SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Waxa uu soo kordhin karo Raysal Wasaare Nuur Cadde

(Faallo Xildhibaan)

Is casilaaddii raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya kaddib, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hogaamiyaha xukuumadda cusub u magacaabay mudane Nuur Cadde oo ciidanka booliska iyo maxkabaddii badbaadada Soomaaliya oo uu jagooyin sare ka soo qabtay ka sokoow, muddo dheer oo ka dambaysey hayey xilka xoghayaha guud ee ururka Bisha Cas. Markii la magaacabay ee baarlamaanka la hor geeyeyna xildhibaanadu way ogolaadeen oo wax lagu diidi karayey ma muuqan. Khudbad uu baarlamaanka ka hor jeediyeyna waa loo guuxay. 

Waxaana loo arkayey hogaamiye, is bedel la iman kara oo wixii horay u dayacmay, siyaasad lagaga gudbo oo lagaga raysto horseed u noqon kara. Aqoon dheer oo aanan raysal wasaaraha cusub garshadiisa maamul iyo kartidiisa fulineed u lahayni waxay xilligaas iga leex-leexisey su’aalo Nuur Cadde ku saabsan oo ay saxaafadda iyo saaxiibadayda gaar ahaaneedba i soo weeydiinayeen. Waxaa kaloo ii muuqatey in kalsooni uu Nuur Cadde ummadda soomaaliyeed ka kasbado iyo ammaan loo hibeeyo ama dhaliil lagu eedeeyo iman karaan oo qudha marka uu waajibaadkiisa shaqo dhex galo.  

Siduu doono Md. Nuur Cadde hawlaha hor yaal ha u furdaamiyee, xulashada uu golihiisa wasiirada ku soo saaray waa mid lagaga qiyaas qaadan karo mustaqbalkiisa wax qabad iyo fulinta wajibaadkiisa shaqo ee loo xilsaaray; waana mid dhabaha u xaadhey in Nuur Cadde rejadiisa siyaasadeed iyo hab maamulkiisa shaqo la faalleeyo. Taasina waa tixraaca qalinkaygu beegsanayo ee inaan xaajadan gorfeeyo majaraha u haysa. 

Ujeedadii uu baarlamanku ka lahaa wax ka bedelka axdiga iyo in xukumaddii hore meesha ka baxdo, nuxurkoodu wuxu ahaa in la dhiso xukuumad tayo leh oo xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay wax ka bedeli karta. Waxaana mar kasta xusuus mudan in waajibaadka golaha wasiiradu sharciyan masuuliyad wadareed yahay oo guul, iyo guul-darroba masuuliyadda la wada leeyahay. Macnaha ku jiraa waxa weeye fashilaaddii dhacday waa mid ay dhamaan wasiiradii hore wada leeyihiin. Haddii danta qaranka la dhawrayana waxay ahayd in sida ahmiyadda loo siiyey loo siin oo aan la soo wada celin. Laakiin nasiib xumo wax sidaas ka duwan baa soo baxay. 

Magacaabistii xukuumaddii hore oo Geeddi oo keliyihi ka maqan yahay, waxay dad badan oo arrimaha dalka rejo wanaagsan ka muujinayey ku dhalisay inay hungurigooda dib u liqaan oo mustaqbal uu Nuur Cadde Soomaaliya u horseedo iska ilaawey. Badiba xubnaha baarlamaanka ayaa iyaguna walaac ka muujiyey tallaabadii u horreysey ee uu raysal wasaarahan cusubi qaaday. Yoolkii la tiigsanayey iyo rejadii guusha ee lagu taamayey ayeey magcaabista wasiiradii saddexda sano wax qaban waayey cagta marisay. Wax kasta oo hogaamiyahan cusub laga filayeyna waxay noqdeen kuwo sidii loo malaynayey weeydaarsan. Arrintuna waxay gaadhey inuu raysal wasaaraha cusubi ku soo dhici waayo golaha baarlamaanka oo inay xukumaddiisa codka kalsoonida u qaadaan u shirsan. Nuxur ahaana kolka tallaabada uu Raysal wasaaruhu shaqadiisa ku bilaabay si hoose loo qooraansado waxaa soo baxaya mugdi jidadka horumarka iyo feker khalad dhacay lagaga gudbo ku habsaday. 

Hadafkii ka dambeeyey dadaalkii xukumaddii hore shaqada looga qaaday iyo is bedelkii axdiga lagu sameeyey wuu ka gun weynaa, kana ballaarnaa in Geeddi oo keliya laga takhaluso, balse wuxuu ahaa, inay ciddii fashilantay meesha ka baxdo oo magacyo cusub oo wax qaban kara soomaali laga raadiyo. Waxaadse mooddaa inuusan ninkan masuulka ahi weli garan halka ay sartu ka quruntay iyo daawada loo baahan yahay cidda inay la doonto ku habboon oo aan marnaba soomaali laga dhex waayi karin. 

Raad-raaca taariikhda ay Soomaaliya soo martay waxay ina xusuusinaysaa; sidii jabhadihii Siyaad Barre ridey ay khaladaadkii Maxamed Siyaad burushka u mariyeen oo kale, taalaabadan uu Raysal Wasaare Nuur Cadde qaaday, noqon karo mid iyaduna raadkii horay Cali Geeddi loogu eedeeyey tirtiraysa oo weliba magac wanaagsan u tabcaysa. Tirada badan ee la sii kordhiyey iyo tayada looga sii daray, waa sawir dib-u-dhac muujinaya oo aan lagaga gudbi karin khasaarihii iyo wax qabad la’aantii la isku haaraamay ee in la dhaafo lagu taamayey. 

Xubnaha xukuumadda cusub wax ha laga bedelo oo sidaa ha ku gudbeen ama ha la iska daayo oo sidaa ha u cuyubnaato amase, baarlamaanka diiddani meesha ha ka saaree; waxaan marnaba indhaha laga lalin karin inay danta ummadda soomaaliyeed mar kasta muqadas laguma xad gudbaan ah tahay oo xumaan kasta iyo khalad walba oo khasaare u keeni kara, ay tahay in si deggan oo soomaaliyaysan loo maareeyo. Sidaa awgeed dariiqii xukuumaddii hore lagaga raysan lahaa oo aan weli cagta lala helin waa astaan cad oo iftiiminaysa inay danta ummadda soomaaliyeed weli dayac iyo mugdi aan looga arxamayn dhex dabaalanayso.  

mohamed deeqXildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com, imdeeq@yahoo.com

Baydhabo/Soomaaliya

YAA RAYSAL WASAARE KU HABOON?: Qormadii Xildhibaan Ibraahim Maxamed Deeq.. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com