SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Magaca Puntland iyo Madaxdiisaba hala isla Tuuro 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Yaa sheegi kara micnaha magaca Punt? Oo ma “Puntlanders” beynu nahay?! Sug sug maxaan u iri Puntlander? Sidaasey meelaha ku soo qorqoraan. Sidaasoo kale ayaa reer Waqooyigu u dhahaan “Somalilander”. Laakiin mid baan ogahay. Waddan kastoo “land” ku dhamaada, qofka u dhashay looguma yeero “…lander”. Tusaale ahaan qofka u dhashay England ma maqal iyadoo loogu yeerayo “Englander”. Sidoo kale qofka Scotland ama Ireland u dhashay qaabkaas oo kale ayey  raacaan. Ma aragteen qof Poland u dhashay oo leh “Polander” ama “Switzerlander”. Khasab ma aha in “land” ku jira waddamadaas isku macno yihiin. Waxaan iskaga qaatay oo kale xarfo suuqeed Xamar iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray oo weeraha la raacinjiray “oos” sida caadiyoos, dhoorroos, iwm. Haddii dadkii Ingiriiska ku hadlayey ay magacyada intooda hore qiimeeyaan maxaa “Somalilander” iyo “Puntlander” u danleeyihiin? Waxaan ugu yeeri lahaa madaxda Puntland “punters” oo Ingiriis ahaan labo macno leh. 

  1. Macaamiisha. Marka waa macaamiisha Zenawi.
  2. Khamarji khaasatan kuwa fardaha tartamaya lacagta u dhigta. Marka waxay kala xushaan shirkadaha qashinka waddanka ku duugaya oo isku magacaaba shirkado shidaal soo saaraya.

Aqoon la’aanta micnaha weedha “Punt” waxaa ka sii daran lama yaqaan luuqad ay tahay iyo waliba xarafka “P” oo ku jirin dhawaaqa luuqadda Soomaaliga. Xitaa Carabiga kuma jiro. Maaddaama aan aqoon luuqadda Amxaariga ma hubo inuu xarafkaasi ku jiro. Haddaan iska qoro weedh aan jirin oo ka kooban xarfaha Afsoomaaliga dabadeedna u geeyo qof Soomaali ah, ma dhihi karo ma ahan Afsoomaali. Hadduu ugu bato wuxuu dhahayaa ma aqaan ama gobolkee looga hadlaa? Marna qofkaasi ma oranayo ma aha Soomaali ileyn ma jiro qof sheegan kara inuu Afsoomaaliga oo dhan yaqaane. Laakiin haddaan magaca Soomaaliya inta xarafka (S) ka qaado ku bedelo xarafka (P) dabadeedna ku dhaho qof Soomaali ah iisheeg micnaha weedhan wuxuu horay kaa leeyahay ma aha Afsoomaali! Sabab? Maxaa yeelay xarafka (P) kuma jiro xuruufta Soomaaliga. Kuwii magaca keenay maxay u dhihi waayeen “Bunt” ama “Buntu”? 

Waxaa dhici karta in dadka qaar is dhahaan war bal eega waxa ninkaasi la soo shir tagay! Ma maantuu xarfo ka hadlayaa! Ma jiraa qof ilmihiisa u bixiya magac uusan aqoon micnihiisa? Ama magac xun? Sidee ku hindisnay inaan dhulkeenna oo ka muhiimsan ilmo iyo qoys aan u bixinno waxaynaan aqoon? Islaam ahaan iyo dhaqan ahaan kuma habboonna inaan la baxno waxaynaan aqoon. Sidoo kale ma aqaan micnaha magaca Soomaaliya laakiin dadkeennaan nooli ma bixin. 

Islaamku wuxuu kaloo qabaa inaadan duceysan adoo hurdeysan ama hubin waxaad leedahay. Waxaa lagu barayaa dantaada. Ilaah ha hortagin (Salaadda) adoon aqoon waxaad akhrineyso. Sidoo kale haddaad dan qaran ama dantaada khaaska ka hadleysidna adoon soo jeedin oo dhammeyn ha gelin. Ma aragteen sida reer Galbeedku u fahmay arrintaas ah in la lafo guro arrimaha? Markey dhaqankooda naga iibinayaan waxaad arkeysaa iyagoo filimaan ku dhigaya (ka soo qaad) qof tuug ah oo qof afduubtay. Waxaad arkeysaa madaxda booliiska iyo kuwa gobolkaas xukuma oo har iyo hoyaad ka tagaya sidii qofkaas loo badbaadin lahaa. Waxaa la galayaa shirar aan loo kala kicin. Waxay muujinayaan in qofkaas la heyso uu qiimo weyn ku fadhiyo. Mararka qaarkoodna bisad/mukulaal geed ka soo degiweyday baa madaxda magaalaas iyo booliiskuba waqti badan ku lumiyaan sidii loo badbaadin lahaa. Halka “xildhibaannadeennu” markii Itoobiya waddanka soo galeysay la yiri, “gacan haloo taago” inta rabta in Itoobiya iyo ciidamo shisheeye waddanka soo galaan?” Dabadeedna intoodii badneyd u codeeyeen! Waxa noocaas ah ma ku sheegi kartaa binu Aadam? Xitaa carruurtii, waayeelkii iyo haweenkii ka qaxay Xamar waxaa loo diiday iney hay’adaha sheegta samafalku caawiyaan. 

Waxaa ka sii daran markii magacaas lala baxay ma ay fiirin luuqadaha adduunka inuu jiro magac sidaas loogu dhawaaqo ama loo qoro. Waxaa la yaab ah, magacaas oo sidiisa ah “punt” waa kalmad Ingiriis ah. Macnayaasha magaca kalmaddaasi leedahay aan labo ka soo qaadanno: 

  1. doonta yar ee inta qofku istaago usha dheer uu biyaha salkooda ku taagsado. Soow Khuuri lama dhaho taas?
  2. lacagtii laga isticmaali jiray jamhuuriyadda Ireland inteysan lacagta Yuurada ah qaadan.

Haddii laga wado doomaha loo isticmaalo dadka qaxootiga ah ee Yemen loo qaado oo intaas oo dhib ah ka dhacday waa suurtogal. Micnuhu wuxuu noqonayaa dhulkii dadka qaxootiga ah doomaha laga daadin jiray. Sidoo kale haddii laga wado lacagaha laga qaato shirkadaha qashinka sunta ah ku shuba badaha ama shirkadaha ka jiraafta ama dhaha macdan iyo shidaal baan ka baareynaa waa magac ku habboon maamulkaas. Wuxuu noqonayaa dhulkii ay calooshood-u-shaqeystayaalku xukumeen. Laakiin in dhulkaas Soomaaliyeed magac aan la aqoon la siiyo waa xilkasnimo-darro. 

Marka arrimuhu sidaas isu bedelaan waxaa Soomaalidu tiraahdaa awrkii oo tuurta laga ceynshay. Dhibta ka dambeysana waa soo degdegtaa. Dadka Waqooyi Bari ku dhaqan waxay ahaayeen magacaas ka hor dad ay ku dheertahay Soomaalinimada iyo waddan-jacaylku. Hadda waxaad arkeysaa niman la yaqaan ciddey yihiin oo dad muslimiin ah oo Soomaali iyo Oromo u badan ka ganacsanaya baddana ku daadinaya! Meeday soo-dhoweyntii aad ku faani jirteen? Waxaad arkeysaa in hogaamiyayaashoodu ay la dagaalaan diinta Islaamka iyo dadkeeda, shacabkuna aysan dan ka lahayn. Waxaad arkeysaa madaxdaas oo madiidin u ah Zenawi, dadkuna aysan ka damqaneyn. Ma u maleyneysaa caruurta iyo hooyooyinka harraadka iyo gaajada ugu dhimanaya doomahaas ama laga tuurayo in Ilaahay moogyhay? Waxaan aaminsanahay haddaan madaxdaas iyo jirridaas wax laga qaban in Boosaaso ku dambeyndoonto sidii Xamar ahayd dagaalkii sokeeye. 

Toban sano ka hor dadka dhulkaasi degen waxay dhihi jireen marna kama qeybqaadaneyno burburka iyo kala-goo-goynta Soomaaliya. Wuxuu ahaa degaan lagu soo dhoweeyo dadkii Xamar ka soo qaxay iyo sidoo kale dadkii ka soo qaxay markii dagaalka sokeeye ka socday Waqooyiga Soomaaliya. Hadda waxaa Waqooyi Bari ka qaxay dadkii ay isku qabiilka ahaayeen ee ka soo jeeday Sool, Cayn iyo Hawd. Wiilashoodii waxay ka dhinacdagaalayaan Tigree. Suureyso nin wiilkiisii ama walaalkiis ka dhinac dagaalayo Tigree! Oo Xabbadda lagu wada tuurayo qof muslim ah oo Soomaaliyeed! 

Afxumadaas iyo diin-la-dagaalkaas (madaxda Puntland) waxay keentay in sidoo kale dadkii ku sii xigay reer Sool ay ku fiirsadeen Cadowga Tigreega. Waa dadkaas ka dagaalaya Soomaali Galbeed ee Ogaadeenya sheegta. Waxay la heshiin la’yihiin oo degaanka lagu wada noolaan la’yahay qabiilka Sade. Marka ma filayo in madax saas ah ay Hawiye ama Isaaq naxariis u galayaan. Xasuuso maahmaahdii ahayd nin hooyadiis cirrid u jiiday, aayadiis hoos ma hariyo. 

Yaa xasuusta Hitler? Xagee ku dambeeyey? Hitler wuxuu lahaa qab ka sarreeya kan dagaaloogayaasha iyo madaxda-ku-sheega Soomaaliyeed. Waxay la ahayd inuu ka hadlayo dan qaran laakiin meel daran buu Jarmalkii kala dhacay. Hitler wuxuu biloowgii soo hooyey guulo aan la suurankarin isagoo Yurub inteedii badneyd cagta mariyey. Saasooy tahay wax tari wayday oo dadkiisii waa halaagay. Tigreega iyo kuwa raaca oo madaxda Puntland iyo Somaliland ku jiraan waxay khaati ka taaganyihiin Soomaaliya iska daa waddamo kalee. Idanka Ilaahayna waa jabayaan. Marka hadduu Ilaah idmo toban sano ama wax la mid ah waxaa dhici karta in sida Hitler loo nacalado iyagana loo nacaladidoono. ALLAAH baan ku dhaartee Hitler waa ka liitaan. Hitler marna si ogaal ah Jarmalka cadow uguma soo hogaamin laakiin si dadban oo uusan ogeyn buu markuu waashay oo adduunkii oo dhan la dagaalay ugu soo jiiday. Kuwaan Soomaalida sheegta iyagoo u jeeda bey waddankii Tigree soo gasheen. Marka waa kuma qofka shaki kaga jiraa iney Hitler ka liitaan? 

Shaqadii maamulka Puntalnd laga rabay waxaa qabtay wariye Faransiis u dhashay oo rabay inuu dabogalo dadka ka gacansada dhoofinta qaxootiga u socda Yemen. Maxaa loo afduubtay? Haddeysan maamulkaasi ka dambeyn maa la soo qabto dadkii wariyahaas afduubtay? Puntalnd dhexdeeda ma jiro qof saas u fiirinkara sirdoonka Itoobiya oo la wada yaqaan halka wariyaas Faransiiska u dhashay intaas oo maalmood la heysto. Teeda kale waxay sii leeyihiin haddii wariyahaas la soo daayo waxaa la saarayaa maxkamad maxaa yeelay wuxuu ku soo dhexdhuuntay hay’adaha samafalka! Tigreegii waddanka gumeystay baa Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso mar kasta iska dhextaagan markaasaan weriye shaqo fiican haya loo diidayaa. Qof kastoo Soomaali ahi raalli buu ka yahay in arrinta dadka badaha ku dhoofaya la baaro. 

Dadka ehel iyo isku waddan ahi waa is maqlaan. Wixii wanaag ah waa la isku raacaa. Soow in lagu deydo maaha nabiyaasha Ilaahay? Waxaan ka afeefanayaa mar kasta oo aan soo qoro warqad ka digeysa dabinka sheydaanka; dadka qaarkiis baa dhaha waxaad dadkii ka dhigtay gaalo! Markaan tusaale nabi soo qaato waxaa la dhahaa waxaad iska dhigeysaa nin dadka ka kheyr badan! Been idiin ma sheegayo haddii la i dhaho tiri intaan dambi galay waxaan filayaa iney qaadaneyso inta sano aan jiro oo kale. Nabi Ismaaciil (CS) aabbihiis (CS) wuu maqlay markuu yiri xakabadda guriga (naagtiisa) beddel. Si dadka Soomaaliyeed isugu soo dhowaado waa khasab dadka reer Puntland iney beri ka noqdaan oo iska furaan madaxda dowladda kumeelgaarka ah iyo kuwa Puntland. Oraahda dagaaloogaashu waxba kama dharbana (dowlad xun, dowlad la’aan bey dhaantaa). Oraahdaasi waxay shaqeysaa markii mabda’ la isku xukumo. Waxay ku fiicneyd markii dowladdii Maxamed Siyaad jirtay. Waxa Puntland ka jira dowlad-xun maaha. Horta markii dowlad jirto baa laga hadlaa xumaanteeda iyo wanaageeda. Dowlad iska daaye xitaa maamul-goboleed maaha. Waagii dowladdii Maxamed Siyaad jirtay, qabiilkeygu igama celin karin Maxamed Siyaad anoo Gaalkacyo jooga laakiin hadda haddii jufadeydu ila jirto waxba Cadde Muuse iigama qaadikarto Gaalkacyo. Keliya waxaan rabaa inaan idin tuso sawir ah inaan dowlad jirin. Cadde Muuse waxba kagama qaadi karo Xasan Abshir Garoowe. Waana u doqonnimo Cadde Muuse in Xasan Abshir Garoowe joogo. Hadda gobol kasta dadkiisu wax waa ka qaban karaan. Haddii hal habeyn odayo-dhaqameedku isu yimaadaan waxbey ka qaban karaan. Kama hadlayo arrin khiyaali ah oon horay  u dhicin. Xasuuso markii C/hi Yuusuf laga ceyrshay Boosaaso. Ma u maleyneysaa in Cadde Muuse loo daahayo haddii dadku damco? 

Anigu waaqica kama tagayo. Cid kasta oo dhaanta kuwa maamulka haya waan soo dhoweynayaa xitaa haddii aan ku khilaafsanahay waxyaalo kale. Marka xitaa xisbiyadan Puntland ee aan la sharciyeyn waxay u dhowdahay iney dhaamayaan kuwa hadda jooga. Marka waa khasab in wax waxaan dhaama la keeno. Haddii ay dadku is habaaraan oo dhahaan ma helikarno wax kuwaas dhaama waxaan leeyahay “waqeydaan helin” laakiin ma filayo in cidi sidaas oran karto. 

Qofkii udug raba hala baxo beeyo, foox ama meydi. Shaki maleh in magaca Somaliland ka macquulsanyahay kan Puntland. Waxaa ka sii macquulsan magaca Soomaalida Kenya oo ah Waqooyi Bari Kenya. Kan Soomaali Galbeed isna waa caadi. Xitaa kan Ogaadeen baa ka macquulsan inkastoo magac qabiil yahay. Markaan 10 sano ka hor magacaas arkay baan ka qeyliyey garteyna in dadka iyagoo intaas tiro le’eg inta meel fariisteen la baxay magac aan la aqoon wuxuu yahay aysan kheyr soo wadin. Maddaama hal-abuurradii idaacadaha laga maqli jiray ay ka gaabiyeen kaalintoodii bal aan markaan Afsoomaaliga ka raadgato oon kusoo xiro labo tuduc oo gabyaa Carbeed yiri: 

ﺰﻤﺎﻦ ﻗﺪ ﺗﻔﺭﻍ ﻠﻠﻔﻀﻭﻝ       ﻴﺴﻭﺪ  ﻛﻝ ﺬﻯ ﺤﻣﻕ ﺠﻫﻮﻝ

ﻓﺈﻦ ﺃﺣﺒﺒﺗﻢ ﻓﻳﻪﺍﺭﺘﻓﺎﻋﺎ           ﻓﻜﻮﻨﻮ ﺠﺎﻫﻠﻳﻥ ﺒﻼ ﻋﻗﻮﻝ 
 

Gabyaagu wuxuu leeyahay: 

Samankaan oo ka takhalusay dadkii fadhliga u saaxiibka ahaa oo uu hogaanka hayo mid kastoo doqonnimo iyo jaahilnimo isku darsaday. 

Qofkii raba inuu kor ahaado (jago) ha noqdo qof jaahil ah oon caqli lahayn. 

Marka dadka xisbiyada iyo jagada Puntland ama Soomaaliya dan ka lahoow waa inaad iska dhigtaan dad jaahiliin ah oo jecel Zenawi oo la dagaalaya “aragixisada” ugu yaraan si aad dantiinna u gaartaan. Kaddibna qofkii Ilaahay kheyr la maagay ummaddaas meel fiican ha u horseedo. Marka ballantu waa qori iyo qiiqiisa waa la isla tuuraa. Si aan iskaga meyrno waxay noo soo jiideen “abaayadeen” Ayaan Xirsi oo diintii Islaamkaba ku sheegtay haraadi iyo “adeer” C/hi oo wuxuu socdaba cadowgii Soomaaliyeed soo gashay Muqdisho iyo Soomaaliya. Marka qabiilkeennu sheekadaas ugubka ah buu Soomaali u soo jiiday. Micnuhu maaha qabiilada kale ma leh qof gaal ah ama qof Tigree Soomaaliya soo geshay ee innagu waxaynu dheernahay waxaynu la soo shir tagnay dayaacadda Islaamka iyo cadow-soo-gelin. 

Marka intaan quusta iska deyno, Ilaahay caqli buu na siiyee aan sida u dhaanno dadkeenna iyo dalkeenna.

C/Waaxid

Zenawi: Haddaad Wanan Qalan Jirteen Ciidaha; Annagu Wiilashiinaan Qudha Ka Jareynaa 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com