SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 13, 2007

  • Salaad Cali Jeele: Raggii na dhahayey Itoobiya ayey Dalka soo geliyeen Iyaga ayaa la kulmey Meles..
  • Dalxa oo soo gebagabeeyey Siminaarkii Dib u heshiisiinta ..
  • Ciidamada Itoobiya oo lagu Eedeeyey in ay Madaafiic ku garaaceen ..
  • Midowga Yurub oo mar kale ku celiyey in la qaado Amarka Deg Dega ah..
  • Hay’adda Hido oo Degmadda Baled Weyne ka hirgelisey 16 Ceel...
  • VOA oo Bilaabay Laan Af-Soomaali ah: Ka Dhegeyso: voaReal ama WM  ama  MP3  
  • Somalia Insurgents Hit Hard for Third Day 

Salaad Cali Jeele: Raggii na dhahayey Itoobiya ayey Dalka soo geliyeen Iyaga ayaa la kulmey Meles..

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo shalay ka hadlayey gebagabadii siminaarkii ku saabsanaa dib u heshiisiinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka aysan wax shuqul ah ku laheyn madaafiicda la sheegay inay ku dhacayaan goobo ka mid ah magaalada Muqdisho. “Dowladda suurgal kama ahan in ay Shacabka madaafiic ku rido, waxaa madaafiicda ku ridaya waa kooxihii aragagixisada ahaa” ayuu yiri Salaad Cali Jeele oo sheegay in Dowladda Federalka ah dadaal ugu jirto sidii ay nabad ugu soo dabaali laheyd magaalada Muqdisho, isagoo u soo jeediyey shacabka in ay gacan siiyaan ciidamada Dowladda Federaalka ah.

Salaad ayaa intaa raaciyey “rag baa nagu eedeeyey in aan dalka keenay ciidamada Itoobiya, maalmahana waad maqleyseen, in raggii horey noogu eedeeyey arrintaasi ay kulan la yeesheen Meles Zenawi”.

Salaad Cali Jeele waxa uu sheegay in kooxaha Argagixisada ah ay isku qaybiyeen labo qaybood kuwo habeenkii weerar gasha iyo koox markay dhibaato gaarto ku qayliya waa na soo weeraray, marka waxaan u soo jeedinayaa shacabka in ay ka shaqeeyaan nabadda, si gobalka Banaadir uu u noqdo gobal nabdoon. Salaad Cali Jeele oo mararka qaarkood soo qaadanayey Aayado Qur’aan ah ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ay wado qorshayaal ay kula dagaalameyso wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ah. Salaad waxaa kaloo uu sheegayin maamulka Gobalka Banaadir loo magacaabay Saddex beelood ay ka degi la’ dahay xaaladda Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay haboon tahay in shacabkku la shaqeeyo in raggaasi mas’uuliyiinta ah la shaqeeyaan. Salaad waxa uu gebagabdii u mahadceliyey Odoyaashii iyo Waxgaradkii ka qaybgalay kulankaasi ee soo saaray fikradaha ku aadan dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shirkaani uu ahaa shir madax banaan oo loogu googol xaarayey dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed.

Dalxa oo soo gebagabeeyey Siminaarkii Dib u heshiisiinta ..

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Max’ed Cumar Dhalxa ayaa shalay Hotel Kaah ku soo gabegabeeyey shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee mudada tobaadka ahayd ka socday Hoteelkaasi, kaas oo ay ka qaybgaleen ilaa iyo 250-xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Prof. Dhalxa waxa uu sheegay in shirkaani ujeedadiisu ahayd sidii bulshada dhexdeeda looga heli lahaa fikrado ku aadan xal u helida arimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u heshiisiinta iyo hub ka dhigista.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in shirkaani uu hordhac u yahay shirar is daba joog ah oo ay qaban doonaan guddiga dib heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna u soo jeediyey ka qaybgalayaashii shirkaasi in ay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dablaai lahaa Soomaaliya.

Prof. Dhalxa waxaa kaloo sheegay Dowladda Federaalka ah ay ku talo jirto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in haddi Muqdisho nabad noqoto, uu dalkiisa intiisa kale nabad noqon karo, taas oo lagu gaari karo midnimo iyo wadajir.

Ciidamada Itoobiya oo lagu Eedeeyey in ay Madaafiic ku garaaceen ..

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeyey inay ka dambeeyeen madaafiicdii habeen hore lala beegsaday qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay bulshada Soomaaliyeed.

Hubkii ay soo rideen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la tusiyey rag ka tirsan ciidamadii hroe ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in hubkaani uu yahay Qoreyga BM-ka, waayo ayey yiraahdeen qoreygaasi Kumiciisa kalama haro, balse waa uu is raacaa, waxa uuna gaystaa waxyeelo baahsan, hase yeeshee Wasiir ku xigeenka Gaashaan-dhiga Salaada Cali Jeele ayaa waxa uu beeniyey in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku rideen goobo ah degan yihiin dad rayid ah, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka aysan suuragal ka aheyn in ay hub la dhacdo dadkeeda.

Hase yeeshee nin Odey ah ayaa waxa uu yiri “Waxaa la yaab leh Dowlad dadkeeda ka aarsaneysa, waxaa dowlad lagu yaqaanaa inay bulshada ay madaxda u tahay u naxariisato, ee ma aheyn in madaafiic iyagoo hurda lala dhaco”.

Midowga Yurub oo mar kale ku celiyey in la qaado Amarka Deg Dega ah..

Kulan ay shalay isug yimaadeen Midowga Yurub ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda Soomaaliya, waxayna mar kale ku celiyeen in deeqda ay siinayaan Dowladda Federaalka ay hor yaalaan shuruudo ay ugu horeyso in ay marka hore Dowladda Federaalka ah qaado amarkii xaaladda deg dega.

Midowga Yurub, waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf ee ahaa in ay dowladdiisu taageeri doonto dib u heshiisiin loo qabto bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee Midowga Yurub waxay sheegeen in hadalka C/llaahi Yuusuf uu yahay mid aan sidii la rabay aan looga dhabeyn, C/llaahina uu doonayo in uu dib u heshiisiin ku qabto gudaha dalka Soomaaliyeed oo ay maamusho Dowladiisa.

Midowga Yurub ayaa xayiray lacag gaareysa 70-Milyan oo Doolar taaso la doonayey in ay Dowladdu ku fuliso dib u dhiska dalka.

Hay’adda Hido oo Degmadda Baled Weyne ka hirgelisey 16 Ceel...

Hay’adda Hiiraan Development Organization (HIDO) kana hawlgasha gobalka Hiiraan ayaa ninka u qaabilsan dhinaca mashaariicda Bashiir Hilowle Cabdulle ayaa waxa uu ka warbixiyey hawlaha ay qabato Hay’addaasi, waxa uuna sheegay in Hay’adaani ay hawlo ceel qodid, Waro ay sameysay, iyo suuqyo iyo mashaariic kale ka fulisay Magaalada Baladweyne, isagoo sheegay in sanadkii 2006 iyo horaantii sanadkaan ay degmadaasi ka fulisay 16 ceel.

Bashiir waxa uu tibaaxay in ceelashaasi ay Hay’addu ugu talagashay inay ka cabaan dadka si lacag la’aan ah, isagoo sheegay in mashaariicdaasi ay gacan ku siiso Hay’ada SAVE CHILD, UK oo uu tilmaamay in la’aantood aysan fulin lahayn mashaariicdaasi. Guddoomiyaha Hay’addaasi C/salaan Guhaad Dhimbil oo isna nalagala soo xiriiray Baladweyne ayaa waxa uu sheegay in hayadaan la aasaasay sanadkii 1991, isagoo sheegay in intii ay jirtay ay gobalka ka fulisay mashaariic dhinaca samafalka ah.

Hay’addaan waxay xafiis ku leedahay Magaalada Buulaburde oo ay ka fulisay mashaariic dhinaca gargaarka ah

Sagaal Hayadood ayaa la shaqeeya Hayada SAVE CHILD, UK iyagoo Maalgelin ka hela Hayadda ECHO kuwaas oo fuliye Mashaariic Fara badan iyadoo afar hayadood ay ka shaqeeyaan Dhinaca Nadaafadda iyo Musqulaha sida Ururka wadaniga ee Haweeenka ee ISRAAC dhamaan Howlahaa Samafal waxaa amaan ku leh SAVE CHILD, UK oo welina Howshaas wada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2007


Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Roondoyin Ka Sameeyey Xerada Agoonta Ee Magaalada Muqdisho.

Feb 12, 2007: Ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan caasimada muqdisho ayaa xalay iyagoo aad u hubaysan roondooyin ka samayeey xarumo dhowr ah ,iyagoo sida wararku sheegayaan ka cabsi qaba inay weeraro kaga yimadaan ,deegaanadaas ,Kulliyadda Jaalle Siyaad ,xeradii damaanyo, warshadda Kabista , xerada Agoonta ,iyo halka loo yaqaanno soona Keey .

Laba maalmood ka hor ayaa ciidamada xukuumada Ethiopia ee fariisinka ku leh halkaasi ay weeraro loo adeegsanayo qoriga hoobiyeha lagu qaadey , ka dibna xalay lagu arkay goobaahaas iyadoo warar is qilaafsan oo kasoo baxaya ay sheegayaan inay doonayaan ciidamadani inay fariisimo cusub ka samaystaan deegaanadaas.

Sidoo kale ciidamadan xiligii ay roonddooyinka sammeynayeen oo ahayd xalay saqdii dhexe ayay shaki ka muujinayeen qof kasta oo ka soo hor baxa islamarkaana ay jireen dhowr qof oo ay ku qab-qabteen goobahaas ay gaaf wareegayeen ,ma -cada halka ay la aadeen dadka ay qabteen waloow ay jiraan warar sheegaya in dadkii la qab-qabtay xalay lasii daayey ,kadib markii su,aalo laga waydiiyey arimaha ay ku socdeen xiligan iwm .

Si kastaba ha ahaatee deegaanadaas ayaa xalay ahaa kuwo ay buuxdhaafiyeen ciidamada Ethiopian-ka waloow aysan jirin wax rabshado ah oo ka dhacay halkaas.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Madaafiicda Qoryaha BM-ka Oo Gil-giley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho - Feb 12

Gen. Cadde Muuse: 3 bilood Gudahood ayaa lagu Bilaabayaa Macdan Baarista Puntland
Puntland "kama bixin hawlihii macdan baarista" sidaas waxaa yiri Madaxweynaha DGPL oo.... Akhri...

Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Kismaayo..
.Furux: Hay’adda CRD oo marin habaabisay heshiiskii Beelaha
.Deegaanka Cagaaran oo dagaal ka dhacay...
.Ma Dhabaa In Ciidamada DFKMG Galeen Dugsi-qur'aan
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Feb 12


Tacaddigii Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho

Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida. Warkan oo dhan Akhri....


Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri warka oo dhan....


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH