SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 17, 2007
  • Qofkii afraad oo la dilo isagoo ka soo baxaya Masaajid..
  • Pentgon-kii Soomaaliya oo ay degeen Ciidamo Itoobiyaan ah..
  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Digfeer oo xalay lagu qaaday weerar..
  • Shirkadaha Diyaaradaha oo ka walwalsan imaanshaha Garoonka Diyaarada Muqdisho..
  • Ciidamada Uganda oo sugaya Diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka..
"Kenya waxay dib u celisey Soomaali iyagoo aan Maxkamad la soo taagin" Aljazeera
  • Bashiir Makhtal oo qoyskiisu sheegeen in aysan war ka helin ilaa markii la xiray

Bashiir Maktal qoyskiisu waxay sheegeen inuu yahay ganacsade | Sawirada: Aljazeera

Aziza Osman, bidix, oo sheegtay in aysan ninkeeda wax war ah ka helinilaa markii la xiray

Dad kabadan 50 qof ayaa Kenya waxay ka xireen meel u dhow xadka Soomaaliya, dib ayaana dadkaas loo celiyey iyagoo aan wax maxkamad ah la soo taagin, sidaas waxaa yiri Maxamed Cadow oo weriye u ah Aljazeera oo jooga Nairobi.

Bashiir Makhtal, oo ah Somaali haysta dhalashada dalka Canada, iyo xaaskiisa adeerkeed ayaa ka mid ah ahaa dadkii la xiray bishii hore, oo Soomaaliya dib loogu celiyey.

Qoyskoodu waxay yiraahdeen labadaas nin waxay ka soo carareen dagaalada Soomaaliya, laakiin dawladda Kenya waxay dib u celisey ayagoo aan maxkamadi dhegeysan ama fursad loo siin in ay rafcaan qaataan.

Aziza Osman oo ah xaaska Bashiir Makhtal waxay tiri: "Ninkaygu wax dembi ah ma leh, waa ganacsade, waxana uu ka cararayey rabshadaha Soomaaliya markii la xiray." Waxayna intaas ku dartay "Xukuumada Kenya si khaldan ayey u dhoofisey. kama war hayo in uu weli nool yahay iyo in uu bed qabo. Waxaan codsanayaa in isagoo nabad ah la iigu soo celiyo."

Warbixinta Aljazeera waxay intaas ku dartay in ilaa hadda kala bar oo bar dadka sida xoogga ah loogu celiyey Muqdisho ay ku jiraan dumar iyo carruur. Waxaana warku intaas raaciyey in gabar Afar-sano-jir ah ay boolisku xabsiga ku hayeen muddo soddon maalmood ah ka hor intii aan la siideyn.

Waxaan ajirey warar hore oo tibaaxayey in dadkii la geeyey Muqdisho in loo gacan geliyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, isla markaana dadkaas qaar ka mid ah loo qaaday Addis Ababa

Qareenada ku sugan Kenya ee u doodaya dadka la celiyey waxay sheegeen in Kenya ay jebisey xeerka caalamiga ah ee qaxootiga, ee Geneva. Waxayna xuseen in Kenya ay ku dhaqaaqday in ay celiso dad laga yaabo in la ciqaabo iyadoo aan wax sharci ah la marsiin, arrintaas oo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah ee dadka la qabto.

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside

Qofkii afraad oo la dilo isagoo ka soo baxaya Masaajid..

Waxaa habeenadaan Magaalada Muqdisho ku soo kordhay dilalka, hase yeeshee dilalkaasi waxay sii kordheen maalmihii ugu dambeeyey, iyadoo afar qof oo lagu dilay Magaalada Muqdisho la dilay iyagoo ka soo baxay Masjid.

Wiil 17 jir ah ayaa isagoo ka soo baxay Masjidka Nasru-Diin ee agagaarka Baar-Caasho ee Deegaanka Baar Ubax ayey koox dabley ah rasaas ku furtay, halkii ayuu ku geeryooday sidoo kale wiil dhallinyaro ah oo isna ka soo baxay masjid ku yaala degmada Yaaqshiid ayaa halkaasi isna lagu dilay. Dadka ka ag dhow Masaajidda lagu dilay dadkaasi ayaa durbadiiba bilaabay inay isku dubaridaan ciidamo Madani ah oo ilaaliya xaafadaha.

Nin odey ah ayaa isagu waxa uu yiri “Waxaan la doonayaa in la ciribtiro Culimada iyo dadka Aqoonta Diimeed leh, si ay dalka isugu soo haraan dad jaahiliin ah, marka waxaan dadka u soo jeedinayaa in ay arrintaasi ka hor tagaan inta aysan faraha ka bixin”.

Sidii ay u dhaceen dagaaladii Sokeeye, waxaana dhacay dhacdooyin la yaab leh, kaddib markii dad ku dhex tukanayey Masjid inta loo yimid lagu dhex dilay, qaarkoodna iyagoo hor taagan Masaajidka ayaa halkaasi lagu dilay.

Pentgon-kii Soomaaliya oo ay degeen Ciidamo Itoobiyaan ah..

Nin odey ah ayaa markii loo sheegay in Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya ay shalay degeen ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxa uu yiri ”Aad baan uga xumay in maanta wasaaraddeenii Gaashaandhiga ay ciidamo Itoobiyaan ah degaan ama ay qabsadaan”.

Ismaaciil Cali ayaa isna waxa uu yiri ”Wasaradda Gaashaandhiga waxay astaan u ahayd ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maanta waxaa dul degay amaba qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah, marka waa ayaandaro la soo gudboonaatay dhamaan ummadda Soomaaliyeed”.

”Inkastoo ay burbursan tahay wasaaraddii Gaashaan-dhiga haddana waxay noo ahayd meel ay Ummadda Soomaaliyeed u taqaan halkii laga xukumi jiray ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri wiil dhallinyaro ahoo intaa raaciyey ”maanta nama soo haweysateen Itoobiya, balse waxaa soo horkacay Soomaali kale, taariikhda ayaana xusi doonta”. Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ayaa shalay soo degay Xarunta Gaashaandhiga, iyagoo halkaasi Baaritaan ka sameeyey.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Digfeer oo xalay lagu qaaday weerar..

Xalay (Jimce ay soo geleyso Sabto) fiidnimadii ayaa labo qarax oo waaweyn waxaa lagu garaacay Isbitaalka Digfeer ee ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya, hase yeeshee Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo jawaabay hubka waaweyn, waxayna hubkaasi qaar ka mid ah ku dhaceen xero qaxooti oo ay degan yihiin dad soo barakacay oo ku taala agagaarka Tarabuunka. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah oo ay gaysteen madaafiicda la is weydaarsaday, iyadoo marka ay dhacaan qaraxyada noocaan oo kale ah, dadka ay waxyeeladu ka soo gaarto aan loo hayn goobo la geeyo, waxaana mararka qaarkood dhacda in dadku u dhintaan dhiig bax.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku nool agagaarlka Shiirkole ayaa walwal ka muujiyey ciidamo Itoobiyaan ah oo soo degay Xaruntii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga, waxana la arkayey dad fara badan oo guryahoodii ka cararaya, iyadoo halkaasi ay degan yihiin dad lagu qiyaasay labo boqol oo qof.

Shirkadaha Diyaaradaha oo ka walwalsan imaanshaha Garoonka Diyaarada Muqdisho..

Iyadoo dhowr jeer hoobiyayaal lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa haddana Shirkadaha Diyaaradaha waxay si aad ah uga walwalsan ammaanka iyo kalsoonida ay Diyaaradaasi ku soo degi karaan.

Shirkadaha Diyaaradaha oo ay leeyihiin dad ganacsato ah ayaa waxaa yaraaday dadkii soo raaci jiray kaddib markii dhowr jeer weerar lagu qaaday garoonka Diyaarada ee Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka ayaa Shirkadahaasi u sheegtay in Shirkaddii baaqata aysan dib dambe ugu soo degi Karin garoonkaasi amaba aysan ka shaaqeyn doonin dalka Soomaaliya, hase yeeshee mas’uuliyiinta Shirkadahaasi ayaa Dowladda ka dalbaneysa ina y ku degaan goobo ka baxsan Magaalada Muqdisho si loo badbaadiyo dadka Rakaabka ah iyo Diyaaradaha, sidoo kale waxaa yaraaday Shirkadihii Diyaaradaha Hay’adda Samafalka, kaddib markii ay ka cabsadeen ku soo degitaanka Garoonka.

Ciidamada Uganda oo sugaya Diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka..

Todobaadkaan gudihiisa ayaa la filayaa in ciidamo ka socda dalka Uganda ay soo gaaraan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Ciidankaasi oo haatan sugaya Diyaarado uu Maryekanku u soo dirayo si ay u soo daad gureeyaan ciidamadaasi, ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in uu dib u dhac ku imaan karo ciidamadaasi, kaddib markii garoomadii ay ka soo degi lahaayeen weeraro lala beegsaday gaar ahaan Garoonka Magaalada Muqdisho, warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaasi laga soo dejin doonto Garoonka Belidoogle oo ay horey u isticmaali jireen ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sarkaal u hadlay Dowladda Uganda ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Uganda ay Soomaaliya u tagi doonaan oo keliya arimo dhinaca nabad ilaalinta ah, basle aysan Soomaaliya ugu socon in ay dagaal galaan, haddiise la soo weeraro ciidamadooda ay is difaaci doonaan.

Uganda ayaa noqoneysa wadankii ugu horeeyey ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyagoo hoos tagay Ururka Midowga Afrika, iyadoo dalka uu haatan ku sugan yihiin ciidamo ka socda Itoobiya oo gacan siiyey Dowladda Federaalka ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: Feb 17, 2007

Dilka Dadka Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho
Gacmo Dheere :Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way Ku Saxan Yihiin Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan
Akhri Feb 16

Senator Coleman oo walaac ka muujiyey xad gudubyo  loo geystay Bulshada Oromo ee ku nool Soomaaliya
Waxana uu warqad gaarsiiyey diplomaasiyadda USA u qaabilsan arrimaha Africa Jendayi Farazer...
Akhri... Feb 16


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH