SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

Wararkii: Feb 10, 2007

  • Qaraxyo xalay lala beegsaday Hotel Global
  • Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Magaalooyinka Kismaanyo iyo Jilib..
  • Urur sheegtey in uu ka dambeeyey Qaraxyadii Ka dhacay Muqdisho meel Fagaara ah ka dhigay Banaanbax…
  • Ismaaciil Cumar Geele oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii Maxaakiimta
  • Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay Degmada ..
  • Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay dalka kadib safar bil qaatay....

Qaraxyo xalay lala beegsaday Hotel Global

Iyadoo wali ay socdaan qaraxyada lala beegsanayo goobaha ay deggan yihiin ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Federaalka iyo waliba hoteelada magaalada Muqdisho oo lagu tuhunsan yahay inay deggan yihiin saraakiil ka tirsan Dowladda, ayaa xalay waxaa qaraxyo lala beegsaday Hotel Global oo ay inta badan isitcmaasho Dowladda Federaalka, waxaa lagu dhiftay dhowr Hoobiye.

Lama garanayo khasaaraha dhabta ah oo ay keeneen qaraxyadaasi, iyadoo lagu waramay in ay dhowr qof ay ku dhaawacmeen oo loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, maalintii shalay ahayd ayaa urur isku magacaabay (Dhaqdhaqaaqa Muqaawamada Xoreynta Shacabka Soomaaliyeed) waxa uu sheegtay in uu ka dambeeyey qaraxyadii iyo weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala beegsaday ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka.

Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Magaalooyinka Kismaanyo iyo Jilib..

Wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah Gobolada Jubooyinka waxa ay sheegayaan in Ciidamada itoobiya ee ku sugnaa Goboladaasi ay (xoogoodii) ka baxeen halkaasi.

Ciidamada itoobiya ee ku sugnaa Gobolada Jubooyinka ayaa halkaasi isaga soo baxay waxayna si gaar ah u deganaayeen Magaalooyinka Jilib iyo Kismaayo oo ay soo faaruqiyeen. Saraakiisha hugaaminaysa Ciidamada itoobiya ayaa iyagoo la hadlin maamuladii halkaasi ay ka dhiseen ayey isaga baxeen waxaana lagu waramay in Ciidamadaasi ay u soo dhaqaaqeen dhinaca iyo Magaalada Baydhabo,lamana garanayo sababaha ay Ciidamadaasi u soo baneeyeen Ciidamadaasi waxaana lagu waramay in halkaasi ay ugu soo tageen Ciidamo ka tirsan Dowladda fedaraalka kuwaasi oo la shaqeyn doona maamulka halkaasi ka dhisan.

Urur sheegtey in uu ka dambeeyey Qaraxyadii Ka dhacay Muqdisho meel Fagaara ah ka dhigay Banaanbax…


Mudaharaadayaal ka soo horjeeda ciidamo Afrikaan ah oo loo soo diro Soomaaliya. Sawirka: AFP

Gaari Militari oo Itoobiyaan ah oo dhex marayey Muqdisho, Feb 7, 2007: Sawirka: AFP

Gabar xijaaban oo fiirneysa Askar Itoobiyaan ah oo maraya Afgooye, January 24, 2007. Sawirka: Reuters

Gaari sida Askar IToobiyaan ah oo dhex marayey Afgooye, January 24, 2007. Sawirka: AFP

Maalintii shalay ahayd ayaa Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada itoobiya iyo kuwa shisheeyey ee la damacsan yahay in la keeno uu ka dhacay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Suuqa Xoolaha iyo waliba agagaarka Al-Baraka ee Degmada Hodan.

Banaanbixii ka dhacay Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ka hadlay Xubno ka tirsan Urur sheegtay in uu ka dambeeyey Qaraxyadii iyo weeraradii ka dhacay Muqdisho ee lala beegsaday Ciidamada itoobiya kuwa fedaraalka. Ururukan oo lagu Magacaabo Dhaqdhaqaaq Nuqaawamada Xoreynta soomaaliya ayaa Nin Magaciisu ku soo gaabiyey C/risaaq uu ka hadlay Banaanbaxaasi a waxa uu sheegay in ay wadi doonaan Qaraxyada ay kaga soo hojeedaan Ciidamada itoobiya kuwa la damacsan yahay in la keeno Soomaaliya. Waxaana halkaasi lagu gubay Calamada itoobiya, Kenya, Uganada, Maraykanka,

Ismaaciil Cumar Geele oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii Maxaakiimta

Madaxwynaha Wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo u waramayey Telefishinka Al-Jazeera ayaa daboolka ka qaaday in Dalkiisu uu ku soo dhawaynayo dhamaan Sara-akiishii Maxaakiimta islaamiga ah Haddii ay iweydiistaan Magangalyo siyaasiyaasadeed.

Ismaaciil Cumar Geele waxa uu sheegay Cid kasta oo Soomaali ah ay ku noolaan karaan Dalka Jabuuti isagoo sheegay in Dalka haatan ay ku sugan yiihiin Gudoomiyhii hore Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo 10- Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxwaynha waxa uu sheegay in Dalka Jabuuti ay dhibayso dhibaatada Soom-aaliya waxa uuna sheegay in Dalkiisu uu diyaar u yahay in uu marti geliyo Shir ay isugu yimaadaan dhamaan Kooxaha Soomaaliyeed si loo soo afjaro Khilaafaadka ka taagan Arimaha Soomaaliya .

Ismaaciil waxa uu beeniyey in Dalkooda ay ka duuleen Diyaaradahii Maraykanka ee duqeeyey Koonfurta Soomaaliya isagoo sheegay in Diyaaradahaasi ay ka duuleen markab Maraykanku uu leeyahay oo fadhiyey Xeebaha Soomaaliya isagoo sheegay Dowladiisu ay aad uga Xumaatay dhibaatada ay geysteen Diyaaradahaasi

Xubno ka tirsan Beesha Cayr oo Martiqaad ka helay Safiirka Mareykanka ee u fadhiya..

Warar aanu halnay ayaa waxay sheegayaan in xubno isugu jiray Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahano,iyo Odayaal ka tirsan Beesha Cayr oo u ambabaxeen Magaalada NaIrobi ee Dalka Kenya ka dib markii martiqaad ee ka heleen Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya. Xubnahaani ayaa waxa ay Safiirka kala hadli doonaan Arimo la xiriira xaalada Soomaaliya iyadoo Beesha Cayr lagu wado in ay Safiirku u gudbiso Qoraal ay ku beeninayaan warar horay looga faafiyey.Safiirka ayaa horay u sheegay mar uu wareysi bixiyey in Beesha Cayr ay lagama maar-maan u tahay in laga qaybgeliyo dib u heshiisiinta Dalka.

Beesha ayaa dhawaan waxa ay kulamo la soo yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Waddanka itoobiya Meles-Zanawi waxayna isla soo qaadaan sidii Beeshu ay uga qayb qaadan lahayd Xal u helida arimaha Soomaaliya.

Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay Degmada ..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Degmadaasi uu ka furmay Shir lagu heshiisiinayo Beelaha Sacad iyo Suleymaan waxaana ka qaybgalay 60-Ergo oo matalayey labada Beelood waxaana Tas-hiilaadka ku baxaya Shirkaasi Bixinayey Hay’adda CRD waxaana u hadlay Hay’adda Max’ed Xasan Kulmiya (Ing- Kulmiye) Beesha Sacad waxaa u hadlay Yuusuf Xaashi Cilmi, (Qabax), Yaasiin Max’ed Gaani, Beesha Reer Xaaji Saleymaan waxaa u hadlay Cali Xaashi Afrax Geedi, Max’uud Yare Xasan Guuleed, waxayna dhamaantood sheegeen in la’iska iloobo wixii horay u dhacay dibna loo soo celiyo Walaaltinimadii.

Waxaa Shirkaasi Goob joog ka ahaa Saraalkiil ka tirsan Dowladda fedaraalka waxaana lagu martiqaaday Eragooyin ka kala soctay Guri-Ceel iyo Caabud-Waaq waxaa kaloo ka hadlya Culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Max’uud Max’ed Yare iyo Shiikh C/qaadir Dhagayare waxaana la filayaa in labada Beelood ee maalmaha soo socda ay gaaraan Hashiis Dhab ah,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay dalka kadib safar bil qaatay....

Madaxwaynaha DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa Jimcadii (Feb 9, 2007) dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari halkaasi oo uu ka duulay xiligii uu u anbabaxayay dalka dibadiisa safar dheer oo uu ku tagay wadamo dhawr ah oo ay ugu horayso Emaratka carabta, halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah shirkadaha macdanta ka baaraya deegaanada Puntland kadibna uu uga sii gudbay dalka Germany halkaasi oo la sheegay in uu u tagay safarkiisa gaarka ah ee la xirira baaritaan caafimaad. Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2007


Koox La Baxday Muqaawimada Wax Iska Caabinta Oo Maanta Meel Fagaare Kala Hadlay Dad Banaan Baxayey ..

Jimce, Feb 9, 2007

Banaan bax aad u weyn oo lagu diidan yahay ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka soomaaliya gudihiisa ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho .

Banaanbaxan oo salaadii jimcaha kadib ka bilowday wadada Ex-control Balcad ayaa waxa looga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Dowlada Ethiopianka ah ee taageeraya kuwa dowlada kmg iyo waliba kuwa Afrikanka ee lagu wado in Dalka lakeeno

Banaan Baxayaasha oo gaararyey boqolaal ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah ciidamada xukuumada tigreega iyo weliba dowladda Mareykanka islamarkaana goobtaas ku gubay calanka Ethiopia iyo kan maraykanka .

Sidoo kale dibad baxan ayaa waxaa meel fagaare ah dadka kala hadlay mid kamida xubno wejiyadooda soo qariyey oo ku sugnaa goobta islamarkaana sheegay inay yihiin ururka muqaawimada wax iska caabinta ,ayna si toos ah uga soo hor jeedaan ciidamada xukuumada Ethiopia ,Uganda iyo dowlada Maraykanka waxa uuna sheegay inaysan joojin doonin qaraxyada ay la beegsanayaan ciidamada Ethiopia ilaa iyo inta ay ka baxayaan dalka soomaaliya , isagoo weliba uga digey inay ganacsatada hoteelada ku leh magaalada muqdisho aysan dejin kuwa uu ku sheegay taageerayaasha xukuumada tigreega hadii kale ay qarxin doonaan .

Dibadbaxan oo lagaga soo hor jeeday ciidamada Ethiopia iyo weliba ciidamada afrikaanka ah ee ladoonayo inay dalka soomaaliya la keeno ayaa kusoo gabgaboobay si nabad ah .

Waa markii ugu horaysay oo ay si bareer ah isu usoo shaac baxiyaan kooxaha la magac baxay muqaawimada wax iska caabinta ee shacabka .

Yaasiin Mxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH