SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararki: Feb 28, 2007
  • Sheekh Shariif oo martiqaad ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland...
  • Dowladda Federaalka oo sheegtay in xaruntii Gaashaandhiga noqon doonto saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nabad ilaalinta ah…
  • Ciidamada Itoobiya oo Sawiro isaga qaaday Gurigii uu deganaan jiray Gen. Max‘ed Cali Samatar
  • Banaanbax looga soo horjeedo keenista Ciidamo Shisheeye oo ka dhacay Deegaanka…
  • Taliyihii Ciidamada Madaniga ee NBC oo la dilay
  • Shan qofood oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho shalay
  • Wafdi ka socda Koonfur Afrika oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Sheekh Shariif oo martiqaad ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland...

Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa martiqaad ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland, waxaana la filayaa in uu inta uu halkaasi joogo uu kulamo la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool. Dhawaan ayey ahayd markii Sheekh Shariif uu qadka Taleefanka kaga qaybgalay xaflad ka dhacday dalkaasi oo ay ka qaybgaleen Bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool, waxa uuna Sheekh Shariif uga waramay Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee nabad loogu soo dabaali karo, waxa uuna sheegay Sheekh Shariif in ay sidii wadi doonaan halganka ay kula jiraan Dowladaha ku soo duulay dalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay Dowladda Itoobiya oo uu sheegay inay qabsatay dalka Soomaaliya, waxa uuna Sheekh Shariif ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay maalkooda iyo naftooda u horaan difaaca Diinta iyo Dalka.

Sheekh Shariif o ku sugan dalka Yemen ayaa waxaa kaloo uu martiqaad ka helay dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yurub, hase yeeshee Sheekh ayaa dalka Yemen ka wada hawlo loogu googol xaarayo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya. Sheekh oo isagu dhawaan gaaray dalka Yemena yaa mudo ku sugnaa Magaalada Nayroobi, iyadoo Dowladaha Mareykanka iyo Midowga ay aad u daneynayaan in Sheekh Shariif iyo kooxaha kale ee Qunyaru- Socodka ah ay ka mid noqdaan Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhiso shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee Dowladda Federaalka ayaa horey u diiday inay wax wada hadal la gasho Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay sheegeen in ay ka baxeen saaxadda Siyaasadda.

Dowladda Federaalka oo sheegtay in xaruntii Gaashaandhiga noqon doonto saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nabad ilaalinta ah…

Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa in xaruntii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga ay noqoto Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Midowga Afrika oo dhawaan hawlo nabad ilaalin ah ka fulin Doona dalka Soomaaliya.

Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga oo ay degan yihiin dad qaxooti ah oo soo barakacay ayaa waxaa arintaani walwal ka muujiyey dadweynihii deganaa oo sheegay in Dowladda looga baahan yahay inay u hesho goobo kale.

Wasaaradda Gaashaan-dhiga oo ay dhawaan soo degeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa halkaasi waxay kala kulmeen weeraro kaga imaanayey kooxo hubeysan kuwaas oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidanka Itoobiya ee halkaasi. Xaruntaan ayaa la qorsheynaa in ay xarun u noqoto Ciidamada Midowga Afrika, hase yeeshee, banaanbax shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah looga soo horejeestay Keenista Ciidamadaasi, waxayna sheegeen inay la dagaali doonaan cid kasta oo shisheeye ah oo timaada gudaha dalka Soomaaliya. Banaanbaxaan waxaa kaloo looga soo horjeeday qaraxyada iyo weerarada maalin iyo habeenba ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay ku waxyeeloobayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada Itoobiya oo Sawiro isaga qaaday Gurigii uu deganaan jiray Gen. Max‘ed Cali Samatar

Ciidamada Itoobiya oo dhawaan baaris ka fuliyey Xaafadda Shiirkole iyo Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa dad goobjoog ah waxay noo sheegeen in markii ay yimaadeen Deegaanka Shiirkole waxay dadka weydiiyeen halkii uu deganaan jiray Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Gen. Max’ed Cali Samatar ayaa markii farta loogu fiiqay waxay bilaabeen in ay sawiro isaga qaadaan.

Ciidamadii Soomaalida ee la socday ayaa weydiiyey ciidamada Itoobiya sababaha ay Sawirada isaga qaadayaan halkaan, waxay ugu jawaabeen in Sawiradani taariikhi yihiin oo ay iyaga muhiim u yihiin, maadaama goobtaani ay ahayd halkii laga xukumi jiray Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed, uuna Wasiirkii Gaashaandhiga ahaana Taliyahii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cali Samatar. Askartii kale ee Soomaalida aheyd ee la socotay ayaa aad ula yaabay, waxaana nin haatan Odey noqday oo ka tirsanaa ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku calaacalay, (Waa ayaandaro in Ciidan Itoobiyaan ah yimaadaan xarumaheenii ciidamada).

Banaanbax looga soo horjeedo keenista Ciidamo Shisheeye oo ka dhacay Deegaanka…

Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada shisheeye iyo dilalka iyo qaraxyada ku soo kordhay Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa xoolaha. Banaanbaxaan oo markii hore ku bilowday si tartiib tartiib ah ayaa markii dambe ku fiday wadooyinka suuqa Xoolaha waxayna dadku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Doonimeyno Ciidamo Shisheeye” ‘ciidamo shisheeye hore ayaan usoo aragnay dhibaatooyinka, oo maanta nooguma horeyso’.

Banaanbaxaan ayaa waxaa kaloo lagu dalbaday in ay ciidamada Itoobiya ay si dhaqsi leh uga baxaan dalka Soomaaliya, ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii uu ku bilowday banaanbaxaasi, waana banaanbixii labaad ee ka dhaca Suuqa xoolaha tan iyo markii ay Dowladdu soo gaartay Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haddana kama hadlin Dowladdu banaanbax-yadaasi. Warar ayaa waxay sheegayaan in banaanbaxyo kuwaan ka balaaran ay ka dhici doonaan Muqdisho kuwaas oo looga soo horjeedo ciiamada Shisheeye.

Taliyihii Ciidamada Madaniga ee NBC oo la dilay

Waxaa maqribnimadii shalay Magaalada Muqdisho lagu dilay taliyihii Ciidamada Madaniga ee Xaafadda Taleex Axmed Xirsi (Dhaashane).

Nin ku hubeysan ayaa ku sugayey iridka hore ee Masaajid ee uu markaasi ku tukanayey marxuumka, kadibna markii uu banaanka yimid ayuu dhowr xabood ku dhuftay, halkii ayuun ku geeryooday.

Allaha u naxariistee Axmed Dhaashane oo si weyn looga yaqiinay Degmada Hodan Waaxda Saddexaad ee NBC, waxa uuna dagaal kula jiray kooxaha burcadda ah ee ka qowleysata xaafaddaasi.

Axmed Dhaashani markii la dilayey waxa uu ka adimay Masjidka uu Markaasi ku tukanayey ee Gerweyne, waxaana si aad ah geeridiisa uga naxay dadweynaha ku nool Xaafadda NBC.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha loo dilay Axmed, balse warar ayaa waxay sheegayaan in in uu ahaa raggii sida aadka ah uga soo horjeeday kooxaha Caaddeystay in ay bulshda dhexdeeda ka dhex tuuraan Hoobiyayaasha.

Shan qofood oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho shalay

Waxaa Magaalada Muqdisho ku sii kordhaya dialka loo gaysanyo dadka aan waxba galabsan waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho lagu dilay shan qofood oo siyaabo kala duwan loogu dilay.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa lagu dilay nin la damcay in laga qaato Bistuulad, isna mid ka mid ah burcaddii ayuu dhaawac u gaystay oo uu markii dambe u dhintay, iyadoo la sheegay in kii labaad ee Burcadda isna lagu dhex dilay Suuqa Bakaraaha.

Nin la socday Gaari TOYOTA ayaa isna lagu dilay agagaarka Xarunta Isgaarsiinta ee Nationlinka, sidoo kale nin isna marayey agagaarka garoonka Cayaaraha ee Stadium Mogadishu.

Xalay maqribnimadii ayaa Taliyihii ciidamada Madaniga ee Xaafadda NBC Axmed Xirsi Dhaashane la dilay isagoo ka soo baxayey masjid ku yaalay Xaafadda, waxaana dilkiisa gaystay nin ku hubeysnaa Bistoolad.

Dilalkaan ku soo kordhay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa walwal ka muujiyey dadwenah ku nool Magaalada Muqdisho oo iyago markii hore la walwalsanaa qaraxyadii iyo weeraradii ay isku hayeen labada dhinac ee Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Muqaawamada.

Wafdi ka socda Koonfur Afrika oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Waxaa shalay Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday K/Afrika oo la sheegay ina y ku jiraan Saraakiil dhinaca Ciidamada ah, waxaana ku soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho saraakiil iyana ka tirsan Dowladda Federaalka.

Wafdigaan ayaa maanta waxay la kulmi doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ku jiro, guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Dhalxa.

Ujeedada ay u yimaadeen wafdigaan ayaa lagu macneeyey inay tahay iyadoo ay doonayaan in ay indha-indheeyaan Xaaladda Magaalada Muqdisho, Iyadoo Dowladda K/Afrika ay horey u sheegtay inay Soomaaliya u soo direyso kooxo tababarayaal ah, waxayna diiday inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo nabad ilaalin ah. Dowladda K/.Afrika ayaa ka mid ahayd dowladihii ugu horeeyey ee ballanqaaday in ay Soomaaliya ciidamo u soo dirayaan, basle waxay dib uga laabatay go’aankeedii markii ay ogaateen xaaaladda dalka.

Wafdigaan ayaa la filayaa in ay u ambabaxaan Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in ay halkaasi kula kulmaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Dowladda Uganda ayaa lagu wadaa in ay noqoto Dowladdi ugu horeysay oo ciidamo hoos taga Midowga Afrika u soo dirta Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Feb 28, 2007


Wararkii Talaadadii::

Dilal Kala Gooni -Gooni Ah Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho ..

Feb 28, 2007: Dilalkan oo aan la ogayn cidda kadamabaysa ayaa maanta dhowr melood lagu kala diley ilaa 7-qof oo uu ku jiro ganacsade caan ka ahaa magaalada caasimada ee muqdisho .

Kooxo dabley ah oo aan heybtooda la garaneyn ayaa ganacsade la oran jirey Yuusuf Dar-buuxshe waxa ay ku toogteen wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho maanta duhurnimadii, iyadoo aan la garaneyn sababta ka dambeysa dilka ganacadsadahan oo tacshiirad lala beegsaday xilli uu watay gaari yar oo nooca loo yaqaano surf-ka .

Sidoo kale Labo ruux ayaa geeriyootay ka dib markii tacshiirad ay isku fureen nin rayid ah iyo kooxo burcad ah oo doonayay in ay ka qaataan telefoonka gacanta (mopile) agagaarka Suuqa Dawada ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale mid kamida dadka la diley maanta ayaa isna lagu diley isagoo masaajid ku yaala suuqa bakaaraha isagoo kasoo baxaya xili salaadii duhur kadib ah.

dilalkan kala gooni gaanida ah ee ka dhacay magaalada muqdisho ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee kadambaysa ,iyadoo badanaaba loo sababaynayo xaalada amaan daro ee ka jirta magaalada muqdisho

dhinaca kale weerar lagu doonayey in lagu afduubto mid kamida shaqaalaha shirkada korontada ee (som-electeric) oo badanaaba magaalada muqdisho dabka gelisa ayaa dhicisoobay kadib markii ilaalada shirkadaasi ay iska caabiyeen islamrkaana ay halkaas ka eryeen burcadaas doonanaysay afduubka .

Goob joogayaal ku sugnaa halkaasi ayaa ii xaqiijiyey inay ilaalada shirkada som-elelcteric ay iska difaaceen burcadaas islamrkaana ay ka carareen burcadii goobtaasi ,iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay

Sidoo kale Saakay ayay aheyd markii nin rayid ah isna lagu dilay agagaarka Stadio Muqdisho, iyadoo aan la garaneyn sababta iyo cidda ka dambeysa dilkiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dialalka dadka rayidka ah loo geysanayo iyo waliba weerarada lala beegsanayo xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia, iyadoo xalay labo bambaano lagu weeraray saldhigga booliska ee degmada yaaqshiid, inkastoo aanu la soo sheegin wax qasaaro ah.

Si kastaba ha ahaatee xaalada amaan xumo ee ka jirta caasimada soomaaliya ayaa kasii daraysa maalinba maalinta kasii dambaysa ,iyadoo aysan jirin cid ka tirsan masuuliyiinta dowladda kmg ah oo ka hadashay arintaan oo kusoo beegmaysa xili ay gacanta ku hayaan magaalada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com