SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Shir malintii labaad ka socdo hotel kaah

Feb 6, 2007

Iyadoo maalintii uu socdo aqoon-isweydaarsigii looga hadlayay dib u heshiisiinta iyo ammaanka ayaa looga hadlay kulankii maanta arrimo fara badan oo ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sidii ay ku suurogeli lahayd.

Prof. Cumar Aadan Qaaddi oo ah mid ka mid ah howl-wadeen shirkaas oo ay soo qabanqaabisay Golaha Dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed ayna maalgelisay Hay'adda UNDP ayaa sheegay in shirka maanta doodihiisa ay billowdeen, isla markaana looga hadlay maanta dhowr qodob.

Qodobka maanta looga hadlay ayaa wuxuu ahaa: WAA MAXAY TAARIIKHDA COLAADDA 16-KA SANO SOCOTAY & SABABIHII KEENAY COLAADDA, waxaana uu sheegay Prof. Qaaddi in qodobkaan ay si wanaagsan uga hadashay Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee ISMAACIIL JIMCAALE COSOBLE, oo uu sheegay inay soo bandhigeen taariikho ay ururiyeen.

Prof. Qaaddi wuxuu carrabka ku adkeeyay in dooddii maanta la soo bandhigay ayna ka hadashay hay'adda Ismaaciil Jimcaale ay ahayd mid aad u wanaagasan oo si weyn loo fahmay loogana dooday.

Mar uu ka hadlayay Prof. Cumar Aadan Qaaddi oo ah saxafi da'weyn qodobbada maalmaha soo socda looga hadli doono aqoon-iswedaarsiga ayaa yiri: "Maalmaha soo socda waxaa looga hadli doonaa aqoon-isweydaarsiga qodobbo dhowr waxaana ka mid ah: HUBKA DADKA MA XOOG BAA LOOGA DHIGAYAA, MISE MARKA CADDAALAD LA TUSO AYAA LAGA SUGAYAA INAY ISKA KEENAAN, sidoo kale waxaa looga hadli doonaa: SIDEE DIB U HESHIISIIN GUUD LOOGU QABAN KARAA DADKA SOOMAALIYEED OO DHAN iyo arrimo kale".

Sidoo kale wuxuu sheegay Prof. Qaaddi in kulankaan oo socon doona illaa Isniinta soo socota go'aannada ka soo baxa loo qaadan doono shirka dib u heshiisiinta ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku baaqday in lagu qaban doono dalka gudihiisa.

Prof. Qaaddi oo ka hadlay shirka dib u heshiisiinta Qaran ee dalka gudihiisa lagu qabanayo aqoon-isweydaarsigaanna uu gogol xaarka u yahay ayaa sheegay in lagu qabanayo shirkaas dalka gudihiisa balse aan la isku raacin goob cayiman, isagoo sheegay in aqoon-isweydaarsigaan laga surayo goobta rasmiga ah ee lagu qabanyo shir-weynahaas.

Kulan lagu taageerayo Magacaabista Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Banaadir.

kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye, ku xigeenkiisa Muxyadiin Maxamed Xuuti iyo Taliyaha Saldhigga Booliiska ee Degmada Balcad, waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay kulanka Odayaasha Degmada Balcad iyo tuulooyinka ku dhowdhow.



Nabaddoonnadii ka hadlay kulankaas ayaa waxay dhamaantood sheegeen inay taageersan yihiin maamulka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya la magacowday, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin maamulkaas ayna la shaqeynayaan.

Sidoo kale xubnahaan ayaa waxay ka sheegeen kulanka in maamulka loo magacaabay Degmada Balcad uu yahay mid caddaaladeed kana duwan kuwii horay loogu magacaabi jiray Degmada Balcad marka loo eego 16-kii sano ee ay dalka ka jireen dagaallada Sokeeye.

Xubnihii halkaas ka hadlay ee nabaddoonnada ahaa ee ka socday Beelaha kala ah: Moobileen, Mataan Cabdulle, Celi Cumar, Shiidle, Hilibi, Daa’uud, Kaboole, Maxamed Muuse iyo Udeejeen, waxaa ka mid ahaa:

Nabaddoon Cali Qaasim Faatixo
Nabaddoon Maxaas Maxamed Jiibaar
Nabaddoon Abuukar Xaaji Axmed
Nabaddoon Cali Cumar Maxamuud
Nabaddoon Cali Barsanji Huud
Nabaddoon Xaaji Mukhtaar Sheekh Muxyadiin
Nabaddoon Cumar Ibraahim Cosoboow
Nabaddoon Cadde Abshir Kude
Nabaddoon Shir Gaab Xuseen
Nabaddoon Macallin Cadde Cali Aybakar

Nabaddoonnadaan ayaa dhammaantood waxay ka soo jeedeen Degmada Balcad iyo tuulooyinkeeda waxayna qaarkood sheegeen inay ku dhasheen halkaas, isla markaana ay si buuxda u taageersan yihiin magacaabista Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u magacowday Degmadooda Maamul cusub oo ay u dhan yihiin beelaha halkaas wada daga.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH