SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararki: Mar 5, 2007
  • Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar “Dalka waxaa qabsaday Itoobiya, sidaa darteed ayaa waxaan dooneynaa in aan dadka u sheegno…”
  • Dowladda Ereteriya oo beenisay inay ku lug ku leedahay afduub loo gaystay dad Dalxiisayaal ahaa oo u dhashay...
  • Waa sidee xaaladda Magaalada Muqdisho..
  • Labo diyaaradood oo siday sahay Milatari oo shalay ka soo degay Garoonka...
  • Hay’adda Warbaahinta Bariga Afrika oo Deeq Kumbiyuutaro ah ku wareejisay 6 Urur Saxaafadeed
  • Cali Max’ed Geeddi oo ka qaybgalay kulan lagu heshiisiinayey Odoyaasha dhaqanka Beelaha...
  • Beesha Wacdaan oo Caleemasaaratay Suldaan Cusub…
  • Xog-waraysi iyo Jirdil lagu sameeyey Garyaqaan ku sugan Boosaaso
  • Afar Soomaali Ah oo Fal Dil ah Loogu Xirey Dalka Masar
  • Dadkii Ka Qaxay Magalada Muqdisho Oo Ay Lasoo Deristay Xaalad Nolol Xumo.....

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar “Dalka waxaa qabsaday Itoobiya, sidaa darteed ayaa waxaan dooneynaa in aan dadka u sheegno…”

Waxaa dalka mareykanka dhawaan lagu soo gebagabeeyey shir ay soo qabanqaabiyeen xubno ay ka mid yihiin Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Prof, Cabdi Ismaaciil Samatar, waxaana kulankaasi ka qaybgalay dad Soomaaliyeed oo horey Siyaasadda ugu soo jiri jiray, gaar ahaan tii lixdeemeeyadii, tii Dowladdii Milatariga aheyd, iyo Ardayda wax ka barata Jaamacadaha dalka Mareykanka. Kulankaan ayaa wax laga weydiiyey Prof. Cabi Ismaaciil Samatar, waxa uuna sheegay in sababaha ay u qabteen kulankaani ay tahay sidii jiilka cusub u bari lahaayeen halganadii kala duwaan ay Soomaaliya soo martay, gaar ahaan kii SYL.

Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in sababaha ay kulankaan waqtigaan ugu aadiyeen ay tahay maadaama dalka uu haatan uu gacanta u galay Dowlad cadaawad soo jireen ah kala dhexeysay Soomaaliya, taas oo dooneyso gaar ah, wuxuuna sheegay in qabanqaabiyaasha kulankaan oo isagu ka mid yahay keliya ay ujeedadoodu tahay sidii ay Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha dalka iyo dibaddiisaba ay ugu muujin lahayaeen ama ay wax uga bari lahaayeen taariikhda soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhexeysa, iyo waliba sidii xiriir uu dhex mari lahaa qaybaha kala duwan ee Bulshada. “Anigu waxaan dooneynaa in aan dadka u sheegno wixii jiri jiray, markaa kadibna qofkii doonaya uu ka qayb-qaato halganka cusub ee bilowday” ayuu yiri Prof, Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in kulankaan ay ka soo shaqeynayey mudo sanado ah, isla markaana uu haatan ku soo aaday xili muhiim ah oo loo baahnaa in arimaha noocaan oo kale ah laga hadlo, sidaa darteedna ay sii wadi doonaan wacyigelinta noocaan oo kale ah, Cabdi Ismaadciil Samatar ayaa tilmaamay in Dowladda Itoobiya dalka Soomaaliya ku soo duushay, oo aan la dhihi Karin waxay garab siineysaa Dowlad Federaal ah, balse ay wadato dano iyada u gaar ah oo ay ku hamineysay mudo fog.

Dowladda Ereteriya oo beenisay inay ku lug ku leedahay afduub loo gaystay dad Dalxiisayaal ahaa oo u dhashay...

Afhayeen u hadlay Dowladda Ereteriya ayaa si aad ah u beeniyey warar ay sii daayeen Saxaafadda oo sheegayey in Dowladda Ereteriya ay ka dambeysay afduub loo gaystay dhowr iyo toban qof oo u dhashay dalalka Yurub iyo Waliba dalka Itoobiya, waxayna wararkaasi ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sharafta Ereteriya.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ereteriya ay ku hawlaneyd ama ay baadi goob ugu jirtay siideynta dadkaasi, waxaa kaloo uu beeniyey in Dowladda Ereteriya ay gacan sisay kooxihii wax afduubtay, isla markaana ay dhinaca dhulka Ereteriya loola cararay dadkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii xuduuda kala qaybisa wadamada Itoobiya, Ereteriya iyo Jabuuti lagu afduubtay dhowrkaas qofood, kuwaas oo halkaasi u tagay arimo dalxiis sida la sheegay.

Ilaa iyo haatan lama oga halka ay ku dambeeyey dadkaasi, waxaana la sheegay in dhul buuro ah oo aan la geli Karin la aadeen kooxdii wax afduubtay, waxaana ku raad jooga ciidamada wadanka Itoobiya.

Waa sidee xaaladda Magaalada Muqdisho..

Mar aan shalay booqday Magaalada Afgooye ayaa waxaan soo raacnay dad horey uga qaxay Magaalada oo dib ugu soo labanayey Magaalada, waxaana wax ka weydiiyey sababta ay dib ugu soo laabteen, waxayna iigu jawaabeen, in ay Magaalada Muqdisho haatan nabdoon tahay mudo sagaal maalmood ahna ka dhicin wax qalalaase ah.

“Waan soo aragnay qax dhibaatadiisa, dib dambana ugu laaban meyno” ayey tiri Hooyo Gariga ila saarneyd oo sheegtay in Magaalada Muqdisho ilmaheeda uga shaqeyn jirtay, basle markii ay gaartay ay weysay wax ay ilmaheeda ku quudiso.

Magaalada Muqdisho waxaa haatan moodaa in ay dhaanto sidii todobaadyadii hore, waxaana ku soo laabtay dad aad u fara badan, hase yeeshee, xaaladihii keenay in ay qaxaan dadkaasi ayaa weli sideedii yihiin, iyadoo weli aan wax xal ah laga gaarin, inkastoo wasiirka Arimaha Gudaha Gacma-Dheere uu sheegay in Dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay wada hadal ula sameyn lahayd kooxaha qaska ka wada Muqdisho.

Labo diyaaradood oo siday sahay Milatari oo shalay ka soo degay Garoonka...

Maalintii shalay ahayd ayaa labo Diyaarood oo sahay Milarti waxay ka soo degeen Magaalada Muqdisho. Sahaydaan oo ay lahayd Dowladda Uganda ayaa waxay kaloo Diyaaradahani sideen saraakiil ka socday Midowga Afrika.

Sahaydaan ayaa waxay qayb ka yihiin qalab Milatari oo ay leedahay Dowladda Uganda oo loogu talagalay Ciidamada Uganda ee imaanaya Soomaaliya waxaana la filayaa in maalamaha soo socda Muqdisho soo gaaraan ciidamo ka socda Uganda oo iyagu haatan laga soo daad-gureynayo Magaalada Mombassa ee dalka Kenay halkaas oo uu markab ka soo qaadi doono kaas oo keeni doona dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa horey u ballanqaaday in ay Soomaaliya u soo diri doonto ilaa iyo 1500 Askari oo qayb ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee Soomaaliya imaanaya, sidoo kale dhawaan ayaa 30 sarkaal oo ka socday Uganda soo gaareen Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda Federaalka ah.

Hay’adda Warbaahinta Bariga Afrika oo Deeq Kumbiyuutaro ah ku wareejisay 6 Urur Saxaafadeed

Hay’adda Warbaahinta Bariga Afrika qaybteeda Soomaaliya {EAMI-S} ayaa shalay deeq Kumbiyuutaro iyo Printro ku wareejisay 6 Urur Saxaafadeed oo ka jira Gobollada dhexe iyo kuwa Koofureed ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda Warbaahinta Bariga Afrika Mudane C/qaadir Maxamuud Walaayo oo ugu horeyn hadal gaaban ka jeediyey halkaasi ayaa wuxuu yiri “ Waxaa si gaar ah loo dhiirigelinayaa Ururada Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliya ee ka jira Gobolada dalka, inta deeqdan nasiibka u heshayna waa Lix Urur oo afar ka mida ay ka socdaan Ururada Haweenka, waxaan jeclaan lahaa in sharaftiina iyo karaamadiina aad ilaashataan, waxa la bixiyey shekhsi lama siinin ee waxaa la siiyey Urur, ururuna waxaa lagu yaqaanaa mid leh Xarun, Nidaam maamul iyo qaab xisaabeed oo uu ku shaqeeyo, Hay’ada CARE meel kasta ayey joogtaa, waxayna awoodaa inay baaraan oo ay Xarumihiina idiinku soo booqato,”

Sidoo kale sarkaal sare oo ka socdey Hay’ada CARE Somalia oo isna halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “waxaan rajaynaynaa in cashradii aad ka barateen siminaarkii shanta casho ahaa inaad ku dhaqmi doontaan, dhinaca kalena qalabka laydiin siiyayna ha noqdo mid aad uga faa’iidaysataan howlaha saxaafadeed ee aad ummaadda u haysaan. Ilaalinta qalabkan, xafidaadooda iyo ka faa’iidaysigoodaba adinka ayaa la idinka raabaa, ogaadana qalabkan lama siinin qof gaar ah, hadafka laga leeyahayna waa in dhallinyada soomaaliyeed uu ku howlan saxaafadda eek u kala nool goobaha aad ka timaadeen ay ka wada faa;iideystaan”

Ururada nasiibka u yeeshay deeqdaan Computerada ah waxay kala yihiin: SOWJA (Somali Women Journalist Association) oo ka dhisan Magaalada Muqdisho, SOWPA (Somali Women Press Association) oo isna Muqdisho ka jira, AWJO (Arlaada Women Journalist Organization) oo ka dhisan gobolka Bay, AWOJ (Association for Women Journalist) oo isana ka howlgala Gobolka SH/Hoose, WPJO (Wamo Professional Journalist Organization) oo ka dhisan Gobolka Jubada Hoose iyo HJC (Hiran Journalist Club) oo ka jira Gobolka Hiiraan.

Qamar Salaad oo ka socotay Ururka SOWJA oo halkaas ka hadashay ayaa waxay tiri “ EAMI-S waxay jebiyeen Koorkii ahaa dheri ninkii u dhow ayaa dheeftiisa iska leh, sababtoo ah agabkii loogu dhiibay saxaafadda si hufan ayay u bixiyeen, iyagoo weliba il gaar ah ku eegay Ururada Haweenka saxafiyiinta ah.

Waxaa iyana halkaa ka wada halday saxafiyiintii deeqdaa healy oo dhammaantood u mahad celiyay ha’adda EAMI-S iyo ha’adaha Care iyo USAID.

Cali Max’ed Geeddi oo ka qaybgalay kulan lagu heshiisiinayey Odoyaasha dhaqanka Beelaha...

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay kulan kula yeeshay Magaalada Baydhabo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana kulankaasi lagu dhameynayey khilaaf u dhexeeyey maalamahan Odoyaasha dhaqanka beelahaasi, kaasoo ku aadanaa dhinaca hogaanka.

Cali Max’ed Geeddi waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya Odoyaasha Dhaqanka, isagoo sheegay in arrintaani ay qayb ka qaadan doonto shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay dowladda Federaalka ah ku dhawaaqday kaasoo la qaban doonto 16-ka Bisha April ee foodda nagu soo hayso, waxaa uuna u soo jeediyey odyaasha inay gacan ka gaystaan shirkaasi oo uu sheegay in lagu dhameyn doono khilaafyada u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyey ee ay dagaalada sokeeye ka jireen dalka Soomaaliya, kaas oo sababay bur ku yimaada qaranimadii Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com



Beesha Wacdaan oo Caleemasaaratay Suldaan Cusub…

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna caleemasaarayey Suldaanka Beesdha Wacdaan ayaa shalay ka dhacday Degmada Afgooye gaar ahaan Beerta Xasan Barqadle Wardoon .

Caleemasaarkaan oo ay ka qaybgaleen dhamaan beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Ugaasyadooda, Suldaamadoo iyo Nabadoonadooda ayaa waxaa ugu horeyntii halkaasi barbaarta Gaashaama ku soo bandhigeen Shiribiyo iyo Cayaaro Hidaha iyo dhaqanka ah oo ka hadlayey sidii uu Suldaanku u gudan lahaa xilkiisa uuna beesha ugu hogaamin lahaa wadada toosan.



Suldaan Abuukar Islow Cusmaan ayaa loo caleema-saaray in uu noqdo suldaanka Beesha Wacdaan, waxa uuna sheegay mar uu ka hadlayey xafladdaasi in uu u hawlgali dooni sidii uu beesha u mideyn lahaa isla markaana Beeshu nabad kula noolaan laheyd beelaha kale ee deriska ah.

Suldaan Abuukar waxa uu sheegay in xilka loo magacaabay uu u gudan doono si cadaalad ah, isla markaana uu beesha u horseedi doono dib u heshiisiin, sidoo kale Suldaanku waxa uu sheegay in uu ka qayb-qaadan doono sidii beelaha Soomaaliyeed ee colaaddu dhex martay nabad loogu soo dabaali lahaa.

Xasan Barqadle Wardoon oo ka mid ahaa Guddiga Qaban-qaabada ee Caleema-saarka Suldaanka ayaa u mahadceliyey intii gacan ka gaystay xafladda Caleemasaarka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Xog-waraysi iyo Jirdil lagu sameeyey Garyaqaan ku sugan Boosaaso

Boosaaso:- Xaafiiska warsidaha (LaasqorayNET)ee Magaalada Boosaaso waxa soo booqday garyaqaan Siciid Cismaan Cabdi isaga oo ka cabanaya tacadiyo ay ugaysteen ciidanka Puntland waxa uuna yiri sidan isla markaan jidhkiisana laga arkayey dhaawacyo kala duwan:

Siciid Cismaan waxa uu noo sheegey in  oo yiri hadalkan uu ku bilaabey sidatan "Subaxnimadii ay bishu ahayd 23/02/2007 oo saacadu ku beegneyd 10:30 subax nimo  ayaa waxa  rasaas farabadan igu furay ciidan tuuti gashan oo igaga soo yaacay laba gaadhi oo ay wateen waan ku argagaxay isla markiiba qayb kamid ah ayaa gaari aan watay intay iga soo tuureen  waxay igu bilaabeen qori baagii haraati iyo takhan takho waxaan ahay nin jiis ah  dhulka ayaan ku dhacay  iyaguna aad ayay ii garaaceen deetana intay iqaadeen  ayay aniga oo dhaawac ah  gawaadhidii ay wateen igu tuureen  gaadhigay giina way jajabiyeen waana kaxaysteen, waxana lay geeyay qol sheelo marto ah oo dekeda Bosaaso ku dhix yaala.

Garyaqaanku isagoo hadalkiisii wata waxa uu yiri "Ciidankaas oo ahaa qoys qudha  waxa la ii diiday in lay daaweeyo waxa kale oo la ii diiday  dad kaygii inay isoo booq daan"

Garyaqaan Siciid Cusmaan Cabdi waxa uu intaa ku daray oo yiri "Waxa laygu sameeyay bahdil iyo sumcadaydii oo meel lagaga dhacay. Amarka laygu xidhay layguna dilay ma ah mid sharci ah, halkaas waxaan ku jiray  23 ilaa iyo 27/02/2007 waa shan cisho oo aan wax dacwada layga qorin, maxkamadna laygayn"

Siciid Cismaan oo ay ka muuqatay Nabaro lagu tilmaami karo waxay ahaayeen kuwa waaweyn oo keeni kara xanuun raaga waxa uu hadalkiisii ku sii daray oo yiri "Falkaas foosha xun waxaa igu sameeyay Ciidanka Madaxtooyada Boosaaso  ilaaliya iyo Ciidanka Dekeda Boosaaso oo isku dhafan"

Garyaqaan Siciid isagoo ku doodadaya inuu sharciyada aduunka iyo Soomaaliyaba uu takhasusu uu u leeyahay ayuu hadaladiisii sii watay oo yiri "Qofka mini aadan ka ahi waxa uu xaq uleeyahay inuu sharci helo markasta. Dacwadaydaan  waxaan ugud binayaa iyadoo cadaymo tafatiran Maxkamad ah  awooda uleh qaadista dacwadan. Dalka gudihiisa iyo dibadiisa ba hadii aniga danbi laygu helay, maxaa sharciga la iigu qaadi waayay"

Garyaqaan Siciid Cismaan waxa uu noo sheegey waxyaabaha uu ka tirsanayo Dowlada Goboleedka Puntland waxana uu yiri oo noo sheegey qodobadan soo socda

"1) Waxaan tirsanayaa xadhig sharcidaro ah.

2) waxaan tirsanayaa in laydiiday inlay horgeeyo Maxkamada iyo meel sharci ahba.

3) Xadhigayga lama soomarin Maxkamad sida sharcigu qabo.

4) Waxaan tirsanayaa awood sheegasho  anigoo ah nin tabaryar oo jiis ah.

5) Waxaan tirsanayaa jirdil dhaawac ah iyo baabuurkaygii  iyo Coputer labtob ah oo shidhka gaadhiga ii yaalay oo lajajabiyay.

6) Waxaan tirsanayaa argagax laygu sameeyay."

Garyaqaan Siciid Cismaan isagoo sii wata waxa uu yiri "Dhibaatadan waxaa iigaystay Ciidankaa aan soo sheegay iyo madaxdooda oo raali ka ahaa,waayo shanbari waa wakhti badan oo ay wada ogaan karaan".

Siciid Cismaan hadalkii isagoo sii wata waxa uu yiri "Shan beri kadibna way isii daayeen, ilaa hadana la iima sheegin wax laygu xirey, dacwad kalena layguma soo oogin"

Garyaqaaan Siciid Cismaan waxa uu sii watay hadaladiidii oo waxa uu yiri "Faah faahinta dacwadan iyo caday mahaygaba waxaan usoo gudbin doonaa hadii ilaahay idmo, Maxkamada ha aduunka iyo kuwa dalkaba hay'adda ha  xuquuqul in saanka".

Ugu danbeyn Garyaqaan Siciid Cismaan Cabdi waxa uu hadalkiisii noogu soo geba gebayey oo yiri "Dhamaan saxaafada aduunka  iyo dhamaan wixii wax garad ah ee caalamka ku nool".

NB: Waxa na soo gaadh siiyay gar yaqaanka Siciid Cismaan Cabdi  (Dhegamadaw) Tell: 002525759874.

LaasqorayNET/Boosaaso


Afar Soomaali Ah OO Fal Dil ah Loogu Xirey Dalka Masar

Dalka masar gaar ahaan magalada qaahira ayaa waxaa habeen hore (march 2) ka dhacay arin ay somalida degan masar aad loogu aqoon oo cusub arintan ayaa waxaa lagu soo eedeyey laba wiil iyo laba gabdhood taasoo ay u gaysteen fal dil marxuunm, barabaale oo ahaa nin isagu yara xanuunsanaa.



Saraakiisha daba gala danbiyada ayaa kutilmaamay marxuunka geeriyooday inuu ahaa nin isagu isticlaamay waxayaabaha maanka dooriya markuu geeriyoodey kahor, meydkiisiina waxaa hada lagu hayaa cusbitaal boolisku uu leeyahay oo kuyaala giza magaalada qaahira.

Afartan somalida ah ayaa hada kukala xiran laba xabsi oo loogu tala galay dumarka iyo raga, bileeska ayaa iyaguna falka arintaan kudabajooga, wargayska wafdi ayaa maanta kusoo qorey cadadkiisa 6242 dhacdadan oo isagu tibaaxay in dhamaan somalidan la xiray iyo marxuunka geeriyoodayba markuu falku dhacayey ay ahaayen dad,iyagu,maandooriye is ticmaalay,lakiin xaafada falku ka dhacay dad ka ag dhow dhow ayaa iisheegay in dhamaan afarta qof ay ahaayeen dad aan weligood lagu arag maan dooriye iyo wax lamid ay ahayeen dad aad u wanagsan wixii kasoo baxa waan idin soo gudbin donaaa.

Abdirizak A.kaneec
Kaneec1@hotmail.com

 


Dadkii Ka Qaxay Magalada Muqdisho Oo Ay Lasoo Deristay Xaalad Nolol Xumo.....

Dhibaatooyin isugu jira cuduro labo biyood shuban wata iyo bahalo hoose oo dadka cunaya ayaa lasoo dersay dadka rayidka ahaa ee dhibaatada amaan xumo iyo madfaca uga qaxay magaalada caasimada ee muqdisho ..

waxaa soo kordhaya dhimashada caruurta u dhimanaya cudurka shubanka ka dhasha labo biyoodka iyadoo aysan jirin cid u gurmatay iyo cid wax u qabatay toona ,taasoo ay u weheliso masaska oo cunay ilaa 4-qofood oo labo u dhimatay halka labadii kalena ay xaaladooda caafimaad liidato .

deegaanada afgooye iyo warmaxan ,ayaa qoysas badan oo u qaxay xaaladooda laga soo dayrinayaa iyadoo qaar ka tirsan qoysaskaas oo aan khadka telefoonka kula xiriiray ay ii sheegeen inay haysato dhibaato biyo la,aaneed oo weliba haday helaana ay biyo aan fiicnayn oo caafimaad ahaan u wanaagsanayn ay helaana .

sahro cali oo kamida qoysaskaas ayaa ii sheegtay inay la ildaran yihiin biyo la,aan ,hoy-la,aan iyo weliba bahalo hoose oo masaska ah ay cunayaan habeenkii marka waxaaba ay sahro ku calaacashay madfaca kanaaba kasii daran .

''waxaan na haysta dhibaato aan lasoo koobi karin caruurtii waa naga shubmeen ,biyo la,aan way ka jirtaa oo hadii la helona biyaha meesha aysan ahayn kuwo fiican waxaa ka buuxa lulumo iyo alje ayaa ka buuxa iyagaaba cudurka keenaya ,waxaa kaloo intaas noo dheer ma haysano hoy fiican iyadoo xiliga habeenkiina ay dadka kusoo faafayaan masaska dilaaga ah '' ayay tiri sahro cali .

si kastaba ha ahaatee qoysaskii ka qaxay magaalada muqdisho oo tiro ahaan lagu qiyasi karo boqolaal u adkaysan waayey xaalada amaan xumo ee caasimada ayaa qaarkood ku soo noqdeen iyadoo aysan jirin wax amaan ah oo laysku halayn karo iyagoo miciin biday inay madfaca kusoo labtaan ,halka qoyasaka qasarkoodna ay ka fopgaadeen muqdisho oo ay gaareen gobolada ka fog-fog caasimada .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Mujaahidiinta Maxaakiimta Islaamka Oo Weli kasii Muuqanaya Koonfurta Fog Ee Xadka Soomaaliya Iyo Kenya .

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mujaahidiin ka tirsan ciidamada golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed oo aad u hubaysan lagu arkay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay todobaadkan .

warka ayaa intaas ku daraya in ciidamadan mujaahidiinta maxaakiimta ahi ay ka koobnaayeen 20-nin oo aad u hubaysan islamrkaana ku lebisnaa dharka lagu yaqaanay golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed .


Sidoo kale Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa laga soo xigtay mar uu waramayey saxaafadda dalka kenya iney dhowaan ku arkeen xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ilaa 20-tameeyo nin oo aad hubaysan kana tirsan Ciidamada Maxkamadaha Soomaaliyeed, kuwaasoo isku dayay inay ka soo talaabaan xudduudda Kenya, Sarkaalku wuxuu sheegay in raggan ay cunto iyo cabbidba u soo raadsadeen deegaanka Kulbiyow oo aad ugu dhow xudduudda Kenya.Ciidanka Kenya wax tafaasiil ah oo intaasi dheer kama aysan bixin halka raggaasi ay ku danbeeyaan inay gacanta ku dhigeen iyo inkale,

Si kastaba ha ahaatee ciidamada golaha maxaakiimta islaamka ayaa dagaalo ba,ani ku dhex mareen deegaanada koonfurta fog ee raaskaambooni ciidamada xukuumada Ethiopia iyo maraykanka oo islamarkaan ay weheliyaan ciidamo ka socda dowlada kmg ah ,iyadoo ciidamada cirka ee maaykanku duqayn xoog leh u gaystay deegaankaas oo ay ku laayeen dad iyo xoolaba ,waloow ay wararku intaas ku darayaan inay halkaas iska caabiyeen ciidamada golaha maxaakiimta islaamku ,ciidamada huwanta ee kusoo duulay ,welina ay ku sugan yihiin kaymaha jiqda ah ee deegaankaas .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Madaxweynaha Uganda Muxuu Kula Dardaarmay Ciidankiisa aadaya Soomaaliya?


PRESIDENT Yoweri Museveni yesterday (March 1, 2007) flagged off the UPDF contingent to Somalia, sternly warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.
| New Vision, Uganda

PRESIDENT Yoweri Museveni said: “I have heard that you went to doctors who found out that you do not have these dudus (HIV/AIDS). Take care of your lives when you go to Somalia. You have had enough women here.” | Source: Newvision

Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa (March 1, 2007) khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyey ciidamada militariga Ugandha ee aadaya Soomaaliya. Wixii ugu weynaa ee uu kala dardaarmayna waxay ahayd dumark Soomaaliyeed.

Museveni waxa uu luqadda afka Sawaaxiliga isagoo kula hadlayey ciidamada u socda Soomaaliya uu ku yiri: "Waxaan maqlay in ay idin bareen dhakhaatiir kuwaas sheegay in aydin qabin bahalkaas loogu yeero HIV/AIDS. Naftiina u taxadara marka aad tagtaan Soomaliya. Dumar idinku filan waxaan ku haynaa halkan."

Jariidada New Vision ee ka soo baxda Ugandha oo arrintaas ka hadleysey waay tiri: Madaxweyne Yoweri Museveni oo la dardaarmayey ciidamada u ambabaxaya Soomaaliya waxa u didgniin culus ku siiyey in ay iska ilaaliyaan la macaamilka (xagga jacaylka/galmada) dumarka Soomaaliyeed. [warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.]

Nin oday ah oo Soomaali ah oo hadalkaas loo sheegay ayaa yiri: "Madaxweynaha Uganda waxa uu u gafey Mujtamaca Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed, hadalkasuna waa mid dhalin doona cadaawad dheer oo dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Ugandha ee imanaya Soomaaliya."

Weli ma jiro mas'uul Soomaaliyeed oo hadalkaas ka jawaabey.

Ciidamada uu dardaaranka siinayey madaxweyna Ugandha ee u ambabaxayey Soomaaliya waxay tiradoodu ahayd 1,605, waxaana dumar ka ahaa saddex.



Raaxo Janaqoow “Howsha Saacid Way socotaa waxaana Nala shaqeeya Gudoomiyeyaasha Degmooyinka”

March 2, 2007: Waxaa inoo suurto Gashay in aan waraysi la yeelano Gudoomiyaha Hay’ada Saacid Raaxo Maxamuud Janaqoow oo aan ku booqanay Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho anagoo wax badan ka weydiinay waxqabadka Hay’ada Saacid.

Hay’ada Saacid ayaa ah Hay’ad ka shaqaysa Nadiifinta Soomaaliya waxayna shaqooyin badan ka qabatay Magaalada Muqdisho iyada oo qashinkii iyo wasaqdii ka qaaday meelo Caan ka ahaa Magaalada Muqdisho sida wadadii shaqalaha oo qashin dartii mar u xirmi rabay Ex. Hotel Curuba iyo Juba, iyo meelo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

“Waxaa wada shayn ay Naga dhaxaysaa Gudoomiyayaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir wayna shaqaynayaan ilaa Abril laga gaarayo waxaaana ka shaqeeyo Degmadiiba 60- qofood waxayna u wada shaqaqeeyan laba laba degmo waxaana Naga saaciday dhinaca dhaqaalaha Hay’ada ILO oo ah Hay’ada Shaqaalaha Aduunka” ayay tiri Raaxo Maxamuud Janaqoow.

Shaqada ay qabato Hay’adda Saacid waxay ka qeyb qadatay in ay mehnad shaqo u furto dad gaaraya boqolaal waxayna ka qeyb qaadatay isku furka wadooyinkii kala xirnaa in muddo ah waxa uuna qofkiiba qaataa 52-doolar inta badana waa Hoyooyinka aan awoodin in ay helaan biilkooda taasi ayaa keentay in Saacid ay ka damqato arintaasi” ayey tiri Raaxo Jinaqow.

“Bilicsanaanta Caasimada ayuu dal waliba ku faanaa Nadaafaduna waa nolosha barkeeda maadaama ay nagu soo fool leedahay maalmo ka dib Bishii Maarso ayaan waxaan jecelnahay in uusan gobolka Banaadir ka dilaacin Shubanka oo ah waxa keena Nadaafad darada iyo qashinka waana in aan ka taxadarnaa nadaafadeena kana dheeraanaa qashinka iyo Cudurdada kale” ayay tiri Gudoomiyaha Hay’ada Saacid Raaxo Maxamuud Janaqoow oo iigu waramaysay Xafiiskeeda.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin44@hotmail.com



Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 /002521653623

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com