SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: April 30, 2007

  • Wadaad caanka ah dunida muslimka ah oo ka hadlay dagaalada Muqdisho
  • Maraykanka oo baaq u jeediyey dowlada fadaraalka KMG Soomaaliya
  • Shirkii loogu balan-sanaa heshiisiinta labo beelood oo walaalo ah oo Axadii u gogol xaar-kiisii ka dhacay Degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal.
  • Farxiya Cali Jaamac Dirir Oo Kamida Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Newzeland Oo Deeqo Usoo Dirtay Dadka Barakacay .
  • Jaaliyadaha Beelaha Gugundhabe iyo Gaal-jecel oo deeq isugu jirta Dawo iyo Shidaal soo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina

Wadaad caanka ah dunida muslimka ah oo ka hadlay dagaalada muqdisho

Sheekha ugu magaca dheer marka laga hadlayo dunida muslinka ah sheekh Yuusuf Al – qardaawi ayaa maraykanka ku eedeeyey dagaalaka wakiilnimada ee ay dowlad aEthiopia magaca maraykanka ugu duushay somaliya ,isaga oo khudbadiisii jimcaha ku soo qaatay arinta somaliya ayuu ku tilmaamay dagaalka somaliya ka socdo mid Ethiopia maraykanaka wakiil uga tahay ,

waa dagaal wakilnimo oo shacabka somaliyeed maraykanku ku so qaaday ayuu yiri sheekh al-qardaawi oo sheegay in isaga shaqsi ahaan ay ula muuqato in maraykanku weli iloobin wixii somaliya 1993 dii ka soo garay oo isaga oo guuldaraystey iyo askerigoodii dhulka lagu jiidayey ka aargudanaya ay Ethiopia –anka u adeegsadeen somaliya . sh: al-qardawi wuxuu sheegay in xoogaga islaam diidka ah ay ka horyimadeen midowgii maxmadaha islaamka laakiin uu la yaaban yahay waxa carabta iyo muslimiintu ay qabanayaan iyaga oo arkaya waxa ka dhacaya somaliya wuxuuna soo magic qaaday jaamcada carabta iyo ururka islaamka .

sheekh al –qardawi ayaa carabta iyo muslimiinta ku tilmaamay kuwo dhiiga somaliyeed ee daadanaya iska daawanaya isaga o aad u dhaleeceeyey qaramada midoobey iyo midowga yurub oo iyagu arinka sika daawanaya isla markaan aan Ethiopian –ka aan eraygii ku haboonaa ku oraneynin ,

“sidee wadan uu wixii uu doono uga sameysanayaa wadan kale ,side loogu ogolaanayaa in ay wadan kale wadan isaga duulaan isla markaan dadkiisii u laayo “ ayuu isweydiiyey sheekhu bal aduunka aanu joogno fiiriya ayuu yiri sheekha oo hadalkiisa sii wata bal sidee raiisal wasaaraha Ethiopia si cad oo qayaxan u dhihi karaa muqdisho ayaan ka nadiifineynaa xoogaga maxkamadaha islaamka ah isaga o sheegay in sababtu tahay maraykanka oo difaac iyo qaranimo daba joogo ,

sheekhu sheegay isaga o maraykanka la hadlayo ayuu isweydiiyey sow ciraaq ma.aha waxa haatan uu marayknku ku fashilmay oo congreyskiina u qirsan yahay .

Maraykanka oo baaq u jeediyey dowlada fadaraalka KMG Soomaaliya

Dowlada maraykanka ayaa waxey ka dalbatay wadahadal dhex mara dowlada fadaraalka KMG somaliya iyo iyo qabaailada ka so horjedo , si xal kama danbeys ah loo garo .

Janday frezer ,oo ah kaaliyaha xooghaayaha arimaha dibada ee maraykanka ee Africa waxaa ay tiri in ay qasab tahay in dowlada fadaraalka KMg somaliya ay la heshiiso qabaailada ka soo horjeedo waa hadii ay dooneyso in ay shaqayso .

“waa ay cadaha in waxa lagu xalin karo somaliya ,isla markaana lagu xasilin karo ay tahay in dowladu yeesho wadahalo dhinacyo badan ka qeyb galaan waxaana isku dayeynaa in aan helno in dowlada fadraalka KMG somaliya ay la hadasho beelaha kala duwan iyo qabaail hoosaayda .

taasi waa qeyb muhiim ah oo ka tirsan diblo maasiyadeena qadiimiga ah ayey tiri dandy .waxaa la rumeysan yahay in maraykanku uu gacan siiyey bishh December ciidamada Ethiopia ee u suurta geliyey dowlada KMG somaliya in ay gacanta ku dhigto guud ahaan koofurta somaliya ,wixii markaa ka danbeeyey kaalinta maraykanka ayaa aheyd mid si aad ah u muuqata .

frezer ayaa sheegtey in waxa ay iminka ku boorineyso ay yihiin wada xaajod ay dhinacyo badan ay ka soo qeyb galaan ,taasi oo ay ku tilmaantay habka keliye ee lagu xalin karo xiisadaha colaadeed ee ka taagan geyiga somaliya .kaaliyaha xog haayaha arimha dibada ee maraykanaka qeybta Africa ayaa sidoo kale sheegtey in Washington ay mar walbo caawineyso dowlada fadaraalka KMG somaliya isla markaana ay dadaal ku bixineyso sidii ciidamada harsan ee ururka midowgA Africa ay dalka ku yimadaan.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


Shirkii loogu balan-sanaa heshiisiinta labo beelood oo walaalo ah oo Axadii u gogol xaar-kiisii ka dhacay Degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Apr 29, 2007: Waxaa ka furmay Deg. Buurtinle shirkii lagu dhexdhexaadinayey Beelihii ku muran-sanaa Cagaarane oo isku dhac dhex maray uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Isku dhacaan ayaa sababay in beelahaas mid ka-mid ah ay uga dhinteen 10 qofood halka kan kalena uu ka dhintay hal ruux iyo dhaawac soo gaaray waa sida ay noo sheegeen odayaashii waan-waanta wadaye.

Si kastaba, ha, ahaatee, waxaa maanta soo gaaray wufuud ka socotay goboladda DGPL Deg. Buurtinle, ergadaan ayaa waxaa hogaaminaya isimada, iyo wax-garadka G.Puntland. dhanka gobola Nugaal ayaa waxaa hogaaminayey, suldaan. Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Shirkaas oo uu furay Islaan. Bashiir Islaan Cabdulle ayaa uga mahad celiyey dhamaan ka soo qayb-galayaashii ka kala socday Degaamada DGPL , waxaa isaguna hadal kooban ka jeediyey Duqa Degmadda Buurtinle oo u mahad celiyey dhamaan dadka faraha badan ee halkaas isugu tagay kuna soo dhaweeyey Deg. Buurtinle. Waxaa lagu wadaa in ay ku soo afjaranto halkaas wixii ay kala tabanayeen beelahaas walaalaha ah.

Waxaa dhanka DGPL uga qayb-galay shirkaas Wasiirada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cali Cabdi Awaare iyo Maaliyadda, Maxamed Cali Yusuuf(Gaagaab).

Shirkaan ayaa ah, mid googol-xaar ah balse, waxaa la'filayaa shirku in uu bari si caadi ah u furmo.

Maxamuud Cumar Bille
mbille@gmail.com
+252-5-794242


Farxiya Cali Jaamac Dirir Oo Kamida Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Newzeland Oo Deeqo Usoo Dirtay Dadka Barakacay .

Farxiya cali jaamac dirir oo kamida haweenka jaaliyada soomaaliyeed ee dalka newzeland oo deeqo kala duwan usoo dirtay dadka ka barakacay magaalada muqdisho ee dagaaladu aafeeyeen ayaa deeqo soo gaarsiisay dadka soomaaliyeed ee ka barakacay dagaaladii ka socday muqdisho .

Deeqdaan oo ka koobnayd lacag dhan 700$ dollar oo ay si wada jira u bixiyeen farxiya cali jaamac iyo haweenka kale kasoo jeeda gobolada SSC ayaa lasoo gaarsiiyey dadka ku tabaalaysan ceelasha biyaha ,baar xaraf ,km13,afgooye iyo magaalooyinka marka ay kamid tahay .

Farxiya cali ayaa sidoo kale qayb libaax leh ka qaadatay lacago kale oo ay soo ururiyeen jaaliyadaha dalka maraykanka iyo yurub oo ay iskusoo duba riday islamrkaana lasoo gaarsiiyey dadkan oo qaarkood ahaayen agoon ,dad naafo ah iyo weliba dad aad u dhibaataysan .

Farxiya cali jaamac oo saxaafada lasoo xiriirtay ayaa balan qaaday inay walaalohooda soomaaliyeed ee ku tabaalaysan degaanada muqdisho iyo hareeraheeda aysan ka hagran doonin inta karaamkooda ah islamarkaana ka codsatay kuwa kale ee jooga dalalka yurub ama caalamka intiisa kaleba ee wax haysta inay wax usoo taraan dadkan oo aad u dhibaataysan .

Farxiya cali jaamac dirir oo ku sugan dalka newzeland ayaa alle uga bariday walaalaha soomaaliyeed ee dhiban in illaahay ka dul qaado dhibaatada dalkoodana nabadii ugu soo celiyo .

Si akstaba ha ahaatee farxiya cali dirir ayaa kamid ah gabdhaha fara ku tiriska ah ee dadka walaalohooda soomaaliyeed ee ku dhibaataysan magaalada caasimada ee muqdisho iyo hareeraheeda usoo iibiyey dahabkoodii sidii ay wax ugu tari lahaayeen dadkaas dhibaataysan taasoo ay ku kasbadeen duco iyo ajar xaga alle ay ka helayaan .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Jaaliyadaha Beelaha Gugundhabe iyo Gaal-jecel oo deeq isugu jirta Dawo iyo Shidaal soo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina

Jaaliyadaha Beelaha Gugundhabe iyo Gaal-jecel ee ku nool dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Rothenberg ayaa maanta soo gaarsiiyay deeq isugu jirta Shidaal iyo Daawo Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, halkaasoo ay yaallaan dad ku dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho.

Deeqdaan isugu jirta Shidaalka iyo Daawada ayaa waxay kala ahayd 5-fuusto oo Shidaal ah, 500-xabo oo Faleebooyin ah, 3000-Cirbado Ampiciline ah, waxaana deeqdaan lagu wareejiyay maamulka Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.



Waxaa lagu soo hagaajiyay deeqdaan, isla markaana gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, Nabaddoon Xaaji Maxamed Saalax Muuddeey, Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle, C/kheyr Cumar Cali iyo Dr. C/llaahi Sheekh Cali Dhegaweyne.

Xubnahaan ayaa waxay si toos ah ugu wareejiyeen deeqdaan isugu jirta Shidaalka iyo Daawada Maamulka Isbitaalka Madiina ee Muqdisho iyadoo uu goob-joog ka ahaa Mudane Axmed Abroone Amiin oo ahaan jiray Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Soomaaliya xilligii Dowladdii TNG-da ee Carte lagu soo dhisay.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Mudane Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) oo ka hadlay deeqdaan la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ayaa wuxuu sheegay in deeqdaan ay tahay mid soo gaartay Isbitaalka xilli loo baahnaa, isagoo sheegay in daawada iyo shidaalka ay yihiin waxyaabaha ugu muhimsan ee uu isbitaalka sida joogatada ah ugu baahan yahay.

"Waxaad tihiin Qabiiladii ugu horreeyay ee deeq caynkan oo kale ah soo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, waxaana si weyn u soo dhaweynaynaa deeqdaas annagoo ku faraxsan" ayuu yiri Daahir Dheere oo intaas ku daray: "Tallaabadan waa mid wanaagsan oo aad u qaaddeen dhanka wanaagsan iyo taageeridda Isbitaalka oo ay ku jiraan dad ku dhaawacmay Dagaalladii Qaraaraa ee Muqdisho ka dhacay".

Xaaji Maxamed Saalax, Siraaji Sheekh Isxaaq iyo C/kheyr Cumar oo ka mid ah guddiga deeqdaan gaarsiiyay Isbitaalka Madiina oo ka hadlay wareejintii deeqdaas ayaa waxay sheegeen inay deeqdaan dadka dibadda ku dhaqan ee soo dhiibay ay ugu talo-galeen inay wax ugu taraan walaalahooda qaba dhaawacyada kala duwan ee ku jira Isbitaalka Madiina, iyagoo carraba ku adkeeyay inaysan ahayn deeqdii ugu dambeysay ama ugu horreysay oo ay soo gaarsiiyaan Isbitaalka, balse ay jiri doonaan deeqo kale oo la soo gaarsiin doono Isbitaalka Madiina iyo kuwa kale ee Muqdisho ku yaalla.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed "waxaan ka xumahay in shacabka lagu dul dagalamo"

Madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG somaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa kaga hadlay xaalada magaalda muqdisho waxaana hadaladii uu jeediyey ay u qornaeyd sida hoos ku qoran ee ka aqriso qudbadii oo dhameystiran .

"waxaan ku faraxsanahay in magaalda madaxda somaliya ee muqdisho ay ku so olaabatey xasiloonidii ka dib markii uu joogsaday dagaalkii ka socday baryahaan danbe inkasta oo ay weli ka socdaan howlo dhameystir ah kuwaas oo lagu sii sugayo ammaanka magaalad amuqdisho iyo guud ahaanba dalka somaliya"

cali maxamed geedi oo soo hoggaamiyey xababshida markii ay soo geleysey Soomaaliya
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

2 sidii aan horey marar badan u cadeeyey ,dowladu waxey dagaal kul ajirtey kooxo isbiirsaday oo dib isu abaabulay kana haray ururkii la magic baxay maxaakiimta islamiga ah iyo ururo argagixiso ah oo ku soo kordhiyey dad iyo maalba .kooxahaasi waxey diideen in ay nabada somaliya ku wada heshiisay wax ka qaataan,

waxeyna go.aansadeen in ay weerar ku qaadaan xarumaha dowlada ,sida madaxtooyada deegaanada ciidamada ,deegaanada madaxda dowlada ,saldhigyada ciidamada AMISON IWL .sidoo kale waxey si bareer ah u dileen .saraakiisha dowlada waxeyna cabsi,handadaad iyo caburin ku hayeen shacabka .ugu danbeystii waxey dagaal ka bilaabeen magaalda ,iyaga oo xabada ka so ridayey guryaha iyo xafadaha la degan yahay dhexdooda oo gabaad ka dhiganaya shacabka rayid ka ah .

3 ka dib markii ay dowladu qiimeysay xaalada nololeed ee shacabka waxey amartey dowladu in deegaanda ay gabaadka ka dhigteen kana so dagaalamayaan .

4 . sidaa darted ,dowlada fadraalka KMG somaliya waa ku qasbanaatey in ay badbaadiso shacabka iyo dowladaba taasine waxey sababatey in dad rayid ahi ay ku geeriyoodaan ama ku waxyeelo ay ka soo gaarto ,in badan oo kalana ay lka qaxaan guryahodii iyo deegaanadii ay degenaayeen iyaga oo badbaado raadinaya kana cararaya colaada ka so cusboonaatey magaalda .

5 . waxaan u tacsiyeynayaa shacabka somaliyeed iyo eheladii dadkii ay wax ku soo gareen dagaaladii ,intii ku geeriyotayna waxaan eebe uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo .

6. waxaan shacabka rayid ak ah oo qaxey ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay guryahoodii ku so noqdaan maadaama ay hada magaaladu xasiloon tahay dowaldune waxey gacan buuxda ka gaysaneysaa sidii ay ugu sahli laheyd soo noqoshadooda .waxaan kale oo aan ka codsanayaa in ay intii karaankooda ah ka hortagaan wixii ku so dhexdhuumanaya si ay mar kael dagaal uga ridin magaalada .dowlada KMG ahi way ka go.an tahay in ay shacabka ka badbaadiso wax kasta oo khatarku ah nabada iyo xasiloonida .

7 . waxaan halkaan ugu baaqayaa aduunweynaha iyo hay.adaha caalamka in ay gergaar deg deg ah la soo garaan shacabka somaliyeed guud ahaan gaar ahaan shacabka degan magaalada muqdisho ee ka barakacay dagaalada wax walbana mutay si naftoodu u badbaadiyaan .si degdeg ah waxey ugu baahan yihiin gargaar cafimad ,cunto, teendheeyin ,IWL . dhamaan garoomada dayuuradaha iyo dekedaha soamaliya waxey u furan yihiin wixii gargaar ah ee caalamku soo garsiinayo shacabka somaliyeed .si amaankooda loo sugo hay,adaha caalamka waa in ay isticmaalaan garoomada iyo dekedaha gacanta dowlada ku jira uguna dhow meelaha shacabku u qaxeen kuna tabaaleeysan yihiin ,

8. waxaan ugu baaqayaa ummada somaliyeed in dowladu soo dhaweyneyso qof kasta oo Somali ah oo aan dagaal ku jirin shacabka iyo dowlada somaliyeed si nabad ah wax ku radinaya sidoo kale qof walbo oo doonaya in u ka shaqeeyo danaha iyo mustaqbalka soomaaliyeed isaga oo u marya dariiqa nabada iyo wada xaajoodka waa soo dhaweyneysaa .

9 . waxaan kale oo aan shacabka somaliyeed ugu baaqayaa in ay u soo jeestaan in ay gacantooda ku qabsadaan nabadana u soo noqotey iyo dowlad nimada u curatey waa in ay ka fogaadaan colaada ,xasilooni daro , hubkane iska dhigaan una so jeedsadaan wax qabsi iyo nolo karaamo iyo sharaf leh

shirkaan jaraaid ee uu Madxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku qabtey gudaha xarunta madaxtooyada ayaa ah kii ugu horeeyey intii ay dowladu la wareegtey hanashada iyo gacanku heynta magaalad amuqdisho qudbadiina intaa ayey ku dhamaatey

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623


Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada KMG Ah Oo Ku Dhawaaqay Inay Shirka Dib-U Heshiisiinta Ka Qayb Geli Karaan Odayaasha Hawiye.

Dowlada KMG ah ayaa ku dhawaaqday in shir dib u heshiisiineed la qaban doono bisha june ee inagu soo aadan bartamaheeda islamrkaana ay kasoo qayb geli karaan odayaasha iyo waxgaradka beesha hawiye oo ugu horayntii sida ay sheegtay dowladu caqabado ku ahaa ishortaaga dowlada iyo ciidamada Ethiopia ee garabka u ah .

Wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG ah ee Somaliya, Max'ed Max'uud Guuleed Gacmo Dheere oo ka qeyb qaatay xalay saxaafada la hadlay , isagoo ku sugan xarunta gobolka J/hoose ee magaalada Kismaayo ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in kulan weynaha dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf ee ku beegan bartamaha bisha June ay ka qeybgali karaan dhamaan shacabka, ayna ku soo bandhigi karaan fikradahooda.

Wasiirka waxa uu carabka ku adkeeyay in odayaasha Beelaha Hawiye ay ka haraan rabshadaha, isla markaana beelahooda ay u aqoonsadaan in ay yihiin odayaashooda ayna ka qeyb gali karaan kulanka dib u heshiisiinta.

Wasiirka waxa uu intaasi ku daray in aanu jirin wax aargoosi ah oo lagula dhaqaaqayo sida uu sheegay xoogaggii ka soo horjeeday.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa u soo jeediyay shacabka Somalia in ay muhiim tahay in ay ku faro adaygaan nabadda uu sheegay in ay u soo hoyatay ka dib 17 sano oo dagaalo ay ku soo dhex jireen.

Si kastaba ha ahaatee hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada KMG ahi gacanta ku hayso guud ahaan caasimada muqdisho oo mudo labo todobaad ka badan dagaalo lagu riiqday oo ay ku dhinteen in ka badan 500-qof .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 30, 2007

ShiineDhagaxbuur: 74 Qof oo Ku Dhintay Weerar lagu qaaday Xarun ay Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen..
9 qof oo shaqaale Shiine ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas oo ay sheegatay jabhadda...
Akhri...

 

mplsQabsashada Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda...
Shir weyne lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya..
Akhri...


 

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com