SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 16, 2007
  • Dilka Dadka Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho .
  • Gacmo Dheere :Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way Ku Saxan Yihiin Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan..
  • Xaaji Abuukar Cumar Caddaan Oo Xoriyadiisii Usoo Noqtay Kadib Markii Kenya Sii Daysay..

Dilka Dadka Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


xaaladda amaan daro ee caasimadda muqdisho oo ka sii daraya marba -marka kasii dambaysa, oo ay kusoo badanayaan dilalka dadka rayid ah ee aan waxba galabsan .

Ugu yaraan Seddex qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay rasaas aan loo meeldayin oo xalay fiidkii Kooxo hubaysan ay ku fureen agagaarka Masaajidka Nasru-Diin ee ku yaala Xaafadda Baar-Ubax.

Dhacdadan, ayaa timid ka dib markii Nin wadaad ah oo xilligaas Salaadda Cishaha ku tukaday Masjidka, ay wadada ay rasaas bareer ah la beegsadeen kooxo hubaysan, durbadiina uu dib ugu soo cararay Masjidka isagoo dhaawac ah.

Goobjoogayaasha ayaa ku waramaya in rasaastaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen Laba ruux oo halkaasi ka ag dhawaa.

Dhacda kale, kooxo hubaysan oo aan lagaraneyn ayaa ruux rayid ah xalay ku toogtay xaafadda Maana-Booliyo ee waqooyiga Muqdisho, iyagoona dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan in ay ka dhacayeen Mopile- uu sitay.

Dilalka aan macnaha laheyn ayaa caadi ka noqday caasimadda xilli Dowladda meel ku gaarka ah joogto islamarkaana aysan wali wax-qabad muuqda u qaban Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada nabad la'aantu ay asiibtay.

Lixdii Biloowd ee Maxaakiimta Islaamku ay ka ariminayeen Caasimadda ayaa waxaa xusid mudan in dil iska daaye xitaa aanan la maqlin wax dhawaq rasaaseed ah, taasina ay 100% shacabka reer Muqdisho ku diirsadeen.

Gacmo Dheere :Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way Ku Saxan Yihiin Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan..

Dowladda FKMG ee Somaliya, ayaa markii ugu horaysay difaacday Madaafiicda xooggan ee ay ugu jawaabayaan ciidamadeedu iyo kuwa Ethiopian-ku kooxaha hubaysan ee weerarada la beegsada fariisimada ciidanka dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia .

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda KMG Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), ayaa shaaca ka qaaday In Dowladda KMG ay ku saxan yihiin inay Madaafiic ugu jawaabaan kooxaha weerarada kusoo qaadaya xarumaha dowlada oo uu ku tilmaamay qas-wadayaal .

"Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopia way ku saxan yihiin, oo xaq bayna u leeyihiin in ay Madaafiic Xooggan ku jawaabaan, waayo kooxaha soo weerar tagay ayaa daan-daansiga bilaabay" sidaana waxaa yiri Gacma Dheere.

Mar la waydiiyey ma xaq-baa in Dowladda KMG ay shacbiga Madaafiicda BM-ka, ku garaacdo ? ayuu ku jawaabay :-

"Kooxaha fidna-wadayaasha ayaa dadka ku dhax gabanaya, marka dadka iyaga ayaa laga rabaa in ay iska soo saaraan, ka hor inta aysan Madaafiicda kasoo dhex tuurin".

Waxa uu kaloo sheegay wasiirku inay ku raad jood joogaan kooxaha Hoobiyayaasha iyo Baasuukaha kusoo weeraraya xarumaha Dowladda KMG,islamarkaana ay soo qab-qaban doonaan waa siduu hadalka u dhigaye

Gacmo dheere oo dhowaan loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha dowlada kmg ah ayaa si weyn uga soo hor jeestay in marnaba shacabka laga joojiyo madaafiicda BM-ka isagoo ku macneeyey inay shacabka ku dhex gabanayaan kuwo uu ku sheegay fidno-wadayaal taasina ay keeni karto in shacabkii hadaysan iska soo dhex bixin in loogu jawaabo meesha ay kaga soo dhacdo xabadi madafac .

Hadalka Gacma Dheere, ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada Dowladda kmg iyo kuwa Ethiopia ay bilaabeen inay Madaafiicda kala duwan ee uu kamid yahay qoriga BM-ka ay ugu jawaabaan meelaha ay ku tuhmayaan in weerar kaga imaanayo maalinkii shalay ahayd ayaa Xaafadaha magaalada muqdisho qaar ka tirsan waxaa saameeyey Madaafiic kuwii ugu xooganaa, oo ay kusoo jawaabeen Ciidamada Ethiopia, ka dib markii Hoobiyayaal dhowr ah lagu weeraray xarumo ay ku jirto Dekadda weyn ee Muqdisho, iyadoo dad badan oo rayid ahina ay wax ku noqdeen.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan Oo Xoriyadiisii Usoo Noqtay Kadib Markii Kenya Sii Daysay..

Ganacsade xaaji abuukar cumar cadaan ayaa dowlada kenya sii daysay kadib markii wax dembi ah lagu waayey iyadoo xukunka sii daysmadana ay ku dhawaaqday Maxkamadda Sare ee dalka Kenya .

Dadaalo dheeraad ah oo ay galeen wax-garad iyo ganacsato isugu jira soomaali iyo somali kenyaan ayay timid, ka dib markii kiiskiisa loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya,inuusan xaaji abuukar uusan lahayn wax dembi islamarkaana uu dalka kenya isu soo dhiibay xiligii dagaalada u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo golaha maxaakiimta islaamka .

Siyaasiga Faarax Macalin oo gudoomiye ka ah urur mucaarid ah oo Kenya ka jira ayaa saxaafada u sheegay in xaaji Abuukar iyo wiil uu dhalay oo la xirnaa la sii daayay, isla markaana ay si xor ah ku joogaan magaalada caasimada u ah dalka kenya ee Nairobi.

Md,faarax macalin ayaa intaas raaciyey in xaajiga lagu eedeeyay waxyaabo aan jirin oo ah inuu sharci darro ku soo galay dalka Kenya, islamarkaana ay taasi beenowday oo la ogaaday inuu ahaa nin ka soo cararay dagaalo oo doonayay in uu magangalyo ka helo dalka Kenya taasina aysan ahayn wax laysku eedeeyo .

Mar la waydiiyey maxaa ka jira arintan sheegaysa in lacag fara badan lagu bixiyey sii deynta Xaaji Abuukar? ayuu ku jawaabay way jirtaa lacago badan ayaa laga qaatay , isagoo weliba xaaji abuukar dalka kenya abaal ku leh oo ah nin nabadda jecel oo hada ka horna soo badbaadiyay shaqaale Kenyaan ah oo afduub loogu heeystay xeebaha dalka Somaliya.

Si kastaba ha ahaatee ganacsade Abuukar cumar cadaan iyo wiil uu dhalay ayaa ciidamada boolis kenyaan ah waxay ku qabteen xadka kala qeybiya Kenya iyo Somaliya, Horraantii bishii Janaayo ee sanadkan .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Abuukar Cumar Caddaani iyo Wiilkiisa oo Xabsiga Kenya laga siidaayey

Sida ay faafiyeen wakaalada wararka, waxaa Khamiistii Xabsiga laga siidaayey Abuukar Cumar Caddaani iyo wiilkiisa, kaddib markii la sheegay in dacwadii lagu soo oogey la baabi'iyey, arrintaas oo cadayn laga bixin. Sidaasna ay xorriyadoodii ku heleen Abuukar Cumar oo 72-jir ah iyo wiilkiisa oo 20 jir ah.


Abukar Omar Adan, oo la keenay maxkamada Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis Jan. 25, 2007.  Abukar Omar Aden, oo da'diisu tahay 72, waxaa maxkamada lala keenay wiil uu dhalay oo magaciisa la yiraahdo Omar Abukar Omar (Sawirka hoose), waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen dembiga lagu soo oogey. Sawirka: AP.

Omar Abukar Omar, 20-jir, oo ay dhinacyada ka tagan yihiin askarta Kenya markii la keenay maxkamada  Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis, Jan. 25, 2007. Sawirka: AP


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH