SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Doorashada 2008 ee Maraykanka

Somalitalk oo wareysi ku saabsan doorashada maraykanka ee 2008 la yeelatay Maxamuud Nuur Wardheere oo ahaa murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis haddana ka shaqeeya US Senate. 

Somalitalk:  Mudane Wardheere, waxaan aragnaa in doorashada madaxweyanaha ee maraykanka ay bilaabatay.  Murashaxiinta axsaabta siyaasadda kuwee ugu cad cad? 

Wardheere: Marka hore waxaan salamaayaa daawadayaasha ama aqristayaasha shabakadda Somalitalk waxaanan leeyahay Asalaamu Calaykun Waraxmatulaahi Wabarakaatu. Mustaqbalka ilaahay uun baa garanaya maadaama waxa aan ka hadlayno ay saadaalin uun tahay waxaan hormarsanayaa waxkasta in aan ka hormariyo Insha Allah.  

Waa dhab ololaha doorashada madaxweynaha maraykanka waa uu bilowday weliba si xowli ah ayuu ku bilowday dadka siyaasadda odorasaa waxay saadaaliyeen in tirada murashixiintu soo kordhi doonto oo aan weli la isgaarin ilayn waqti badan ayaa haraye iyo in ololahan uu noqon doono mid aad u qaraar oo aan waba la isula hari doonin hadday ahaan lahayd aflagaado iyo ceeb qod qodis iyo is cambaareyn ama sharaf dil.

Xisbiga Jamhuuriga waxaa ugu cad cad. Ex-Mayor Rudy Giuliani, Senator John MaCain,  Ex speaker Gingrich Ex -Governor Mitt Romney Waxaa dhici karta in dad aan hadda la ogayn soo ku soo baxaan 

Xisbiga Dimoqraadiga waxaa ugu cad cad Senator Hillary Clinton, Senator Baraka Obama iyo Ex Senator John Edward sidoo kale Governor Richardson lama yaraysan karo.  Xanta suuqa soo gashay waxay ku daraysaa Al Gore.  Sidoo kale dad aan hadda ku jirin ayaa dhici karta inay ku soo baxaan.   Isreeb reebyada hore  asxaabta dhexdooda marka la gaaro ayaa la kala fahmi doonaa.   

Nader nin la yiraahdo oo madax banaan ayaa laga yabaa inuu asagana loolanka soo galo.  Nader waxaa jecel inuu loolanka soo galo Jamhuuriga laakiin waxaa neceb xisbiga demoqraadiga oo qaarkood ugu yeeraan  qasaariye“spoiler”.  Waxay aaminsan yihiin in haddii usan ahayn Nader 2000 Al Gore ka guulaysan lahaa Bush. 

Somalitalk:  Minnesota  doorkee ka geli doontaa ololaha doorashooyinkaas? 

Wardheere: 9 kursi oo US Congress ah ayaa ka banaanaan doonto Minnesota  labada kursi oo ilaa hadda loo dhaartay ama loo hanjabay in raga ku fadhiya bannaanka loo diri doono waa kursiga Senator Coleman iyo kursiga Congressman cusub ee Keith Ellison oo ah ninka keliye ee Muslimka ah ee ku jira congresska.  Waa hubaal in Minnesota ugu muhiimsanaan doonto doorashooyinka 2008 labo sababood awgood.   

Waa tan hore ee xisbiga demoqraadiga ee heer qaran ayaa iclaamiyey inay Minnesota diiradda saari doonaan oo ay bar tilaameed ka dhigan doonaan sidii ay u heli lahaayeen kursiga Senator Coleman.  Tan labaad Xisbiga Jamhuuriga  ayaa ku dadaali doona in ay difaacaan kursiga Coleman weliba ku dadaali doona inay Minnesota ku daraan gobolada guduudan oo ay u codeyso murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga.  Waxaa taas astaan u ah go’aanka ay gaareen in ay shiweynahooda ku qabsadaan Minnesota si ay u dhiiri geliyaan  Minnesota iyo gobolada ka ag dhow oo dhan (Midwest). 

Somalitalk:  Shirweynaha xisbiga Jamhuuriga (Republican Convention) ee 2008 waxaad tiri waxaa uu ka dhacayaa Minnesota.  Waan aragnaa in reer Minnesota ku wada faraxsan yihiin oo soo dhoweeyeen weliba labada duqyaasha magaalooyinka mataanaha oo aan ognahay inay yihiin dimoqraadi xataa amaaneen oo guul ku sheegeen.  Maxay reer Minnesota ka faa’iidayaan shirkaas? 

Wardheere: Waa run in reer Minnesota  xisbigay ahaadaanba uma kala harin soo dhoweynta iyo u diyaar garowgiisa iyo ka faaiideysiga shirweynaha.  Guusha shirkan waxay ku xiran tahay sida loo maamula iyo amniga loo sugo.  Qasaarada ka iman kartaa shirkan waa iyadoo banana baxayaasha rabshado bilaabaan oo la xakamayn waayo oo ay gubaan baabuur ama guryo iwm..  Waa dhab in shirweynah xisbiga Jamhuuriga ay la socon doonaan banana baxyo  badan.  Banaan baxayaasha hadda ayay bilaabeen abaabulka iyo inay isga imaan doonaan dunida dacaladeeda. 

Faa’iidada uu shirkan Minnesota u leeyahay waxaa ka mid ah.  Mudada diyaar garowga iyo afarta maalmood ee uu saocon doono waxaa gobolka soo gelaya lacag badan shaqooyin badan ayaa abuurmi doona.  Waxaa intaas sii dheer dunida dacaladeeda oo laga baran doono Minnesota sida magaalooyinka lagu qabto cayaaraha Olympic oo kale.  Suxufiyiin badan oo ka socota caalamka iyo dalkaba waa iman doonaan.  Waxa ugu muhiimsan waa shirkadaha Minnesota iyo siyaasiyiinta Minnesota oo heli doona fursad xayeysiin qaali ah ayadoo dhici karta in Minnesota dunida laga barto.  

Dhamaadka shirweynaha xisbiga jamhuuriga waxaa la shaacin doonaa murashaxa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo ku tartami doona magaca xisbiga jamhuuriga 2008.  Waxaa kale oo la saadaalinayaa haddii uu Senator MaCain helo furasadda xisbiga Jamhuuriga inuu ka dhigto ku xigeen madaxweyne ku xigeen governorka Minnesta Tim Pawlenty.  Si kastaba ha ahaatee Minnesota 2008 waa goob dagaal. 

Somalitalk:  Waxaa la sheegaa inay jiraan dad badan oo krishtaan asal raac ah oo mitid ah oo codkooda isku duuban oo giligila doorashooyinka maraykanka.  Dadkaas ma jiraan maxaase u qorshaysan 2008? 

Wardheere:  Haa waa jiraan dadkaasi waxaana la yiraahdaa evangelicans ilaa iyo hadda ma aysan helin qofkii ay rabeen welina ma la garan karo qorshahooda  laakiin waxaa la wada ogyahay in murashxiinta xisbiga jamhuuriga kulligood codkooda ku dadaalayaan in ay helaan booqashooyin badanna ugu tageen laakiin weli qalbigooda sooma jiidan.  MaCain iyo Giuliani ilmo iska soo tuuridda aad ugama soo horjeedaan guurkana aad uguma dhiiradaan in lagu koobo hal nin iyo hal naag.  Romney asagana waxay ku diidan yihiin diintiisa oo la yiraahdo Mormon oo ay evengelicansku uba arag inayba Kirishtaan ahayn.  

Xeeldheerayaasha siyaasadda marayka waxay aaminsan yihiin in uu jiro nin heli lahaa codka evengelianska kaasina waa Jen Bush oo ah madaxweyen Bush walaalkiis laakiin la yiri waa nin caqli badan oo gartay in waqtigan xaadirka ah Ina Bush kale aanan la dooran doonin qaladaadkii dagaalka ciraaq awgeed asagoo go’aansaday inuu waqti danbe sugo.  

Somalitalk:  Senator Norm Coleman yaa la tartami doona 2008 ? Haddii National Democratic Party bartilmaameed ka dhigteen maxaa u diyaarsan? 

Wardheere:  Sen. Coleman ilaa iyo hadda waxaa banaanka isasoo dhigay oo shafka garaacay oo yiri shaqadaadaan rabnaa labo qof oo maalqabeen ah kuwo kale oo badanna dhowaan ayaa la filayaa inay soo bixi doonaan.  Labada qof kan hore waa Al Franken oo ah nin can ah Radiyoyaal iyo TVba ka soo shaqeeyey oo aan la sahlan karin iyo siyaasi sharciyaqaan ah oo asagana Minnesota laga yaqaan oo la yiraahdo Mike Ciresi.  Mike marar badan  oo hore ayuu loolan doorasho galay waxaana weli la xasuustaa loolankii uu la galay Ex Sen. Mark Dayton 2000 markaas oo uu loolanka doorashadiisa ku bixiyey $6 million oo ka timid jeebkiisa.   

Inkastoo aan labadan ninba la dhayalsan karin haddana xeel dheerayaasha siyaasadda ee demoqraadiga qaar ka mid ah ayaa shaki ka qaba inay nimankan fursad qaali ah dhuminayaan oo aanay kursiga Coleman soo dhicin karin,  Dadka welwelsan waxaa ka mid ah xubno ka mid ah xisbiga Demoqraadiga ee Minnesota oo loo yaqaan DFL.  Waxaana dhici karta in xisbigu baaritaan ku jiro qofka ugu haboon ee soo dhicin kara kursiga Coleman.  Waxaa la dhowrayaa Senator Schumer of NY oo ah senatoorka u qaabilsan doorashada 2008 Senatoorada demoqraadiga waxa uu ka yiraahdo arrintan iyo inuu soo faragashado.  National Democtatic Party waxaa uu damacsan yahay inuu talo ku yeesho murashixiinta ama raadinta kuwa ugu cod helidda badan. 

Senator Coleman waxaa lagu tiriyaa in uu ku dheereeya ololaha lacag urursashada kuna dheereeya xirfadda tartanka doorashada waxaana la isku raacsan yahay inuu leeyahay miisaan iyo urursanaan oo aan dal daloolo badan lahayn. Waana nin hawlo badan qabto oo ku xisaabtama hadhow la weydiin doono intaad senatorka ahayd maxaad noo qabatay?  Senator Coleman waxaa kale oo uu ku sifoobay inuu xariiqa cabirka siyaasadda  kaga jiro qadka dhexe ee uusan ahayn xag jir bidix fog ama xag jir midig fog ee uu yahay dhexda (Center) 

Somalitalk:  Muxuu yahay arrimaha (issues) ay maskaxda ku hayaan shacabka maraykanka 2008?  Yaase ku guulaysan doona? 

Wardheere:  Maanta waxay maskaxda ku hayaan kow waa Ciraaq , labo waa CIRAAQ saddex waa Ciraaq,  Siyaasiyiinta Murashixiinta ah ee maraykanka arrintaas waa ogyihiin maalin walba waxay aqriyaan aftida iyo tiro koobyada waxayna u kuurgalaan qalbiga dadweynaha iyo meesha ay dabayshu u dhacayso waxayna bilaabaan inay moqfiqkooda dib u eegaan ama is qabtaan.  Waxay la tashadaan xeeldheerayaal badan.  Waxay isku deyayaan inay dadweynaha la jaanqaadaan.   

Xisbiga Jamhuuriga waxaa u taal hawl culus waayo waxaa laga rabaa inay difaacaan 18 kursi aqalka senate-ka halka demoqraadiga laga rabo 11 kursi keliya inay difaacaan, xataa waxaa la filayaa in labo xubnood hawl gab ka noqon doonaan xisbiga Jamhuuriga halka xisbiga kale hal qof keliya uu ka hawl gabayo.  Xisbiga Jamhuuriga kursiga Madaxweynaha waxaa uga sii daran oo laga rabo inay aad u difaacaan kuraasta congresska. Labada xisbi waxaa guulaysan doono hadba kii fahmo rayiga dadweynaha 2008.  Laakiin aniga waxaan filayaa in haddii xaaladda Ciraaq sidaan sii ahaato oo isbedeli weyso in Maroodiga laga adkaan doono oo uu dameerku guulaysan doono. 
 

Dhamaad 
 

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com