SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii:: Feb 2, 2007
  • IMAAM ABU LABAN OO GEERIYOODAY
  • Banaanbax Rabshado Watay Oo Lagu Diidan Yahay Xariga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan Iyo Wiilkiisa Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.....
  • Mucaaradad xooggan oo ka hor timid Magacaabista Maamulka Cusub ee Degmada Balcad
  • Baarlamaanka uganda oo kasoo hojeestay ciidamo udirista soomaaliya

IMAAM ABU LABAN OO GEERIYOODAY

Fiidkii caawa oo khamiis ah tr. 01.02.2007 waxaa geeriyooday aabihii dacwada islaamka ee dalka Denmark. Waa Sheekh Ahmed Abu Laban oo u dhintay cudurka dilaaga ah ee kansarka.

Tawaaduc qurxoon,  dadaal joogto ah oo uu dacwada ugu jiray, aragti xeel dheer leh, xikmad xammaasi wadata oo xaqa asiibta, shaqo aan kala go' lahayn, u-adeegidda danaha guud ahaan muslimiinta iyo isagoo aad ugu dadaali jiray inay muslimiinta si toos ugu xirmaan khaaliqoodii abuuray ayuu ahaa mashruucii uu sheekha Denmark ka waday laga soo billaabo billwogii 80-meeyadii markuu dalka Denmark yimid.

Waxyaabaha aanan marnaba la hilmaami Karin ayaa ah dowrkii dahabiga ahaa ee uu ka cayaaray U-NASRINTA RASUULKA (SCW), kadib markii 12 sawiro gacmeedyo foolxun lagu soo daabacay Wargayska Jyllands Posten, sawiradan oo si weyn aflagaaddo ugu ahaa maqaamka Rasuulka (scw), ayna si weyn muslimiinta uga caroodeen.

Sh. Abu Laban wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii ama hal-abuurihii guddigii soo jeediyay in loo howlgalo difaacidda Rasuulka (scw), dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa kooxdii dibadaha safarada ugu aaday, si ay muslimiinta uga dhaahiciyaan arrintan iyada ah.

DIFAACA RASUULKA::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 |

Sheekhu wuxuu ku dhashay Falastiin sannadka markuu ahaa 1948-kii, hase ahaa wuxuu ku barbaaray waxna ku bartay dalka Masar. Waxbarashadiisu waxay ahayd engineering, hase ahaatee wuxuu kaloo qaatay waxbarashooyinka la xidhiidha culuumta islaamka.  

Kahor intuusan sheekha iman Denmark wuxuu ka soo shaqeeyay dalka Nigeria. Billowgii siddeetameeyadii ayay ahayd markuu yimid Denmark, wuxuuna durbadiiba aasaasay masjid lagu magacaabo Masjidka Towba, kadibna wuxuu sheikh iyo khadiib joogto ka ahaa Waqafka/Masjidka  weyn ee Muslimiinta ee ku yaalla Copenhagen, xarunta dalka Denmark.   

Waxaa sheekha la aasi doonaa jumco (Feb 2, 2007), salaadda casarka kadib, waxaan Allaah uga baryaynaa inuu u naxariisto sheekha, ehalladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin

Qore: Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com


Afhayeenka RRP: DFKMG ma Shaqayn doonto Haddii aan Lala Heshiin Maxakiimta Islaamiga ah
  • DFKMG wadahadal hala gasho Xasan Daahir Aways
  • Qaraxyada Muqdisho halagu bedelo mudaharaad Joogto ah
  • Maamulka Puntland waxa uu ku tilmaamay Keligii talis
  • Shirkadaha Macdan baarita Puntland waxa uu ku tilmaamay Maafiyo
  • Akhri halkan....... GUJI...

Banaanbax Rabshado Watay Oo Lagu Diidan Yahay Xariga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan Iyo Wiilkiisa Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.....

Feb 1, 2007: Banaanbax lagaga soo horjeedo xariga ay Dowlada Kenya uu u xiran yahay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan iyo wiilkiisa Cumar Abuukar Cumar oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada muqdisho ayaa maanta ka dhacay agagaarka Hotel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan oo ay boqolaal dadweyne ah kasoo qayb galeen ayaa markii dambe isu bedelay mid rabshado wata islamarkaana waxaa wadooyinka agagaarka hotel ramadaan lagu gubay taayiro iyadoo ay banaanbaxayaashu wateen sawirka xaaji abuukar cumar cadaan ayaa waxay ku dhawaaqayeen hala soo daayo Xaaji Abuukar Cumar Cadaan iyo wiilkiisa Cumar Xaaji Abuukar Cumar , iyadoo wadada isku xirta Ex-kantarool ilaa fagaxna ay gooyeen dibad baxayaashu islamarkaana aysan jirin wax gaadiid ah oo maanta isaga kala gooshay xiligii ay socdeen banaanbaxani .

Dadka banaan baxayey oo wejiyadooda ay ka muuqatay carro xoogani ayaa ku dhawaaqayey Erayo ka dhan ah Dowlada Kenya islamarkaana ay qaylo dhaan iyo cod dheerba ku sheegayeen in lasoo daayo xaaji abuukar cumar cadaan iyo wiilkiisa .


Maaha Markii ugu horaysay ee sidan oo kale magaalada Muqdisho diabad baxyo noocan oo kale ah ka dhacaan oo lagu codsanayo in la soo daayo xaaji abuukar cumar cadaan iyo wiilkiisa todobaadkii nasoo dhaafay ayay ka dhaceen dibadbaxyo sidan oo kale ah oo lagu codsanayo in dowladda Kenya ay dib ugu soo celiso xoriyadooda ganacsade Xaaji Abuukar Cumar caddaan iyo wiilkiisa .

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo 70 sano jir ah ayaa waxaa lagu Qabtay magaalada libooya ee dalka Kenya, ka dib markii ay golaha maxaakiimta i islaamka lagaga awood badnaaday weeraro cirka iyo dhulka ah oo ay u adeegsadeen ciidamada huwanta ah ee Ethiopia iyo maraykanku islamarkaana xaajiga lagu tuhmayo in xagga dhaqaalaha uu ka taageeri jirey maxaakiimta islaamka soomaaliyeed.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Mucaaradad xooggan oo ka hor timid Magacaabista Maamulka Cusub ee Degmada Balcad

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Mataan Cabdulle oo maanta shir isugu yimid ayaa waxay ka soo saareen qoraal ay kaga soo horjeesteen maamulkii shalay ay dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Degmada Balcad ee Gobolka shabeellada dhexe.

Qoraalkaan oo uu ka hor aqriyay saxaafadda Malaaqa beesha Mataan Cabdylle Malaaq Xuseen Maxamed Nuur ayaa wuxuu u qornaa sidan:

Anigoo ah Malaaq Xuseen Maxamed Nuur, waxaan caddeynayaa in magacaabista Mas’uuliyiinta Degmada Balcad ee dhawaan wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Marwo Fahmo ay ku saxiixday si hoos-gelis ah; iyadoo kala tashan dadkii deegaanka iyo duqowda dhaqanka ee Beesha Mataan Cabdulle.

Waxaan kaloo xusiisinayaan in siyaasadda, arrimaha dhaqanka iyo magcaabista xilalka kala duwan ee ku saabsan arrimaha beesha Mataan Cabdulle oo aan aniga ka ahay mas’uulka 1-aad ee lagala tashanayo iyadoo saxiixayga oo qoraal ahna aan ku soo gudbinayo ciddii mudan in xil ay u qabto beesha.

Waxaan uga digayaan Dowladda iyo odayaasha inay ka digtoonaadaan inaysan ku xadgudbin nidaamka federaalka ee goboleysiga iyo mas’uuliyadda dimoqraadiyadda ku dhisan iyo rabitaanka shacabka.

Wixii intaas ka dambeeya waxaan beesha Mataan Cabdulle ogeysiinayaa inaysan u garbin go’aan aan loo dhameyn oo aan anigu ansixin inuusan fuli doonin, taasoo looga hortagayo in beesha dhexdeeda ay ka dhalato khilaaf dhalin kara inuu dhibaato horseedo.

Ciddii isku dayda in si gooni ah ay wax u gudbiso waxay qaadi doontaa dhibka ka dhasha mas’uuliyaddeeda, waxaan kaloo ku boorrinayaan dhammaan beel weynta Mataan Cabdulle ee dalka iyo dibadda ku nool inay u hoggaansamaan qoraalkaan.

Wabillaabi Towfiiq
Malaaq Xuseen Maxamed Nuur

Xubnihii ka qaybgalay kulanka waxaa ka mid ahaa:

1. Malaaq Xuseen Maxamed Nuur
2. Nabaddoon Goomeey Calasoow Cosoble
3. Nabaddoon Max’ud Sheekh Axmed Mataan
4. Nabaddoon Faarax Axmed Max’ed (Faarax Bintow)
5. Nabaddoon Muuddeey Maxamed Maleele
6. Nabaddoon Xasan Cali Maxamed (Ceegaag)
7. Cali Maxamed Xasan (Cali Koonfur)
8. Bashiir Maxamed Muuse
9. Max’ed Nuur Xuseen


Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Baarlamaanka uganda oo kasoo hojeestay ciidamo udirista soomaaliya

Qaarkamid ah baarlamanka uganda ayaa shalay shir ku qabtay xaruuntooda shirkaasi oo ay kaga wadahad layeen ciidamo udirista dalka soomaaliya taasi oo ay mar horay soo go,aamisay doolada uganda.

tirada iskugu timid shirkaasi ayaa waxay kakoobanaayeen 45 qofood oo diidan tiro aad ubadanna way ka maqnaayey waxaa kaloo kasoo qeebgalay wasiirka defaaca uganda Mr Ruth Nankabirwa.

intii iskugu timid shirkaasi 95% way kasoo horjaysteen ciidamo udirsta dalka soomaaliya taasi oo keeni karta in uu qilaaf kadhasha ama uu ku yimaado dib u dhac weyn ciidamo udirista dalka soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamanka Mr Edward Ssekander ayaa waxuu sheegay in kala maqnaanshaha xubnaha baarlamanka micnaheeda aysan aheen baarlamanka shaqadooda maqabsankaraan

You faithfully
Abdukadir adam (abdilucky)

oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

Dowladda Fedaraalka ah oo isku khilaafsan ka qaybgalka shir dib u heshiisiin ah…
.Shariif Xasan oo sheegay inuu yahay weli Gudoomiyaha
.Shiikh Aadan Madoobe oo ku guuleystey Xilkii Gudoomiyhii
.Muxuu Ku Soo Gaba-Gaboobay Shir Madaxeedkii Afrika
.Qoraal looga soo horjeedaan dowladda FKMG...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Feb 1

Maxkamadaha Islaamiga oo Wadahadalka Nabadda ku Xiray Bixitaanka Itoobiya
Waraysi uu wargeys Spanish ah la yeeshay Mustafa Axmed oo ah lataliyaha Shariif Axmed ayaa sheegay in..
Akhri waraysiga

Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH