SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 February 2007.
 
Gudhis: Ciidammada gumaysiga oo xadgudubyo u gaystay dadwaynaha.
 
Jabhadda EPPF oo askar badan ka laysay Wayaanaha.
 
Bannaanbax Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay Swedan.
 
Amnesty International oo Itoobiya canbaareeyay.
 
Barnaamijkii Xog-warran(Cidhibta dambe & Cawaqib xumada ay Leedahay Ummad Masiirkooda Loo diido)
 
Maxaabiis kasoo baxsatay Xabsiga Jigjiga oo aan waraysinay.
 
======================                    
 
Gudhis: Ciidammada gumaysiga oo xadgudubyo u gaystay dadwaynaha
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay xadgudubyo kala duwan oo ciidammada dac-darraysan ee gumaysatada Itoobiya ay u gaysteen dadwaynaha ku dhaqan nawaaxiga Gudhis, waxay sidoo kale dadwaynahaas ka boobeen hanti aad u fara badan. Ciidammada gumaysiga ayaa xadgudubyadan dadwaynaha u gaystay, ka dib markii maalmo ka hor si wayn loogu jabiyay dagaal halkaas ka dhacay.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 27/01/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Gudhis iyo nawaaxigeeda ka qafaasheen 45 nin, kuwaasoo ay ku rarteen sahaydii iyo adeeggii kale ee ay wateen. Dadkan ay ciidammada gumaysigu qafaasheen waxaa ka mid ah;
 
1-Mukhtaar Muxumed Tulux
2-Xasan Maxamed Aw Cali
3-C/nuur Muxumed Geelle
4-C/llaahi Kaad Sh Maxamed
5-Cabdi Sh Maxamed
6-C/llaahi Dheeg Maxamed
7-C/llaahi Wali Yuusuf
8-Shariif Suldaan
9-Maxamed Nuur Faarax
10-Manqas Muqaddin
11-Xuseen-Waddo
12-Bashiir Maxamed Nuur
13-Cabdi Xasan
14-Muxumed Cabdi Xayi
15-Gorad Maxamed Yare
16-Saalax Cabdi Xaashi
17-C/nuur Gadhwayne
18-Xabiib Sh C/raxmaan
19-Ibraahim Dhuubane Budul
20-Muxumed Sh Cumar
21-Axmed Wali Sh Mukhtaar
22-Cabdi Sanyare iyo
23-Busuri C/qaadir
 
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ka dheceen dadwaynaha ku dhaqan Gudhis iyo nawaaxigeed lacag gaadhaysa 30,000 oo Bir. Waxaa kaloo intaas dheer iyagoo dadwaynaha ka qashay ilaa iyo 60 Neef oo Adhi. Qaar ka mid ah dadwaynaha ay Adhyaha ka qasheen ayaan magacyadooda helnay, waxayna kala yihiin;
1-    Sh Maxamed Cabdi Xasan oo ay ka qasheen 7 Neef oo Adhi ah
2-    C/raxmaan C/llaahi Hudle oo 13 Neef oo Adhi ah laga qashay iyo
3-    Muxumed Suufi oo isagana 9 Neef oo Adhi ah laga qashay
Wuxuu kaloo wariyhu noo soo sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 01/02/07 ay ciidammada gumaysigu sidoo kale hanti fara badan ka boobeen dadwaynaha ku dhaqan Caynuun, isla markaana ay qaar dadwaynaha ka mid ah qafaasheen, si ay agab kala duwan ugu rartaan.
 
Intii u dhaxaysay 26 � 27/01/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen dhul-daaqeen ballaadhan oo ku yaalla deegaannada Duud Taleefan iyo Digawayne.
Dhinaca kale dagaal ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga ku dhex maray meesha lagu magacaabo Gar-balaayo, oo ka tirsan Dagaxle,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 20 askari.
 
Jabhadda EPPF oo askar badan ka laysay Wayaanaha.
 
Jabhadda marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano EPPF, oo ah Jabhad ka soo jeedda qowmiyada Amxaarada oo la daggaallanta maamulka kaligii taliye Meles Zenawi, ayaa warbixin ay soo saartay 03/02/07 waxay ku sheegtay inay askar ka laysay taliska Addis Ababa, ka dib markii ay weerarro ku qaaday xarumo ay ciidammada gumaysigu ku leeyihiin woqooyiga galbeed ee Itoobiya.
Jabhadda EPPF ayaa sheegtay inay weerarradaas ciidammada Zenawi kaga disahy 5 askari, 2 kalana ay kaga dhaawacday.
 
Jabhadda ayaa sheegtay inay weerarradan ciidammada Zenawi kaga gubtay shan baabuur oo kala duwan. Weerarradan ayaa dhacay intii u dhaxaysay 10 � 24 Janwari 2007.
 
Weerarradani waxay ka kala dhacen meelaha lagu magacaabo Maser, Ankarom, Abdulrafe iyo jidka isku xidha Himora iyo Gonder.
 
Bannaanbax Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay Swedan.
 
Maaintii axadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 04/02/07 waxaa caasimada dalka Swedan ee Stockholm ka dhacay bannaanbax wayn oo looga soo horjeedo duullaanka ay ciidammada Itoobiya ku qabsadeen dalka soomaaliya iyo duqaynta ay diyaaradaha Maraykanku u gaysanayaan degmooyin ku yaalla koonfurta Soomaaliya.
 
Dadka ka soo qayb galay bannaanbaxaas waxay gaadhayeen 2000 oo qof oo ka kala ymid magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Swedan, waxayna dadkaas socod ku mareen badhtamaha magaalada Stockholm, iyadoo warbaahin badani ay bannaanbaxaas ku soo xoomeen.
 
Bannaanbaxayaasha ayaa watay boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin hal-ku-dhagyo ka dhan ah xukuumadda Itoobiya iyo dawlada Maraykanka eek u taageertay duullaanka ay ku qabsatay dalka Soomaaliya.
 
Bannaanbaxayaashu waxay sidoo kale socod ku tageen safaarada uu dalka Maraykanku ku leeyahay magaalada Stockholm, iyadoo halkaas laga soo jeediyay hadallo iyo khudbado ku aaddan sida ay dadwaynaha soomaalidu uga xun yihiin in Maraykanku gacan ku siiyo xukuumadda Itoobiya inay qabsato dalka Soomaaliya.
 
Waxaa bannaanbaxan iyaguna ka soo qayb galay wakiillo ka socday xisbiyada dalka Swedan, ururrada xuquuqul insaanka iyo dad kale oo ajnabi ah.
 
Amnesty International oo Itoobiya canbaareeyay
 
Ururka xuquuqda aadanaha daneeya ee Amnesty International ayaa si wayn xukuumadda Itoobiya ugu canbaareeyay cadaadiska iyo cabudhinta ay ku hayso xisbiyada mucaaradka ah. Bayaan uu ururka Amnesty soo saaray maalnitii jimcaha ahayd wuxuu ku sheegay in tiro 40 qof ka badan oo ah taageerayaasha mucaaradka uu booliska Zenawi xidhxidhay, isla markaana jidhdil u gaystay.
 
Bayaankan wuxuu ururku ku sheegay in dadkani ay xidhxidhnaayen tan iyo badhtamihii bishii December, iyadoo loo diiday in wax xidhiidh ah lala sameeyo ama lagu booqdo meelaha ay ku xidhan yihiin.
 
Afhayeen u hadlay xukuumadda Zenawi ayaa sheegay in dadkan loo xidhxidhay tuhuno la xidhiidha isku day inqilaab ay xukumadda ku afgenbiyayeen.
 
Dadkan xidhxidhan ayaa la sheegayaa inay yihiin taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee CUD, oo madaxdiisii ugu sarraysay ay xabsiga ku jiraan tan iyo sannadkii 2005.
 
06 February 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00  waqtiga Afrikada Bari

 


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH