SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dib u Qooraanso

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Bulshada Soomaaliyeed waxay haatan ka sheekeeyaan lixdii bilood waxyaalihii ay heleen, waxayna dadka qaarkii ku tilmaameen lix bilood oo ka wanaagsan lix sano.

`Hadaba Maalinkii ay midoobayeen maxaakiimta Islaamiga ayaan waxaan ka qayb galay xafladdii ay ku midoobayeen maxaakiimta waxaana xafladdaas ka qayb galay illaa seddax Boqol oo ergo, waxaana markii danbe la isku af gartay in midowga maxaakiinta islaamiga madax looga dhigo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hasa yeeshee Shiikhu waa uu diiday xilkaas, wuxuuna yiri “Xilkani ma qabanayo waayo waa xil aad u culus”, markii uu Shiikh Shariif diiday inuu qabto xilkaas ayaa waxaa la bilaabay in qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay munaasibaddaasi inay cimaamado saaraan, kuwana Koofiyado ayay u geliyeen halka qaar kalena ay jilbaha ka qabsadeen, aakhiritaankii Shiikh Shariif waa ogolaaday codsigaasi, wuxuuna ballan qaaday inuu naf iyo maalba u huri doono nabadgelyada waddanka. ,Aan dib u qooraansano waxyaabihii ay qabteen maxkamadihii Islaamiga, waxay markiiba dagaal la galeen qab qablayaashii dagaalka oo ay dhamaantood dalka ka saareen iyagoo u arkayay raggaasi inay ahaayeen aabayaashii xumaanta, waxaan u suurta gashay inay dalka ka saaraan, dadkuna ima oran weligood qab qablayaasha dagaalka ayaa sidan loo geli doonaa.

Waxay bilaabeen maxkamadaha inay la dagaalamaan kooxaha bur cadda ah, waxayna meel fagaare ah ku toogteen laba dhalin yara ah oo bur ah, waayo Soomaalida ayaa tiraahda Indho run bay ku Ooyaan, halkaasna waxaa looga reystay bur caddii iyo tuugadii.

Waxay u soo jeesteen inay dagaal xoog leh la galaan kooxihii muqaadaraadka, waxayna maalin waliba meel fagaare ah ku gubayeen xashiish iyadoo dadka lagu qabtana horey laga gayn jirey maxkamad, waxay is tusiyeen maxkamada islaamiga ah in qaadku isaguna uu ka mid yahay wax yaabaha nabadgelyada carqaladda ku ah waxayna go’aansadeen inay joojiyeen, taasina waa u suurta gashay, sidoo kale waxa ay bilaabeen in gebi ahaanba ay mamnuucaan shineemooyinka oo iyana ka mid ahaa goobaha laga faafiyo xumaanta isla markaana dib u dhac u keenaya wax barashada. Hawshii maxkamadaha waa ay sii ballaaratay waxa ay bilaabeen inay gacanta uu u soo galo dahamaanba hubkii waa weynaa, waxaana digniin la siiyay suuqa kala Iibsiga hubka ee cir toogte, waxaana lagu yiri xabbad haddii aan maqalno dhawaaqeeda idinka ayaa u qoolan, waxaana dhacday in labadii qof ee hub kala iibsanaysa tijaabada hubkaas ay ula bixi jireen meel ka baxsan muqdisho. Waxyaabaha kale ee maxkamaduhu ay qabteen waxaa ka mid ah in dad laga haystay guryahooda iyo hantidooda muddo 16 sana ah dib loogu celiyo, waxayna yiddi diilo gelisey in dad fara badan ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho. Laga soo bilaabo Gaalkacyo illaa Raas Kambooni ayay dadka iyo gaadiidkaba ku marayeen si nabadgelya ah iyagoon haba yaraatee wax cabsi ah aan qabin, waxaana dib u bilawday in gawaarida iyo dadka safarka oo ay wadaan habeenkii meel cidla ah ku hooydaan iyagoon haba yaraatee wax wel wel ah qabin.

Maxkamada Islaamiga waxay dib u fureen garoonkii diyaaradaha iyo dekeddii weyneyd ee Muqdisho waxaana raja wayn sii gashay shacabka Soomaaliyeed oo marnaba aan ku riyoon in dib loo furi doono labadaasi goobood.

Maxkamadaha Islaamiga waxay bilaabeen inay dagaaal la galaan ganacsato ku sheegga waddanka soo geliya raashiinka dhaca, waxayna meel fagaare ah ku gubeen kumanaan kun oo raashiin dhacay ah. Waxaa kaloo Xusid mudan in maxkamaduhu dadka ay bareen inay is caawimi karaan oo ay ka maarmi karaan gacan shi sheeye, tusaale Abaarihii, Fatahaaddii iyo musiibooyinkii kale. Waxyaabaha kale ee ay maxaakiintu qabteen waxaa ka mid ah inay nadiifiyeen dhamaanba jidadka magaalada Muqdisho oo iyagu wehelka u ahaa 16kii Sano ee la soo dhaafay qashin buuro noqday, waxaa la yaab leh in bohol wayn oo ku taalay degmada Wardhiigleey oo dadkii degganaa marnaba ku hawoon meeshaan ayaa la dayac tiri doonaa ayaa iyaduna lagu sameeyay dayac tir ballaaran, waxaa kaloo maxkamaduhu ay dayac tireen xarumihii wasaaradaha iyadoo xitaa ay bur buriyeen gobo si sharci darra ah loo degganaa.

Xukunkii curdanka ahaa waxaa uu kolba heer soo maraba waxa ay maxkamaduhu bilaabeen inay xitaa heshiisiyaan beelihii dagaalku u dhaxeeyey oo mudadii lixda bilood ahaa oo ay jireen oo aan la maqal laba beelood ayaa isku dhacday.

Waxyaabaha ugu yer oo ay qabteen waxaa ka mid ah in xaywaanka Dameerka la yiraahdo oo awal dhibaato ku qabay birta laga geliyo afka ayaa waxa ay maxkamaduhu amreen in caygaas birta ah laga saaro laguna bedelo xarrig caadi ah.

Waxaas ay maxkamaduhu soo qabteen ayaa markii ay timaadey dawladda oo kaashanaysey ciidamada Itoobiya ayaa waxaa dib u soo laabtay wixii xumaan ahaa ee ay maxkamaduhu reebeen sida dhicii, af duubkii, dilkii, kufsigii iyo gabood faladii kale ee waa weynaa iyadoo dib loogu laabtay guryo iyo dhulal maxkamaduhu dadkooda horey ugu celiyeen dadkii lahaa, waxaa kaloo soo laabtay in meel fagaare ah lagu kala iibsado daroogooyinkii, waxaa kaloo dhacday in la farsameeyo qamriga loo yaqaano Calaqa, isku soo duuboo Maxkamaduhu waxay na tusiyeen ama dadka ku raja geliyeen in ay wax qabsan karaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Mobile-ka 3310 soo Rogaal celi : Waxaan waddanka imid iyadoo ay ka talinayaan qab qablayaasha.. Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH