SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Prof. Dalxa oo xarunta Madaxtooyada kula kulmay qaar ka tirsan Fannaaniinta Qaranka
  • Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo cabasho ka muujiyay hadallo sheegaya in xilalka laga qaadayo
  • Wasiir Xilkii Iska Casiley Si Uu Uga Qayb Galo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ...
  • Eng. Xuseen Caydiid oo Agaasimaha iyo Agaasime ku xigeen Waaxda Tiknolojiyada Magacaabay

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo cabasho ka muujiyay hadallo sheegaya in xilalka laga qaadayo

Jan 29, 2007

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir kana dhacay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayay uga hadleen hadallo soo baxayay oo sheegayay in laga qaadayo jagooyinka ay hayaan.

Guddoomiyeyaasha Degmada Gobolka Banaadir oo ka hadlay kulankaas ka dhacay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in iyagoo muddadii 16-ka sano ahayd soo shaqeynayay loogu hanjabo in laga qaadayo xilkaas ay u soo dhibaatoodeed.

"Waxaa wax laga xumaado ah in annagoo ku soo shaqeynaynay si mutadawacnimo ah naloogu hanjabo maanta in xilalka nalaka qaadayo, waana mid aan aqbalayn, waayo xilka aan haynno waa mid aan anagu u soo hurnay naf iyo maal, waxaana diyaar u nahay inay dowladda nagala wareegto, ee ma ogolaanayno in uu nagala wareego ruux faraha dhiig kula jira" ayaa lagu yiri warmurtiyeed ay soo saareen Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Waxay sheegeen xubnahaas kulanka isugu yimid inaysan aqbalayn hadal ka soo yeeray ruux hantida ummadda haysata, isla markaana dantii guud sharciyeynaya oo dadweynaha u qaybinaya, waana mid aan la aqbali karin.

"Waxaan kulan kula yeellannay Magaalada Muqdisho Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaana kulankaas uu ahaa mid aan isku afgarannay anaga iyo Ra'iisul wasaaraha in howlaha Degmooyinka Gobolka Banaadir aan sii wadno annaga isla markaana marka loo baahdo ay dowladdu naga wareejinayso xilalka aan haynno" ayay ku yiraahdeen xubnahaas kulankii ay yeesheen maanta.

Waxay si weyn ugu dhaliileen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay maamul u dhiibato ruux aan gobolka banaadir iibsaday, isla markaana hantidii guud iyo middii qaranka ku takri-falay, si sharci darro ahna ku bixiyay.

Xubnihii maanta kulanka isugu yimid oo wajiyadooda laga dareemayay caro xoog leh ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka fiirsadaan magacaabidda ruux aan ka naxayn Shacabka Gobolka Banaadir.

Wasiir Xilkii Iska Casiley Si Uu Uga Qayb Galo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ...

Saalim caliyow Ibrow oo ah Raysal wasaare ku xigeen ahna wasiirkii xanaanada xoolaha ayaa sheegay inuu xilkiisii iska casilay islamarkaana uu u tartamayo jagada doorashada xilka guddoomiyanimo ee baarlamaanka Soomaaliya taasoo ay u taagan yihiin xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka, isagoo hadalkana ka sheegay qado uu shalay u sameeyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya taasoo uu ugu soo bandhigayay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha kuna boorinayay inay isaga doortaan.

Mr. Saalim oo mar la weydiiyay, waxa ku dhaliyay inuu jagadan guddoomiyanimo ee baarlamaanka u tartamo isagoo xukuumada ka haya labo xil oo waaweyn ayuu ku jawaabay inuu doonayo inuu buuxiyo jagadan banaan ee baarlamaanka maadaama uusan baarlamaanka Soomaaliya shaqeyn Karin hogaan la’aan, wuxuuna tilmaamay inuu aaminsan yahay in isagu uu yahay ninka kaliya ee buuxin kara booska guddoomiyanimada .

"Aniga waan iska casilay xilalkii aan xukuumada ka hayay, maadaama gudiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ay shuruud ka dhigeen in murashaxa doonaya inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka uusan heyn Karin xilal kale oo dowladda ka tirsan, waxaana kalsooni ku qabaa in xildhibaanadu ay aniga ii doortaan, shalay qadadii aan u sameeyey xildhibaanada waxaa ka soo qeyb galay inta badan xildhibaanada Baydhabo ku sugan" ayuu yiri Mr. saalim caliyow.

Dhinaca kale, madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu dib u dhigay doorashada guddoomiyaha oo la fiayay in la doorto aakhirka bishan iyadoo loo dib dhigay illaa 2-da bisha labaad ee sanadan, waxaana jira warar hoose oo soo baxayay maalmihii ugu dambeeyey kuwaasoo sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay kala wataan labo xubnood oo uu midba midka kale doonayo inuu xilka guddoomiyaha ku guuleysto, waxaana madaxweynaha lagu xamanayaa inuu wato Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sh. Aadan madoobe) oo isagu doorashadii kal hore Shariif Xasan uu ka guuleystay, halka ra’iisal wasaarahana uu gadaal ka riixayo Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Prof. Dalxa oo xarunta Madaxtooyada kula kulmay qaar ka tirsan Fannaaniinta Qaranka

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Kulan la yeeshay Fannaaniinta Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulakaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay sidii ay dowladdu gacan u siin lahayd fannaaniinta Soomaaliyeed, isla markaana fannaaniinta ay u taageeri lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Fannaaniintii kulankaas ka qaybgalay ayaa waxay ka kala socdeen: Waaberi, Horseed, Halgan, Onkod, Iftin iyo kooxda Horyaal Band, waxayna ka codsadeen Prof. Dalxa in loo dayactiro Golihii Murtida iyo Madadaalada (National Theater), waxaana sidoo kale ay codsadeen in dowladda ay qalabeyso fannaaniinta Soomaaliyeed, si uu horumar u sameeyo fanka Soomaaliyeed oo muddo 16-sano ahaa mid aan boorka laga jafin.

Fannaaniinta ayaa waxay sheegeen inay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo isla markaana si weyn u dhaleeceeyay Midowga Maxkamadaha ee laga itaalka roonaaday, waxayna ku eedeeyeen inay is hortaag ku sameeyeen mihnaddooda faneed.

Kulankaas ayaa waxaa waxaa ka soo qaybgalay 450-fannaaniin oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyeed, waxayna dhammaantood ku sugan yihiin Magaalada dalka, waxayna soo bandhigeen heeso qiiro leh oo dhaqaajiyay dareenkii xubnihii ka soo qaybgalay kulankaas.

Dhanka kale, Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dowladdu ay wixii tabar ah ay la garab istaagi doonto fannaaniinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay dowladda maanta ku hayso dhibaatooyinkii lagu hayay fannaaniinta Soomaaliyeed Muddadii dagaallada sokeeye iyo intii dalka ay xukumayeen Maxkamadaha.



Sidoo kale wuxuu ka codsaday in fannaaniinta Soomaaliyeed ee kulankaas ka qaybgalay iyo kuwa kale ee aan ku sugnayn goobta kulanka inay dowladda taageeraan, isla markaana ay suugaantooda ku cabiraan qaabkii nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Eng. Xuseen Caydiid oo Agaasimaha iyo Agaasime ku xigeen Waaxda Tiknolojiyada Magacaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa Magaacabay Aggaasimaha iyo agaasime ku xigeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda qaybta tiknolojiyada.

Xilalkaan ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Xuseen Caydiid, waxaana loo magacaabay Mas'uuliyiinta kala ah:

Eng. Yuusuf Cabdi Calasoow Jimcaale oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tiknologiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Eng. Aweys Maxamuud Hilowle Maxamed oo loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Waaxda Tiknologiyadda ee Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha ee lagu magacaabay xilalkaan ayaa lagu sheega inay dhaqangalayso maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29 Jan, 2007.

Halkaan ka fiiri Wareegtada lagu magacaabay xilalkaan kor ku xusan:

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Diinaair iyo xubno kale oo dhaawac uu gaaray oo diyaarad lagula cararay

Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) iyo xubno kale oo la socday oo uu ka mid yahay Wariyaha Webpage-ka Somaliweyne Maxamed Cabdulle (Siiddii) ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay agagaarka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Xubnahaan dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa Laba weriye oo u dhashay dalka Kenay, una socday Magaalada Baydhabo si ay wax uga ogaadaan doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacaysa maalmaha soo socda Magaalada Baydhabo.

Dhaawacyada xubnahaan gaaray ayaa waxay ahaayeen sida la sheegay kuwo culus, waxaana loo qaaday dhanka dalka Kenya halkaasoo lagu wado in lagu soo daweeyo, gaariga ayaa rogmashadiisa waxaa sababay kaddib markii meel soke uu kaga soo baxay darmeer gaarigana uu si xowli leh ku socday taasoo keentay inuu ka baxo waddada oo dhan, waxaana xubnahaan ay ku sii jeedeen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo weli fariisin u ah Dowladda Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno ilo ku dhow dhow-dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in dhaawacyada xubnahaan lagu soo daweynayo Dalka Kenya, waxaana dhaawacyada ay ka gaareen intooda badan madaxa iyadoo la sheegay in C/raxmaan Diinaari uu dhaawaciisa ugu culus yahay dhaawacyada.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Jan 29, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH