SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Senator Coleman oo walaac ka muujiyey xad gudubyo la sheegay in loo geystay xuquuqda Bulshada Oromo ee ku nool Soomaaliya

Mar aan fogeyn ayaa nin Oromada Soomaaliya madaxdooda ka mid ah oo ku nool Muqdisho afka furtay oo qaylo dhaan iyo baaqba gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

Sidoo kale waxaa ninkaas warkiisu gaaray bulshada Oromoda ee ku nool Minnesota oo aad u badan.


Sen. Norm Coleman

Ninkaasi oo warbaahinta ka soo gudbiyey baaqiisa ayaa sababay in dad badan oo Oromo iyo Soomaali isugu jira ay olole bilaabeen ayagoo ka bilaabay xafiiska Senator Coleman ee Minnesota. Ninkaas baaq gudbiyey waxaa uu sheegay in Oromada Soomaaliya ku nool ay dawlad Soomaaliyeed dejisay oo ay waqti dheer deganaayeen. Ninkaasi waxaa uu raaciyey inuu asaga naftiisa wax ka dhisay Hotel Jubba. Waxaa uu ku guulaysaty in dhawaaqiisa uu ku kasbado soomaali badan oo dunida dacaladeeda ku nool iyo Oromo badan.

Ka dib markii uu dhagaystay cabashooyin ka yimid shacabka Oromo iyo Soomaalida ku nool Minnesota Senator Coleman waxaa uu la kulmay diplomaasiyadda u qaabilsan marayanka arrimaha Africa Jendayi Farazer waxaana uu gudoonsiiyey warqad kulul oo kaga codsanayo inay wax kaga qabato cabashada xafiifkiisa la soo gaarsiiyey.

Senator Coleman waxaa uu Jendayi u sheegay inay walaac ku hayso wararka sheegaya in qaar ka mid ah Oromoada Somaliya ku nool guryaha lagala baxay ama ay xireen ciidamada Ethiopianka ah. Senatorku waxaa kale oo uu raaciyey intaas in markii horeba Oromada dhib lagu hayey taasoo ku kaliftay in Oromo badan u qaxaan Soomaaliya iyo Minnesota. Senator ka waxaa uu xusay deris wanaagga iyo nabadda ay muddo dheer ku wada noolaayeen soomaalida iyo oromoda dhulka Soomaaliya.

Isha: Xafiiska Senator Coleman ee Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 16, 2007


Abuukar Cumar Caddaani iyo Wiilkiisa oo Xabsiga Kenya laga siidaayey

Sida ay faafiyeen wakaalada wararka, waxaa Khamiistii Xabsiga laga siidaayey Abuukar Cumar Caddaani iyo wiilkiisa, kaddib markii la sheegay in dacwadii lagu soo oogey la baabi'iyey, arrintaas oo cadayn laga bixin. Sidaasna ay xorriyadoodii ku heleen Abuukar Cumar oo 72-jir ah iyo wiilkiisa oo 20 jir ah.


Abukar Omar Adan, oo la keenay maxkamada Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis Jan. 25, 2007.  Abukar Omar Aden, oo da'diisu tahay 72, waxaa maxkamada lala keenay wiil uu dhalay oo magaciisa la yiraahdo Omar Abukar Omar (Sawirka hoose), waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen dembiga lagu soo oogey. Sawirka: AP.

Omar Abukar Omar, 20-jir, oo ay dhinacyada ka tagan yihiin askarta Kenya markii la keenay maxkamada  Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis, Jan. 25, 2007. Sawirka: AP


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH