Cabdullaahi Yuusuf oo Laga
Sugayo 24 saacadood Gudahood in uu ku Jawaabo...
Baarlamaanka
DFKMG ayaa kulan ay Janaayo 13keedii ku yeesheen
Baydhabo waxay xukunka dalka oo dhan gacanta u geliyeen
Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana
baarlamaanku ansixiyeen in muddo 3-bilood ah uu dalka ku
hoggaamiyo xukun deg-deg ah ama "Martial Law".
Sidaas daraadeed Janaayo
14, 2007 waxay ahayd maalintii koowaad ee dalka aysan ka
jirin baarlamaan, ra'iisul wasaare iyo hay'ad sharci
dejineed oo shaqayneysa, waxa
kaliya oo shaqaynayaa waa xukunka uu bixiyo
madaxweynuhu ilaa ay dhammaaneyso saddexdaas biloodna
baarlamaan fariisan kara iyo xafiis ra'iisul wasaare oo
shaqayn karaana ma jiri karaan, sida uu qabo xeerka
"Martial Law" ee baarlamaanku ay gacantooda ku
ansixiyeen.
Baarlamaanka oo dhan iyaga
ayaa is casiley muddo saddex bilood ah markii ay
ansixiyeen "Martial Law". Dalkuna muddadaas waxa uu
gacanta ugu jiraa militariga oo uu hoggaamiyo
madaxweynuhu.
Baarlamaanku waxa uu ka
mid yihiin shacabka oo ay metelaan. Mar haddii la
soo rogay "Martial Law" ma jiri karo
baarlamaan shacab oo hawl geli
kara oo sharci dejin kara. Sidaas daraadeed sharci ahaan, xeer ahaan
iyo farsamo ahaan toona suurtagal kuma aha in ay
baarlamaanku shir isugu yimaadaan. Sida kor ku xusan, amarka oo dhan inta
ay xaaladda degdega ahi jirto waxaa gacanta ku haynaya
madaxweynaha dalka.
Mar haddii aan qeexnay
waxa uu yahay "Martial Law", oo ay soo hoos geleyso in
aan barlamaanku kulan yeelan karin muddo 3 bilood ah,
waxaa halkaas ka soo baxaya in kulankii baarlamaanka
DFKMG ee la qabtay Arbaca Janaayo 17, 2007, oo ah muddo
aad uga yar saddex bilood, in uu ahaa kulan aan
waxba ka jirin, sharci ahaan iyo farasamo ahaana uusan
ku qabsoomi karin, maadaama baarlamaanku uu metelo
shacabka, shacabkana uu saaran yahay "Martial Law".
Sidaas daraadeedna mar haddii marka horeba uu kulankaasi
sharci darro ahaa in uusan awood baarlamaanku u lahayn in
uu codeeyo, ama uu cid xil ka qaado.
Halkaas waxaa ka soo baxay
in aysan waxba ka jirin xil ka qaadistii ay baarlamaanku
ku sameeyeen Shariif Xasan Sheekh Aaden, sidaas
daraadeedna uu ilaa hadda yahay
guddoomiha Baarlamaanka Soomaalida loogu soo dhisay
dalka Kenya, waxaana Shariif Xasan laga sugayaa marka ay
saddexda bilood dhammaato in uu baarlamaanka isugu yeero
oo hawshii loo xilsaaray uu halkaas ka sii wato, sida uu
sheegay Axmed Naasir Macallin oo ah Garyaqaan reer Kenya
ah.
Tan kale madaxweynaha
DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa la gudboon in
sida ugu dhaqsaha badan uu shacabka /saxaafadda uu muddo 24 saacadood gudohoos ah uu
caddeeyo in kulankii shalay ee baarlamaanka DFKMG uu
ahaa kulan aan waxba ka jirin.
Haddii uu sidaas yeelo,
waxay dadka isaga taabacsan u cadayn doontaa in uu
madaxweyne ka yahay dalka Soomaaliya. Haddiise uusan ka
hadlin oo uu aqbalo ficilka sharci darrada ah ee
baarlmaanka DFKMG waxa uu ku sifoobayaa sida u muuqada
inta badan Soomaalida oo ah in dalka Soomaaliya uu
gacanta ugu jiro Xabashi iyo in Cali Maxamed Geeddi uu
Zenawi halkaas uga yahay wakiil ama governor. Markaas haddii
Cabdullaahi Yuusuf uusan tixgelin siinin sharciga
Martial Law ee loo dhiibey, ha ogaado isaga ayaa lagu xejin doonaa
xil ka qaadista ee ha ku sugo Villa Soomaaliya marka inta baarlamaanka
la shiriyo oo dhawr xildhibaan oo Cali Maxamed Geeddi
taabacsan lagu shiriyo Baydhabo markaas lagu dhawaaqo
madaxweynihii ayaa xilkii laga qaaday.
Hadda dhegaha shacabka
Soomaaliyeed waxay sugayaan hadalka Cabdullaahi Yuusuf
ilaa 24 saacadood (ugu badnaana 48 saacadood), haddiise ay maqli waayaan waxaa
shacabka la gudboon in ay qaylo dhaan u dirsadaan
Qaramada Midoobey sidii dalkaas xornimadiisa loogu soo
celin lahaa.
Haddii aan dib ugu laabano
Baarlamaanak DFKMG, waxay shaqadii loo soo dhisay ahayd
DIB-U-HESHIISIIN (waa xilliga aan dalku ku jirin
"Martial Law"). Dib u heshiinta micneheedu waa: in dib
la isugu soo celiyo dadkii Soomaaliyeed, arrintaas waxaa
ka mid ah in dadka kala fikradaha duwan la isu keeno, la
dhegeysto qof kasta fikradiisa. Taas oo jirta ayaa waxaa
cajaa'ib noqotay in qofkii fikrad ka duwan keena la
yiraahdo waa ku casileynaa?...
Balse doodaasi waxay imaan
kartaa marka ay dhammaadaan 3-da bilood ee xaaladda
degdega ah, mudaddaas oo aan baarlamaanku shaqayn doonin,
xafiiska ra'iisul wasaaruhuna shaqayn doonin. Inta ka
horsa waxaa la sugayaa jawaabta Cabdullaahi Yuusuf.
Faalladii: SomaliTalk.com
| Jan 18, 2007
WARAR:::
Maraykanka oo Cambaareeyey Xil Kaqaadistii Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG....
Jan 17, 2007: Dublomaasi sare oo Maraykan ah ayaa cambaareeyey cod bixintii baarlamanka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uu xilka uga qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aaden.
Caawiyaha xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan arimaha afrika, Jendayi Frazer, waxay tiri arrintani waxay dhaawac ku tahay isku dayga in si nabad gelyo ah lagu xalliyo kala tafaraaruqa dalka dagaalku halakeeyey. Sidaas waxaa warka ku bilaabay Raadiyaha Maraykanka ee VOA.

Jendayi Frazer |
VOA waxa uu intaas ku daray: Baarlamaanka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ku shiray Baydhabo waxa uu si aqlabiyad ah ugu codeeyey in xulka laga qaado Shariif Xasan. Shariif Xasan waxa uu sannadkii hore isku deyey in heshiis nabad gelyo ay wada gaaraan DFKMG iyo Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee
dalka, oo markaas xukumey casimada Muqdisho.
Ciidamda Itoobiya ayaa bishii hore waxay galeen Soomaaliya iyagoo gacan siinaya DFKMG, kuwaas oo Muqdisho iyo in badan oo dalka ah
ka saaray dagaalyahainiintii Islaamiyiinta ahaa, waa sida warka VOA u dhigay'e. Ilaa xilligaas saraakiisha Maraykanku waxay ugu baaqayeen madaxda dawladda Soomaaliya
in ay la xiriiraan kooxda Soomaaliya ee la jebiyey si la isugu dayo in la dhamaystiro
colaada 16ka sano ah.
Caawiyaha xoghayaha Arrimaha dibada ee
Maraykanka u qaabilsan arimaha afrika, Jendayi Frazer, waxay tiri go'aanka xilka looga qaaday afhayeenka barlamaanku waxay dhaawacaysaa isku daygii dib u heshiinta garabyada Soomaaliya.

Wiil Soomaali ah oo dhex maraya labo Taangi oo
Itoobiyaan ah magaalada Muqdisho Jan 15, 2007.
Sawirka: VOA |
"Calaamadda ah in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu ay taageereen in meesha laga saaro isaga (shariif Xasan) waa mid ka soo hor jeeda dareenka dib u heshiisiinta," ayey tiri, waxayna intaas ku dartay "Sidaas daraadeed waxaan kula talineynaa dawladda, ka taageerayaal ahaan dawladda,
in ay muujiyaan wax taas ka duwan." Waxaana VOA intaas ku daray in taas oo
jirta in Maraykanku sii wadayo taageeradiisa DFKMG.
Frazer waxay hadalkaas ka
jeedisey gole looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ah
xarunta Istaraatiijyada ito daraasada Caalamiga ah ee
Washington.
Dhanka kale VOA waxa uu
warbixin dheer ka bixiyey xaaladda guud ee Soomaaliya.
Raadiyaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: Dalka
Soomaaliya, dhaqdhaqaaqii dalka mar xoogga weynaa ee
Islaamiga ahaa jabkiisii waxa uu culays aad u xoog weyn
dusha ka saaray dawlada secular-ka (cilmaaniga)
ah ee ay qaramada Midoobey aqoonsan tahay si ay u hesho
taageerada shacabka, una dejiso dalka. Dhegeyso [Warbixintii
Ryu report
] ama Akhri [Clan Divisions Threaten Somalia
Government].
Kufsigii ay Ciidanka
Itoobiya u Geysanayeen gabdhaha Soomaaliyeed oo sii
socda...
Dhanka kale Hay'adaha reer
Galbeedka ee ku sugan Bariga Kenya ayaa waxaa wararku
sheegeen in ay soo gaarayaan warar isasoo taraya oo
tibaaxaya kufsi ay Ciidamada Xabashida ee soo galay
Soomaaliya u geysteen gabdho Soomaaliyeed. Mid ka mid ah
warbixinadaasi waxay sheegtay in dad soo gaarey Dhoobley
ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay kufsi u geysteen
gabdho Soomaaliyeed. Waxaana warbixintu sheegtay in
nacaybka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiy
auusan ahayn mid qarsoon.
Ilaa hadda wax war ah oo
arrintaas ku saabsan lagama maqal DFKMG, in kasta oo
Dadka Soomaaliyeed ay rumaysan yihiin in arrintaan
adduunka oo dhammi ka hadlayo aysan madaxda DFKMG ahi ka
hadli doonin.
Toddobaadkii hore ayey
ahayd markii ay soo baxday warbixintii in shan ka tirsan
ciidamada Itoobiya ay kufsadeen qof dumar ah oo
Soomaaliyeed...
EEG WARBIXINTII HORE
Wararkii kale ee maanta
Akhri....
18/1