahaa Masjidka Xareed Xaafadda
Baar-Ubax oo La Diley...
Wadaadkii Mu’adinka ka ahaa Masaajidka Xareed
Xaafadda Baar-Ubax ayaa shalay Galbnimadii meel ku
dhow Masajidaka lagu dilay.
Dilka Wadaadka ayaa waxaa ka dambeeyey Koox Dablay
ah ee ka koobneyd 3-Ruux waxayna Wadaadka la
dhaawaceen 4-Ruux oo Wadaadka aktaanaa.
Dilka Wadaadaka ayaa waxaa aad uga xumaaday Dadka
Waynaha degan Xaafadaasi waxayna ku tilmaameen mid
ka baxsan Diin Islaamka, waxayna ka codsadeen Dadka
deegaanka inay ka hortagaan Kooxaha dilaya Culumada
iyo Dadka Muhiimka ah. Maalmihii la soo dhaafay
Muqdihso waxay wahel u noqotay Dilka Dad aan waxba
galbsan iyadoo Maalintii shalay ahayd magaalada
Muqdisho 4-Ruux oo siyaaba kala duwan loogu dilay
Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Xaafadda Taleex ayaa lagu dilay Sargaal ka tirsanaa
Ciidanka Booliska waxaana lala dilay Ninka ee la
socday sidoo kale waxaa Isgowska Howl-wadaag Nin
isna halkaasi marayey.
Dhawaan ayey markii Taliyihii Ciidanka Madaniga ee
Xaafadda NBC Marxuum Axmed dhaashane waxaana
Dilkiisa aad uga murugooday Dadwaynaha Deegaanka
maadaama Taliyaha uu ahaa Nin dagaal kula jiray
Kooxaha Burcadda ah oo ka qowleysan jiray Xaafadda
NBC.
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed oo Deeqdii ugu balaarneyd ka helay...
Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo dhawaan booqday
Dalka Kuwayt ayaa waxaa lagu waramay in Dowladaasi
uu ka helay Deeqdii ugu balaarneyd oo ay hesho
Dowladda tan iyo markii lagu dhawaaqay Sanadkii
2004-Ta.
Deeqdan oo isugu jirta mid la cageed iyo mid dib
loogu dhisayo Hay’adihii Dowladda iyo Ciidanka
Booliska waxaana la filayaa in maalmaha soo socda
qayb ka mid ah Deeqdeesi ay soo gaarto Magaalada
Muqdisho.
Dowladda waxay sheegtay in ka qaybqaadan doonto
waxna ka bixin doonto Kharshka ku Shirka dib u
hashiisiinta Soomaaliyeed ee la qabanayo 16-ka
Abriil ee fooda nugu soo heyso waxaana ka qaybgalayo
3-Kun oo Ergo oo ka kala imaanaya Beelaha
Soomaaliyeed, Siyaasiintii Caanka ka ahayd
Soomaaliya, iyo Ergooyin ka imaan doona Dalka
dibdiisa.
Xabsiga dhexe
ee Muqdisho oo shalay dib loo furey .
Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan dib u
habeyn lagu sameeyey ayaa waxaa maalintii shalay
ahayd lagu qabtay Xaflad lagu furayey Xabsigaasi
waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Federaalka ah.
Xabsiga oo haatan u diyaarsan in uu qaabilo dhamaan
maxaabiista kala duwan ee gashay dambiyada kala
gedisan, ayaa waxaa sidoo kale soo kormeeray
mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobey oo
qaabilsan dhinaca Xabsiyada, waxayna ujeejadu ahayd
inay soo ogaadaan goobaha lagu xirayo maxaabiista.
Xabsigaas oo daryeelo xumo ka muuqatay ayaa waxaa
qaybo badan oo ka mid ah weli u baahan yihiin
dayactir xoog leh, maadaama aan 16-sano aan wax
maxaabiis ah lagu xirin xabsigaasi.
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee UK oo deeq lacageed oo gaareysa Afar
kun oo Doolar soo gaarsiiyay Wiil Madaxa ka
Xanuunsan
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee UK ayaa waxay soo gaarsiiyeen shaley
lacag gaaraysa 4-kun oo Dollar Amino Axmed Maxamed
oo ah hooyada dhashay wiil yar Hal sanno iyo Bar
jirka oo ka xanuunsan Madaxa oo lagu magacaabo Xasan
Axmed Maxamed.
Lacagtaan ayaa
waxaa ka soo ururiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
London Laylo C/kariin Jaamac, Cumar iyo Dhallinyaro
kale, waxaana lacagta loogu talogalay in wiilka yar
lagu geeyo dalka Imaaraadka Carabta si loogu soo
daweeyo halkaas, iyadoo dhaqaatiir dhowr ah oo
Soomaaliyeed ay sheegeen inaan dalka waxba looga
qaban Karin xaaladdiisa caafimaad.
Lacagtaan oo ah middii ugu badnayd ee la soo
gaarsiiyo Wiilkaas yar ee Xanuunsanaya ayaa waxaa
loogu soo hagaajiyay Xafiiska Websie-yada ay ka mid
yihiin Qarannimo ee Muqdisho, waxaana guddoonsiiyay
Lacagta C/xakiin Cilmi Xasan oo ka mid ah maamulka
webpage-yadaas, wuxuuna sheegay mar uu ka hadlayay
guddoonsiinta lacagta in lacagtaan ay tahay mid
loogu talo-galay in wiilka yar ee xanuunsan lagu
gaarsiiyo dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo la
filayo inay daweyn uga billaabato.
“Lacagtaan
waxaa soo ururiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK,
gaar ahaan London, waxayna ugu talogaleen in
wiilkaan yar lagu geeyo dalka Imaaraadka Carabta, si
loogu daweeyo halkaas, iyadoo Imaaraadka Carabta ay
ugu imaanayaan wiilkaas yar iyo hooyadiis Xubno ka
socota Jaaliyadah Holland iyo South Afrika oo ay ka
mid yihiin: Saadaq Xasan Colaad oo ah Madaxa
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland iyo Maxamed
Cafaare oo isaguna ah Guddoomiyaha Jaaliyadda
Koonfur Afrika oo laduba imaanaya dalka Imaaraadka
Carabta, iyagoo bixinaya qarashaadka kale ee loo
baahdo, kuna saabsan wiilka daweyntiisa iyo
joogitaankooda dalka Imaaraadka Carabta” ayuu yiri
C/xakiin oo faahfaahin ka bixinayay lacagta ay
Jaaliyadda UK u soo direen Aamin Axmed Maxamed oo ah
hooyada dhashay wiilka yar ee Madaxa ka xanuunsanaya.
Aamino
Axmed Maxamed oo ah Hooyada Dhashay wiilka yar ee
Madaxa ka xanuunsanaya oo saxaafadda la hadashay
ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee UK iyadoo sheegtay inay guddoontay
lacagtii ay u soo direen, ayna doonayso inay dhawaan
dalka Imaaraadka Carabta u qaaddo wiilkeeda ka
xanuunsanaya madaxa si ay daweyn ugu soo hesho.
“Wiilka xaaladdiisa waa mid aad u xun xilligaan,
waxaana maalmahaan u socda Qur’aan saar, waxaana
doonayaa inaan dibadda dalka u qaado si daweyn loogu
helo” ayay tiri Aamino oo intaas ku dartay:
“Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo dhowr jeer aan u geeyay
wiilka ayaa waxay ii sheegeen inaan dalka waxba
looga qaban Karin, ALLE mahaddiina waxaa ii
suurogashay hadda inaan dibadda dalka u qaado”.
Aamino Axmed Maxmed waxay sheegtay inay u
mahadcelinayso Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dunida ku
nool oo dhan; gaar ahaan kuwii gacanta u fidiyay oo
ay sheegtay inay ka mid tahay Gabar ku nool dalka
Switzerland oo lagu magacaabo Sahro Cali, iyo
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Torino ee dalka
Talyaaniga
Wafdi ka socda
Midowga Afrika oo booqdey goobo ku yaal..
Wafdi ka socday Midowga Afrika oo maalmahan
Booqanayey Magaalada Muqdisho ayaa shalay soo
kormeeray Goobo ku yaala Magaalada Muqdisho oo la
damacsan yahay in la dijiyo Ciidamada Nabad
ilaalinta ah oo hordhacoodu dhawaan soo gaareen
Magaalada Baydhabo kuwaas oo ahaa Ciidamada ka
socday Wadanka Uganda.
Goobaha ay booqdeen waxaa ka mid ah Garuunka
Diyaaradaha, Degadda Wayn ee Magaalada
Muqdisho,Siliga Maraykanaka, Warshadii Hore ee Kabka,
waxaana Wafdiga la socday Saraakiil ka tirsan
Dowladda fedaraalka ah.
Magaalada Muqdisho maalintii daraad ahayd ayaa waxaa
soo gaaray Qalab Ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada
Uganda waxaana keentay Diyaarad ee leedahay Dowladda
Uganda sidoo kale Diyaaradaasi waxa ay keentay Qalab
Ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Booliska
Soomaaliyeed.
Wafdigaan waxay kaloo booqasho ku soo kala bixin
doonaan qaar ka mid ah Gobalada dalka oo lagu wado
in ay gaaraan Ciidamada nabad ilaalinta ah ee
dhawaan imaanaya gudaha dalka Soomaaliya, sida
Dowladda Uganda iyo kuwo kale.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muxiyadiin
Darbaweyne “Ma Xil doon buu ahaa mise Xoolo doon”
16-kii May ayey ahayd markii la soo afjaray
khilaafkii mudada ragaadiyey xiriirka Soomaliyeed ee
K/cagta, waxaana arintaani soo dhaweeyey shacabka
Soomaaliyeed oo sheegay in Xiriirka Soomaaliyeed uu
qaaday wadadii saxda ahayd kaddib markii uu doortay
Muxiyadiin Xasan Cali (Darbaweyne) iyo guddiga
fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana
Muqidisho dib loogu soo laabtay iyadoo lagu jiro
farxad iyo reynreyn.
Markiiba waxaa loo hawgalay sidii loo bilaabi
Hawlihii K/cagta ee xiriirka looga bartay, waxaana
durba la bilaabay dhameystirkii Hoyraalkii 35-aad ee
K/cagta iyo tartamadii caalamiga ahaa ee xiriirku
qaban jiray, waxaa sii laba jibaarmay niyaddii
shacabka Soomaaliyeed oo sheegay in xiriirku uu
qabtay hawl muhiim ah oo mudo looga fadhiyey, sidoo
kale Xiriirku waxa uu bilaabay inuu dib u soo celiyo
xiriirkii uu la lahaa Hay’adaha dibadda oo ay ugu
horeyso Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA, waxaana
la isla meel dhigay in gacan la siiyo xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta, waana yididiilo kale oo si
aad ah u soo dhaweeyey bulshada Soomaaliyeed iyo
waliba Xiriirka Soomaaliyeed, haddaba intaa kadib
maxaa dhacay?.
Guddoomiye Muxiyadiin waxa uu aaminay in uu iska
leeyahay Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed guddiga
fulintana ay yihiin kuwo shaqaale ah u Muxiyadiin
sida uu isaga aaminay, guddiga Fulinta Xiriirka
Soomaaliyeed waxa uu ku dhisan yahay dastuur,
Muxiyadiin waxa uu bilaabay durbadiiba Handaad iyo
caga jugleyn uu kula kacay Guddiga Fulinta ee
Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, isagoo isku soo
koobay hawlihii Xiriirka K/cagta Soomaliyeed,
muxiyadiin ma ahan nin ku dhaqma Dastuurka xiriirka
K/cagta Soomaaliyeed, waxayna u tahay markii labaad
oo qalad noocaan oo kale uu galo, waxaa horey u
dhacday sanadii 2003 in uu si sharci daro ah ku
sheegtay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta,
balse haatan oo uu guddoomiye sharci ah yahay ma
uusan ilaalin awooda uu leeyahay Guddiga Fulinta
Xiriirka Soomaaliyeed, sidoo kale ma ilaalin labo
qodob oo ay aad u tixgeliyaan Xiriirka K/cagta
Adduunka oo ah Dastuurka iyo Dhaqaalaha, Muxiyadiin
Dastuur oo uu hogaansami waayey waxaa u dheer
Dhaqaalihii Xiriirka k/cagta Soomaaliyeed loogu
talagalay oo uu si aan gambasho laheyn ugu
takrifalay. Isku soo wada duuboo Muxiyadiin ma xil
doon buu aha mise dhaqaale doon?, jawaabta waxay hor
taalaa bahda jecel K/cagta Soomaaliyeed.
W/D: Ibraahim Xasan Cilmi
E-Mail: kaariye11@hotmail.com
Markale
oo Sarkaal ka tirsanaa jiray Ciidammadii hore ee
Nabadsugidda Soomaaliya ay kooxo hubeysan ku
toogteen magaalada muqdisho
Kooxo
hubeysan ayaa ku toogtay Col. Maxamed Bocorey oo ka
mid ahaa ciidammadii Nabadsugidda Soomaaliya
xaafadda Taleex ee degmada Hodan oo uu ku yaallo
gurigiisa.
Col. Bocoreey ayaan la garanayn sababta ay kooxaha
hubeysan u beegsadeen una dileen, waxaase wararka
qaarkood ay sheegayaan in loo dilay sababo la
xiriira ka tirsanaan uu ka tirsanaa ciidammadii hore
ee Nabadsugidda Soomaaliya.
Dhowr sarkaal oo ka tirsan dowaldda Soomaaliya,
waxaana la sheegay in sababaha loo dilay
saraakiishaan ay ahayd iyagoo ka tirsan Dowladda
Soomaaliya.
Dilalka ugaarsiga ah ayaa waxay noqdeen kuwo ku soo
badanaya Soomaaliya, waxaana dilkaan uu qayb ka
yahay dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho maalmihii
ugu dambeeyay.
Kooxo hubeysan oo nin dhalinyaro ah dhaawacay culus
ugu geystey Muqdisho
Dhaawac culus ayaa loogu geystay Isgoyska Howlwadaag
wiil dhallinyaro ah oo halkaas marayay, kaddib
markii kooxo hubeysan ay rasaas ku boobeen.
Wiilkaan dhallinyarada ah ayaan la ogeyn sababta
dhabta ah ee loo toogtay, waxaase warar soo baxaya
ay sheegayaan in kooxaha dhaawciisa geysay ay
doonayeen inay u geytaan dhac.
Dadkii ku soo xoomay goobta uu dhaawaca wiilkaan
dhallinyarada ah ka dhacay ayaa waxay sheegeen in
sababta loo toogtay ay ahayd iyadoo kooxaha dilkiisa
geystay ay ka soo raaceen suuqa weyn ee Bakaaraha
ayna doonayeen inay dhac u geystaan.
Isbitaallada Muqdisho qaarkood ayaa loo qaaday
dhaawaca wiilkaas dhallinyarada ah oo aysan dableydu
ka qaadan waxyaabihii uu watay, waxaana tani ay
cabsi weyn ku keentay dadkii ku dhawaa goobta uu
fakaan ka dhacay.
Waa dhacdadii labaad ee isku xigta oo ay u
dhexeeyaan daqiiqado oo ka dhacda Muqdisho, waxayna
dadka Muqdisho ku tilmaameen arrintaan mid cabsi
weyn leh, iyadoo cabsidu ay sababtay in la xiro
goobo ganacsi oo ka dhow goobta uu falkaan ka dhacay.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 /002521653623
Kala Dhaca
Gaadiidka Oo Kusoo Badanaya Caasimada Muqdisho .
Isu socodka Gaadiidka BL-ka ah ee wadooyinka
Magaalada Muqdisho, ayaa si aad ah u yaraaday ka dib
markii ay sii kordheen falalka kala dhaca Gawaarida.
Gawaarida BL-ka ah ee isaga kala goosha xaafadaha
kala duwan ee Caasimadda, ayaa saakay si aad ah
gawaabsi u noqday, iyadoona wadooyinka lagu arkayo
dadweyne aad u fara badan oo cagahooda maalaya si ay
goobahooda shaqo quutul yoonkooda uga soo dhacsadaan.
Wadada Wadnaha ayaa
saakay lagu arkayaa Gaadiid teel teel ah, taasi oo
kharashka BL-ka lagu raaci jiray ka dhigtay
Laba-laab, islamarkaana aysan dadka qaarkii awood u
laheyn.
Mid ka mid ah Daraawalada BL-ka ee ka shaqeysa
wadada wadnaha ayaa sheegay in Seddexdii cisho ee
lasoo dhaafay oo kaliya ugu yaraan 6-Gaari lagu
dhacay wadada, islamarkaana gaarigii ugu dambeeyey
Xalay dhac loo geystay, taasi oo sababtay in ay
Gaadiidku saakay hakad galaan.
Arintan kala dhaca Gawaarida BL-ka, ayaa waxa ay
saameyn ballaaran ku yeelanaysaa Qoysas aad u fara
badan oo ay noloshooda ku tiirsaneyd, mana jirto
ilaa iyo iminka wax talaabo la taaban karo ah oo ay
Dowladda KMG oo haatan ku sugan Caasimadda ay ka
qabatay.
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Madaxweynaha
Uganda Muxuu Kula Dardaarmay Ciidankiisa aadaya
Soomaaliya?
PRESIDENT
Yoweri Museveni yesterday (March 1, 2007) flagged off the
UPDF contingent to Somalia, sternly warning
the soldiers against illicit love affairs
with Somali women.
| New Vision, Uganda
PRESIDENT Yoweri Museveni said: “I have
heard that you went to doctors who found out
that you do not have these dudus (HIV/AIDS).
Take care of your lives when you go to
Somalia. You have had enough women here.” |
Source:
Newvision |
Madaxweynaha Dalka
Uganda, Yoweri Museveni, ayaa (March 1, 2007)
khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyey ciidamada
militariga Ugandha ee aadaya Soomaaliya. Wixii ugu
weynaa ee uu kala dardaarmayna waxay ahayd dumark
Soomaaliyeed.
Museveni waxa uu
luqadda afka Sawaaxiliga isagoo kula hadlayey
ciidamada u socda Soomaaliya uu ku yiri: "Waxaan
maqlay in ay idin bareen dhakhaatiir kuwaas sheegay
in aydin qabin bahalkaas loogu yeero HIV/AIDS.
Naftiina u taxadara marka aad tagtaan Soomaliya.
Dumar idinku filan waxaan ku haynaa halkan."
Jariidada New
Vision ee ka soo baxda Ugandha oo arrintaas ka
hadleysey waay tiri: Madaxweyne Yoweri Museveni oo la
dardaarmayey ciidamada u ambabaxaya Soomaaliya waxa
u didgniin culus ku siiyey in ay iska ilaaliyaan la
macaamilka (xagga jacaylka/galmada) dumarka
Soomaaliyeed. [warning
the soldiers against illicit love affairs with
Somali women.]
Nin oday ah oo
Soomaali ah oo hadalkaas loo sheegay ayaa yiri: "Madaxweynaha
Uganda waxa uu u gafey Mujtamaca Soomaaliyeed, gaar
ahaan dumarka Soomaaliyeed, hadalkasuna waa mid
dhalin doona cadaawad dheer oo dhex marta shacabka
Soomaaliyeed iyo ciidamada Ugandha ee imanaya
Soomaaliya."
Weli ma jiro
mas'uul Soomaaliyeed oo hadalkaas ka jawaabey.
Ciidamada uu
dardaaranka siinayey madaxweyna Ugandha ee u
ambabaxayey Soomaaliya waxay tiradoodu ahayd 1,605,
waxaana dumar ka ahaa saddex.