SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararki: Mar 3, 2007
  • C/llaahi Yuusuf oo taageere ka raadinaya wadamada Carab oo hore ugu tilmaamey.
  • Dalka Talyaaniga oo qorsheynaya in Dalkiisa Martigeliyo..
  • Dhowr iyo Toban Askari oo Itoobiyaan ah oo isu dhiibey Dalka ..
  • Saddex nin oo shalay lagu toogan lahaa Dugsiga sare ee Booliska oo...
  • Beelaha Soomaaliyeed oo diyaargarow ugu jira..

  • Daawo: Video: Dr. Raabeh: "Waxaan ka kori doonaa wixii keenay maanta in aan halka aan joogno kusoo dhacno"


C/llaahi Yuusuf oo taageere ka raadinaya wadamada Carab oo hore ugu tilmaamey.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo horey u sheegay in uusan wax taageere ah ka rabin wadamada Carbeed ayaa haatan waxa uu doonayaan in uu taageere ka raadiyo wadamada Carabta si uu taageero ugu helo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo la filayo in la qabto 16-ka April.

C/llaahi Yuusuf waxa uu horey taageero uga waayey wadamada Midowga Yurub iyo Mareykanka kaddib markii ay sheegeen in dib u heshiisiinta uu wado C/llaahi Yuusuf ay tahay mid aan socon kari waayo, ayey yiraahdeen waxa uu C/llaahi iska indha tirayaa dib u heshiisiinta dhabta ah.

Dhinaca kale Jaamacadda Carabta ayaa aad uga careysan soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee dhulka Soomaaliya, iyagoo Dowladda C/llaahi Yuusuf ku tilmaamay inay ku xadgudubtay qaranimadii iyo jiritaankii Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa horey u cambaareysay duulaankii ay Ciidamada Xabashida ku soo qaadeen dalka Soomaaliya, waxayna u soo jeediyeen Dowladda Itoobiya in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo gudaha dalka Soomaaliya.

Dalka Talyaaniga oo qorsheynaya in Dalkiisa Martigeliyo..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga waxay sheegayaan in Dowladda Talyaaniga ay dhankeeda ka wado in ay dalkeeda ku martigeliso shir dib u heshiisiin ah oo ay isugu yimaadaan dhamaan qaybaha siyaasadda Soomaalida.

Mas’uul u hadlay Dowladda Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Talyaaniga ay diyaar la tahay in ay bixiso wixii qarashaad ah ee ku baxay shirkaasi.

Dhawaan ayaa la filayaa in ergey ka socda Dowladda Talyaaniga uu soo gaaro gudaha dalka Soomaaliya, isagoo kulamo la yeelan doona mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, si ay iskula meel dhigaan shirka dib u heshiisiinta, sidoo kale ergeygaasi waxa uu booqan doonaa gobolo soomaaliyeed oo uu kulamo kula yeelan doono Odoyaasha dhaqanka. Sidoo kale ergeygaani waxa uu booqan doonaa dalalka Yemen iyo Ereteriya oo la sheegay inay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kooxo mucaarad ku ah Dowladda Federaalka.

Dhowr iyo Toban Askari oo Itoobiyaan ah oo isu dhiibey Dalka ..

Dowladda Ereteriya ayaa shaaca ka qaaday in maalintii doraad aheyd isa soo dhiibeen dhowr iyo taban askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya.

Ciidamadaan oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Ereteriya ayaa waxay sheegeen in ay ka soo carareen cadaadiska uu Meles Zenawi ku hayo shacabka Dalka Itoobiya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamo Itoobiyaan ah ka baxsadaan dalkaasi una galaan dalka Ereteriya, iyadoo Dowladda Ereteriya horey u ballanqaaday in ay soo dhaweyneyso cid kasta oo ka soo baxsatada taliska Meles Zenawi.

Dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeya cadaawada abuuran tahay sanadkii 2000 kaddib markii labada dal uu dhex maray dagaal aad u qaraaraa oo ay ku dhinteen ilaa iyo kumanaan kun oo Askari, hase yeeshee waxaa markii dambe soo kala dhex galay Qarmaada Midoobey oo ka dhex dhigtay ciidamo oo qaarkood hadda joogaan halkasi.

Saddex nin oo shalay lagu toogan lahaa Dugsiga sare ee Booliska oo...

Maalintii shalay ahayd ayaa Dugsiga Sare ee Booliiska waxaa la damacsanaa in lagu toogto saddex nin oo ka tirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka kadib markii ay dileen saddex nin oo kale oo iyana ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Raggaan oo ay xukuntay maxkamad Milatari ayaa waxaa halkii lagu toogan lahaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaaad Cali Jeele iyo ku xigeenka Duqa Magaalada ee dhinaca nabadgelyada iyo Siyaasadda Shaaweeye.

Waxaa dhacday markii ciidamadii waday saddexdaa soo gaaray irida hore ee Dugisga Sare ee Booliiska ay nimankii gaarigii ka boodeen, waxaana lagu riday rasaas, balse nasiib daro waxaa baxsaday labo ka mid ah, halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ku raad joogto labada dhinac ee kale, isagoo sheegay in goob kasta oo ay galaan uga daba tagi doonaan.

Beelaha Soomaaliyeed oo diyaargarow ugu jira..

Beelaha Soomaaliyeed ayaa diyaargarow ugu jira shirka dib u heshiiisiinta ha ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne c/llaahi Yuusuf Axmed.

Durbadiiba waxay bilaabeen beelahu latashiyo iyo kulamo is dabajoog ah oo ay kaga arisanayaan shirka dib u heshiisiinta ah oo lagu wado in uu dhaco 16-ka April.

Beesha Daa’uud (Abgaal) ayaa shalay kulan ku yeelatay Hotel Global, waxaana kulankaasi ka qaybgalay Odoyaal, Waxtarad iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha, waxaana ka mid ahaa Xuseen Jilacow iyo Siyaasiga lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Xasan.

Beesha ayaa waxay isku raacday in la dhiso guddi siyaasadeed iyo guddi dhaqan, waxaana la filayaa in maalmaha soo sodcda lagu dhawaaqo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Madaxweynaha Uganda Muxuu Kula Dardaarmay Ciidankiisa aadaya Soomaaliya?


PRESIDENT Yoweri Museveni yesterday (March 1, 2007) flagged off the UPDF contingent to Somalia, sternly warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.
| New Vision, Uganda

PRESIDENT Yoweri Museveni said: “I have heard that you went to doctors who found out that you do not have these dudus (HIV/AIDS). Take care of your lives when you go to Somalia. You have had enough women here.” | Source: Newvision

Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa (March 1, 2007) khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyey ciidamada militariga Ugandha ee aadaya Soomaaliya. Wixii ugu weynaa ee uu kala dardaarmayna waxay ahayd dumark Soomaaliyeed.

Museveni waxa uu luqadda afka Sawaaxiliga isagoo kula hadlayey ciidamada u socda Soomaaliya uu ku yiri: "Waxaan maqlay in ay idin bareen dhakhaatiir kuwaas sheegay in aydin qabin bahalkaas loogu yeero HIV/AIDS. Naftiina u taxadara marka aad tagtaan Soomaliya. Dumar idinku filan waxaan ku haynaa halkan."

Jariidada New Vision ee ka soo baxda Ugandha oo arrintaas ka hadleysey waay tiri: Madaxweyne Yoweri Museveni oo la dardaarmayey ciidamada u ambabaxaya Soomaaliya waxa u didgniin culus ku siiyey in ay iska ilaaliyaan la macaamilka (xagga jacaylka/galmada) dumarka Soomaaliyeed. [warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.]

Nin oday ah oo Soomaali ah oo hadalkaas loo sheegay ayaa yiri: "Madaxweynaha Uganda waxa uu u gafey Mujtamaca Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed, hadalkasuna waa mid dhalin doona cadaawad dheer oo dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Ugandha ee imanaya Soomaaliya."

Weli ma jiro mas'uul Soomaaliyeed oo hadalkaas ka jawaabey.

Ciidamada uu dardaaranka siinayey madaxweyna Ugandha ee u ambabaxayey Soomaaliya waxay tiradoodu ahayd 1,605, waxaana dumar ka ahaa saddex.



DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com