SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warmurtiyeed: waxgaradka jaaliyadaha jubbooyinka iyo Bakool oo ka dhacay dalka Denmark

                        Kopenhagen, Denmark  – 13-02-2007 

Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka jaaliyadaha jubbooyinka iyo Bakool oo ka dhacay dalka Denmark taariikhda dusaha ku xusan, qaab taleefanna ay kaga qayb galeen jaaliyadaha dalalka kale ee Skandinavia ayaa waxaa lagaga hadlay oo lagu falanqeeyay guud ahaan xalaadda geeska Afrika , gaar ahaan xaaladda ay ku suguntahay Somaliya .  

Waxaa shirka ka soo qayb galay xubna fara badan oo matalya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culamaaudiinka, salaadiinta, haweenka iyo aqoonyahano fara badan . Sidoo kale waxaa shirka ka soo qaybgalay xubno fara badan oo matalaya dhammaan bulsha waynta Soomaliyeed ee nabadda jecel, kuna taamaya sidii loo soo celin lahaa qarankii somaliyeed ee bur buray.  

Waxaa shirka si cilmiyaysan oo hufan la isula falanqeeyay burburkii iyo musiibadii umadda Somaliyeed ku habsatay muddada dheer iyo hagardaamada ay mar walba dad qarn diid oo dana gaar ah wata u adeegsanyaan qaabab kala duwan oo ku salaysan caadifad qabali ah. 

Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay in laga gudbay xilliggii umadda Somaliyeed loo adeegsanayay caadifadda qabiilka ee u horseeday burbur iyo qaran la áanta muddadii 16ka sano ahayd . 

Gabagabdii shirku wuxuu isku raacay qodobada hoos ku qoran.  

  1. In si buuxda loo taageero geedi socodka nabadeed ee ay hormoodka ka tahay dawladda ku meel gaarka Somaliyeed, si loo xaqiijiyo sugidda nabadda iyo soo cellinta qarankii burburay ee somaliyeed.
  1. Dhammaan xubnihii shirka ka soo qayb galay waxay si buuxda u taageereen goaankii ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha dawladda ku meelgarka ee lagu dhisay maamuladda gobollada Jubbooyinka iyo bakool , waxayna si wayn u diidanyihiin, digniina siinayaan  cid allaale ciddii carqalad galinaysa qaabka loo dhisay maamulada gobollada dusha ku xusan.
  1. Shirku wuxuu soo dhowaynayaa qaaabka federaalka ee ay hiigsanayso dawladda ku meelgaarka, kuna xusan dastuurka qararanka – taas oo ah tubta kaliya ee lagu gaari karo qaab dawli ah oo caddaalad ku dhisan.
  1. Waxaanu si buuxda u soo dhowaynaynaa shirka nabadeenta ay ku dhawaaqday dawladda ku meel gaarka, si loo dhamaystiro nabadaynta iyo isasaamaxaadda bulshada Soomaliyeed.
  1. Ugu dambayn waxay dhammaan xubnihii shirka ka soo qaybgalay ugu baaqayaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee nabadda jecel in ay taageeraan geedi socodka nabadeed, oo ay saxaan khaldaadka jira iyada oo aan mar walba dib loogu noqon halkii socodka laga soo bilaabay .
  1. Dhammaan xubnihii shirka ka soo qaygalay waxay  isku raacay in la qabto shir ballaaran oo lagaga hadli doono qaabkii loo taageeri lahaa maamuladda loo dhisay goboladda Jubbooyinka iyo Bakool. Shirkaas oo dhici doono bisha Marso.

Waxaa goaamada dusha ku xusan saxiixay dhammaan xubnaha hoos ku qoran – wixii dheerad ah waxaa kala soo xiriiri kartaa: 
 

1. Suldaan Maxamuud Siciid Qiilmawaaye     tlf..  45- 26117415
2. Xildhibaan Axmed Xuseen Dhaqane          tlf.. 45-20616245
ama Email: kisima99@hotmail.com

Qoraalkaan oo ay ku saxiixnaayeen 36 qof magacyadooda kala xiriir: kisima99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2007


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH