Wararki: Mar 3, 2007
- Maxkamadaha
Islaamiga ah oo beeniyey in uu wada hadal dhex
maray..
- Ciidamada
Uganda oo wata Taangiyo oo ku soo qulqulaya
dalka Kenya..
- C/llaahi
Yuusuf oo u ambabaxay dalal ka mid ah wadamada
Khaliijka..
- Madaafiic
shalay lagu tuuray Dekedda weyn ee Muqdisho..
- Aragtiyo
kala duwan oo laga bixiye dib u heshiisiinta uu
ku baaqay C/llaahi Yuusuf..
Madaxweynaha
Uganda Muxuu Kula Dardaarmay Ciidankiisa aadaya
Soomaaliya?
PRESIDENT
Yoweri Museveni yesterday (March 1, 2007) flagged off the
UPDF contingent to Somalia, sternly warning
the soldiers against illicit love affairs
with Somali women.
| New Vision, Uganda
PRESIDENT Yoweri Museveni said: “I have
heard that you went to doctors who found out
that you do not have these dudus (HIV/AIDS).
Take care of your lives when you go to
Somalia. You have had enough women here.” |
Source: Newvision |
Madaxweynaha Dalka
Uganda, Yoweri Museveni, ayaa (March 1, 2007)
khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyey ciidamada
militariga Ugandha ee aadaya Soomaaliya. Wixii ugu
weynaa ee uu kala dardaarmayna waxay ahayd dumark
Soomaaliyeed.
Museveni waxa uu
luqadda afka Sawaaxiliga isagoo kula hadlayey
ciidamada u socda Soomaaliya uu ku yiri: "Waxaan
maqlay in ay idin bareen dhakhaatiir kuwaas sheegay
in aydin qabin bahalkaas loogu yeero HIV/AIDS.
Naftiina u taxadara marka aad tagtaan Soomaliya.
Dumar idinku filan waxaan ku haynaa halkan."
Jariidada New
Vision ee ka soo baxda Ugandha oo arrintaas ka
hadleysey waay tiri: Madaxweyne Yoweri Museveni oo la
dardaarmayey ciidamada u ambabaxaya Soomaaliya waxa
u didgniin culus ku siiyey in ay iska ilaaliyaan la
macaamilka (xagga jacaylka/galmada) dumarka
Soomaaliyeed. [warning
the soldiers against illicit love affairs with
Somali women.]
Nin oday ah oo
Soomaali ah oo hadalkaas loo sheegay ayaa yiri: "Madaxweynaha
Uganda waxa uu u gafey Mujtamaca Soomaaliyeed, gaar
ahaan dumarka Soomaaliyeed, hadalkasuna waa mid
dhalin doona cadaawad dheer oo dhex marta shacabka
Soomaaliyeed iyo ciidamada Ugandha ee imanaya
Soomaaliya."
Weli ma jiro
mas'uul Soomaaliyeed oo hadalkaas ka jawaabey.
Ciidamada uu
dardaaranka siinayey madaxweyna Ugandha ee u
ambabaxayey Soomaaliya waxay tiradoodu ahayd 1,605,
waxaana dumar ka ahaa saddex.
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo beeniyey in uu wada hadal dhex maray..
Mas'uul sare oo u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah
ayaa si kulul u beeniyey wararka soo yeeray dowladda
Yuganda oo sheegayey inay xiriir la sameeyeen
mas'uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah.
Afhayeenka u hadlay Maxaakiimta ayaa waxa uu sheeg
ay in uusan jirin mas'uul ka tirsan Yugaandha oo la
soo xiriiray Maxaakiimta Islaamiga, waxa uuna
wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona
laheyn.
"Waa la yaqaanaa goobaha ay ku sugan yihiin
Maxaakiimta Islaamiga ah, haddii la doonayo in lala
soo xiriiro" ayuu yiri afhayeenkaasi oo sheegay in
Maxaakiimta Islaamiga ah ay si aad ah uga soo
horjeedaan in dalka la keeno ciidao shisheeye, waxa
una sheegay in ay dagaal mudo dheer qaata la gali
doonaan ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya imaanaya.
Ninkan waxa uu u soo jeediyeey Shacabka
Soomaali-yeed in ay ka hor tagaan ciidamada
Shisheeye ee la doonayo in ay gumeystaan dalka
Soomaaliya, sida uu hadalka u yiri, isagoo intaa ku
daraya in shacabka looga baahan yahay isku duubnaan
iyo iskaashi.
Ciidamada
Uganda oo wata Taangiyo oo ku soo qulqulaya dalka
Kenya..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kampala ee dalka
Uganda waxay sheegayaan in Ciidamo wata Taangiyo iyo
hub kale ay ka soo dhaqaaqeen wadanka Uganda, iyagoo
soo maraya dalka Kenya, sidaas oo ay ku soo galayaan
dalka Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa Magaalada Xeebta ah ee dalka Kenya
Mombassa ku sugaya Maraakiinta ay leeyihiin ciimada
Badda Mareykanka, kuwaas oo u soo daad gureyn doona
dalka Soomaaliya.
Ciidamada Dalka Uganda ayaa ciidamadaasi u sameeyey
xaflad, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka
shaqeeyaan nabadda dalka Soomaaliya, isagoo sidoo
kale kula dardaarmay ina aysan gelin wax hub ka
dhigis ah, balse ay taageere u fidiyaan Dowladda
Federaalka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagu si aad ah uga soo
horjeeda imaanshaha ciidamada Shisheeye, waxayna
sheegeen in aysan ciidamadaasi waxba soo kordhin
doonin in ay arrinta uga daraan mooyee.
C/llaahi Yuusuf
oo u ambabaxay dalal ka mid ah wadamada Khaliijka..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa shalay ka ambabaxay
Magaalada Baydhabo, waxa uuna Madaxweynuhu mudo yar
ku sii hakanayaan Magaalada Nayroobi, kadibna waxa
uu u sii gudbi doonaa dalal ka tirsan Carabta oo uu
booqasho ku aadayo, gaar ahaan wadamada la isku
yiraahdo Khaliijka.
Madaxweynaha waxa u ku horeyn doonaan dalka Kuweyt
kaddib markii uu martiqaad ka helay amiirka
wadankaasi.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa taageero dhinaca
dhaqaalaha ah ka raadinaya dowladaha Carbeed, kaddib
markii wadamada Midowga Yurub iyo Mareykankaba ay
shuruudo ku xireen deeqdii ay siin lahaayeen
Dowladda, shuruuddaas oo ah in wada hadal lala furo
kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo ugu horeeyaan
Maxaakiimta Islaamiga ah, gaar ahaan kuwood uu
Mareykanku ku tilmaamo Qunyarusocodka iyo
Siyaasiyiinta kale.
Madaafiic shalay
lagu tuuray Dekedda weyn ee Muqdisho..
Shalay duhurnimadii ayaa dhowr hoobiye waxa ay ku
dhaceen Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho iyo
Xaafadda Xamar Jajab, hoobiyayaashaasi oo lala
damacsanaa in lagu duqeeyo Maraakiib taagneyd
Dekedda ayaa mid ka mid ahi waxa uu ku dhacay
xaruntii hore ee Somali Fruit.
Labo ka mid ah madaafiicdaasi ayaa waxay ku dhaceen
Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale hal
madfac ayaa waxa uu ku dhacay Guri ay deganayeen Dad
rayid ah oo ku yaala Xamar Jajab, waxaana halkaasi
ku dhaawacmay lix qofood.
Qoyskaan oo maalintii doraad ahaye dib ugu soo
laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaani
walwal dadka Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca Dowladda
oo la filayey in ay soo jawaabto, aysan wax jawaab
ah bixin, waxayna dadka qaarkii sheegeen in jawaab
la'aantu ka dambeysay in aysan wax khasaare ah ku u
geysan Madaafiicdii lagu tuuray Dekedda iyo meelihii
ku dhowaa, halka kuwo kalana ay sheegeen in ay
Dowladdu ka dhabeysay hadalkeedii ahaa in aan mar
dambe Madaafiic lagu tuuri doonin dadka rayidka ah.
Magaalada Muqdisho ayaa todobaadkii la soo dhaafay
wax madaafiic aysan ka dhicin, waxaana muuqata in
dad fara badani ay dib ugu soo laabteen guryahoodii,
kaddib markii ay dhibaato kala soo kulmeen goobihii
ay u qaxeen. Qaarkoodna wxay ku calaacalayeen ereyo
ay ka mid ahaayeen "Madfac kasta ha nagu dhaceen qax
nalakuma oga".
Dalka Itoobiya
oo lagu afduubtay 15 qofood oo u dhashay Yurub..
Dalka Itoobiya gaar ahaan dhulka ay degaan Dadka
Canfarta ah ayaa lagu waramay in lagu afduubtay 15
qofood oo u dhashay dalal Reer Yurub ah, kuwaas oo
dalxiis u tagay halkaasi.
Dadkaan la afduubay oo u badan faransiis ayaa waxaa
walwal ka muujiyey wadamada ay ka soo jeedaan,
waxaana laga dalbaday Dowladda Itoobiya inay dadaal
u gasho sidii lagu siideyn lahaa dadkaasi.
Dadkaan ayaan la ogeyn halka loola kicitimay,
waxaana haatan ku raad jooga ciidamada amniga ee
dalka Itoobiya oo doonaya in ay dadkaasi soo daayaan,
inkastoo Dowladda Itoobiya ay sheegtay in dadka la
afduubtay ay ka yar yihiin tirada la shaaciyey. [Hay'ada
wararka u fafisa dalka Faransiiska oo soo xiganeysey
saraakiil reer Itoobiya ah ayaa sheegtay in dadka la
afduubay laga tyaabo in ay yihiin 11 u dhashay dalka
France iyo saddex reer Britain ah.]
Aragtiyo kala
duwan oo laga bixiye dib u heshiisiinta uu ku baaqay
C/llaahi Yuusuf..
Iyadoo maalintii doraad ahayd Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf waqti u qabtay xiliga la qabanayo dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa haddana qaybaha kala
duwan ee Bulshada waxay ka bixiyeen aragtiyo kala
duwan.
Xuseen Xaaji Boot ayaa waxa uu sheegay in dib u
heshiisiinta loo raaco sidii ay Beesha caalamku u
soo jeediyeen oo ah in la dhiso dowlad Soomaaliyeed
oo sal balaaran, balse aan loo baahneyn in la
yiraahdo, waxaa la heshiisiinayaan beelaha.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa waxay sheegeen in C/llaahi
Yuusuf uu ka meermeerayo waxyaabihii ay ka dalbadeen
Beesha Caalamka oo ah in la qabto shirweyne dib
heshiisiin oo lagu dhiso qaran Soomaaliyeed. "Way
adag tahay in 16-ka April Muqdisho lagu qabto
Shir-weyne dib u heshiisiin ah, waayo Magaalada
Muqdisho ma ahan meel nabdoon" ayuu yiri wiil
dhallinyaro ah oo sheegay in Xaaladda Soomaaliya ay
ku dhamaan karto iyadoo lala heshiiyo Maxaakiimta
Islaamiga ah oo ay Dowladda markaasi si wadajir ah u
wada dhisaan dowlad loo dhan yahay.
C/llaahi Yuusuf ayaa haatan waxa uu taageere u
raadinayaan shir-weynahaasi, iyadoo weli Beesha
caalamku ku cadaadineyso in uu ka dhabeeyo
waxyaabihii uu ballanqaaday ee ahaa in la qabto shir
weyne qaran oo lagu dhiso Qaran Soomaaliyed.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
DFKMG oo Eedayn
Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga
Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,
Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka
Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO
ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada
aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey
in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka
kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo
helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo,
ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan
dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee
Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20%
lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si
sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada
galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn
lahaayeeneen...
Dhegeyso
Hadalkii Maareeye.
Feb 19, 2007
ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay
magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Waxaa taas ka sii
horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...