SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 27, 2007
  • Taageerayaasha Xuseen Caydiid oo aad uga caroodey hadalkii Cabdulaahi Yuusuf..
  • Geedi oo sheegay in dib u heshiisiin Soomaaliya..
  • Calanka Itoobiya oo shalay lagu gubay Goobo ku yaal Magaalada Muqdisho..
  • Bam lagu tuuray Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay.
  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Carbiska oo halkaa isaga baxay..
  • Dadka ka qaxa Muqdisho oo sii kordhay
  • Prof,Dalxa: Waa Arin Qaldan Calanka Ethiopia Ee Laga Taagay Tarabuunka Somaliya Calan Ayay Leedahay .
  • Cadde Gabow: Calanka Ethiopia Dadka Suray Tarabunka Waa Dad Soo Dhowaynaya Ciidamada Cusub Ee Ethiopia .


Nin alaabtiisii ku qaatay Gaari Dameer oo kasii qaxayey Muqdisho isagoo kusii jeedey dhanka Afgooye Jimcadii Feb 23, 2007. Sawirka: AP

Abbee Carruurtiisa kala soo qaxay Muqdisho oo jooga Afgooye, Jimcadii Feb 23, 2007. Sawirka AP

Gabar aan wax degaan ah haysan (homeless) oo haysa canug yar iyagoo kasoo cararay Muqdisho, Jimce Feb 23, 2007. Sawirka: AP

Dad ka qaxaayey meel kaambo ah oo ay deganaayeen magaalada muqdisho Feb 17, 2007. Sawirka: AFP

Gaari sidey ciidan Itoobiyaan ah oo kusii jeedey Afgooye Janaury 24, 2007. Sawirka:  Reuters.

Madaxweynaha Sudan Omar Hassan Al-Bashir (midig) oo la hadlayey Madaxweynaha Soomaaliya  Abdullahi Yusuf Ahmed (bidix), Madaxweynaha Yemen Ali Abdullah Saleh (3aad marka laaga soo tiriyo bidix) iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi (2aad dhanka midig), kulankaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa  February 26, 2007. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu Isniintii ka digey in raabshaduhu ay u tallaabi doonaan dalalka kale ee Geeska Afrika haddii aan dawladiisa lala soo gaarin ciidamo degdeg ah oo nabad ilaalin ah. Sawirka: Reuters

Calanka Itoobiya oo shalay lagu gubay Goobo ku yaal Magaalada Muqdisho..

Dadweynaha ku nool Xaafadda Shiirkole ayaa shalay subax ku soo baraarugay calanka Itoobiya oo ka dul babanaya Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga iyo goobo ku dhow dhow deegaankaasi, waxayna Dadweynuhu bilaabeen in ay calanka soo dejiyaan oo ay gubaan, isla markaana waxay ku dhawaaqayeen erayo liddi ku ah Dowladda Itoobiya.

Dadweynaha oo marba marka ka dambeysa isku soo uruursanayey jidka Warshadaha ayaa waxay bilaabeen in ay gooyaan wadooyinka, isla markaana dab qabadsiiyaan lacanka Itoobiya.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay arintaasi, waxa uuna duqa Magaalada Muqdisho sheegay in ay soo dhaweynayaan in calanka Itoobiya la suro xaafadaha, basle dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Max’ed Cumar Dhalxa ayaa waxa uu sheegay in ay qalad tahay in calanka Itoobiya la suro xaafadaha dhexdooda, isagoo sheegay in ay ka dambeeyaan kooxo doonaya inay iska hor keenaan Dowladda iyo Shacabka. [Warbixinno dheeraad oo ku saabsan calanka Itoobiya ee la suray Muqdisho hoos ka akhrii....]

Dadka ka qaxa Muqdisho oo sii kordhay

Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa 16-kii sano ee la soo dhaafay waxaa joogto u noqday dagaalo iyo iska hor imaadyo.

Dadweynaha oo markii hore la daalaadhacayey qutul-maalmoodkooda, ayaa haatan waxaad moodaa in ay soo wajahday qaxii ugu balaarnaa waxaadna maalin walba arkeysaa Gawaari daabuleysa dadkaasi.

Dadweynaha intooda badan waxay gaareen deegaanada Lafoole iyo Degmada Afgooye, waxayna dadkaasi iska degeen Geedo hoostoos, iyadoo ay halkaasi ku haysato dhibaatooyin dhinacyo badan leh, sida Hoy la’aan, Cunto La’aan iyo waxyaabo kale.

Dadkaan oo ka cararay madaafiicda Ciidamada Itoobiya ay ku garaacayaan shacabka iyo kuwa iyana lagu ridayo Itoobiyaanka ayaa waxaa lagu waramay in qaar ka mid ah dadkii qaxay ay dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho kaddib markii ay la soo gudboonaaday dhibaatooyin.

Dowladda Federaalka ayaa waxa ay saxaafadda ka dalbatay in aan la sheeg sheegin dadka qaxay, ilaa iyo haddana ma jiro mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka oo soo eegay xaaladda ay ku sugan yihii dadkaasi iyo waliba dhibaatooyinka kala duwan ee haysta.

Taageerayaasha Xuseen Caydiid oo aad uga caroodey hadalkii Cabdulaahi Yuusuf..

Taageerayaasha Xuseen Caydiid ayaa si aad ah uga caroodey hadalkii ka soo yeerey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ee ahaa in Xuseen Caydiid uusan ahayn nin caadi ah kadib markii Madaweynaha wax laga weydiiyey sida u u arko hadalkii Xuseen Caydiid ee uu ku sheegey In wadamada Soomaaliya yo Itoobiya ay midoobi karaan isla markaana wada sameysan karaan hal Baasaboor

Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf wuxuu sheegey in aysan marnaba Midoobi Karin Soomaaliya iyo Itoobiya , isagoo sheegey in hadalka Xuseen Caydiid uu yahay mid aan laga fiirsan oo aysan Go’aamin labada Gole ee Dowlada Fedraalka

Cabdulaahi Yusuf waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd maxaa ku darey Dowladda nin aan Caadi ahayn wuxuuna ku Jawaabey Madaxweyne Cabdulaahi “hadalka Xuseen Caydiid waa mid aysan la qabin Dowlada oo ku kooban isaga oo keliya”

Cabdulaahi waxaa kaloo la weydiiyey su’aal ahayd waxaa u shaqeysaa Dowlada Itoobiya wuxuuna ku jawaabey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ”Runtiii aniga waxaan laba jeer la soo dagaalamey Dowlada Itoobiya waqtigaas wuxuu ahaa mid dagaal maanta labada dalka waxaa ka dhexeeye Iskaashi”

Taageerayaasha Xuseen Caydiid ayaa ku tilmaamey hadalka Cabdulaahi Yuusuf Mid uusan ka fiirsan waxayna u soo jeediyeen in uu raali gareyn ka bixiyo iyagoo sheegey in hadalkaas uu yahay mid sii kala fogeynaya Bulshada Soomaaliyeed.

Geedi oo sheegay in dib u heshiisiin Soomaaliya..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo dhawaan dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu kulan la yeeshay golihiisa Wasiirada waxa uuna uga waramay qaabka ay noqoneyso dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in afartan beri gudahood lagu qaban doono shir dib u heshiisiin ah oo uu sheegay in ay ka soo qaybgali doonaan dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, Bulshada Rayidka ah, Siyaasiyiinta iyo cid kasta oo aan looga maarmarin dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Geeddi waxa uu sheegay in dib u heshiisiintaasi lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaasi uu socon doono mudo bilx ah, isagoo sheegay in mudadaas afartanka maalmood gudahood la bilaabi doono sidii loo soo uruurin lahaa ergyooyinka ka qaybglaya shirkaasi oo uu taradooda ku sheegay ilaa iyo 3-Kun oo Qof.

Dib heshiisiinta ay wataan C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi ayaa ah mid aan u cuntami Karin Beesha Caalamka, waxayna beesha caalamka ay dooneysaa in dib u heshiisiintu ay noqoto mid ay ka soo qaybgalaan dhamaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo ay ugu horeeyaan Maxaakiimta Islaamiga ah laguna qaybsado awooda Dowladda. Beesha caalamka waxay dooneysaa in shirkaasi lagu qabto meel ka baxsan dalka gudihiisa iyagoo ballanqaaday in ay bixinayaan wixii qarash ah ee ku baxaya shirkaasi. Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo haatan waxaa ka xayiran lacagihii deeqda ahaa waxaana sabab u ah iyadoo weli ka meermeereysa qabashada shirweyne dib u heshiisiin ah, waxaana Midowga Yurub uu Dowladda u ballanqaaday in ay siinayaan lacag gaareysa 70-Milyan oo Doolar, balse waxay shuruud uga dhigeen inay Dowladdu ay furto shir dib u heshiisiin oo ay ka qaybgalaan dhamaan kooxaha Soomaaliyeed

Bam lagu tuuray Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay.

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka kuna sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa kooxo aan la garaneyn waxay ku tureen Bam kuwa gacanta ah, waxaana halkaasi ku dhaawacmay shan qofood oo labo ka mid ahi ahaayeen ciidanka Booliiska iyo saddex kale oo rayid ahaa.

Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya ugaarsiga lagu hayo Ciidamada Booliiska, iyadoo kooxaha Muqaawamada ah horey u sheegeen inay la dagaalami doonaan cid kasta oo taageero siisa Ciidamada Itoobiya ama Dowladda Federaalka ah.

Dhawaan ayay ahayd markii saldhigyada Booliiska ee ku yaala Gobalka Banaadir lagu ekeeyey weeraro is daba joog ah.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Carbiska oo halkaa isaga baxay..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa saldhiga Carbiska ee Deegaanka Lafoole halkaasi ay shalay isaga baxeen.

Ciidamadan oo aad u xooganaa watayna hub aad u fara badan ayaa waxaa la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Afgooye, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Itoobiya ayaa carbiska waxa uu u ahaa saldhigii ugu weynaa ee ay ku sugnaayeen, waxaana guuritaankooda soo dhaweeyay dadweynaha deegaanka oo iyagu dhawaan lagu amray in ay isaga baxaan Kulliyaddii Beelaha iyo Dugsigii Daaqa Qaranka.

Dagaalkii ay ciidamada Itoobiya la galeen Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa la sheegay in ciidamo gaaraya 8-kun oo Itoobiyaan ah ay soo galeen Koonfurta Soomaaliya, waxaana ciidamadani bixitaan-kooda la sheegay inay qayb ka yihiin, kadib markii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya sheegay in ciidamada Itoobiya Soomaaliya laga soo saari doono dhowr todobaad kadib. Xerooyinka ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa maalin walba lagu hayaa weeraro joogto ah, waxaana weerarkii ugu dambeeyay lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga, waxaana weerarkaasi ku dhintay 11 qofood oo la sheegay inay u badnaayeen dad rayid ah oo ay madaafiici ugu tagtay guryahooda.

Xaflad lagu caleema saarayey Gudoomiyaha cusub ee Ururka SAMO.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu caleema saarayey guddoomiyaha cusub ee ururka Samo Mudane Sadiiq Xasan Cabdi (Matinba) ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xafladdaan oo ayka qaybgaleen, Odoyaal Dhaqameedyo, Waxgarad, iyo Siyaasiyiinta ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Garaad Cali Garaad Axmed iyo Malaaq Sharey Max’ed Iimaan kuwaas oo sheegay in wixii maanta ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin in Beesha Jareer Weyne lagu sheego Adaris iyo wixii la mid ah, waxgaradkaan waxay kaloo Dowladda ugu baaqeen in la soo dedejiyo shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan lagu dhawaaqay si loo baajiyo colaadaha Shisheeye ee soconaya. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee SAMO mudane Sadiiq Xasan Cabdi oo sheegay in uu ka shaqeyn doono isku keenista Beelaha Jareerweyne, isagoo dhinaca kale ballanqaaday in uu taageersan yahay shirka dib u heshiisiinta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Prof,Dalxa: Waa Arin Qaldan Calanka Ethiopia Ee Laga Taagay Tarabuunka Somaliya Calan Ayay Leedahay .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Feb 26, 2007: Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baaralamaanka soomaaliya prof,maxamed cumar dalxa oo ka hadlayaya munaasabad lagu soo gaba-gabeeyey tartanka kubadda kolayga oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay tahay nasiib darro in calan aan aheyn calanka Somaliya lagu arko qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

prof,dalxa ayaa ku tilmaamay arin qaldan calankii saaka isagoo ka taagan lagu arkay fagaaraha Tarabuunka oo uu ku tilmaamay midaan maskaxda geli karin isla markaana calanka Somalida lagu yaqaano uu yahay buluug xidig 5 gees ah leh, cidii wax ka badashana ay iyada u taalo .

'' calanka soomaaliya waa calan buluug ah oo ay xiddig caddi dhexda kaga taalo cidina ma bedeli karto ,laakiin cidii doonaysa inay wax kabedesho iyada ayay u taalaa ,mana la ogolaan doono ,arintan saaka iyo xalay dhacday waa arin qaladan waana arin aan masakaxda kaa daadegayn '' ayuu tiri prof dalxa

sidoo kale dalxa oo ayaa carabka kunadkeeyey inaysan jirin cid bedeli karta calanka wadanka soomaaliya islamrkaana xataa waxna ku kordhin karta waxna kadhimi karta .

si kastaba ha ahaatee arintan calanka Ethiopia ee uu ku xusnaa qoraalka (soomaaliya waa kilinka lixaad) ayaa kicisay shucuubta kumanaan soomaali ah islamrkaana ay maanta hadal haynta ugu badan ee la hadal hayo ay noqotay calanka ethiopia ee lagu arkay meelo kamida caasimada muqdisho iyadoo ay dalka soomaaliya gudihiisa joogaan kumanaan ciidamo Ethiopian ah .

Cadde Gabow: Calanka Ethiopia Dadka Suray Tarabunka Waa Dad Soo Dhowaynaya Ciidamada Cusub Ee Ethiopia .

Duqa magaalada muqdisho cadde gaaboow ayaa shaaca qaaday inuu soo dhowaynayo arintan calanka ethiopia ee laga taagay meelo kamida magaalada caasimada ee muqdisho islamarkaana aysan ahayn wax dhibaato ah oo loola jeedo oo keliya in lagu soo dhoweeyo cutubyada ciidamada ee Ethiopia ee soo gaaray magaalada muqdisho .

cadde gaaboow ayaa intaas ku daray waxaan shacabka soomaaliyed ugu baaqayaa inay meel kasta ka taagaan calanka Ethiopia islamrkaana sheegay waa in lagu soodhoweeyaa ciidamada nabad ilaalineed ee afrikaanka ah ee dhowaan imaanaya xarumaha ay degayaan in laga sii taago calamada .

''anigu arintaan waxaan u arkaa inay soo dhowayn tahay lagu soo dhowaynayo ciidamada Dowlada Ethiopia loona baahan yahay oo weliba waxaaba wanaagsan oo aan shacabka soomaaliyeed ugu baqayaa inay suraan calanka ethiopia meel kasta iyo weliba calanka dowladaha afrikaanka ah ee ciidamadooda usoo diraya dalka soomaaliya'' ayuu yiri cadde gaaboow.

sidoo kale calankan Ethiopia ee laga taagay xalay meelo kamida magaalada muqdisho ayaa dhaliyey xiisado siyaasadeed ,iyadoo dadka qaarkii ay ku macneeyeen inay tahay arin ah in dalka soomaaliya uu noqday sida ku xusan calanka dushiisaba (kilinka lixaad) ,halka dadka qaarna ay fikiro kale qabaan ,iyadoo masuuliyiinta dowlada kmg ahina ay siyaabo kala duwan uga hadleen arintan .

si kastaba ha ahaatee arintan ayaa sii xoojisay xaalada murugsan ee dalku marayo iyadoo ay sii kordhayaan nacaybka looqabo ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan dalka soomaaliya gudahiisa .

Fagaaraha Tarbuunka Iyo Meelo kale Oo Muqdisho Kamida oo Laga Taagay Calanka Ethiopia .

FEB 26, 2007 Magaalada muqdisho ayaa subaxnimadii Isniinta ku waaberiisatay fagaaraha tarabuunka ,rugta saraakiisha shiir-kole iyo meelo kale oo ay ka taagan yihiin calanka Ethiopia iyadoo ay dadku ay layaab ku noqotay sababta calanka looga taagay dhulka soomaaliya gaarahaan caasimada muqdisho Calanka dowladd Ethiopia oo lagu arkay dhowr meelood oo fariisimada u ah ciidamada xukuumada Ethiopia .

calamadan ayaa waxaa qaarkood ku xusnaa Qoraal Somali ah (Somalia Kalinka lixaad), iyadoo ay dowladda Ethiopia ay beenisay in ku lug leedfahay arinkaasi.

Sidoo kale Arintaan ayaa waxaa caro xooggan ka muujiyay dadweyne isugu jira aqoon yahanka ,wax-garadka iyo dadka rayidka ah oo aad u fara badan oo halkaasi isugu soo baxay kadibna dab qabadsiiyey qaarna jeex jeexay calamaantii dhowrka ahaa ee laga taagay meelahaasi .

Lama garanayo sababta dhabta ah iyo cidda ka dambaysa in calankaasi laga taago goobahaas , iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada Ethiopia oo la soo xiriirey Saxaafadana ay beeniyeen in ay ka sureen calankaasi oo astaan u ah xukuumada Ethiopia iyadoo Saraakiishaasi Ciidamada Ethiopia ay ku tilmaameen arinkaasi mid la isaga horkeenayo shacabka soomaaleeyeed iyo ciidamada Ethiopia .

" Anaga ma aanan u imaan halkaan in aanu wax qabsano, waxaan u imaanay in aanu caawino dowladda KGM ah oo ogolaashaheeda ayaanu ku soo galnay Somaliya" sidaana waxaa yiri sarkaal u hadlayey ciidamada xukuumada Ethiopia oo ku hadlayey luqada soomaaliga ,isagoo aan magaciisa xusin .

Dhinaca kale Ciidamada xukuumada Ethiopia oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman ayaa isku gadaamay wadada Tarabuunka ilaa warshaddii hore ee caanaha halkaasi oo saaka ay ka bilaabeen baaritaano, iyagoo baaraya sida ay sheegeen dadkii ka dambeeyay falkaasi islamrkaana sheegay inay soo qaban doonaan waa siday sheegeene .

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay calanka Ethiopia ee ay ku qoran yihiin qoraalkan (kilnka lixaad) ay kataageen ciidamada Ethiopia , Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka deegaanka tarabuunka ayaa saxaafada u xaqiijiyay in calankaasi laga taagay fagaaraha Tarabuunka xalay, ay sureen dad ka yimid dhinaca Isbitalka Digfeer oo fariisin u ah ciidamada dowladda Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kacaraysiisay kumanaan dad ah iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho ay walaac xoogan ka muujiyey arintan ,islamrkaana sii kicisay shucuurta dadka oo laga cabsi qabo inay keento dagaalo ba,an oo ka dilaaca magaalada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Xiddigaha Kubadda Koleyga ee Hay’adda FERO oo la guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan

FEB 26, 2007: Xaflad lagu soo gabagabeynayay tartankii Xiddigaha Kooxaha kubadda Koleyga ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho.

Xafladdaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo Hay’adda GOS, waxaan sidoo kale qayb ka ahaa xubnihii ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow).

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa kooxihii la guddoonsiiyay abaalmarinnada waxaa ka mid ahaa Xiddiga Kubadda Koleyga ee Hay’adda FERO oo la guddoonsiiyay Koob iyo Laba shahaado oo ay muteysteen.



Koobka ayaa waxaa la gudoonsiiyay Kabtanka Kooxda Abaareey, waxaan guddoonsiiyay Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish), waxaana sidoo kale shahaadooyinka la guddoonsiiyay Xiddigaha FERO ay kala ahaayeen mid la guddoonsiiyay Hay’adda FERO iyo sidoo kale mid la guddoonsiiyay Xiddiga K/Koleyga ee FERO.

Xiddiga FERO ayaa waxay ka galeen kaalinta 2-aad tartankii xiddiga kubadda koleyga, waxaana kaalinta labaad ay galeen markii ciyaartii Finalka ahayd ay kaga guulaysteen xiddigaha OLYMPIC FITNESS CENTER.

Xafladda ayaa waxaa xiddiga FERO uga qaybgalay Madaxda Hay’adda FERO ee Muqdisho Faadumo Maxamuud Faarax (Fadumo Olol) iyo kabtanka Xiddiga FERO Abaarey iyo mid ka mid ah ciyaartoyda, waxaana xiddigaha FERO lagu ammaanay ciyaar wanaag ay soo bandhigeen intii uu tartanka socday.

Xafladda ayaa waxaa hadallo ka jeediya madaxdii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo qaybgalay iyagoo sheegay in loo baahan yahay in isboortiga la horumariyo, sidoo kalena nabadda lagu dadaalo iyagoo sheegay in nabadda iyo isboortiga ay isku xiran yihiin.

Dhanka kale, Hay’adda FERO ayaa gudoonsiiyay xiddigaheeda abaalmarinno shahaadooyin ah, waxaana la guddoonsiiyay ciyaartoyda naadiga oo gaaraya 10-xubnood shahaadooyin.

Faadumo Olol oo ah Madaxa Hay’adda FERO ee Muqdisho ayaa abaalmarinnadaas guddoonsiiyay xiddiga Naadiga, waxayna sheegeen qaarkood inay si weyn ugu faraxsan yihiin abaalmarinnada la guddoonsiiyay ayna kaga mahadcelinayaan hay’adda Family Empowerment Relief Organization (FERO).

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH
 
MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside
Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday Gabar Soomaaliyeed Akhri...