SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isbitaalka Indhaha ee Al-nuur oo ay ka bilaabay howl indhaha loogu fiiqayo caruur da’doodu yar tahay

Isbitaalka Indha ee Al-Nuur ayaa billaabay howlo indhaha loogu fiiqayo ugu yaraan 10-kun oo caruur ah, howshaan ayaa waxaa iska kaashaday Isbitalka Indhaha ee Al-Nuur iyo Hay’adda MUSLIM AID UK.

Howshaan oo laga billaabay Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur ayuu uga warbixiyay Agaasimaha Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar howsha ay qabanayaan iyo muddada ay soconayso, isagoo si weyn uga warbixiyay qaabka ay howsha u wadayaan muddada ay socoto.

“Mashuurcaan oo laga bilaabay Isbitaalka ayaa waxaa loogu talo galay ka hortagga indho la’aanta caruurta, iyadoo indha loogu daweynayo looguna fiiqayo caruur gaaraysa 10-kun oo cunug kuwaasoo ay da’doodu ka yar tahay 15-sano” ayuu yiri C/risaaq Axmed Dalmar, wuxuuna intaas sii raaciyay: “Mashruucaan ayaa wuxuu yahay mid leh laba weji, iyadoo wajiga 1-aad uu yahay mid lagu baarayo indha caruurta 10-kun gaaraya, iyadoo sidoo kalena wajiga labaad uu noqon doono mid qalliin ah”.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay howsha iyo qaabka ay noqonayso ayaa yiri: “Caruurtii u baahda qalliin, waa la qalayaa iyadoo laga saaryo xuubka saaran indhahooda, si aragga dib ugu soo laabto, wuxuuna mashruucaan socon doonaa muddo laba billood ah”.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar Agaasimaha Isbitaalka Indha ee Al-Nuur ayaa sheegay in mashruucaan loogu fiiqayo indhaha looguna daweynayo caruurta ay tiradoodu gaarayso 10-kun uu yahay mid lacag la’aan ah isla markaana loogu daneynayo caruurta ay indho la’aanta hayso.

“Ujeeddooyinka aan ka leennahay Mashruucaan ayaa waxay tahay in indhaha laga daweeyo 10-kun oo caruur ah, sidoo kalena aan indhaha u fiiqno 200-caruur ah, howshaan oo dhanna waa mid lacag la’aan ah, sidaan la soconnana caruurta waa ka duwan yihiin haddii ay indho beelaan dadka waaweyn, maadaama cimrigoodu waqti dheer uu noqon karo, waxay culeys ku noqon karaan qoyskooda” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intasa ku daray: “Sababaha ugu weyn ee howshaan u fulinayno waa in caruurta indhaha loo fiiqo lagana hortago indho la’aanta caruurta”.

Howshaan ayuu sheegay Dr. Dalmar inay tahay mid ka soconaysa Isbitaalka Indhaha ee Al-nuur gudahiisa iyo sidoo kale xerooyinka dadka soo barakay oo aan awoodda u lahayn inay baabuur u soo raacaan isbitaalka.

“Baaritaanka, qalliinka, daweynta indhaha, Sheybaarka iyo Ookiyaalaha dhammaantood waa lacag la’aan waxaan daboolay Qarashaadkii ku bixi lahaa Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur iyo Hay’adda MUSLIM AID UK” ayuu yiri Dr. C/risaaq Axmed Dalmar agaasimaha Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur oo maanta saxaafadda ugu warramay xarunta Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Dr. Dalmar inuu u mahadcelinayo Hay’adda MUSLIM AID UK oo uu sheeagy inay howlo badan ka waddo dalka, waxaana uu sheegay inay muddo dheer markii ay wada hadlayeen inay ku qanciyaan inay howshaan wax kala qabtaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur oo nasan jiray Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ay ku badaleen taas inay dadka ku nool xeryaha soo barakay ugu tagaan goobahooda si ay baaritaanno indhaha ah ugu soo sameeyaan.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com 

Muqdisho-Somalia

Tel:002521-5573321

Faafin: Feb 18, 2007


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH