SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan looga hadlayno waxbarashada

“Sida wanaagsan ee lagu gaaro wadada loo maro heerka tacliinta sare”

    Sabtida, March 24, 2007 
9:00 a.m. – 4:00 p.m. 
Jaamacada George Mason

 Fairfax Campus, Virginia 

Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America (YSPNA) ayaa iyagoo kaashanaya ururka ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada George Mason, Fairfax campus waxay qaban doonaan kulan looga hadli doono waxbarashada oo loogu magac daray “sida wanaagsan ee lagu gaaro wadada loo maro heerka tacliinta sare”. Kulankaas waxaa la qaban doonaa maalin Sabti ah oo ay taariikhdu tahay March 24, 2007 saacaduna tahay 9-ka subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo. Kulankan waxaa loogu talagalay ardayda Soomaaliyeed ee dhigata dugsiyada sare deganna agagaarka Magaalada Washington DC. 

Kukankan wax lacag la ah lagama qaadi doono ardayda isa sii diiwangelisa, waxaana halkaas laga bixin doonaa cunto lasiin doono dadka kasoo qayb gala kulankaas. Hadaba himilooyinka laga leeyahay kulankan ayaa waxay ku salalysan yihiin saddex qodob oo kala ah (1) In la xusiisiyo dhalinyarada kulankan kasoo qaybgalysa faa’iidada aya leedahay in qofku helo waxbarasho heer jaamacadeed ah; (2) In la tuso ardayda da’da yar ee meesha joogtaa arday kale oo Soomaaliyeed oo iyaga la mid ah oo jaamacadaha ku jira iyo weliba kuwo dhameeyey oo xirfado kala duwan leh; (3)si loogu fududeeyo ardayda dhigata dugsiyada sare ee kulankan kasoo qaybgashay in ay la kulmaan ama bartaan ardayda iyaga lamidka ah ee Soomaaliyeed ee dugsiyada sare ku jirta. 

Shirka waxaa lagu furayaa khudbad uu jeedin doono qof khibrad iyo waaya aragnimo dheer u leh arimaha laga hadlayno. Waxaa ku xigi doona hadalkaas, hadallo ay bixin doonaan dad ilaa 4-5 qof ah oo leh xirfado iyo waayo aragnimo kala duwan. Khudbadahaas ka dib, waxaa la bilaabi doonaa laba qaybood oo lagaga hadli doono “Ardayda Jaamacadaha u socota: Sida loo codsado jaamacada oo faahfaahsan” iyo “sida loo dhiso mustaqbal iyo nolol wanaagsan” labadan barnaamij ayaa isla maalintaa gelinka dambena dib loogu soo celin doonaa,  waxaana xiriirin doona laba qof oo khibrad dheer u leh arimaha ku saabsan sida jaamacada lagu galo ama lagu helo kaalmo waxbarasho. Maadaama meesha kulankani ka dhacayo ay tahay jaamacad dhexdeed ayaa waxaa saacada qadada ka dib la samayn doonaa in ardayda lagu soo wareejiyo qaybaha kala duwan ee jaamacada. Ugu danbeyntii, marka kulan lasoo gabagabeeyo ayaa waxaa la bixin doonaa abaal marino ama bilado  lasiin doono qaar ka mid ah dadka kulanka kasoo qaybgalay. 

Waxyaalaha aad ku caawin karto barnaamijkan waxaa ka mid ah:

  • In aad lacag ugu deeqdo
  • In aad taageero kale u fidiso si uu u hirgalo
  • Arintan oo aad gaarsiiso dhamaan ardayda dugsiyada sare ee degan agagaarka Washington DC.
  • In aad waqtigaaga ugu deeqdo oo aad ka qaybqaadato qabanqaabada kulankan
  • In aad noqotid mid ka mid ah dadka meesha ka hadli doona ama ka mid noqoto hadal qaybiyayaasha kulankan.

Fadlan nalasoo xiriir hadii ay jiraan su’aalo aad rabto in aad na waydiiso ama aad wax talo, tusaale iyo taageero ah aad u fidinayso si barnaamijkan dhalinyarada loogu talagalay uu u hirgalo oo guul ugu dhamado.

Mahadsanidin,
Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America (YSPNA)
washingtondc@somaliprofessionals.org

Faafin: Feb 18, 2007


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH