SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/Africa

Dareenka Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC, Zuma...

  • Warbixintii: c/nasir axmed sh. bashir saxansoxo

    Doorasahadii madaxweynaha xisbiga ANC oo uu ku guulaystey Zuma....

Soomaalida dalkani Koonfur Africa ku nool ayaa si weyn u aaminsan in Zuma uu ka saari doono dalka, ganacsiyadodana ku wareejin doono dadka dalka u dhasahy, hase yeeshee ra'yigaasi ma ahan mid hubanti ah, mana jirto cid si rasmi ah arrintaasi u shaacisey, dadka Zuma taageerana waxay leyihiin waa dacayad laga faafiyey, hadaba aan dib u yara eegno hal qodob oo qeer sheeg ah. 

Zuma wuxuu taageero xoogan ka heysta madaxweynaha dalkka Libya Mucamaral Qadafi, iyo madaxweynaha dalka Angola, muddo sanado ka hor ah waxaa saxaafada si weyn loogu faafiyey in labadaasi madaweyne eey lacag soo siiyeen Zuma si uu af gambi ugu sameeyo Mbeki, arrintaaso muran weyn ka dhalisey dalka, hadaba maxaa iska quseeya arrintani iyo tan aan maqaalka oga hadlayo?, Qadafi waa ninkii dhisey ururka midowga afrika, oo qaba in afrika eey yeelato hal lacag, hal ciidan, iyo hal baasaboor, shirkii ugu dambeeyey ee AU madaxdoodu kulmeen oo arrimahaasi mideynta afrika looga wada hadlay Mbeki ayaa is hortaagay qorshahaasi mideynta ah, waxaana lagu eedeyaa inuu reer galbeedka u yahay kiyaawe eey afrika oga dhex adeegtaan, sidaasi darteen mar haddii Qadafi iyo Zuma eey isku siyaasad ka yihiin arrimaha qaarada, soomaaliduna eey qaarada ka mid tahay, waxaa la oran karaa ma jirto wax eey soomaalidu ka cabsato. 

Dhanka kale Zuma in badan ayuu ku celceliyey in uusan wadan siyaasad ka duwan tan iminka u degan ANC.  

Doorashadii ANC iyo warbixin dheeraad ah:

Abaaro fiidkii ah (Dec 19, 2007) ayaa lasoo saarey natiijadii sida weyn looga war dhowrayay ee doorasahadii xisbiga ANC,ee ka dhacday jaamacad ku taala magaalo madaxda gobolka Lipopo ee Polokwane.

natiikaduna waa sida tan :

1-madaxxweynaha ANC: Jacob Zuma , wuxuu heley 2 329 cod. halka Thabo Mbeki uu heley 1505 cod, sidaasna uu ku guuleystay Zuma

2-Madaxweyne ku xigeen, ANC:, Kgalema Motlanthe, oo heley 2346, halka hawneeyda wasiirka arimaha dibada ah  Nkosazana Dlamini-Zuma eey heshey 1444 cod, sidaas Motlanthe oo horey u ahaa xoghayaha guud ee ANC uu guuleystey (garabka zuma)

3-Gudoomiyaha ANC:, Baleka Mbete  waxay heshay 2 326 cod (gabadhani waa gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka hadda), halka  Joel Netshitenzhe uu heley  1 475 cod, sidaasna Baleka eey ku guuleysatay (garabka Zuma).

4-Xoghayaha guud ee ANC: Gwede Mantashe wuxuu heley  2 378 cod, halka  Mosiuoa Lekota,(ninkani waa wasiirka difaaca dalka, waana nin aad garabka zuma eey u necebyihiin, inta badana saxaafada la caaya zuma), wuxuu heley 1 432 cod. sidaas uu guusha ku heley Gwede (garabka Zuma).

5-Qasnad hayaha (Treasurer), Mathews Phosa  2 320 cod, halka  Phumzile Mlambo-Ngcuka eey heshay  1 374 cod (gabadhani waa madaxweyne ku xigeenada dalka, ee lagu bedelay Zuma markii xilkaasi Mbeki uu ka qaadey 2005 tii), sidaasna waxaa ku guuleystay Phosa (garabka Zuma).

6-Ku xigeenka hoghayaha guud, Thandi  Modise 2 304 cod, halka Thoko Didiza, eey heshay  1 455 cod, (waa labo gabdhood oo aan si weyn loo aqoonin,) sidaasna waxaa ku guuleystey Thandi oo ah garabka Zuma. 


Madaxweynaha ANCThabo Mbeki (bidix) oo u mhambalyaynaya madaxweynaha loo doortay ANC ee Jacob Zuma - Sawirka: Reuters

Sida muuqada dhamaan xubnihii lixda golaha sare waxaa wada xayuubsaday Zuma iyo taagerayaashiisa, sidaas darteed waa ANC cusub, balse eey lagamamaarmaan aheyn ineey ahaato ANC mideysan, waxaana xaqiiqo ah in wa cusub u baryey South Africa oo ah dalka afrika ugu qanisan, doorasahadani oo aduunka oo dhami isha lagu hayay ayaa ayaa u dhacday si xaq ah, oo muran la'aan ah, walow bilowgii shirka maalintii axada eey soo baxeen shagashooyin farta ku fiiqaya ku shubasho iyo wax is daba marin,

Zuma oo wali uu ku socdo baaritaan ku saabsan dacwad xaga musuqa ah oo mudaba ku socotey, ayaa shaki weyn laga qabaa mustaqbalkiisa siyaasadeed, waxaan la filayaa in uu yahay musharaxa ANC doorashooyinka guud ee 2009 ka dhacay, goortaasoo mudada xafiiska ugu egyahay madaxweynaha iminka xilka haya  Thabo Mbaki , dadka maalgashiyada ku sameeya dalka ayaa shaki weyn ka qaba dowlad uu Zuma hogaan ka yahay sida eey ugu aamini karaan hantidooda ineey ku maalgashadaan dalkani, waayo waxaa laga aaminsanyahay in uu yahay nin la wareegi doona hantida dalka shosheeyaha ah, balse Zuma ayaa markasta beeniya arrintaasi, muddo yar ka hor shirkani lagu doortay wuxuu socdaal ku kala bixiyay wadamoi badan oo reer galbeed si uu ugu qanciyo in uusan wadan siyaasado burbur u keenaya hantidooda dalka eey ku maalgashadaan,  

Zuma waa nin dadka dalka eey aad u jecelyihiin, gaar ahaab dad fuqurada ah, wuxuuna markasta sheegaa in uu faqriga ka dul qadi doono dadka dalkiisa, zuma oo ahaa halgamaa af iyo adinba kaga hortagay xukunkii midab takoorka, ayaanan lahayn aqoon sare oo siyaasadeed, hase yeeshee dadka garabkiisa ah ee iminka lala doortey ayaa ah dad heerkoodu aqoontu uu sareeyo, waxaana laga war dhowri doonoo sida eey wax u dhacaan bilooyinka fooda inagu soo haya.

c/nasir axmed sh. bashir saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com