SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


WARARKII UGU DANBEEYEY EE DALKA KA DHACO


Maxaakiimtii oo Ka Baxay Kismaayo iyo Jilib

 

Janaayo 1, 2007

 


Nin gaari dhuxul ku raraya magaalada Muqdisho 31/12/2006
A man loads a truck with coal in Mogadishu, Somalia on Sunday, Dec 31. 2006. Somali government troops backed by Ethiopian tanks and MiG fighter jets have captured the last major stronghold of a militant Islamic movement (AP)

Askar Itoobiyaan ah oo jooga jidka Muqdisho

Ethiopian soldiers wait along side a road in northern Mogadishu, Somalia on Sunday Dec. 31, 2006. . (AP)

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in halkaasi ay xalay iskaga baxeen ciidamadii maxaakiimta, magaaladaas oo ahayd meeshii ugu dambeysey ee ay isku urursadeen.

 

CIIDAMO CUSUB OO EITHOPIYAAN AH OO WELI KU SOO QULQULAYO GUDAHA DALKA SOMALIYA TIRADOODANE LA GAARSIIYEY ILAA 50 KUN OO ASKARI IYO MAXKAMADIHII OO KISMAAYO KA SII BAXAYA

 

Maamulka dalka Ethiopia  ayaa la sheegay in ay kordhiyeen tirada ciidamada ka howgalaya gudaha Somaliya ee taageeraya dowlada fadaraalka KMG ah ee somaliya kuwaas oo la gaarsiiyey ilaa 50 kun oo askeri kuwaas oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan sida laga soo xigtey rag diblumasiyiin ah oo la socda xaaladda ciidamada Ethiopia ee ka howgalaya soomaaliya, ciidankaas oo horey u ahaa 28 ilaa iyo 30 kun oo askari ayaa hada lagu soo kordhiyey 15 kun oo askari taas oo loo sababbeeyey dagaal weli lagula  jira "argagixisada caalamiga" iyo ciidamada maxkamadaha taas oo laga baqayo xoogag kacdoon wada in ay ka dhashaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen ciidamada maxaakiimta islaamiga  .

 

Ciidamadaan cusub ee Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay ka howgalayaan muddo aan la cayimin min koofurta magaalada gaalkacyo ilaa cirifka koofureed ee xuduuda somaliya iyo Ethiopia . ciidamadaan  ayaa markii hore dalka ku soo galay qaab tabaabarayaal hubeysan ah hase ahaatee markii danbe isu bedelay kuwo dagaal la galay maxkamadaha kuwaas oo kula dagaalamay koofurta somaliya oo dhan ka dib markii ay saxaafada isu marsiiyeen in midba mid kale uu jirtankiisa khatar ku yahay oo aakhirkiina ku qasbay nidaamkii maxkamadaha oo ay aad uga awood badnaadeen in ay isugu gurtaan gobolada jubbooyinka ugu danbeytiina ay xalay isaga baxeen magaalooyinka qaarkood.

 

Dad badan ayaa walaac ka muujiyey tirada ciidamada Ethiopia ee ku soo kordheyso somaliya iyo la wareegida goobaha muhiimka ah ee dalka .

 

Waxaa la filayaa maalmaha foodda inagu soo hayo in dhamaanba laga wareego ciidamada Ethiopia goobaha ay hadda gacanta ku hayaan loona dhiibo ciidamo somaliyeed oo dowladda la jaanqaada iyo kuwii horey uga tirsanaa ciidamda dowlada kuwaas oo ku filnaan doono goobaha ay baneyn doonaan kuwa dowlada Ethiopia ee gacansiinta  dowlada ku joogo dalka somaliya.

 

Ciidamadii ka dagaalamayey gobolada jubbooyinka ayaa hada gabagabo u muuqdo jiritaankooda ka dib markii ay xalay isaga huleeleen meeshii keliya ee ay haysteen maamihii ugu danbeeyey, waxaan lagu soo waramayaa in ay sii dhaafayeen buulo guduud oo  ku beegan dhanka galbeed ee magaalada kismaayo.
 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2007

 

ARAGTIDA DADWEYNAHA EE DAGAALKA SOOMAALIYA
Maqaalada ay dadweynuhu ka qoreen xaalada hadda... Akhri



Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH