SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Sawrada Mudahraadkii UK iyo Norway Halkanka daawo

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

Banaan bax looga soo horjeeda Qabsashada Ciidmada Ethopia iyo weerarka Ciidamada Maraykanka ay hayaan dalka Somaaliya oo ka dhacay magaalada Windsor ee dalka Canada.

Banaan baxan ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha magaalada Windsor, Ont, ee dalka Canada gaar ahaan xafiiska laga xukuma magaalada Windsor ee City Hall  maalintii Jimcada oo tariikhdu aheyd January 19, 2007. 

bananbax 078
Sawirada Mudaharadkii Winsor, Canada halkan ka daawo...

Banaan baxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Midowga Jaaliyad Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan United Somali Diaspora. Waxaana taageero u fidiyay banaan baxan kana soo qeybgalay ururada Bulshada ee magaalada Winsdor oo ay ka mid yihiin: Windsor Peace Coalition oo ah urur mar walba u taagan kana soo horjeeda dagaalada lagu qaado dadka iyo dalalka laga awooda badan yahay ee xaq darada ah. 

Waxaa sidoo kala taageero u fididay banana baxan: Somali Community of Windsor, Windsor Islamic Association, Somali Youth Association of Windsor, Somali Student Assocition (U of W), Idaacadaha Ethiopian Voice iyo Horn Africa Radios. 

Dad badan oo isugu jiray Somali iyo ajnabi oo ay kamid ahaayeen rag iyo dumar u dhashay dalkan Canada, Carab, South American ayaa qeyb ka qaadanayay. Dadkaas ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ka kamid ahaayeen: Bush Dunida halaga qebto, dagaal dooni mayno, Somaliya nabad bey u baahantahay dagaal ooma baahno, Ethiopia ha ka baxdo Somaliya, USA fara galinta ay ku haysa Somaliya ha joojisa, ayagoo isla markaan ugu baaqayay Dowlada Canada gaar ahaan Ra'iisul wasaaraha Canada Stephen Harper in ay mowqif adag ka qaataan duulaanka iyo xasuuqa lagu hayo dadka Soomaaliyeed iyo dalkooda. 

bananbax 074
Sawirada Mudaharadkii Winsor, Canada halkan ka daawo...

Waxaa halkaasi hadala qiima leh u soo jeediyay dadkii ka soo qeyb galay banaan baxaan Mahadi Isxaaq Maxamed oo ka mid ah ragii soo qaban qaabiyay Banaanbaxan,. Waxaana uu daboolka ka qaaday munaaqinimada Ethiopia iyo Maraykana-ka ay ka wadaan  Somaliya iyo in aysan aheyn kuwa dan ka leh in ay Somaaliya nabadi ka dhalato.  

Waxaa kaloo Mahadi uu dadkii ajnabiga iyo Soomaalida iskugu jiray ka jaahil bixiyay xalada dhabta ah oo ay Somaaliya ay ku jirta iyo in ay arinta ka wayntahay argagixiso la raadinaayo balse dana gaar ah laga leeyahay Somaliya. Waxaa uu sidoo kala Mahadi eedeyn dusha kaga tuuray Dowlada Canada waxaa uuna sheegay in ay jaahil ka tahay dhibka ka taagan Somaliya, loona baahanyahay in siyaasada Canada ee ku aadan Somalida ay badasho. 

Waxaa sidoo kala goobtaas hadalo ka soo jeediyay Cabdullahi Xasan Cisman oo asna ka mid haa ragii qaban qaabada wax ka waday, Cabdullahi waxa uu dadka u dulmaray dhibka kaligii Taliya Meles Zanawi uu u gaystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed laga soo bilaabo wakhtigii uu xukunka qabsaday laguna keeno ilaa iyo wakhtigan xaadirka ah asaga oo mar walbo istimaalaya buu yiri Cabdullahi dagaal ooga yaashii mudada 16 sana ah umada Soomaaliyeed u diiday harsi iyo hooyaad, iyo sida uu oogu tunday shariciga Qaramada Midowbay u dhigan. 

bananbax 016
Sawirada Mudaharadkii Winsor, Canada halkan ka daawo...

Waxaa gabagabdii halkaasi ka hadlay Enver Villamizar oo ka socday xisbiga Marxist Leninist Party of Canada (MLPC) ee dalka Canada, waxaa uu eedeyn dusha kaga tuuray dowlada Maraykana oo uu hogaamiyaha ka yahay Bush, waxa uu ku eedeyay in dowlada Maraykanka ay in badan dhibaata ka gaysatay Soomaaliya gudaheeda, asagoo oo xusay in sanadkii 2005 ay ciidama Marayanka dhulka Soomaaliya gudaha u galeen isla markaan uu yiri "waxey dadka ku handadayeen in ay raadinayaan Al-qaacida iyagoo isla markaan sawira tusay" oo ku andacoonayay in ragaasi ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu xusay Enver in dalka Soomaaliya uusan  u baahneyn ciidamada shisheeye asigoo carabka ku dhuftay falalkii waxshiga ahaay ciidamadii Canada ka geysten Gobolka Hiiraan sanadkii 1993.   

Waxaa xusid mudan in magalada Windsor ee dalka Canada ay noqotay magaaladii labaad oo banaanbaxan balaaran oo looga soo horjeeda cadawga Somalia ku soo duulay uu ka dhacay marka laga reerba magaala madaxda Canada ee Ottawa. 

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan banaanbaxan kala xiriir SomaliDiaspora@yahoo.ca 

Faafin: Jan 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH