SULDAD
XABASHIYEED NIMAY HESHAA, WAA SAC KUU TALIYE
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Taariikdu
markii ay ahayd 12-8-1960kii waa qiyaastii bil kadib markii
xornimada ay qaateen labadii gobol ee koonfur iyo
waqooyiyee. Waxaa magaalada Ayshica ka dhacay xasuuq aad u
foolxun oo ay Xabshidu ku qaaday shacabka Soomalaiyeed ee ay
gumaysato.
Ayshica
waxay ahayd magaalo xiriirisa ganacsigii saylac iyo
buuraleeyda Xabashida. Waxayna ahayd magaalo il-baxnimo wayn
leh. Dadka Ayshica waa dad maskax furan oo horu-mar leh.
Waxayna had iyo jeer la socdaan xaaladaha dunidu ay marayso
gaar ahaan geeska Afrika.
Ayshica
waxay ka mid ahayd degmooyinkii hooyada u ahaa halgankii
gumaysiga lagula jiray. Waxaana xarun ku lahaa ururkii
dhalinyara Soomaaliyeed SYL ee la sameeyay sannadkii
1943kii. Markii uu ururkaasu yimid degmada Ayshica waxaa
looga soo dhoweeyay si fiican, xubno far badan oo fir
fircoonna way ku soo biireen.
Sannadkii
1960kii markay xornimada qaateen labadii gobol ee waqooyiga
yo koonfurta ee ayna midoobeen, waxay shacabkii Ayshica
deganaa muujiyeen tagaeero iyo waliba habkii loogu biiri
lahaa oo xabashina looga xoroobi lahaa. Arrintaas waxaa ka
cadhooday xayle salaase, wuxuuna amar ku bixiyay in la
xasuuqo shacabka degmada Ayshica.
12-8-60-kii ayaa weerar lagu soo qaaday shacabkii degenaa
Ayshica. Waxaana laga dhigay digo iyo danbas, iyadoo guryaha
lagu gubay., rasaasna oodda lagaga qaaday. Dadka intii ka
badbaadday weerarkaas hore waxay afka saareen banka Ayshica,
nasiib-darrose lagama hadhi ee waxaa rusheeyay diyaaradaha
gadaalka oo aan inaba u turin.
Falkaas
foosha-xun intii ka badbaadday waxay tageen magaalooyinka
Cabdulqaadir oo Soomaaliya ah iyo Magaalada Cali sabiix oo
uu markaas Faransiisku haystay. Dadkii tagay magaalada
Cabdulqaadir waxaa ugu yimid oo soo dhoweeyay madaxwaynihii
iyo ra’iisul wasaarihii Soomaaliya ee xilligaas. Dadkii
weerarkaas bahalnimada ah ku shihiiday waxaa lafahoodii
markii danbe lagu asturay goobta la yiraahdo ”Cawra eeg” oo
ka tirsan magaalada Ayshica. Dadkii malintaas la gumaadayn
waxaa lagu sheegaa dhowr kun oo qofood[1].
Soomaaliduna ma aysan hilmaanin gumaadkaas shacabka
masaakiinta ah loo gastay, waana wax ku qoran diiwaan. Gabyo
badanna waa laga tirayay, waxaana ugu xeel dheeraa gabaygii
uu ka tirir mujaahidkii waynaa ee suugaanyahaynka ahaa Alle
ha u naxriistee Xaaji Addan Axmed ”Af-qallooc”. Wuxuuna
gabaygiisaas ka mid ahaa, isagoo muujinaya xumaanta ay
xabshidu leedahay iyo siday bahal u tahay:-
-
Kala soocde qoys keli ah oo, seeda wada yaallee
-
Suldan amar leh sheekh sahidiyo, seen cadda odey ah
-
Soddonku ninuu buuxiyo haween, sida carruurtooda
-
-
Sidqa habar ah inan seeratiyo, kuwii sagaal jooga
-
Ayagon saxarna dhimin Baad dhamman, sibiq u leysen
-
Sarraf yiri Amxaar jamac dhan oo, wada sujuudaaya
-
-
Saqiirka iyo umulahaad disheen, malaha soo qaade
- Kun
baa subax disheen aamin ah, oo seexdey oo kacay
-
Saddex boqol kabadan culimadii, suuqa Herar tiille
-
-
Iyaga oo salaad jamac galaad, seef ku mariseene
-
Saqda leylka dhaxe waxad gashen, soolki Dhagax-bure
-
Samada iyo dhulkaba ciidankii, riday sawaariiqda
-
-
Kama seyrin ruux keliyah oo, joogay subaxaasi
-
Sujaacdii Awaare afdam oo, sida xun loo laayay
-
Saxariiradii naagahaan, weli sasaynaayee e
-
-
Saqiir iyo kabiir reer Ashaco, oo nabad kusoo hoyday
-
Sardhaday galeen baad qumbulad, suna kutuurteenee
-
Surimada Jigjiga leegadii, sida xun loo laayay
-
-
Surkaad wada jarteen wiilashii, timaha soohnaayee
-
Saqajaanka beesha iyo guryaha socod xumaaddiina
- Nin
sidaa ku dhaqanteen ogaa, wuu siqsiqiyaayee
-
-
Suldad Xabashiyeed nimay heshaa, waa sac kuu taliye
- San
kuneefle aad is shaabahdaan, dunida saarneeynee
-
Saxi maayo axad sheeg is yiri, sidaad sameyseen
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
|