SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhdii Innaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad

Qore : Faisal Salah,
 E-mail: fisalsh@hotmail.com

Imaam Axmed Guray (1506 – 1542)

Qaybtii: 1aad | 2aad |

Dagaalkii ayaa bilowday xabashidiina weey soo dhaqaaqeen dhankii muslimiinta, fooda ayaana laysdaray markan ,waxayna kusoo duuleen oo dagaalka kabilaabeen dhankii midagta sidii hal qof oo kaleeto ,muslimiintuna weey kusabreen .

Waxaa kaloo soo dhaqaaqay hadana qayb kamid ah midigtii xabashida oo kuduushay bidixdii muslimiinta. Qabiilka Tigreyga iyo kuwa kaleetona waxay abaareen dhexda muslimiinta oo Imaamku kujiray, waana lays dhexgalay oo laysku martay.

Dagaalkii waa kululaaday ,dhiig badana wuu qulqulay ,warmuhuna xaga iyo xaga ayay isudhaafayeen. Bidixdii muslimiinta ee soomaalidu kujirtay ayaa soo yara liicday, waxayna xabashidu kadishay 3000 nin ,qaarkaleetona weeyba qafaasheen. Muslimiinta intii hartay waxay kusoo biireen dhexdii. Midigtii muslimiinta ee xarluhu taagnaa waxaa qarqisay xabashidii weyna riixeen muslimiintii ,iyana markaas ayay dhexdii muslimiinta kusoo biireen.

Weerarkii bartamihii ayuu isugu urururay markan ,halkaasoo uu kujiray Imaam Axmed Gurey ,markaas xaalkii dagaalku waa cuslaaday oo gaaray ama socday barqadii ilaa casarliiqii, waxaase dhacday in muslimiintii iskawaabiyeen ,gaaladiina weey jabtay aakhirkii aad ayaana maydkoodii ubatay gelinkii danbe ,dib ayay ugurteen ,kadib markii meydkoodii taalooyin kaleeto noqday ,muslimiintii waxay bilaabeen Allaahu Akbar ,xabashidii waxay noqdeen wax carara oo labaacsado iyo wax laqafaasho, wax dhitay, markaasaa allaahu akbartii islakacday .

Ragii ugu caansanaa ee maalintaas meeshaas meydkoodii lawaray waxaa kamid ahaa baaderigii la oran jirey ROOBEEL oo Tigrey ahaa,waxaa dilay wiil imaamka ushaqeyn jirey oo ladhihi jirey ARCDE .

Imaam Axmed gurey laftiisu waxa uu dilay baaderigii CAQBA, waxa uuna lahelay waran laabta kageliyay ,sidiisii ayuu dhabarka uga baxay warankii. GARAAD DIIN waxa uu isna goobtaas dhigay baadirigii SIIRI SHOOM. Baadiriga ZAMAN JAAN oo ahaa baaderiga Wasn sajad ina adeerkiis isna waxaa dilay Wasiirkii Cadli. Baaderigii MAXANDHI waxaa isna falaar kudilay nin Soomaali ahaa. Baaderiga SOONJEEL waxaa dilay Cabdirisaaq oo ahaa amiir Mujaahid walaalkiis. Waxaa kaloo goobtaas lagu dilay baaderiyada NABTIIN, CAMDOO. Waxaa goobtaas laga dilay qiyaastii xabashida 10 000 ciidan kudhoow ,114 baaderi oo mid la arkaaba hogaaminaayey 1000 fardooleey ah.

Waxaa muslimiintu boqonta gooyeen 600 oo fardihii xabashida ahaa ,Muslimiinta waxaa kaga dhintay ilaahay shahaado hasiiyee ciidan aan kayarayn 5000 nin dhamaan Soomaalida, Xarle, Carab iyo Masleey. Waxaay qaniimaysteen maal aan lakoobikarin.

Waxay muslimiintii qafaasheen Baaderi boqorka xididkiis ahaa oo layiraahdo Tekhli Madxan,wuxuuna isku furtay 500 wuuqiyadood oo dahab guduudan ah.

Guushaas weyn markaay gaareen muslimiintii uu hogaaminaayay Imaamku waxauu go,aan ku gaaray in muslimiinta ku hogaamiya sidii aay dhulka xabashida deganayd gudaha usiigalaan, si uu isuraaciyo inta ciidankoodii kaharsanayd ,hase yeeshee waxay muslimiintii ucawdeen Imaamka sababtoo ah daalka hayay iyo waxay soo mareen waxayna kacodsadeen inaay mudo nastaan .Markaas ayaa Imaamku kusoo laabtay dhulkiisii waxa uun nastay bilaha Shacbaan, Ramadaan iyo qayb kamid ah Shawaal, dabadeedna waxa uu kicitamay xagaas iyo DAWAARE, waxa uuna kasoo galay dhinica webiga webigaas oo ah mid aad uweyn oo biyo badan ,yaxaasna leh, bahalo kaleetona dhexmaaxayaan, waxa uuna kushubmaa dhanka Muqdisho xigta. Waxa Imaamku ciidankiisii ukala qaybshay labo markan danbe. Qayb uu hogaaminaayo wasiirkiisii Nuur Ibraahim ,qaybta kaleetona waxaa hogaaminaayay Imaamka laftiisa. Muslimiintii waay soo socdeen ilaa ay kayimaadeen GAWAATIR, markaas ayaa waxaa dagaal kaga horyimid baaderi layiraahdo ADAL MABRAQ waase lajebiyay,isagiina waa laqafaashay. Waxaa lasheegay ninka baaderiga qafaashay inuu ahaa nin lug iyo gacan la'aa, kadib mar uu xad galay Imaamku amray in is dhaaf lagooyo ,waxaana magaciisa la oran jiray TAKYA.

Dabadeed Imaamku waxa uu kuduulay magaalada RAAS BANIYAT, laakiinse baaderigii xukumay magaaladaas wuu kacabsaday Imaamka ,waxuuna kula heshiiyay Imaamka inuu xoolo bixiyo oo sooro ,Imaamkuna kagudbo oo aan wax layeelin. Waxa makaas Imaamku ugudbay Meesha layiraahdo MASEEXIB ,cagtuu mariyay dhulkuna si fiican ulasimay .

Waxaa Imaamka iyo ciidinkiisii ugasii gudbeen Meesha layiraahdo MII-FALAX iyada cagteey mariyeen waxii meeshaas hanti taalayna waa qanimaysteen.Waxaa jiray nin asalkiisii hore muslim ahaa ,kiristaankana galay oo boqorka xabashidu dhul weyn ugooyey waxaa ninkaasi duulaamo kusoo qaadi jiray muslimiinta .Markii Imaamku dhulkiisii kusoo dhawaaday ayaa Imaamku cid udiray kuna yiri adigu waxaad ahaan jirtay nin muslim ah ,aabihiisna muslim yahay ilaa iyo waa hore ,waxii dhacayna allaa qadaray ,markaa Ilaah utoobad keen oo Islaamka kusoo laabo ,walaalkayona noqo ,raxmada allena hakaquusanin.

Markii ergaygii uyimid ayuu waxuu ku yiri wax badan oo dhac iyo boob ah ayaan muslimiinta kusameeyey waxaana kabaqayaa hadaan idiin imaado inaad arimhaas ii qabataan. Waxaa Imaamku ugu warceliyay hadaad naga mid noqoto waan ku cafinaynaa .Raajix markaas waxa uu dhahay iisoo dira amiir ciidan weyn wata ,si aan idiin tuso Jiriidadii xabashidu meesha aay taalo. Waxaa markaas Iimaamku usoo diray wasiirkiisii CADLI oo ciidan xoogle wata markaasaa xabashidii noqotay wax ladiloiyo wax laqafaasho, xoolihiina waa lasoo qaatay ,waxayna saldhigi Imaamka kusoo noqdeen iyagoo RAAJIX lasocdo.

Dabadeed waxaa dhacday goobo dagaal oo badan oo labada qoloba aay muujiyeen geesinimo iyo sabir aan taariikhda lagumaqal. Kadib Imaamku waxa uukusoo yara noqday Harar ,dib ayuuna isuhabeeyey ciidan badana wuu soo ururusaday ,waxuuna kusoo rogaalceliyay si dhaqso ah dhulkii xabashida. Xabashidu sidoo kaleeto abaabul ayaay galeen waana is ururusadeen. Waxaa markaas fooda layskudaray meel layidhaahdo ”ANDAAKIYA”. Muslimiintu waxay ka koobnaayeen 500 fardooleey ah iyo 10, 000(toban kun) lugleey ah .Xabashiduna waxay ahaayeen 6000 fardooleey ah iyo 100,000(Boqolkun) lugley ah, Laakiin markan waxaa Imaamku watay hub kamid yahay madfacyo.

Imaamku waxa uu soo soocday 10 nin geesiyaashiisa ugu horeeyey ,kuwaas oo kala ahaa: Amiir Saxrbooy, Axmed Guweeta, Amiirka Cali,Garaad Axmed Laad Cismaan, Amiirka Abuubakar Qudeyn, iyo Takiya oo ahaa ninkii lugta iyo gacanta la,aa ee aan soo sheegnay.

Waxaa Imaamku ku amray ragaas inaay uraacaan ”BAALI” halkaasoo askarta xabashidu dhibaato kuhayeen dadka muslimiinta ah. Waxa uusii qaatay dagaalkan madaaiic ,waxaana madaafiicdaas yaqaanay ciidanka muslimiinta ee carabta ,waxa Imaam ku amray ninkii ciidanka carabta hogaaminaayay inaay ridaan madaafiicda kuna gano meesha xabashidu joogtay, madfacii ugu horeeyey markaay maqleen arkeena ayay xabashidii isku dhexyaacday jihadii dagaalka ay qorsheysteena iskaga dhexyaacday ,markaasaa ninba meel ucararay oo waxaaba dhacday in ucarareen meel kaduwan meeshii aay ucarareen baaderiyadii dagaalka hogaaminaayay. Ninkii TAKIYA waxa uumeeshaas kadhigay wadcaro dagaalkaas ,bal waxa lasheegaa inuu ku yiri Imaamka Ilaahay idinkiis jeedalkaan gacantayda kujira waxaan kudhufan doonaa farasfuul xabashi ah ,faraskiisana waan kaqaadan doonaa ,sidii uusheegay ayayna noqotay oo waxuu maalintaas jeedalka lahelay nin faras fuushanaa oo xabashidii dagaalka kujirtay kamid ah ,faraskiisiina wuu qaniimaystay. Goobtaas dagaalkaasi kadhacay waxay lamid ahayd ama u ekayd kii kadhacay ”SAMABUR KUURI ”waxa xabshi meeshaas lagudilay badidood.

Dagaaladii waxii xiligaas lagajoogo waxay noqdeen kuwo aan kala joogsan ,weeyna sii kululaadeen aad baana loodagaalamay xabashiduna isudifaacday ,waxaa dhacay in xaabshadii kaniisadihii kasoo dagaalameen ,markaa kaniisadii Andaakiya weey gubatay kadibna saas ayaa laguqabsaday waxayna ugu tageen muslimiintu xoolo badan kana qaniimaysteen, waqtigaas taariikhda hijriga waxay ahyd bishii Rajab shanteedii 937 Hijriyada.

Wasiirkii Cadli ciidan uu watay ayaa aad usii dhexgalay gudaha dhulkii xabashida sifiican ayuuna ugu tiimbaday si fiicana waa ugu guuleeystay dagaalka ,dadkii uu kaqafaashay xabashida waxaa kamid ahaa labo nin oo madaxda xabashida kamid ahaa,waxay soo bandhigeen in midkood isku furto 200 wuqiyadood oo dahab ah ,midkii kaleetona 100 wiqiyadood dahab ah lana siidaayo markaas ,laakiin wasiirkii Cadli waa kadiiday labadaas nin wax madax furasho ah ,balse waxa uu ku amray in qoorta laga jaro labadaba waana ladilay labadiiba.

Wasiirkii Nuuur isna dhanka dagaalka uu kaga jiray waxa uu soo qafaashay ”AZMAJ oo ahayd naagtii nin kamid ahaa baaderiyadiii xabashida hogaaminaayay ,weliba caruurtiisana weey lajirtay dagaalkaasina waxa uu kadhacay beledka layiraahdo ”SHARKHA”. Baaderigii markii warkaasi gaaray ayuu go,aan kugaaray inuu muslimiinta isudhiibo diinta Islaamkana qaato, wuuna islaamay reerkiisiina waa looceliyay, dad badana oo lasocdayna weey soo Islaameen.

Dabadeed waxaa Imaamkii soo gaaray markan meesha layidhaahdo ”CANDUURA” isagoo aay lajiraan wasiiradiisii ,meeshaas waxaa kutiilay kaniisadii ”LUUSIN”ee kamid ahayd kaniisadaha kuwa ugu waaweyn ,dabkii ayaa qabsaday weeyna gubatay ,waxii xoolo lagugaarayna weey qaniimaysteen. Dagaaladii aad ayaa marba marka kadanbeeysa ugujabayeen xabashidu ,markaas kadib ayaa boqorkii xabashida dib usoo urururiyay ciidan cusub waxaanu madax uga dhigay markan ”TEKHLE SOOS”oo aay lasocdaan markaaan 30 baaderi oo Tigrey ahaa iyo labo nin oo lakala oran jiray Cumar ,Sokokona oo horey muslimiin u ahaan jiray ,hase yeeshee gaaloobay ,boqorka xabashiduna siiyay una gooyey dhul u gaar ah kuna noolaadaan. dagaalkan madaxdii cusbayd ee Tigreeyga aad ayaay ugu hoobteen .


1. Addis Ababa 2. Afar 3. Amhara 4. Benishangul-Gumaz 5. Dire Dawa 6. Gambela 7. Harari 8. Oromia 9. Somali 10. SNNPR 11. Tigray

Markii Imaamku kudhawaaday beledkii nimankii ridoobay ayay cabsadeen ,waxayna u dhuunteen ciidankii Imaamku watay ,waxaase lagu amray inaay beledkan ka warbixiyaan ,weeyna warameen sirtiina weey sheegeen .Dagaalkaasi waxa uu kadhacay meel tog ah ,muslimiintii ayaana weerarkaas bilowday waxaa ugu horeeyey wareerka qaada ciidankii ”SABRUDIN” oo ahaa ninki haystay ”WASHLA”kadib furashadeedii. Aad ayuu ugu fogaaday inuu gudahasiigalo,waxaana gurmad ahaan uga daba tegay Cali Al waradi, Cabdala Bin Nasirddin Al xamawi iyo Aadish Bin Maaxi ,weliba ninkaa danbe intuu seefta lakala baxay ayuu baaderigii ciidamada watay ee Thekhle Soos qoorta kagajaray ,madaxiisii iyo jirkiisiina ku kala gooyeey seef. Markii baaderigii hogaaminaayay ladilay ayaay si fiican u sii jabeen ,waxaan lasii dilay baaderiyaal badan oo sidoo kaleeto Abuubakar Bin Garad Yamaj waxa uu dilay SLOMO ,baadeiyaasha kalaahaa MARJAAY iyo SHUUTLAY waxaa qafaashay Farshaxam Cali ,dabadeed Shuutleey wuu Islaamay ,weliba Islaamnimadiisii weey hagaagtay oo dagaalkii jihaadka ayuuba kaqaybgalay kuna shahiiday . Kadib Marjaay isna wuu soo Islaamay jihaadkuuna kaqaybqaatay .Waxaa kalo maalintaas laqafaashay baaderiyaasha kamid ahaayeen KEFLI, ESIIR, JERJIS oo haystay GOOJAAN, waxaa kaloo lalaayay 130 baaderiyada uguwaawaynaa maalintaas. Kumanyaal fardoolay iyo lugleey isugujirayna waa laxasuuqay dagaalkaas, waxay gacanta kudhigeen ciidankii muslimiinta ee Imaamku hogaaminaayay 500 faras iyo hanti kaloo farabadan. Dabadeed waxaa Imaamku go,aan ku gaaray inuu kadaba tago firxadkoodii isagoo kusii jeeda HAWAASH ,waxa uuna ugu sii gudbayay DELMIIDA kadibna usii dhaafay XIMIIT ,waxaana mujaahidiintii looqaybiyay qaniimadii isugu jirtay Fardo, Dameero iyo hanti kaleeto.

Imaamku waxa uu abaaray una kicitimay dhinacaa iyo QANBUURAH,iyo suuqa DAWAARA ,runtii dadka dawaaro deganaa waxay ubadnaayeen muslimiin Jizyada siiya baaderiga Dawaaro. Markaay ka warheleen Imaamka ayay tashadeen waxay taladoodii kudhamaatay inaay Imaamka heshiis kadalbadaan ,xataa waxay go,aan kugaareen reer Dawaaro inaay diidan amarka Najaashiga xabashida haduu kadalbado inaay dagaalamaan ,waxay kaloo dalbadeen qofkii raba inuu Islaamo inaayan udiidaynin oo is hortaagaynin ,kuwooda raba inaay sii haystaan kiristaanimadoodana haysankaraan ,Imaamkiina wuu aqbalay heshiiskaas ,hadiyadoodiina waa aqabalay ,markaas ayuu si nabad ah ugu gudbay MAAYA .

Boqorka xabashidu waxa uu joogay meel labo malamood loogasocda maaya, wuuna ogaaday in Imaamku kusoo socdo, markaa waxaa Imaamku kuduulay dhinaca Baadiqi isagoo filaayay in boqorkii xabshidu kujiro oo usoo bixidoono dagaalka. Markuu webiga layiraahdo DOOKHAN soo gaaray Imaamku ayuu waxa uu arkay Imaamkii dab weyn oo ka ololaayay bartamaha Baadiqi ,waxa Imaamkii uyeeray baaderigii Islaamay ee la oran jiray JIIB oo markaas lasocday ,waxa uu weydiiyay bal inuu garanaayo meeshaas dabku kabaxayo ? wuxuu ugu jawaabay meeshaasu waa guryihii Boqorka ,waxa uu weydiiyay bal inu garanaayo sababta dabkaasu ugabaxaayo ? waxa uu ugu jawaabay misana aan caawa halkeenan barino ,warkana waan helaynaa ,wax yar kadib waxaa soo maray Tujaar muslimiin ahayd oo baadiqi degan oo sheegay in boqorkii uu joogay ”JEBERJI” marku maqlay muslimiintii oo soodhoow ayuu soo diray baaderi baaderiyaashiisa kamid ah ,waxa uuna kunyiri baadiqi tag oo guryahayga iyo guryaha walaalahayna gub intaan muslimiintu kaaga hormarinin oo aysan berito oranin anagaa gubnay guryihiisii, kaniisadase hataaban maxaa yeelay kutubteena inookuma banaana gubideedu.

Markii waaguberyay ayaa Imaamku waxa uu u diray koox ciidan ah oo uu hogaaminaayo Farshaxan Cali ,waxayna galeen kaniisadii oo yaaliin macatabyo kirishtaan dahab kasamaysan ,weliba dahabka gaduudan .Dadabadeed Imaamka iyo ciidamadiisii waxay kuduuleen tuulada layiraahdo ”ANDUUTNA”oo ahayd tuuladii boqorka ,waxa uuna kulahaa guri aay kujiraan sawiro badan libaaxyo iyo dad iyo shimbiro leh ,gurigii ayaya muslimiintu galeen weeyna gubeen ,boqorkii xabashidana kama fogayn meeshaas wuuna arkayay ciil iyo cadho ayuu lahagoogtay isagoo ooyaya ayuu ciidamo soo urursaday ,waxa uuna soo aaday xaga muslimiinta ,waxaase udhaxeeyey webiga HAWAASH aad ayuuna markaas ubiyo badnaa oo cidna magoynkaraynin. Sahankii muslimiintu waxay soo sheegeen in xabashidii soo gaartay webiga, waxaa Imaamku diray markaas Cabdinaazir oo ahaa ninkii haystay”JINIZ”iyo BISHAARA”iyo rag kaleeto kamid ahaayeen Shamcoon,Sabruddin, Cali waraadi,waxa una kudaray 30fardolay ah si aay usoo ogaadaan xaalada xabashida ,waxayna yimaadeen webiga daantiisa ,weeyna is arkeen iyagoo daanta kaleeto jooga webiga boqorkoodiina lasocdo, hadallo caay ah iyo isufaan ayaa lays-weedaarsaday cidina cida kaleeto umag udbi karto markaas .dabadeed xabashidii waxay unooqtay xaga dhulka ”WARB”.

Muslimiintii waxay kufideen dhinacyada oo dhan iyagoo kaniisado badan furtay ,waxaana kabuuxay dahab,maar,iyo hanti qaali ah lasoo koobikarinin.Muslimiintii waxay kagudbeen webigii Hawaash markii biyihii yaraadeen waxayna tageen ”JEBERJI”waxayna sidoo kaleeto gubeen gurigii boqorka markaasuu waxa uu ucararay ”NAZARJAX” oo dhulka DAAMUT katirsan ,halkaasna waxaa uguyimid baaderi weyn xagooda oo ladhihijiray ”WASAN SAJAD” kuna magcaabi jireen Aabihii masaakiinta waxayna uga cabsanjireen si aanay xataa boqorka ugacabsan ,markaasuu kadhexkacay oo kuyiri baaderiyadii kaleeto sidee uga raali noqoteen in waxaas oo tacab iyo dhibaato ah muslimiintu idiingeystaan idiinkoo og taariikhda inaanay soo marinin Aabayaashiin iyo Awoowayaashiinba waxa muslimiintu idinka idinku sameeyeen weliba inaan xataa Muslimiintii hore madaxda ahayd aanay weligood idiin gelin waxa ninkaan Imaamka ahi idiinku sameeyey ,waxaas oodhan waxay udhacday idinka dulmigiina iyo kuxadgudubkiina markaasaa alle idinkusoo saliday muslimiintii ,dhulkiinii oodhan cagta mariyaan idinkan qaadeen dhulkiinii ”Dawaaro, Baadiqi, Baraara,oo weliba kaniisadii baaderigiinii ugu weynaa kuduugnaa gubaan iyo sanduuqii uukujirayba oo aay waxaas iyo wax lamid ah kaleeto idinkufalaan.

Markaay hadalkii "Wasan sajad" maqleen ayay yiraahdeen waxaad rabto nagu amar diyaar ayaanuna unahay inaanu muslimiinta dagaal kala hortagnee hortaadana kuwada dhimano, "Wasan sajad" waxa uu dhahay waxii dhacay dhace iminka ee hada kadib rag noqda,warqadna waxa u uqoray Imaamkii waxuuna ku yiri waxaad tihiin muslimiin anaguna waxaanu nahay Nasaaro waxaanu kusoo duulijirnay dhulkiina waxna waanu dhicijirnay waxna gubi jirnay ,laakiin maanta idinkaa naga gacansareeya ogaadana guushu joogto ma ahan waxa aad hada fashay kugu filan dhulkaagii kunoqo, hana isugusheekaynin naftaada oo hays oran waxaad kujebisay boqorkii ”Sambuur kuuri, Antaakiya,Aazri,naftaaduna yeey kuubeensheegin ,boqorkiina maanta waxa uu haystaa ciidamo farabadan oo aadan weliga aarag oo maqal hadaba beledkaaga kunoqo weliba waxaad qaniimo iyo dahab heshayna qaado ,hadii kaleeto balanteenu waa maalinta sabtida ,xusuusona iminka waxaan ahay ninkii dilay walaalkaa Garaad Abwan Garaad Ibraahim isagoo kaa weynaa adiga ciidankiisiina waan jebiyay taasna marar badan hore ayaan sameeyey, hana umalaynin inaan ahay anigu baaderiyaashii aad soo aragtay kaleeto .

Markii waraaqdii baaderiga "Wasan sajad" utimi Imaamku wuu xanuunsanaa ,Ragii saraakiisha ahaa ee ergayga ”Wasan sajad” qaabilay waxay kuyiraahdeen horta arinta aad nagu bajisay ee is araga sabtiga waxaa culimadayadu noo sheegeen inaay maalintaasu tahay geeridaadii, waxaanuna aad ujecelnahay dagaalkaaga ,dhulkana kategimayno ilaa aan dhulkoo dhan qabsano ilaahay idinkiis. Ergeygii wuu kunoqday warkii muslimiintana wuu usheegay ,markuu hadalkaas maqlay baaderigii welwel iyo baqdin ayaa gashay ,markaasuu Imaamka kusoo warceliyay hadana isagoo leh hadalkaaygii hore waxaa iigeeyey cabsi aan kabaqay boqorka iyo baaderiyaasha kaleeto ,laakiin ragayga diintuna waxay iisheegeenba inaan gacantaada soo gelidoono ,markaa haduu arinkaasi rumoobo oo dhaco ninyahoow ii naxariiso.

Markii ninkii fariinta waday Imaamka soo gaaray wuu qoslay Imaamku waxuuna ku yiri Imaamku waxaad kutiraahdaa hadaad gacantayada soo gasho waan kuu naxariisan doonaa Inshaa Allaah.

Lasoco qaybta 4aad ee jihaadkii Imaam Axmed Guray (1506 – 1542m).

Akhri qoraalka qaybtii 2aad...

Qore : Faisal Salah,
 E-mail: fisalsh@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH