SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Siminaar ku saabsan AIDS-ka oo soo gebagabeysay OSPAD
  • Gabar Soomaaliyeed oo cudurka AIDS-ka ugu geeryootay Muqdisho

Siminaar ku saabsan AIDS-ka oo soo gebagabeysay OSPAD

Waxaa Hotel Saxafi Two lagu soo gebagabeeyey Siminaar Socday mudo saddex maalmood ah oo looga hadlayey halista Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS waxaana soo qaban-qaabiyey hay’adda OSPAD oo gacan ka heleysay hay’adda Global Fund iyo Hay’adda UNICEF waxaana kormeerayey hay’adda SCAC.

Siminaarkaan waxaa ka qaybgalay 50-xubnood oo ka kala socday xeryaha dadka Soo barakacay, waxaana intii uu socday cashiro ka bixinayey Batuulo Max’ed Mursal oo iyadu aad ugu dheeraatay marxaladihii iyo heerarkii uu soo maray cudurkaasi, waxayna sheegtay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurkaasi, taas oo ay sheegtay in ay ugu wacan tahay aqoon dari.

Dadkii ka qaybgalay siminaarkaasi ayaa si aad ah uga faa’iideystay, waxayna qaarkood soo bandhigeen dhacdooyin ku saabsan cudurkaasi oo ka dhacay dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in wixii halkaan ay ka ogaadeen ay u gudbi doonaan bulshada inteeda kale.Siminaarkaan oo ka mid ah siminaaro is daba joog ah oo ay qabaneysay Hay’adda OSPAD, waxa uuna sheegay guddoomiyaha hay’addasi Cabdi Nuur Cusmaan Weheliye in ay siminaaradani ugu tagaleen sidii ay bulshada ugu baraajun lahaayeen waxyeelada cudurkaasi, waxa uuna sheegay in hay’addu ay qaban doonto siminaaro fara badan si bulshada loogu wacyigeliyo dhibaatad cudurkaasi, maadaama dadka Soomaaliyeed ay deris la yihiin saddex dal oo uu dadkoodu dilooday cudurka AID-ka.

Gebagabadii siminaarkaasi ayaa waxaa ka hadlay mas’uul ka socday hay’adda Unicef oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Cumar oo sheegay in tababaraha noocaan ah ay uga dal leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed loogu wacyigelin lahaa cudurkaasi oo marba marka ka dambeysa ku sii badanaya dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uul ka socday ha’yadda SCAC oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Jimcaale oo isna sheegay in 1.5% ay dadka Soomaaliyeed qabaan cudurkaasi, waxa uuna sheegay in haddii aan la xakameyn uu faraha ka bixi karo, waxa uuna u soo jeediyey ka qaybgalayaashii siminaarkasi, in ay bulshada ku wacyigeliyaan sidii looga hortagi lahaa cudurkaasi. Waxaa kaloo ka Hadley Mukhtaar Xasan Cilmi oo sheegey in cudurkaan uu yahay mid halis ah oo loo baahan yahay in laga hortago

Gabar Soomaaliyeed oo cudurka AIDS-ka ugu geeryootay Muqdisho

Waxaa dhawaan Isbitaalka Xayaat ee Magaalada Muqdisho ku geeryootay gabar Soomaaliyeed oo qabta cudurka AIDS-ka kaddib markii ay eheladeeda iyo qarabadeeda ay ku deyriyeen cudurkaasi, isla markaana gabadhaasi la sheegay in laga keenay magaalada Baladweyne, waxaana lagu dhex taayey wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Gabadhaan oo ay ka muuqatay diif aad u daran ayaa waxa ay darxumo ugu nooleyd dariiqyada Muqdisho, waxaana markii dambe gabadhasi iyada oo tacbaan ah soo qaaday Haween ka tirsanaa Hay’adda COCWO oo daryeel u keenay isbitaalka Xayaat.

Gabadha oo ku jirtay xaalad aad u daran ayeysan suuragelin in la helo magaceeda iyo sida ay u ku qaaday cudurkaasi, hase yeeshee baaritaan uu ku sameeyey gabadhaasi Isbitaalka Xayaat ayaa aaqiritaankii wuxuu daboolka kaga qaaday in gabadhaasi ay qabto cudurka AIDS-ka waxaana markiiba loo bilaabay daawooyin kaalmaati ah si uu miirkeedu dib ugu soo laabto, basle nasiib daro, gabadhaasi wax badan siima noolaan oo ay waa ay geeryootay.

Dr. Xanafi Xaaji oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawlgasha isbitaalka Xayaat ayaa cadddeeyey in gabadhaasi uu geeryootay cudurka AIDS-ka, waxa uuna aad uga xumaaday daryeel la’aanta ay kala kulantay ehelkeeda iyo qaraabadeeda, waayo ma ahan in qofka cudurka AIDS-ka qaba la takooro oo laga faquuqo bulshada inteeda kale, maadaama aan cudurkaasi lagu kala qaadin taabasho iyo wada noolaashaha caadiga ah sida wax wada cunida iyo wixi la mid ah.


Sanadkii 2004-tii ayaa mar aan booqday Magaalada Jowhar ayaan halkaasi waxaan wareysi kula yeeshay gabar Soomaaliyeed oo iyana cudurkaani ku dhacay oo u geeryootay maalmo kaddib, waxayna iyana la kulan tahay daryeel xumo, balse waxaa markii dambe waxaa gabadhaasi gargaar u fidiyey isbitaalka Jowhar ee INTERSOS

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH