SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 20, 2007

  • Dagaalkii ugu Kharaaraa oo xaley ka dhacay Xarunta Madxtooyada ee Villa Soomaliya....
  • Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh Shariif uu isu dhiibey...
  • Banaanbaxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Itoobiya oo ka kala dhacay......
  • Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada ee qaaradda Afrika oo ku hungoobey...
  • Shariif Xasan oo taageero ka helay Midowga Yurub, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta

Dagaalkii ugu Kharaaraa oo xaley ka dhacay Xarunta Madxtooyada ee Villa Soomaliya....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Muqdisho.. AFP

Dagaal la isku adeegsadey Hubka culus iyo midka fudud ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada ee uu fadhiyo C/llaahi Yuusuf Axmed .

Dadka Muqdisho ayaa dhegahooda xamili kari waayeen hubka ka dhacay dhinaca madaxtoonyada, waxaana rasaastaan la sheegay in ay socotay mudo laabaatan daqiiqo ah, waana dagaalkii ugu kharaaraa ee dhex mara kooxo maleeshiyo ah iyo ciidamada Dowladd iyo kuwa Itoobiya ee isbahaystay tan iyo markii ay baxeen Ciidamadii Maxaakiimta, ilaa iyo haddana lama garanayo khasaraha dhabta ah ee uu keenay dagaalkaasi, wax hadal ah oo ay Dowladdu ka soo saartayna ma jirto oo ku saabsan dagaalkaasi (waa markii warkan la qorayey'e).


Warbaahinta caalamka iyo qaraxyadii Xalay:::

Madaafiic lala beegsaday Villa Soomaaliya..

Sida ay werisey wakaaladda wararka ee Reuters, shan madfac ayaa ku dhacay gudaha aqalka madaxtooyada ee Muqdisho habeenimadii Jimacada, waxaana la maqlayey rasaas ka dheceysey magaalada Muqdisho.

"Siddeed madfac ayaa lagu soo gamey Villa Soomaaliya, laakiin shan ka mid ahaa haleelay Villa Soomaaliya. Saddexda kale waxay ku dheceen guryo u dhow," sidaas waxaa Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan DFKMG, waxana uu caddeeyey in xilligaas uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku jirey Villa Soomaaliya. Warar kale ayaa sheegay in la xaqiijiyey in ugu yaraan laba madfac ay ku dheceen gudaha madaxtooyada.

Markii la weydiiyey sarkaalka dawladda in dad ku dhinteen, waxa uu ku jawaabey "Arrintu waa mid cakiran. Ma cadayn karo arrintaas hadda."


Gaari Itoobiyaan ah oo dhex maraya carrada Soomaaliya, Dec 2006

Wakaaladda oo wakeeda sii wadata waxay tiri: Weerarkani waxa uu dhacay markii dhulku mugdi noqday, waxaana la maqlay in kabadan dersin qoraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana ku xigey rasaasta dheceysa, taas oo ka dambeysey dhawr beri oo ay deganayd magaalada ku taal xeebta badweynta Hindiya.

"Waxaan maqlay in kabadan dersin qaraxyo ah... hadda waxaan maqlayaa rasaasta," Sidaas waxaa yiri Sahal cabdulle oo markaas u waramayey Reuters, oo joogey meel u dhow halka qaraxyadu ka dheceen.

Meles Zenawi oo Sheegay in uu Bilaabayo in uu Ciidankiisa kala Baxayo Soomaaliya....

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, waxa uu British Broadcasting Corporation u sheegay in uu bilabayo in uu ciidamada Itoobiy akala baxayo Soomaaliya, waxana la bilaabayaa "Saddexda beri ee soo socda." Arrintan ayaa ku soo beegantay ayadoo aan weli rajo wanaagsan laga qabin ciidamo Afrikaan ah oo la keenayo Soomaaliya, marka laga reebo ballan qaad laga helay dalka Uganda.


Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh Shariif uu isu dhiibey...

Iyadoo maalamahaan la hadalhayey in Gudoomiyaha Golaha fulinta ee Maxaakiimta islaamiga ah uu isku dhiibay Ciidamada wadanka Kenya ayaa hadana Masuul u hadlay Maxaakiimta islaamiga ah laguna quray Web-Site-kooda gaar ah ee qaadisaya ayaa si kulul loogu beenayey in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu isku dhiibay Dowladda Kenya waxa ayna ku tilmaameen in uu doonayo in niyad looga jibiyo Taageerayaasha Maxaakiimta islaamiga ah.

Warka waxa uu intaa ku darayaa in Shiikh Shariif uu ku sugan yahay Gudaha Waddanka Soomaaliya uuna wado howlihii looga soo horjeeday Ciidamda itoobiya, waxa kaloo warkaas lagu sheegay in Shiikh Shariif uu badqabo, hase yeeshee kama aysan hadlin wararka sheegaya in Shiikh Shariif uu ka qaybgalo wadahadal la doonayo in la’isu soo horfariisiyo Maxkamadaha islaamiga iyo Dowladda fedaraalka, iyadoo Dowladda sheegtay insan wax wadahadal ah aysan lagali doonin Maxaakiimta islaamiga ah iyagoo ku tilmaamay kuwa baaba’ay oo laga awood roonaaday hase yeeshee Beesha Caalamka ayaa waxa rabtaa qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxaakiimta islaamiga ah inay ka dhex muuqdaan Masraxa Siyaasadda Soomaaliya.

Ciidamadii Maxaakiita islaamiga iyo Masuuliyiintoodii ayaa wali ku sugan qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya halkaasi ay ka wadaan iska caabin ay kaga soo horjeedaan Ciidamada itoobiya iyo kuwa Dowladda federaalka ah.

Dhinaca kale ilaa iyo haatan majiraan Dowladda ogalaaday inay Ciidmo u soo diraan Gudaha Waddanka Soomaaliya si ay u bedalaan Ciidamada itoobiya oo iyagu sheegay inay ka baxayaan Maalmaha soo socda Waddanka Soomaaliya, mark alaga reebo Uganda oo ogolaansho laga helay.

:: Dhanka kale mas'uul ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay la xiriirtay shabakada Halgan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ku sugan yahay gudaha dalka Soomaaliya, oo uu waxba kama jiraan yahay hadalkii ahaa Kenya ayaa qabatay. Waxaa warku intaas ku daray in ay yihiin waxba kama jiraan wararka sheegayey in uu dhaawacmay Aaden Xaashi Ceyrow.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Itoobiya oo ka kala dhacay......

Banaanbaxyo looga soo horjeedo faragalinta Dowladda Maraykanka ay ku heyso Soomaaliya iyo duulaanka Ciidamada itoobiya ay ku soo qaadeen Gudaha Waddanka Soomaaliya ayaa ka kala dhacay Wadamada Kenya iyo Ingiriiska waxaana ka qaybgalay Dadwayne aad u fara badan oo ku dhawaaqay Erayoka dhan ah Dowladahaasi.

Dadka ay ka muuqatay Wajiyadooda Caro aad u xun oo ay u qabaan faragalinta Maraykanaka iyo soo galintaanka Ciidamada itoobiya ee Soomaaliya ayaa hadaan soo qaadano kii dhacay Wadanka Kenya waxaa Bulshada la hadalay Siyaasiga Caanka ah ee Biloow Geerow oo Dowladda ku canaantay in garab siisay Maraykanka si loo baabi’iyo Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale kii ka dhacay Waddanka ingiriiska ayaa waxa ka hadalay Max’ed Nuur Tarsan oo sheegay inay banaanbaxa ay u dhigayaan Maraykanka iyo itoobiya oo dhibaato ku haya Bulshada Soomaaliyeed

Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada ee qaaradda Afrika oo ku hungoobey.

Kulan ay isu yimaadeen Golaha Amaanka Afrika kana dhacay Dalka itoobiya ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii Ciidamo Nabad ilaalin ah loogu diri la ahaa Soomaaliya, waxaa kulankaasi ka qaybgaly Danjiriha Wadanka Soomaaliya u fidhiya Midowga Afrika C/kariin Faarax (laqanyo) ayaa kulankaasi waxaa si aad ah loogu lafo guray sidii Wadamada Afrika looga dhaadhicin lahaa in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah oo bedalo kuwa haatan jooga ee itoobiya, Afyaheen Midowga Afrika ayaa sheegay inay aad u yar tahay rajada laga qabo in Soomaaliya loo soo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah waxaa kaloo Afhayeenka sheegay in Waddanka Uganda oo kaliya uu ogalaaday in Soomaaliya uu u diriyo Ciidamo nabad ilaalin ah waxaa kaloo sheegay in Maalmaha soo socda ay wafuud u kala diri doonaan Waddamada Afrika si loo helo Ciidamo Nabad ilaalin ah oo bedalo kuwa itoobiya hase yeeshee Waddama Midowga Afrika ayaa iyagu ka wal-walsan Cidda bixinaysa Kharashka Ciidamadaasi iyo Cidda hoggaamin doonta sidoo kale Waddamo ayaa qaba inay haboon tahay in marka hore Shacabka Soomaaliya ay ogalaadaan imaantinka Ciidamadaasi.


Shariif Xasan Sheekh Aadan "Maanta maalin ka xun ma soo marin Soomaaliya"
Guddoomiyaha Baarlamaanka  DFKMG iyo wafdi uu hoggaaminayo booqday Belgium ayaa Akhri..

Shariif Xasan oo taageero ka helay Midowga Yurub, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta

Iyadoo maalintii daraad ahayd Golaha Baarlmaanka Dowladda fedaraalka uu xilka ka qaaday Gudoomiyhii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dhinaca kale waxaa Gudoomiyaha soo gaaraya taageero uga imaanaysa Midowga Yurub, Marykanka, iyo Jaamacadda Carabta, oo xilka qaadista u arka mid Sharci darro ah oo lagu deg-degay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo haatan booqasho ku jooga Waddamo ka mid Midowga Yurub ayaa wadamadaasi ku qaabilay inuu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka taasoo dhabar jab ku noqon kartay Dowladda fedaraalka gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha maadaama dhaqaale Fara badan ka helijireen Midowga Yurub.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Maxkamadaha Islaamka Oo Wacad Ku Maray Inay Sii Wadi Doonaan Dagaalka Ay Kula Jiraan Ciidamada Ethiopia...

Afhayeen u hadlay maxakmadihii islaamka oo magaciisa kusoo koobay sheikh mustafa oo British Broadcasting Corporation laanteeda afka carabiga u warmayey ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ethiopia tan iyo inta ay ka baxayaan gudaha wadanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa soo baxay kadib xilli ay xukuumada Ethiopia ay sheegtay inay ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Somaliya waloow ay jiraan ciidamo gaaraya kumanaan oo Ethiopian ah oo ku sugan gudaha wadanka soomaaliya .

Sidoo kale afhayeenka ayaa intaas raaciyey inay diyaar u yihiin in ay wadahadal la galaan dowlada KMG ee Soomaaliya islamarkaana ay haboon tahay in marka hore ay xukuumada Ethiopia kala baxdo ciidamadeeda gudaha wadanka soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Maxaakimta Islaamka ayaa laga saaray koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore kadib markii loo gaystay weeraro cirka iyo dhulka oo ay adeegsanayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa maraykanka oo ku xasuuqay shacab aad u badan iyo xoolo isugu jira geel ,lo, iyo ariba koonfurta soomaaliya oo ay weli ka socdaan dagaalo goos goos ah .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Wararkii: Jan 19, 2007

  • Eritrea oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
  • Xiisaddaha Ka Dhashay Ridistii Shariif Xasan Sheikh Aadan.
  • Amar dil ah oo lagu soo rogay ciddii lagu arko iyadoo ku dhex wadata degmada Afgooye

Eritrea oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya


Isaias Afewerki | Sawirka: Aljazeera

Jan 19, 2007: Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa ka digey isku dayga in ciidamo Afrikaan ah loo diro Soomaaliiya ay noqon karaan kuwo ku dambeeya guul darro.

Waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Al Jazeera, waxa uu madaxweyne Isaias Afewerki yiri: weli lama arkin dhammaadkii Maxkamadaha Islaamiga ah.

Afewerki hadalkiisu waxa uu ku soo beegmay xilli sarkaal sare oo ka socda Qaramada Midoobey [Francois Fall] uu Muqdisho maalintii Khamiistii uu wadahadal kula lahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ay kawada hadleen sidii dalka loo geyn lahaa ciidamdo Afrikaan ah.

Waraysiga Al-Jazeera oo telefishanka ka baxay Khamiistii, Madaxweyne Afewerki waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka qayb qaadatay dagaal aan meelna u socon ama cakiran. Waxa kale oo uu yiri "Maxkamadaha Islaamiga ah lama jebin, Soomaalida weligeed lama jebin. Dadkii rabey in ay qorshadooda gaarka ah usoo galaan Soomaaliya ayaa naftooda dhex geeyey baylah halis ah." Waxana uu intaas kudaray "Tani waa arrin cakiran oo waqtiga oo sheegi doono cidda laga guulaystey."

Madaxweyne Afewerki waxa uu dhaliilay awooda wax qaban karta ee Midowga Afrika. Waxana uu yiri: "Waxaan marka hore rabna in aan ogaano hawsh aloo xilsaaray ciidanka Afrikaanka", waxana uu Midowga Afrikaanka ku tilmaamay mid gabay qaybo ka mid ah Qaarada Afrika.

Dhanka kale, Mr. Francois Fall oo ah wakiilka QM oo waxa uu DFKMG ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, waxana uu sheegay ciidamada Afrikaanka ee nabad ilaalintu "in ay yihiin fursadii ugu wanaagsanad ee nabadda Soomaaliya soo marta 16kii sano ee ugu dambeeyey", waana in aan taas la khasaarin ayuu yiri.


Dr. Ken Menkhaus

Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken Menkhaus oo macallin ka ah jaamacadda North Carolina. Qoraal kusoo baxay jariidada Guardian (16/1/2007) oo uu Soomaaliya kaga hadlay waxa uu Dr. Menkhaus yiri: Marka la eego xaaladaha ka jira Soomaaliya, ma adka in la saadaaliyo arrimuhu sida ay noqon karaan Soomaaliya: Itoobiya qaar ka mid ah ciidankeeda ayey kala bixi doontaa, mana bedeli doonaan ciidaamo tiro ahaan ku filan oo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika; DFKMG madaxdoodu ma awoodi doonaan in ay xakumaan Muqdisho, waxaa soo wajahi doona koror iska caabin ah, waxayna si degdeg ah ugu laaban doonaan dhanka baadiyaha; waxaana Soomaaliya soo wajahi doona xaalad siyaasadeed oo kala qaybsan.....[eeg www.guardian.co.uk].

November 27, 2001 ayey ahayd markii Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah kulliyada Davidson College, kuna takhasusay Soomaaliya oo kahadlaayey in aan arrimaha Soomaaliya laga dhegeysan Itoobiya, waxa uu yiri:  "Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta."

Dhanka kale magaalada Rooma ee Dalka Talyaaniga waxay hay'adda Reuters waraysi kula yeelatay Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo sheegay in ay Soomaaliy aka muuqato xaalada keli talisnimo, oo ay diyaar yihiin arrimihii kelitaliska. Shariif Xasan waxa uu hore ugu gacan sayray xil ka qaadistii baarlamaanka.. Halkan ka dhegeyso.

Ramaas CiiroXisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri... 20/1
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH