SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAAMO

Barnaamijkii Radio Xoriyo
13 February 2007.  
 
Dagaalo lagu naafeeyey CGI  iyo xoolo ay CGI ka boobeen dad shacab ah.
 
Daacuun ka dilaacay qaybo kamid ah bariga Ogadenya.
 
Bannaanbax lagu diiddan yahay ciidammada shisheeye oo Muqdisho ka dhacay.
 
Kenya oo mamnuucday xoolaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
 
Midowga Yurub oo xarumo shaqo ka samaynaya Afrika.
 
Ganacsato Soomaaliyeed oo K/Afrika Lagu dhacay.
 
Barnaamijkii  Aragtida Halgamaaga(Ciil Kama Korayaal).
 
======================            
 
Dagaalo lagu naafeeyey CGI  iyo xoolo ay CGI ka boobeen dad shacab ah.
 
Wariyaha RX uga soo warama jiida hore ayaa noosoo tabiyey inay CWXO weeraro gaadmo ah la beegsadeen CGI waxayna weeraradaasi u kala dhaceen sidatan:
 
06-02-07 – Dagaal ka dhacay baliga la yidhaahdo Sammu oo katirsan degmada Dannood ayay cwxo kaga dileen ciidanka gumaysiga itoobiya 4 askari,6 kalana kaga dhaawaceen.
 
07-02-07- Caleen oo katirsan degmada Shilaabo ayay ciidan geesiyiinta ah ee jwxo weerar gaadmo ah  ku qaadeen kuwa nacabka gumaysiga itoobiya waxayna halkaas kaga dileen 3 askari,hal askari oo kalana kaga dhaawaceen.
 
  Isla 07-02-07- ayay cwxo weerar gaadmo ah ku qaadeen CGI ee fadhigoodu yahay Karin-Cagaag oo ka tirsan Dhagaxbuur,waxayna halkaas qudha kaga jareen 4askari,5 kalana gaadhsiiyeen dhaawacyo culculus.
 
Inta udhaxaysa Q/daharre iyo Dalaad oo qiyaastii isu jira 25 km ayay 07-02-07  ciidamada soomalaabtayaasha ah ee xoraynta ogadenya ku gubeen baabuur Uuraal ah oo halkaas marayay baabuurkaas ayaa la sheegay inay ka buuxaan ciidanka wayaanaha,wuxuuna wariyaheenu nooso sheegay in baabuurkaas iyo wixii saaraa halkaas ku basbeeleen.
 
Dhinaca kale 05-02-07  waxay ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga itoobiya ka boobeen shacabka degmada Dannood halkaasna ku qasheen 6 neef oo Adhi ah.
 
06-02-07- Cilmi-Xidha oo ka tirsan degmada Dannood waxay CGI ku qasheen 8 neef oo adhi oo ay lahaayeen dad shacab ah.
 
Isla taariikhdaas 06-02-07 biliga Sammu oo katirsan degmada Dannood waxay ciidamada saama-laluudka ahi kaga boobeen 3 kiish oo sonkor ah gabadha layidhaahdo Saakin Cabdullaahi.
 
Adhyahaas ay ciidamada gumaysigu boobeen ee ay qasheen ayaa waxaa kala lahaa :
A-    Bashiir Qablan
B-    Sahra Yaasiin
C-    Iyo laba nin oo kale oo ayna magacyadoodu nasoo gaadhin.
 
 
Daacuun ka dilaacay qaybo kamid ah bariga Ogadenya.
 
Deegaano kamid ah bariga Ogadenya siiba gobolada Qoraxay iyo  Doollo ayuu ka dilaacay cudurka dacuunku.
 
Wariyaha RX uga soo warama magaalada Qabridaharre ayaa soo sheegay in cudurkaasi fara ba,an ku hayo magaalada iyo nawaaxigeeda 24kii saacna ay u dhintaan cudurkaas ugu yaraan 20 ruux .Musiibadan oo aysan dadku awood ulahayn siday ula tacaali lahaayeen ayuusan hadana jirin wax kaalmo dowladeed ama caalami oo lala soo gaadhay.
 
Siduu wariyuhu noogu soo waramay xukuumada gumaysiga itoobiya waxay aad iskugu dhabar jabinaysaa inaysan ha,adaha caalamku waxba ka ogaanin dhibaatan baaxada leh.
 
JWXO ayaa bayaan kasoo saartay musiibadan ay kaga dalbanayso hay,adaha iyo caalamkaba in gargaar dagdag ah lala soo gaadho dadkaas si dagdag ahna loo xakameeyo cudurkaas intuusan meelo kale ku fidin.
 
Waxaana bayaankaas noosoo akhriyey Halgan Guuleed. 
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay Daacuunka Ogaadeenya ka dillaacay.
 
 Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa bayaan ka soo saartay cudurka Daacuunka ee ka dillaacay meelo ka mid ah dalka Ogaadeenya, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in gargaar lala gaadho meelaha uu cudurkaasi ka dillaacay, ka hor intaanuu dalkoo dhan ku faafin.
 
 Bayaankan waxaa lagu sheegay in cudurkani uu in 40 ruux ka badan ku dilay magaalada Qabridaharre, haddii aan gargaar caafimaad oo degdeg ah dadkaas lala gaadhina uu cudurkani sababi doono dhimasho aad u badan.
 
 Bayaankan waxay Jabhaddu ku sheegtay in xukuumadda gumaysatada Itoobiya ay hay’adaha caafimaadka u diiddo inay ka hawlgalaan dalka Ogaadeenya, iyadoo arrintaas ciqaab uga dhigaysa dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
 
 JWXO ayaa bayaankan ku sheegtay inay hay’adaha gargaarka oo dhan ku so dhawaynayso dalka Ogaadeenya, isla markaana ku guubaabinayso inay gargaar degdeg ah la soo gaadhaan dadwaynaha ku waxyeelloobay cudurka Daacuunka.
 
 JWXO waxay sidoo kale ugu baaqday Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), International Medical Corps (IMC) iyo ururrada kale ee cafimaadka ee caalamiga ah inay taakulo caafimaad oo degdeg ah la soo gaadhaan dadwaynaha ku tabaaloobay cudurkan iyo siyaasada bani’aadamnimo darrada ee xukuumadda EPRDF.
 
Bannaanbax lagu diiddan yahay ciidammada shisheeye oo Muqdisho ka dhacay.
 
 Dadwayne boqollaal qof gaadhaya ayaa jimcihii bannaanbax ku sameeyay dhinaca woqooyi ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo bannaanbaxooda ku muujinayay sida ay uga so horjeedaan ciidammo shisheeye oo nabad ilaalin loo keeno dalka Soomaaliya iyo ciidammada Itoobiya ee hadda ku sugan dalka.
 
 Bannaanbaxayaashan ayaa ballanqaaday in weerarro lala beegsan doono ciidamo kasta oo shisheeye ah oo la keeno Soomaaliya, waxayna dab qabadsiiyeen calamada wadammada Itoobiya, Uganda iyo Maraykanka.
 
 Afhayeen bannaanbaxayaashan u hadlay ayaa dhaar ku maray in ciidamo kasta oo shisheeye ah oo dalka Soomaaliya la keeno y la dagaallaami doonaan. Midowga Afrika ayaa ansixiyay in 4000 oo askari nabad ilaalin loo geeyo dalka Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu ilaa iyo hadda ku guulaysan la’yahay inuu ciidammadaas isu keeno.
 Waxaa ilaa iyo hadda ku yaboohay inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirayaan Soomaaliya wadamada Uganda, Nigeria, Ghana iyo Brundi.
 
 Nabadgelyada magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid faraha ka baxday, iyadoo weerarro is-dabajoog ah lagu qaado xarumaha ay ciidammada Itoobiya ku leeyihiin magaalada. Dhawrkii maalmood ee u denbeeyay waxay iska horimaadyo dhexmareen ciidammada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho iyo kooxo hubaysan oon la aqoonin cidda ay yihiin, waxaan iska horimaadyadaas ku dhaawacmay dadwayne badan oo rayad ah.
 
 Kenya oo mamnuucday xoolaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
 
 Xukuumadda Kenya ayaa waaxda caafimaadka ee degmada Mandheera ku amartay in  xabsiga la dhigo qof kasta oo lagu helo isagoo hilib ka keenaya magaalooyinka xadka la leh Kenya ee Somaaliya iyo Itoobiya.
 
 Amarkan ayaa ka denbeeyay, ka dib markii ay xukuumadda Kenya soo saartay go’aan ay ku mamnuucayso iibka waxyaabaha xoolaha ka soo jeeda iyo in xoolo laga soo gudbiyo ama loo gudbiyo dhinaca Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna xukuumadda Kenya go’aankan soo saartay, ka dib markii Xummada Rift Valley lagu arkay degmooyinka Garissa iyo Wajir.
 Waaxda caafimaadka ee degmada Mandera ayaa dadwaynaha ku dhiirri gelisay inay ka qayb qaataan sidii looga hortegi lahaa in Xummada Rift Valley ay sii faafto.
 
 Midowga Yurub oo xarumo shaqo ka samaynaya Afrika.
 
 Midowga Yurub ayaa ku talajira inuu dalal Afrika ku yaalla ka sameeyo xarumo shaqo oo dadka shaqa la’aanta ah loogu sahlo sidii ay shaqo u heli lahaayeen, si loo hakiyo dadka Afrikaanka ah ee u soo tahriibaya wadamada Yurubta Galbeed.
 
 Masuulka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha horuarinta Louis Michel ayaa dhawaan socdaal ku tagay dalka Mali, si uu masuuliyiinta dalkaas ugala xaajoodo dhismaha xaruntii shaqo ee ugu horraysay ee Midowga Yurub ka sameeyo dal Afrika ku yaalla. Midowga Yurub wuxuu sidoo kale ku talajiraa inuu xarumo shaqo ka furo dalalka Senegal iyo Muritania.
 
 Xarumahan shaqo ayaa xoogga saari doona xirfadaha Beeraha, Dhismaha iyo Nadaafadda, iyadoo dadka Afrikaanka ah loo furi doono tababarro iyo fursado shaqo oo xirfadahaas la xidhiidha.
 
  Dad u dhashay dalal Afrika ku yaalla ayaa isku daya inay u tahriibaan dalalka Yurubta Galbeed, iyagoo adeegsanaya doomo yaryar oo inta badan dhexda kaga xumaada, taasoo keenta inay Badda ku baaba’aan.
 
Sannadkii la soo dhaafay waxaa isku dayay inay Yurub u tahriibaan 31,000 oo qof oo ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah. Waxaa sidoo kale Badda ku dhintay 6000 oo Afrikaan ah oo tahriibayay.
 
 Dalalka dhinaca koonfureed ugu xiga wadamada Midowga Yurub ee Talyaaniga Malta iyo Spain ayaa muddaba Midowga Yurub ka dalbayay in laga caawiyo sidii looga hortegi lahaa Afrikaanka naf-la-caariga ah ee Badda isku soo miidaaminaya
13 February 2007
C/nuur Sheekh Maxamed
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00  waqtiga Afrikada Bari

Tacaddigii Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho

Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida. Warkan oo dhan Akhri....


Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri warka oo dhan....


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH