SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Weeraro Aan Kala Go' Lahayn Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Daafaheeda ..

Sabti, Feb 10, 2007

Weerar loo adeegsaday Madaafiic oo ay dadku dhinteen ayaa maanta meelo kala duwan oo magaalada muqdisho ka dhacay , iyadoo goobaha la weeraray ay kamid ahaayeen garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka tirsan caasimada muqdisho ,

Weeraradan ayaa waxaa ku naf waayey inta la og yahay ilaa 6 qofood oo rayid ah oo ku sugnaa xaafadaha ay degan yihiin iyo weliba xeryo qaxooti oo ay degan yihiin dadka soo barakacay .

Sidoo kale Xaruntii hore ee rugta Saraakiisha ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac, ka dib markii sida la sheegay halkaasi ay tageen kooxo hubeysan oo watay gawaarida noocyada dheereeya ee loo yaqaano surfka , iyadoo madaafiicdaasi ay sababtay dhimashada hal canug oo yar , iyo 3 -dhaawac ah oo ay ku jirto cunuga yar hooyadii.

Dhanka kale ilaa iyo dhowr madfac oo hoobiye-yaal ah ayaa la sheegay in lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ay gaysteen .

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho Max'ed Axmed Siyaad ayaa saxaafada u sheegay in howlihii garoonka ay caadigoodii yihiin, isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax shaqo ah oo hakad galay ,islamarkaana carabka ku adkeeyey inaysan waxba u dhimi karin waxa uu ku tilmaamay tuur-tuurka Macno darada ah, mar lawaydiiyey khasaaraha soo gaaray garoonka ayuu ka gaabsaday su-aashaas inuu ka jawaabo .

Xaalada Caasimada soomaaliya ee muqdisho oo faraha ka baxday ayaa sidoo kale weeraro Hoobiyeyaal ah isla maanta lagu qaaday Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaala deegaanka Deyniile, iyadoo wararku sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 3 -qof oo rayid ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro dad ah oo aan la sheegin.

Weeraradan isdaba jooga ah ayaa sidoo kale lagu qaaday Hotel Kaah oo lala dhacay Baasuukayaal ayaa waxa ay gaysteen dhimashada hal ruux, iyadoo mid kalena ay toogasho ku dileen ciidamada booliska dowlada kmg ah kadib markii ay gaari nooca gaadiidka dadweynaha ah ay istaajiyeen ciidankani uu ka dhegay islamrkaana ay rasaas ay ku fureen ay haleeshay qofkan rayidka ah ee dhintay .

Si kastaba ha ahaatee xaalada muqdisho oo gashay meel amaankeeda aan laysku halayn karin ayaa ku soo beegmaysa xilli habeenkii xalay ahaa Hotel Global oo ku yaala w/magaalada Muqdisho lagu asqeeyey weerar qoryaha baasuukayaasha ahaa islamrkaana aan lasheegin wax khasaare ah oo halkaas ka dhacay.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Qaraxyo Xalay Lala Beegsaday Hotel Global
.Madaxwaynaha DGPL oo kusoo laabtay Boosaaso....
.Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Kismaanyo iyo Jilib..
.Muqdisho: Urur sheegtey in uu ka dambeeyey Qaraxyada
.Geele oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii
.Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Feb 10

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2007


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH