SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 3, 2007
  • Nin hubeysan oo shalay labo Itoobiyaan ah ku diley Degmada Jilib...
  • Xuseen Caydiid “Itoobiya iyo Soomaaliya Xadka u dhexeeya waa la baab'inayaa
  • Mucaaradka dalka itoobiya oo mar kale ku celiyey in Ciidmda Itoobiya ay ka soo baxaan
  • Dowladda Federaalka oo xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii
  • Ciidamo ka socda Wadamada Uganda iyo Nayjeeriya oo ku
  • Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo haawanaya..
  • Ma laga yaabaa in uu qabsoomo kulanka uu ku baaqey Kibaki..

Nin hubeysan oo shalay labo Itoobiyaan ah ku diley Degmada Jilib...

Warar naga soo gaaraya Degmada Jilib ee Gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi shalay lagu dilay labo askari oo Itoobiyaan ah halka taliyihii watay ciidanka Itoobiyaanka isna lagu dhaawacay.

Falkaan oo ka dhacay Koontaroolka Jilib ayaa waxaa lagu waramay in uu gaystay nin hubeysan oo la sheegay in uu ka haray Ciidamadii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo ninkaasi labo mar soo weeraray ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaasi ku sugan, waxa uuna weerarkii hore uu uga dilay labadaasi askari iyo mid sarkaalka dhaawacmay, halka weerarkii labaadna uu khasaaro ugu gaystay itoobiyaanka halkaasi ku sugan, inkastoo aan la sheegay wax uu dilay, waxaana ninkaasi markii dambe toogtay Ciidamadii Itoobiyaanka oo dhib weyn kala kulmay dilistiisa.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanku ay haatan cabsi weyn ka qabaan in weeraro kaas la mid ah ay mar kale ku yimaadaan.

Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah inta la soo weeraro laga dilo labo Askari, waxaana soo baxaya saan-saantii ahayd in Soomaaliya ay ku sii siqeyso xaaladda Dalka Ciraaq oo ilaa iyo hadda loo waayey wax xal ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ka mideysan yihiin diidmada ay kula soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya, iyagoo u arkaya in ay doonayaan Gumeysi cusub oo ay Soomaaliya geliyaan.

Xuseen Caydiid “Itoobiya iyo Soomaaliya waa walaalo oo aan kala Maarmin..

Ku xigeenka Ra’isul Wasaaraha ee koowaad ahna wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Caydiid oo shalay la hadlayey Odoyaal iyo Waxgarad ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo Walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmaarin, wixii haatan ka dambeeya ay xuduudahoodu yihiin kuwo isku furan.

“Waxaan dooneynaa in aan qaadano Baasaboorka Itoobiya, Lacagtooda iyo Dhaqaalahooda” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan Ciidamada Itoobiya oo ay u geeyaan waxay u baahan yihiin, waxa uu sheegay in Itoobiya ay ahayd Dowladdii ugu horeysay oo si wanaagsan ula dhaqanta qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana u ogolaatay in ay qaataan baasaboorkeed, “markaa wax aan ku diidno ma jiraan ee waa in aan is kaashanaa oo aan wada abuurnaa nolo dhameystiran” ayuu sii raaciyey Xuseen Caydiid. [AKhri Murtida Maanta..... ]

Mucaaradka dalka itoobiya oo mar kale ku celiyey in Ciidmda Itoobiya ay ka soo baxaan

Mucaaradka dalka Itoobiya oo qaarkood ku jira golaha Baarlamaanka ee Itoobiya ayaa mar kale ku celiyey in Ciidamada Itoobiya ay si dhaqsi leh uga soo baxaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay dib ugu soo laabtaan dalkoodii, maadaama uu dhamaaday hawlgalkii halkaasi loo tagay.

“Duulaankii lagu qaaday waa mid uu Meles Zenawi indha uga jeedanayo waxa ka dhacay Itoobiya gudaheeda” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah mucaaradka oo sheegay in joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay keeni karto dhibaato weyn oo ku baahda geeska Afrika, waxaana Ra’isul Wasaare Meles Zenawi loogu baaqay in uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, hase yeeshee mar uu shalay la hadlayey golaha Baarlamaanka waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya saddex tobaad kaddib laga soo saari doono Soomaaliya, isagoo sheegay in ay guteen waajibaadkii ay halkaasi u tageen oo ahayd qatar ku soo wajahneyd wax uu ugu yeeray Wadamada Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka oo xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay ku dhawaaqay in Ay Dowladdu xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii imaan jiray Soomaaliya iyo waliba waliba Maraakiibta Ganacsiga, waxa uuna Ra’isul Wasaaruhu sheegay in Dowladda ay soo gaartay in Dad badan oo Soomaaliyeed ay ku xayiran yihiin dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa.

Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Dowladdu ay la socon doonto dhaq-dhaqaaqyada dulimaadyada Diyaaradaha ee Soomaaliya, iyadoo diyaaraddii aan ogolaansho ka haysan Dowladda Federaalka ah aysan imaan karin Soomaaliya.

24-kii bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii diyaarado ay leeyihiin Xabashid ay weerareen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, taas oo joojisay duulimaadyadii imaan jiray Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay in dib loo furo garoonkii Diyaaradaha, isla markaana ay dib u hawlgasho Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka socda Wadamada Uganda iyo Nayjeeriya oo ku

Ciidamo ka socda Wamada Yugaandha iyo Nayjeeriya ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Soomaaliya si ay u fuliyaan codsiga uga yimid midowga Afrika oo ah Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah, kaddib markii Golaha Ammaanka uu Go’aamiyey in Soomaaliya loo diro Ciidamo aan ka socon Wadamada Safka hore.

Ciidamada la sheegay in loo soo dirayo Soomaliya ayaa ah kuwo aysan marnaba ogoleyn Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu sheegay in ay horey u soo arkeen ciidamo nabad ilaalin ah ayna kala kulmeen dhibaatooyin fara badan oo isugu jira kufsi, dhac, iyo dil.

Ciidamada Nayjeeriya horey ayay u yimaadeen Soomaaliya, waxaana looga dilay todobo askari kaddib markii ay iska hor yimaadeen ciidamadii uu hogaaminayey Gen. Max’ed Faarax Caydiid, xiligaas oo ay diidanaayeen in gacanta lagu dhigi Gen. Max’ed Faarax Caydiid, hase yeeshee Ciidamada Uganada oo markii ugu horeysay oo ay yimaadaan Soomaaliyo, waa haddii uu ogolaado Baarlamaanka Uganda, maadaama uu haatan ku kala qaybsan yahay in ciidamo loo diro Soomaaliya.

Isku soo duuboo Ciidamada Itoobiya ee yimid Soomaaliya, waxay dalka ka saareen kuwoo Maxaakiimta Islaamiga ilaa iyo haddana ma soo celin nidaamkii iyo kala dambeyntii ay hore.

Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo haawanaya..

Maalintii shalay ahayd ayay ahayd maalintii koowaad oo ay Dowladdu Sheegtay in shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ay hubkooda geeyaan dhowr goobood oo kala ah Villa Baydhabo, Dekeddii Hore iyo Deegaanka Dayniile, hase yeeshee ilaa iyo haatan ma jirto cid u hogaansan tahay amarkaasi oo socon doona mudo 3 maalmood ah, wixii ka dambeeyana ay Dowladdu in xoog hub ka dhigis lagu sameyn doono.

Aragtida shacabku ka bixiyeen qaabka hub ka dhigista ee Dowladdu dooneyso ayaa waxa ay ku tilmaameen mid ay Dowladdu ku deg degtay loona baahnaa in dhamaan gobalada Dalka mar qura hubka laga dhigo, maadaama Shacabka Soomaaliyeed aysan is aaminsaneyn, horeyna loogu kashifmay hub ka dhigis noocaan oo kale ah.

Ma laga yaabaa in uu qabsoomo kulanka uu ku baaqey Kibaki..

Madaxweynaha dalka Kenya Kipaki ayaa ugu baaqay wadamada IGAD in ay ka soo qaybgalaan kulan deg deg ah oo dhacaya tobaadkaan dhamaadkiisa kaas oo looga arrinsanayo arrimaha Soomaaliya, waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada Nayroobi gaaray Madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo ka qaybgalay kulankaasi, Balse dadka u kuurgala siyaasadda ayaa waxay sheegayaan in kulankaasi u ek yahay mid aan qabsoomi doonin maadaama IGAD ku kala qaybsaneyd duulaankii ay Itoobiya ku qaaday Soomaaliya oo ay kula dagaalameen Maxaakiimta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2007

Kismaayo oo Loo Furay Qaadkii iyo Shaneemooyinkii
.Kismaayo: Barre Hiiraale oo ka hadlay Fagaare...
.Muqdisho: Geeddi oo gurigiisa warsaxaafadeed ku qabtay
.Muqdisho: Aragtida waxgaradka ee xaaladda Muqdisho..
Wararka oo dhan oo ka akhri... Jan 2

JAN 3, 2007: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan magaalooyinka: Galkacyo (39), Baydhabo (18), Beledweyne (10), Muqdisho (7), Kismaayo (3)


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH