SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 22, 2007
  • Madaafiicda Ka Dhaca Qoryaha Hoobiyaha Oo Lagu Weeraray Garoonka Weyn Ee Muqdisho.
  • Ciidamda Xukuumada Ethiopia Ee Muqdisho Ku Sugan Oo Qafaashay Khaadimkii Masaajidka isbaahaysiga islaamka .
  • Dowlada FKMG Ah Iyo Ciidamada Ethiopia Oo Baaritaan Ku Haya Haweenka Qaata Naqaamka (indho shareerka)
  • "C/Laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ma matalaan Reer Puntland" Afhayeenka RPP
  • Cabdirashiid Cali Guutaale oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyey Xabiibo Xasan
  • Banaanbax looga soo horjeeday C/llaahi oo ka dhacay Magaalada London..
  • Wasiirka Dhaqama-wadaaga iyo Bartilmaadeedka reer Kanada mudane Jason Kenney oo la kulmaya beesha Somalida ee Kanada

Warbixin: Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.. Akhri..
Madaafiicda Ka Dhaca Qoryaha Hoobiyaha Oo Lagu Weeraray Garoonka Weyn Ee Muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Hubka ka dhaca qoryaha morterka iyo hoobiyaha ayaa maanta mar kale lagu weeraray garoonka caalamiga ah ee muqdisho iyo meelo kale oo kamida caasimada muqdisho iyadoo aysan caddayn khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhacay ,islamarkaana ay jiraan madaafiic teel-teel ah oo wali ka dhacaya meelo kamida magaalada .

Maareeyaha garoonka Muqdisho Max'ed Axmed Siyaad ayaa saaxafada u xaqiijiyey inay ilaa labo Madfac kusoo dhaceen garoonka kuwaas oo ku kala dhacay guryaha ka soo horjeeda Garoonka iyo agagaarka Afisyoone isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax khasaaro ah oo ay geysteen madaafiicdaasi .

Lama oga kooxaha weerarkan gaystay, iyadoo xilliga weerarku dhacayay garoonka ku sugnaayeen diyaarado iyo dadweyne fara badan oo ka duulayay kana soo dagayay islamarkaana ay shaqadu caadi ku soconaysay.

Weerarkan garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ayaa waxuu kusoo beegmayaa xili ay maanta dheceen israsaasayn xaafada al-baraka oo u dhaxaysay kooxo watay gaaro nooca basaska loo yaqaano homy-ga oo doonayey inay ka tuuraan hoobiye -yaal iyo morter islamrkaana ay ka hor istaageen ciidamada madaniga ee xaafadaas halkaasna ay isku rasaaseeyeen ,waloow aysan cadayn qasaaraha ka dhashay halkaasi .

Ciidamda Xukuumada Ethiopia Ee Muqdisho Ku Sugan Oo Qafaashay Khaadimkii Masaajidka isbaahaysiga islaamka .

Ciidamo Ethiopian-ah oo ay horboodayaan kuwa Soomaali ah, ayaa shalay gudaha u galay masjidka ugu weyn Magaalada muqdisho ee isbaahaysiga islaamka , iyagoona halkaasi ka kaxaystay khaadimkii Masjidka gacanta ku hayey oo lagu magacaabo Sheekh C/raxmaan Cabdi Culusow, sida ay xaqiijinayaan qaar ka mid ah Ilaalada Masjidka.

Sheekh C/raxmaan Cabdi Culusow, oo Masjidka Isbahaysiga Islaamka gacanta ku hayey muddo 17-sano ah, ayaanay jirin ujeedo gaar ah oo iminka la ogyahay oo ay Ethiopian-ku u Qafaasheen, iyadoona arintaasi la yaab ku noqotay shacabka ku dhaqan Caasimadda, oo ka anfariirsan ugaarsiga ay Ethiopian-ku ku hayaan Culumaa'u udiinka soomaaliyeed .

Sidoo kale Xalay, ayaa waxaa hoygiisa lagala baxay wadaad caan ah oo lagu eedeynayo inuu taageero weyn u yahay Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed,lamana oga halka lala aaday.

Dhanka kale, Ethiopian ku hubaysan gawaarida dagaalka, ayaa Degmada Madiina ka qafaashay ilaa Seddex nin oo dhalinyaro ah, oo lagu sheegay inay kamid yihiin ururka ONLF ee xariya doonka soomaalida ogaadeeniya.

Lama garanayo halka dhalinyaradani oo gurigooda lagala baxay loo kaxaystay, waxaana la sheegay in mid ka mid ah dhaliyarada uu ahaa dhaawac, islamarkaana ay waxyeelo u geysteen Madaafiicdii habeenadan ka dhacaysay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee arintan qafaalashada culimo-udiinka ayaa kusoo beegmaysa xili ay ciidamada xukuumada Ethiopia bilaabeen inay ka xayuubiyaan haweenka indho shareerka alle dartii u qaata iyagoo weliba baartaano ku samaynaya . 

Dowlada FKMG Ah Iyo Ciidamada Ethiopia Oo Baaritaan Ku Haya Haweenka Qaata Naqaamka (indho shareerka)

Waxaa sii kordhaya baaritaano kala duwan oo lagu samaynayo haweenka qaata xijaabka gaar ahaan naqaamka oo soomaalidu u taqaano indho shareerka ,iyadoo haweenka ku dhaqan magaalada muqdishona ee qaata indho shareerka ay ka cabanayaan ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa ethiopia oo fara ba,an ku haya.

Haweenkan qaata xijaabka gaar ahaan indho shareerka ayaa badanaaba ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia ku xanibaan wadooyinka iyo xarumaha fariisimada ay ku leeyihiin iyagoo waydiinaya su,aalo ay kamid yihiin maxaad usoo xiratay naqaamka iyo su,aalo kale .

Sidoo kale goob-joogayaal ku sugnaa meelo kala duwan oo lagu baarayo haweenkan indho-shareerka xiran ayaa saxaafada u xaqiijiyey in haweenkaas laga xayuubiyey naqaamkii ay xirnaayeen islamrkaana la tuuray, agagaarka sayidka ee degmada howl-wadaag oo ay degan yihiin ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa dhowr haween ah oo xijaabkaas indho shareerka sitay lagaga tuuray iyadoo weliba lagu handaday inaysan soo xiran mar dambe ,hadii lagu arkana talaabo laga qaadi doono.

Shariifo Xasan oo kamida haweenka laga furtay indho shareekoodii ayaa ii xaqiijisay inay qabteen ciidamada fariisin ka dhigtay agagaarka taallada sayidka islamarkaana ay ka tuureen indho shareerkii iyadoo intaas ku dartay waxaa la i waydiiyey dhowr su,aalood oo ay kamid yihiin maxaa kugu kalifay inaad xirato iwm.

Shariifo ayaa intaas ku dartay waxaanu ahayn labo haween ah oo xijaaban islamarkaana xiran indho shareerka waxaana labada-yadiiba nalagula kacay waxaan diintu ogolayn iyadoo markii nalaga tuuray naqaamkana ay weliba caga juglayn naloogu daray " xijaabka alle ayaa diintiisa ku sheegay inay dumarku is asturaan oo jirkooda aan xubin kamida laga arkin waxaana dhibaato ah hadii diinteenii iyo islaamnimadeenii ay sii naaqusayso oo maantaba rag-ajnabi naga ah ay si xoog ah nooga tuureen naqaamkayagii '' ayay tiri shariifo xasan oo aad uga xumayd sida foosha xun ee lagula kacay .

''Weligay xijaab iyo indho-shareer la,aan ma socon ilaa iyo 16-kii sano ee bur-burka waxan oo kale ima soo marin xataa mooryaanta iyo tuugada dadka dhaca ma aysan fara gelin jirin xijaabka iyo indho shareerka '' ayay sii raacisay shariifo xasan oo indha heeda ay ilmo ka muuqato.

si kastaba ha ahaatee ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia ee ay xulufada yihiin ayaa maalmihii ugu dambeeyey dagaal xoogan kula jiray haweenka qaata indho-shareerka sidii ay uga xakamayn lahayeen qaadashada indho shareerka oo ah oo dumarku u qaateen Allah dartiid.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
 

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside
Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday Gabar Soomaaliyeed Akhri...

"C/Laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ma matalaan Reer Puntland" Afhayeenka RPP

Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party C/Naasir Guure Faarax [jeer] ayaa mar uu kasoo qayb galay mudaharadkii ka dhacay maagalada London ee looga soo hor jeeday C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu yiri:

"Walaalayal waxaa ogaataan in dadka reer Puntland ay ka soo horjeedan in carigooda cadow soo galo. C/Laahi Yuusuf na ma matalo ummadda Puntland ee waa nin tiisa u shaqaysta, marka inaga waxaa laynaga rabaa inaan isku tiirsanaano oo aynu arinta C/Laahi iyo Geedi wadaan aynaan ku dagmin arintaaso ah qaybi oo xukun. Ciidanka Puntland laga keenayna waa kuwo calooshood u shaqays-tayaaal ah (ama la soo khalday) ee taa ogaada. Waxaan idiin sheegayaa in ciidanka Puntland kuwa kadaran oo ka badan Muqdisho laga helaayo ee maamulka C/Laahi ayaa baqdin ka qabo mahee. Marka ogaada in meel walba colooshiis u shaqayste joogo." Wuxuu afhayeenku inta si raaciyay "in dadka UK jooga ay 100% kasoo hor jeedan dowlad ku sheegan iyo codowga wadanka hooyo qabsaday, bale sababta ay qaarkood u imaan waayeen mudaharaadka ay tahay duurufo jira awgood, waxaana hubaa in kuwa guryaha jooga ee mudaharaadka imaan waayay ay caloosha ka mudaharaaadin."

C/Naasir Jeer waxa kale oo uu yiri "C/Laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ma mataalan shacabka Puntland, shacabka reer Puntland waa ka xun yihiin waxa Muqdisho ka socda." Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan bannaanbaxa hoos ka akhri.

Cabdirashiid Cali Guutaale oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyey Xabiibo Xasan

Xabiibo Xasan Cali oo ah Gabar 5- jir ah oo la dhibaatoon Cudur ka heleelay Isha Bidix ayaa maalintii shalay ahayd Deeq lacageed soo gaarsiiyey C/rashiid Cali Guutaale oo degan Dalka Norway. Deeqdaan lagu soo hagaajiyey Jibriil Max’ed ayaa waxa ay ka Koobneyd 800-Doolar ayaa waxaa laga Gudoonsiiyey Aabaheed Xasan Axmed Xeydar waxaana goobjoog ka ahaa Adeerkeed C/waaxid Axmed.

Aabaha dhalay Gabadha ayaa u mahadceliyey C/rashiid Cali Guutaale waxa uuna u rajeeyey inuu helo mid ka khayr badan sidoo kale waxaa uu mahadceliyey intii kale oo iyana fududeysay Deeqdaasi.

C/rashiid Cali Guutaale ayaa markii la gudoonsiinaayey la soo xiriiray Qoyska Gabdha oo u rajeeyey in ay Gabadhooda u helaan Caafimaad deg-deg ah isagoo sheegay inuu dadaal u gali doono sidii Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Norway ay u caawini la haayeen Gabadhaasi... Akhri warkan oo dhan..

Banaanbax looga soo horjeeday C/llaahi oo ka dhacay Magaalada London..

Banaabax looga soo horjeedo joogitaanka Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed ee Dalka Ingiriiska ayaa shalay ka dhacay Magaalada London waxaana Banaabaxaasi ka qaybgalay Dad aad u fara badan waxayna qaarkood ku dhawaaqayeen

"Dowladda Ingiriiska ha ka saarto dalka dembiilaha dagaalka" iyo ereyo kale waxaana lagu waramey gudigii soo qaban qaabiyey Banaanbaxaas ay qoraal cabasho ah u gudbiyeen maamulka Isbitaalka. Banaanbaxa waxaa kaloo ku lamaansanaa banaanbax kale oo looga soo horjeeday joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, waxayna dadka qaar ay ku dhawaaqayeen “Waa in Ciidamada Itoobiya sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalka” “Itoobiya waxay gumaadeysaa dadkeena” “Itoobiya waxay dooneysaa in ay qabsato dalkeena” iyo ereryo kale. Maalinta Khamiista ayaa la filayaa in banaanbax kale ka dhaco Magaalada London iyadoo, banaanbaxyadu la sheegay inay noqon doonaan kuwo is daba joog ah oo ka dhici doona Qaaradda Yurub.

Warar ayaa sheegaya in emailo lagu asqaysiiyey cisbitaalka lagaga cabanayo joogitaanka C/laahi Yuusuf, emailka Cisbitaalka oo ah: info@cromwellhospital.com

Baarlamaanka Soomaa-liya oo shaqadii ka joojiyey Xubno ka tirsan..

Kulan ay isugu yimaadeen xubanaha Baarlamaanka oo ka dhacay Magaalada Baydhabo oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga hadlay sidii shaqooyinka looga joojin lahaa 41 xildhibaan oo in mudo ah aan ka soo xaadirin kal fadhiyadii Baarlamaanka.

Goluhu waxa uu isku raacay inaysan Baarlamaanka kal fadhiyadiisa ka soo qaybgeli doonin xildhibaanadaasi oo ugu horeeyo guddoomiyihii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale oo intooda badan ku sugan dalka Jabuuti waxaana shalay Magaalada Baydhabo gaaray dhowr xildhibaan, balse uu Go’aanku ka hor dhacay, hase yeeshee waxay haatan kulamo la leeyihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay kaga dalbanayaan in la cafiyo.

Xubnaha laga joojiyey kal fadhiyada Baarlamaanka ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin go’aankaasi, hase yeeshee Shariif Xasan ayaa horey u sheegay in uusan aqoonsaneyn kal fadhiyada ka socda Magaalada Baydhabo, waxa uuna tilmaamay in Xildhibaanada ku sugan Baydhabo ay yihiin kuwo la haysto.

London: C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka soo baxaya Isbitaalka....

Wararka naga soo gaaraya Magaalada London waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isbitaal ka galay magaaladaasi berito la filayo in uu ka baxo isbitaalka.

C/llaahi oo lagu sameeyey baaris caafimaad oo qaadatay mudo saacado ah ayaa la filayaa in marka uu ka soo baxo isbitaalka uu kulamo la qaato mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Ingiriiska, sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan cariga Ingiriiska.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu deg deg ah ugu soo laaban doono Magaalada Baydhabo, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha inta uusan soo gaarin Magaalada Baydhabo uu booqan doono xarunta Midowga Yurub ee ku taala dalka Belgium.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 


 
Wasiirka Dhaqama-wadaaga iyo Bartilmaadeedka reer Kanada mudane Jason Kenney oo la kulmaya beesha Somalida ee Kanada

An evening with The Hon. Jason Kenney, P.C., M.P.
Secretary of State (Multiculturalism and Canadian Identity)

  
Waxaa martiqaadkan sharafta leh loo fidinayaa dhamaan beesha Somalida ku nool Kanada si ay ula kulmaan lana xaajoodaan waziirka mudane Jason Kenney, maalinta Sabtida February 24, 2007 saacaddu marka ay tahay 3:00p.m.

Waxaana lagu qaban doonaa madasha Royal Canadian Legion oo cinwaankeedu yahay:
Royal Canadian Legion
11 Irwin Road
Etibocoke, Ontario



Deeq Lacageed La soo Gaarsiiyey Xabiibo Xasan..

Gabar lagu magacaabo Xabiiba Xasan Axmed oo da'deedu tahay shan jir degan magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda caafimaad aad u liida kadib markii ay isha bidix kaga soo baxday buro aad weyn, tiiyoo saddexdii habeen ee ugu dambeysay ay gabadhaasi dareemeysay xanuun hor leh oo ka soo wajahay isha kale ee midig.Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland ayaa soo gaarsiiyay markii ugu horeysay deeq lacageed oo gaareysa 150-Doollar. Sidoo kale Gabar lagu magacaabo Aamina Maxamed oo degan dalka Mareykanka ayaa Xabiibo Xasan soo gaarsiisay deeq lacageed oo gaareysa $50 oo doolar... Akhri warkan oo dhan..


Muraayo Nuur Cali oo Gaartey Minnesota, Halkaas oo lagu Daaweyn doono..

Soomaali tiro badan oo Sita Caleemo qoyan iyo boodhan ay ku xardhan yihiin erayo Xanbaarsan Dareen soo dhaweyn ayaa Isu Habar wacday si ay u soo dhaweeyaan Muraayo Nuur Cali.

Afar Sano kohor ayeey aheed markii Koox Waxma garata ah oo Hubeesan ay afduub teen Muraayo Nuur Cali oo Xiligaa jirtay 6sano Kadib mar kii ay ka soo baxday gurigeeda oo ku yaalay Xaafada Waabari ee magaalada Muqdisho.Iyada oo markaa Qoys keeda u doon tay in ay Sonkor uga Soo gado tukaan ku yaalay Xaafadooda. Akhri Warkan oo dhan...


Hay'adaha Caalamiga ah iyo Dowlada Puntland oo kala Saxiixtey hishiish ku saabsan wada shaqaynta iyo xiriirka guud.

Feb 21, 2007: Waraka ka imaanaya magaalo madaxda Puntland ee garowe ayaa sheegaya in shalay galintii kadanbe ay heshiis ku saabsan wada shaqaynta iyo xiriirka guud ku kala saxiixdeem jaamacadda la yiraahdo Puntland University ee ku taala magaalo madaxda puntland ee magaalada Garoowe Wakiillada hay'adaha caalamiga ah ee ka hawl gala puntland iyo dowlad goboleedka puntland ee soomaaliya.

hishiishkan ay kala saxeenayeen hay'adaha caalamiga ah iyo Puntland ayaa waxaa dhinaca maamul goboleedka puntland u saxiixey heshiiskan wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland Mudane Cabdi Salaad Cali, dhinaca Qaramada Midoobayna waxaa u saxiixay ninka hogaamiyaha ka ah weftiga ahna u qaybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini'aadantinida deg deg ah ee soomaaliya.

Kulan kan ay hishiikha kula kala saxiixanayeen hay'adaha caalamiga ah iyo dowlad goboleedka puntland ayaa waxa uu ka dhacay jaamacada Puntland university ee ku taala magaalada garowe ee caasimada puntland, waxaa shirkaasi hishiikha lagu kala saxiixanayay ka hadley u qaybsanaha qaramada midoobey ee arimaha gargaarka ayaa waxa uu u mahad celiyay madaxda puntland waxa uuna ku amaaney sida ay diyaarka ugu yihiin ay iyo dadkooda iyo dalkooda wax ugu qabtaan.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal dheer kasoo jeediyay oo ugu danbeyntii mikarafoonka lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi (cade) waxa uuna ugu horeyntii u mahad celiyay hay'adaha caalamiga ee ay hishiihka kala saxiixdeen waxa uuna yiri waxaan rabnaa in wax nalakala qabto garsoorka iyo aminga waayo ayuu yiri labadaas hadaad haysato wax walba waad qabsan kartaa.

Isku soo wada duuboo kulan kan ay isugu yimaadeen hay'adaha caalamiga ah iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa goob joogashaaka ka mid ahaaa Madaxweynaha Puntland General cade muuse iyo ku xigeenkiise Mudane Xasan Daahir Afqurac xubno ka tirsan golaha wasiirada puntland iyo xubno ka tirsan goloha baarlaamka iyo NGO yada localka ah iyo bulsharada rayidka kulankan hishiishka lagu kala saxiixanayay ayaa waxa uu kusoo gaba gaboobey jawi aad u wanaagsan iyo sidii loogu talagalay.

Yusuf Mohamed Ismail (Gaduudow)
Email yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo,puntland,Somalia


Dowladda Federaalka oo amartay in Ciidamada Itoobiya ay ka jawaabaan Madaafiicda..

Feb 21, 2007: Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii kordhayaan khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaraya dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho ayna u gaysanayaan Madaafiicda ay is weydaarsanayaan Ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya Dowladda Federaalka iyo kooxo maleeshiyooyin ah ayaa haddana bulshada ku nool Magaalada Muqdisho waxay si weyn uga walwalsan yihiin dhibaatada ka soo gaareysa madaafiicdaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan agagaarka xaruntii hore ee Gaashaandhiga ayaa mar loo tegay lagana dalbaday in aysan wax madaafiic ah ku ridin bulshada dhexdeeda ayaa Sarkaal ugu sareeyey waxa uu ku jawaabay “waxaan amar ka haysanaa Dowladda Federaalka haddii nalagu soo rido wax rasaas ah in aan ka jawaabno, balse ma dooneyno in aan dhibaato gaarsiino bulshada”.

Dowladda Federaalka ayaa iyadu la sheegay inay ciidamada Itoobiya ku dhiiragelineyso in ay ka jawaabaan haddii rasaas ama madaafiic lagu soo rido, iyadoo dhawaan Wasiirka Arimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Max’ed Sheekh Maxamuud (Gacma-Dheere) oo laga dalbaday in ciidamada Itoobiya madaafiicda ka joojiyaan Bulshada ayaa waxa uu ku jawaabay “Ciidamada Itoobiya ma oran karno haka jawaabina rasaas haddii rasaas la idinku soo rido, waayo xaq ayey u leeyihiin haddii la rasaaseeyo in ay jawaabaan”.

Goobaha ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya sida Digfeer iyo Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa ku amray soo degidooda Dowladda Federaalka si kooxaha rasaasta la beegsanaya fariisamaha Ciidamada Itoobiya loogu cadaadiyo in ay rasaasta joojiyaan, hase yeeshee waxaa maalin walba sii kordhaya weerarada iyo qaraxyada lagu hayo Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka.

Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa isna beeniyey in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku rideen bulshada, isagoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay isticmaaleen oo keliya rasaasta fudud, waxaase arrintaasi beeniyey markii goobihii ay ku dhaceen madaafiicdu la ogaaday inay ku jiraan Qoriga BM61 iyo BM83.

Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH