Shariif
Xasan Sheekh Aadan “Maanta maalin ka xun ma soo marin
Soomaaliya"
Guddoomiyaha Baarlamaanka ku meel
gaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo
ayaa Axaddii booqasho gaaban ku yimid magaalada Brussels ee dalka Belgium, si uu
ula kulmo madaxda Midowga Yurub. Waxaa wafdiga ka mid ahaa Dr Caasha Xaaji Cilmi
Aamin iyo Prof Cabdiraxmaan Ibbi. Kaddib markii ay kulamadaasi u dhammaadeen
ayaa Maxamed Xaaji (Ingiriis) waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la yeeshay
wareysigan.

Shariif Xasan iyo Maxamed Xaaji

Caasha Xaaji Cilmi iyo Maxamed Ingiriis |
S. Guddoomiye, muxuu ku saabsanaa
safarka aad ku timid halkan?
J. Safarkeygu wuxuu ku saabsanaa
inaan arko European Commission, gaar ahaan Lois Michel, una sharraxo xaaladda
Soomaaliya sida ay tahay iyo sida xalku noqon karo iyo sida Soomaali ku heshiin
karto. Waxaan is dhaafsannay wixii ra’yi ah, wuuna nala gartay in Soomaalidu u
baahan tahay wada hadal. Lois Michel wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee mas’uul
heer caalami ah ee raadinayey hab laysugu keeno Maxkamadaha iyo dowladda
federaalka oo Muqdisho iyo Baydhabo tagay. Wixii dhacay hadda waa dheceen. Sidii
ciidamada loo saari lahaa ayaan ku dhex jirnaa. Waan isla garannay wax badan,
isku ra’yi ayaana ka noqonnay.
S. Maxay tahay, haddaba, rajadaada
ku saabsan in xal siyaasadeed loo gaaro si dhaqso leh, si ciidammada
Itoobiyaanka ee dalka ku jira ay uga baxaan?
J. Rajo weyn baan ka qabaa in
ciidanka Itoobiyaanku ay baxaan oo la hirgeliyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee
1775, lana keeno ciidan ka socda adduunka, lana furo dib u heshiisiin,
Soomaalida qaybaheeda kala duwanna ay wada hadlaan. Anigu waxaan aaminsanahay
inaan hab military waxba lagu gaari karin oo Soomaalidu heshiiso.
S. Laakiin, waxaa muuqata in
dowladihii Africa ee ciidammada u soo diri lahaa Soomaaliya ay doodo ka keeneen
inay soo diraan ciidan beddela kan Itoobiya.
J. Rajo weyn ayaan anigu ka qabaa
inay soo diri doonaan. Caalamka oo dhan ayaa ku howlan in la helo ciidamo,
Mareykanka ayaa xitaa daneynaya arrintaas oo ka fekeraya. Diyaar bey u yihiin
Mareykanka, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Africa. Caalamka oo
dhan ayaa ku baraarugsan in ciidanka Itoobiya ay baxaan oo la helo ciidan kale
oo beddela. Sidaa darteed, waan rajeynaynaa inay ciidammada hadda jooga baxaan.
Waxaan Kenya ku kulannay Jendayi Frazer (sarkaalka Mareykanka u qaabilsan
Africa). Waxaan isla garannay in Soomaaliya aysan waxba ku gaari karin waxaan
wada hadal ahayn. Waxaan u sharraxnay mowqifkeenna.
S. Go’aanka ay dhawaan dowladda
Kenya ku gaartay in xildhibaannadii adiga kugu fekerka ahaa ay ka saarto
dalkeeda, qaarna qabqabato, maxaa keenay oo ku dhaliyey Kenya?
J. Dowladda Kenya waxay u fekertay
in xildhibaannada ay waddankii aadaan. Si kasta oo ay tahay, anigu uma arki
arrin sax ah. Xildhibaan kasta fekerkiisa ayuu ka hadlayaa, xaq ayuuna u
leeyahay inuu ka hadlo. Waxaa iyaga u darnayd statement ay soo saareen
xildhibaannada oo ku saabsanaa in ciidanka Ethiopia ay dalka ka baxaan oo aysan
oggoleyn in Soomaaliya la haysto. Waxay xildhibaannadu naqdinayeen hadalkii
Wasiirka Arrimaha Gudaha. Hadda arrimahaas dhib kama jiraan. Mar walba waa ku
noqon karaan, wax kale oo dhibaato ah ma jiraan. Markaa oo keliya ayay rabeen in
laga baxo Kenya.
S. Haddii aad Kenya ka soo tagteen,
maxaa hadda qorshihiinnu yahay xildhibaannadiina u soo guuray Djibouti?
J. Annagu uma soo guurin Djibouti
ee waxaan rabnay inaan Madaxweynaha Djibouti oo ah nin aad iyo aad ugu howlan
dib u heshiisiinta Soomaaliya inaan talo iyo tusaale wax la gaarno. Dowladaha
deriska oo dhan baan la hadlaynaa, sidii wanaag lagu gaari lahaa, dib u
heshiisiintiina loo soo celin lahaa, dhibaatadana looga bixi lahaa.
S. Guddoomiye, maxaa ku sawiri
kartaa xaaladda Soomaaliya ay maanta ku sugan tahay iyo haysashada Itoobiya ay
haysato Soomaaliya?
J. Arrimaha Soomaaliya aad iyo aad
bey meel qatar ah u marayaan. Waxay taagan yihiin meel qof walba oo Soomaaliya
uu ka tiiraanyoodo. Dowladda Itoobiya oo aan deris nahay oo wax badan ay naga
dhexeeyaan inay dalkii qabsato waxaan u arkaa mid nasiib darro ah. Maanta maalin
ka xun ma soo marin Soomaaliya.
S. Waxaad horey ugu baaqday in
ciidanka Itoobiya ee xoogga ku galay Soomaaliya laga dhaadhiciyo oo la isku dayo
in xoog looga saaro dalka. Sidee taa u suura geli kartaa bey kula tahay?
J. Waxaan aniga
ka codsaday Itoobiya inay naga baxaan. Haddey bixi waayaan kolley xoog lama huri
doono. Ninna ma ogolaan karo inuu nin kale qabsado. Marka hore in wada hadal
lagu fiiriyo ayaan ku baaqay, haddey bixi waayaanna waa ku qasban yihiin
Soomaalidu inay xorriyaddooda u diriraan. Anigu ma oggolaan karo in Soomaaliya
la qabsado.
S. Sidee u
aragtaa Madaxweynaha KMG ah, Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali
Maxamed Geeddi oo isu arka in ciidanka Itoobiya ay yihiin kuwo iyaga gacan
siinaya?
J. Wallaahi
iyagu sharciga kuma socdaan. Baarlamaanku ma ansixin in ciidamo Itoobiya la
keeno dalka, Golaha Ammaankuna ma ansixin. Waxaan rabaa inay naga baxaan. Aniga
iyo iyaga isku aragti kama nihin arrinta Soomaaliya, weligeenna isku aragti ma
noqon. Iyagu waxay aaminsan yihiin in Soomaaliya lagu xukumi karo qori
caaradiis, aniguna ma aaminsani.
S. Guddoomiye,
Golaha Baarlamaanka aad madaxda u tahay wuxuu ansixiyey usbuucan sharciga
xaaladda degdegga ah (Martial Law). Sharci sidan xasaasi u ah, ma ansixin lahayd
adigu haddii aad shirguddoominayso kulanka Baarlamaanka?
J. Anigu
ma ansixin lahayn marnaba. Xubnaha Baarlamaanka iyagaa ikhtiyaar leh, laakiin
anigu waxaan u arkaa inuu qalad yahay sharcigaas. Martial Law wuu ka hor
imaanayaa Distoorka. Dib u heshiisiin iyo Martial Law isku meel ma geli karaan,
waxaana u arkaa arrin qalad ah oo hor istaagi doonta dib u heshiisiintii socotay,
wax weynna u dhimi doonta.
S. Laakiin sidee
macquul u noqon kartaa in qof xildhibaan ah oo ka tirsan Baarlamaanku uu u
codeeyo ansixinta sharci suuragelin kara in qofkaas isaga laftiisa la xiro ama
lala wareego hantidiisa?
J. Sida
aniga ii muuqata, sidaan horeyba u sheegay, waxaan u arkaa inaysan dadku xor
ahayn. Ma dhici karto in Baarlamaan Soomaali ah uu maanta ka hoos shaqeeyo
Itoobiya oo wax dimoqraadiyad ah oo shacabka u roon uusan ka fekerin.
Suuragal ma ahan inuu Baarlamaan sidaas
ah ka shaqeyn karto danta Soomaaliya.
S. Maadaama aad
xiriir dhow la lahayd Madaxdii Maxkamadaha Islaamiga ee la maquuniyey, xaggee
baad is leedahay wey ku dambeeyaan?
J. Ma garan
karo anigu meel ay ku dambeeyaan. Dagaallo ayaa dhacay, dadkiina way kala
firxadeen. Dowlad dhan oo diyaaradaheeda iyo dabaabaadkeeda wadata ayaa soo
beegsatay, laakiin waa fiicnayd in guushaas weyn ee ay gaareen la ilaaliyo.
Soomaaliya waxaan rajeynayaa in Ilaaheey ka saaro dhibka, xalna u keeno,
cadowgeedana uusan ka faa’iideysan, Soomaaliduna heshiiso. Markeygii hore waxaan
ku mashquulsanaa in dadka Soomaalida oo ah dad isku dad ah ay iyaga wax walba
dhammeystaan. Wada hadalka intii karaankeyga ah waan ka shaqeeyey, waxna waa
layla qaatay, waxna waa layga diiday dhinaca Maxkamadaha.
S. Waxaa
maalmahaan la werinayey in qaar ka tirsan xildhibaannada Golaha Baarlamaanka ee
taageera Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi ay doonayaan inay soo gudbiyaan
motion ay xilka kaaga xayuubiyaan. Maxay kula tahay?
J. Waxaan
anigu u arkaa arrin qeyru sharci ah. Waqti kursi laga hadlo uma jeedo hadda.
Dad iyo dhul ayaa iga maqan xilligan. Wax weyn uma
arko waxay wadaan. Iyaga laftirkooda waxaan u arkaa dad aan iqtiyaar lahayn.
S. Waxaan wada ognahay in dowladda
Itoobiya ay muddo dheer gacmaha kula jirtay siyaasadda Soomaalida. Weli ma kula
soo xiriireen oo ma ku weydiisteen inaad la shaqeyso?
J. Anigu waxba kama qabo in laba
dowladood oo jaar ah oo saaxiib ah la noqdo, laakiin dowlad dowlad u talinaysa
raalli kama noqonayo. Anigu deris wanaag ma diidani. Wax wada hadal ah oo
goonideyda aniga iyo Itoobiyaanka na dhex maray ma jirto.
S. Maxaad ku dhihi lahayd dadka
akhrisan doona wareysigaaga?
J. Soomaalida waxaan ku dhihi
lahaa inay aad u tashadaan, isna tala-geliyaan oo ay wax walba ogaadaan. Gaar
ahaan in mustabalkooda, sharaftooda iyo dadnimadooda sidii ay ku soo ceshan
lahaayeen ay u guntadaan. Arrinta hadda dhacday inay u arkaan wax aad u xun,
anigoo aaminsan inay aad iyo aad u dareensan yihiin, haddana in codkooda kor loo
maqlo ayaan kula talinayaa.
Maxamed Xaaji (Ingiriis) waxaa
lagala xiriir karaa: Email:
ingiriis@yahoo.com
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Warkaas iyo Shiinaha iyo Tartanka Batroolka Qaaradda Afrika.
Markabka lagu magacaabo MV Chyuku oo ah riigga batroolka ka qodayada meel
ka durugsan xeebta magaalada Lamu ee Badweynta Hindiya waxa uu ka badbaadey in
ay soo gaaraan rabshadaha dalka deriska ah ee Soomaaliya..
Akhri... 16/1
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16,
2007

