SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 2, 2007
somalia
  • Waa sidee Taageerada ay u Hayaan waxgaradka iyo aqoonyahanka ku dhaqan muqdisho dfkmg ah ee Hogaanka U haysa ciidamada Itoobiyaanka?
  • Barre Hiraale oo Lix bilood kadib Shacabka Reer Kismaanyo kala Hadlay Meel Fagaare ah iyo Kismaayo oo Loo Furay Qaadkii iyo Shaneemooyinkii.
  • Raysal Wasaaraha Dowalada FKMG Soomaaliya oo Ku Dhawaaqay in La Qaaday Xayiraadii Dhinaca Duulimaadka

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Waa sidee Taageerada ay u Hayaan waxgaradka iyo aqoonyahanka ku dhaqan muqdisho dfkmg ah ee Hogaanka U haysa ciidamada Itoobiyaanka?

Waxaa soo baxaya xaalad walaac ku abuurtay shacabka ku dhaqan guud ahaan wadanka soomaaliya ,gaar ahaana magaalada muqdisho iyadoo walaac laga Qabo ciidamada itoobiyaanka ah ee maalinba maalinta ka damabaysa kusoo Qulqulaya gudaha wadanka soomaaliya .

Hadaba anigoo arimahaas u kuur gelaya ayaan waxaan arimahan dalka kusoo kordhay ka waraystay aqoon yahano iyo waxgarad ku nool magaalada muqdisho ,waxaana ugu horayntii wax ka waydiiyey ardayda iyo macalimiinta jaamacadaha muqdisho islamarkaana iga codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa waxay isku wada raaceen in dalka soomaaliya ku jiro xaalad khatar ah islamarkaana ay horseedi karto Gumaysi cusub oo kaga yimaada Itoobiya.

Mid kamida macalimiinta soomaaliyeed ee jaamacaha ayaa ku tilmaamay inay tahay tani mid lagu degdegay taasoo ay soo dedejisay soomaalida oo aan waxba isu ogolayn darteed ay maanta magaaladii ahayd xaruntii dalka soomaaliya ay joogaan kumanaan itoobiyaan ah ,''weligay kuma fekerin ciidamo intaas le,eg ayaa imaan kara muqdisho iyo magaalo lamida waa wax layaab leh '' .

Mar aan waydiiyey macalinkaas kamida macalimiinta jaamacahada muqdisho maxaad hada ku talin lahayd adigu ? ayuu yiri ''waxaan ku talin lahaa in shacabka soomaaliyeed iska qaadaan culayska saaran si kasta oo ay isaga qaadi karaan waayo tani waxay beri noqon doontaa mid loo shalaayo hadaan laga faa,iidaysan maanta ''

Sidoo kale iyadoo ay jiraan waxgaradka iyo aqoon yahaniinta ka walaacsan xaalada maanta lagu jiro ayaa hadana waxaa jira kuwo qaba fikir ka gedisan kan oo ku faraxsan arimahan ,bal aan eegno aqoon yahanka Dr. Axmed Cabdi Salaan oo ah qorayaashii soomaaliyeed isaguna maxuu ka yiri '' waan soo dhowaynaynaa inay dowladu ay isku ballaariso dalka mana jiri doonto inay dib usoo noqoto kala dambayn la,aantii ,waana in la helaa dowlad hagta dalka oo dhan '' ayuu yiri dr. Axmed cabdi salaan .

Waxaan waydiiyey sidee kuula muuqdaan ciidamada itoobiya oo kusoo Qulqulaya dalka ? waxuu ka yiri '' Dhibaato malaha waayo ciidamadan aad arkayso waxaa u yeertay dowlada fkmg soomaaliyeed mana jiraan wax fowdo ah ama si kale u dhacaayo wayna ka baxaayaan marka ay dhamaystaan sugista amaanka ''

Sidoo kale waxaa fikirkan mid lamida qaba Qaar kamida Ururada bulshada oo iyagu hoos taga SNA dr,bashiir axmed cismaan oo ah xoghayaha ururada bulshada ee iyagu aaminsan fikirkan uu Qabo Dr.axmed cabdi salaan .

Si kastaba ha ahaatee xaalada dalka soomaaliya uu marayo maanta ayaa waxaa walaac xooggan ka muujiyey Bulsho weynta soomaaliyeed ee ku nool magaalada muqdisho badankooda .

Barre Hiraale oo Lix bilood kadib Shacabka Reer Kismaanyo kala Hadlay Meel Fagaare ah iyo Kismaayo oo Loo Furay Qaadkii iyo Shaneemooyinkii.

Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaalada Kismaayo ayaa Saaka Waxaa isugu yimid Boqolaal dad ah ooTaageerayaal u ah dowlada fkmg ee kaashanysa Ciidamada itoobiya islamarkaana soo dhaweynayay is bedelka ka dhacay Magaalada Kismaayo oo Maalintii shalay ahayd ay la wareegen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah iyadoo uu halkaasi Hadal ka jeediyey Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Barre hiiraale oo Horay uga ahaan jiray isbaahaysigii Dooxada juba ee ka arimin jiray gobolada jubooyinka .

Wasiirka Gaashandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Col. Barre Hiiraale oo uu weheliyo Xildhibaan C/rashiid Xidig ayaa hadalo ka Jeediyay Barxada Beerta xoriyada oo ay isugu soo baxeen inta badan shacabka reer kismaanyo.

Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid Xidig oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo xasiloonida isla markaana shacabka ay kaalin Mug leh ka qaataan sidii ay u Taageeri lahaayeen dowladooda .

Dhanka kale Wasiirka Gaashandhigga dowladda Soomaaliya Barre Hiraale ayaa sheegay in ay cafinayaan dhamaan cid kasta oo La shaqayn jirtay ama u dagaalantayba Maxakmadihii islaamka islamarkana ay milayshiyaadkii ay ka carareen kooxihii maxakmadauhu ay soo dhowaynayaan inay ciidamada qaranka loo diwaan geliyo .

Si kastaba ha ahaatee Magaalada kismaanyo ayaa waxaa dib loo furay shineemooyinkii iyo Qaadkii oo dadka ka ganacsadaa ay dib loogu arkaayey Goobihii lagu ganacsan jiray.

Raysal Wasaaraha Dowalada FKMG Soomaaliya oo Ku Dhawaaqay in La Qaaday Xayiraadii Dhinaca Duulimaadka

Ra'isulwasaaraha Dowladda FKMG Somaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa Maanta shir jaraa,id oo ku Qabtay Gurigiisa ku sheegay in la qaaday xayiraadii dhinaca duulimaadyadii diyaaradaha ee saarnayd soomaaliya waxii Maanta ka dambeeyana ay Bilaaban karaan duulimaadyadii diyaaradaha, isagoo sheegay in diyaaradaha aan si toos ah ugu lug laheyn isku xirka safarada Somalida iyo dibadda looga baahan yahay in ay maraan wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka dolwada fkmg ah ee soomaaliya .

Raysal wasaaraha ayaa Qaadista xayiraadda ku sheegay inay soo Dedejisay kadib Markii ay Dowladu La wareegtay Guud ahaanba Gobolada soomaaliya islamarkaana ay Gacanta ku hayaan iyagoo kaashanaya Ciidamada Ethiopia.

Sidoo kale raysal wasaare Geedi ayaa Hadalkiisu kusoo Beegmayaa iyadoo ay ku xayirnaayeen Boqolaal dad ah oo ka kala yimid caalamka daafihiisa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho kuwaasoo xiligii nabada ay golaha maxaakiimtu islaamku ay ka sameeyeen koonfurta iyo bartamaha soomaaliya yididiilo nabadeed higsanayey .

Dhanka kale Ra'isulwasaaraha ayaa ka Hadlay Hubka la uruurin Doono oo uu horey ugu dhawaaqay, waxaana uu carabka ku adkeeyey in Hubka lagu keeno Waqtigii ay u Qabteen islamarkaana waxuu intaas sii raaciyey inay howsha Qaarkeed bilaamatay , Waloow aysan Jirin wax saxaafadda loosoo Bandhigay

Mar ay saxaafadu waydiisay su,aalo isku lifaaqnaa oo kala ahaa walaaca shacabku ka muujinayo Qabqablayaasha kusoo noqday Muqdisho iyo suuqyada ganacsiga hubka sida laga yeelayao ayuu yiri'' Marnaba Ma ogolaan doono Qabqable dambe ayna la mid yihiin kuwii hadda bulshada laga qabtey, isagoo ku eedeeyay in horey ay u dhibaatooyin badan ka Geysteen dalka soomaaliya gudihiisa ''.

Sidoo kale Mar La waydiiyey su,aasha ah maxay yihiin 10ka nin ee lagu Qabtay dalka Kenya Maadaama aad hore u sheegtaan inaydan cidna ka aarsan doonin ,waxuu kaga jawaabay ''Tobanka nin waxay ka mid yihiin firxadkii maxkamadaha islaamka islamrkaana ahaa Dagaal yahanadii ajnabiga ahaa Ee ka barbar dagaalamyey maxkamadaha isagoo ugu baaqay dalka kenya in dalka gudihiisa lagu maxkamadeeyo ajnabiga ku lugta yeeshay iska horimaadyadii maxkamadaha ay la galeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo iskaashanaya."

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2007

JAN 2, 2007: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan magaalooyinka: Galkacyo (38), Baydhabo (17), Beledweyne (9), Muqdisho (6), Kismaayo (2)

EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH