Wararkii: Apr 18, 2007
- 89 Askari oo
Itoobiyaan ah oo ka fakaday Dagaalada Soomaaliya ayaa
gaarey Yemen: Warbixin
- Baarlamaanka DFKMG
oo Xilkii ka qaaday 31 xildhibaan....
-
Dagaal Xalay ka Dhacay
Muqdisho...
- Bosaso: Madaxwayne
kuxigeenka Puntland oo ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay
dhahar dad reer muqdisho ah.
89 Askari oo Itoobiyaan ah
oo ka fakaday Dagaalada Soomaaliya ayaa gaarey Yemen:
Warbixin
Wararka ka imanaya dalka
Yemen ayaa tibaaxay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka fakaday
dagaalada Soomaaliya in ay gaareen dalka Yemen, gaar ahaan
magaalada Arqa oo 600 km koonfur ka xigta magaalada Sanca ee
dalka Yemen. Ciidamadaas oo tiradoodu dhantahay 89 askari.
Waxaa warku sheegay in
ciidankaasi ay badda cas kaga gudbeen doon ay ka raaceen
magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Sarkaal Itoobiyaan ah ayaa
laga soo xigtey in uu sheegay in isaga iyo ciidanka ay ka
soo fakadeen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa kaddib markii
dagaalku meel kharaar gaarey.
Sarkaalkaas oo magaciisa ku
sheegay Muxammed Xasan oo u waramayey warbaahinta ayaa
sheegay in uu yahay Askari ka tirsanaa ciidamada Qalabka
sida ee Itoobiya ee ka qayb qaatay dagaalkii maxkamadaha
Islaamiga ee Soomaaliya ay la galeen. Waxana uu sheegay in
aysan ka fileyn in dagaalku uu heerkaas aadka u kulul gaari
doono ama uu isu bedeli doono ku dhufo oo ka dhaqaaq.
Sarkaalka Itoobiyaanka ah
waxa uu intaas ku daray in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay
kasoo fakadeen Soomaaliya kaddib markii ay dhex galeen "cadaab
holceysa", waa sida uu hadalka u dhigay'e.
Baarlamaanka
DFKMG oo Xilkii ka qaaday 31 xildhibaan....
Baarlamaanka DFKMG ee
fadhigiisu yahay magaakada Baydhabo ayaa Talaadadii (Apr 17,
2007) waxa uu xilkii ka qaadeen 31 xildhibaan. Waxaana
arrintaas ku dhawaaqay Sheekh Aaden Madoobe oo hadda
afhayeen u ah baarlamaanka DFKMG.
Baarlamaanka DFKMG oo
tiraduusa guud dhanthay 245 ayaa la sheegay in talaadadii ay
madasha joogeen 150 xildhibaan. Go'aankaas ay qaateena waxaa
ganafka ku dhuftay
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo
hadda jooga dalka Eritrea.
Magacyada xildhibaanada xilka laaga qaaday:
- Shariif Xassan Shiikh
Aadan
- Sekeriye Maxamuud
Xaaji Cabdi
- Cabdiraxmaan Aadan
Ibraahim Ibbi
- Maxamuud Cabdullaahi
Jaamac Sifir
- Axmed Cusmaan Jibriil
- Yuusuf Cabdullaahi
Kaahin
- Yuusuf Xasan Ibraahim
(Dheeg)
- Jaamac Cali Jaamac
- Shariif Saalax Maxamed
Cali
- Cumar Xaashi Aadan
- Munye Siciid Cumar
- Maxamed Cabdi Yusuf
- Cabdulqaadir Xaaji
Maxamuud Dhaqane
- Axmed Cabdraxmaan
Maxamed
- Fowsiyo Maxamed Sheekh
- Maxamed Cali Xaggaa
- Cismaan Liibaan
Ibraahim
- Shariif Maxamed Siidii
- Cabdoow Maax Faarax
- Cabdalla Xaaji Cali
Axmed
- Jamaal Xasan Ismaaciil
- Caasho Xaaji Cilmi
- Nuur Axmed Diirshe
- Axmed Diiriye Maxamed
- Saleebaan Colaad
Rooble
- Suuri Diiriye Carab
- Maxmed Xasan Cali
Daryeel
- Cadulqaadi Sheikh
Axmed Nuur
- Sekeriye Xuseen Aare
- Faarax Ismaaciil Xasan
- Axmed Maxamed
Saleebaan Shiraac
Dagaal Xalay ka Dhacay
Muqdisho...
Xalay Fiidkii ayaa
magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay madaafiic xooggan, kuwaas
oo aan ilaa hadda la garanayn khasaaraha ay geysteen.
Dagaalka ayaa ka dhacay
aagga wadada
Xamar Bile, iyo weliba Aagagaarka Cali Kamiin.
Wiil Soomaaliyeed oo Si
Arxan Darro ah Loogu Diley magaacalada Capetown ee Koonfur
Afrika
wiilka oo da'diisa lagu
qiyaasay 24-jir ayaa lagu dhextoogtey dukaan, waxaana
magaciisa la oran jirey...
Akhri...
Bosaso:
Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay dhahar dad
reer muqdisho ah.
Apr 17, 2007: Madaxwayne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac oo maanta ka
hadlayay shir ka dhacayay xarunta Gobalka Bari ee Bosaso oo looga hadlayay
amaanka Puntland ayaa maruu hadal ka jeedinayay ku eedeeyay dagaalkii ka dhacay
in ay hurinayaan ganacsato reer muqdisho ah oo iminka ku sugan magaalada Harga
Geys.
Xasan Daahir Afqurac ayaa sheegay in dagaaladii ugu danbeeyay ee ku dhexmaray
Magaalada Dhahar Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku lugleeyihiin dad reer
Muqdisho ah oo looga itaal roonaaday dagaaladii halkasi ka dhacay.
Xasan Daahir Afqurac Madaxwayne kuxigeenka puntland waxa kale oo uu sheegay in
kuwani aysan doonayn dawlada KG ee Somalia si dawlada loo waxyeeleeyana culayska
loo saro puntland maadaama ay puntland tahay gobalo Nabad ah taabacsana dawlada
Somalia.
Sidoo kale Xasan Daahir waxa kale oo uu sheegay in dagaalkan looga golahaa sidii
loo maja xaabin lahaa heshiis dhexmaray puntland iyo Emaaraadka carabta kaasi oo
ku saabsanaan iskaashiga, horumarinta dhaqaalaha puntland, balaarinta dekeda,
dhamaystirka garoonka Bosaso iyo ganacsiga, balse uu xasan daahir sheeegay in
heshiiskaasi sidii loogu tala galay uu ku dhacay allena uu ugu mahadinayo.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Buuhoodle: Wafdi wasiiro Puntland ah oo
gaaray Buuhoodle.
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha Diinta iyo awqaafta A/rizak
Abdulle geesood ayaa gaaray maanta duhrkii Magaalada Buuhoodle ee xarunta
Gobalka cayn.
Wafdigan wasiirku hogaaminyao ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah 2wasiir kuxigeen
iyo hal xildhibaan sida ay wararku sheegayaan.
ujeedada wafdigan ayaa lagu shegay u kuur galida iyo turxaan bixinta waxyaabihii
la kala tabanayo iyo sidoo kale xaalada amaan ee golabka.
wasiirka ayaa sheegay in ay qayb kayihiin wafdiyo wasiiro ah oo lookala diray
qaybo badan oo dalka ka mid ah sida uu sheegay wasiirka diinta iyo awqaafta A/rizak
Abdulle Geesood oo isagu hogaaminaya wafdigan booqanay Buuhoodle oo maanta
halkaasi gaaray.
Wafigan ayaa ka hor inta aysan gaarin Buuhoodle waxay siimareen meelo badan oo
Gobalada Sool iyo Cayn ka mid ah.
A/rizak koronto
garowe Puntland
Masuuliyiinta DGPL oo ku dhawaaqay xaalad
dagaal.
17 April 2007. Garoowe.
Waxaa maanta lagu qabtay shir looga hadlayey amniga DGPL Xarunta Maamulka
Gobolka Bari ee Magaalada Bosaaso.
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay M/weyne Ku xigeenka ahna ku simaha
Madaxweynaha DGPL, Xasan Daahir Maxamuud(Afqurac), Wasiirka Maaliyadda DGPL
Dr. Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab), Wasiiro ku xigeenno, Maamulka G.Bari,
Ganacsato, Isimo , Aqoonyahano iyo Masuuliyiin kale oo aad u fara badan.
Waxaa hal kaas ugu horayn khudbad ka jeediyey M/weyne Ku Xigeenka ahna Ku simaha
M/weynaha DGPL, Xasan Daahir Afqurac oo sheegay in dalku uu haatan ku jiro
xaalad dagaal, Xasan Daahir Maxamuud ayaa ku eedeyey in ay ku lug lahaayeen
dagaaladii ka dhacay degmadda Dhahar kooxo Ganacsato Muqdisho ka yimid oo ku
sugan Hargeysa una jooga halkaas sidii ay khalkhal u gelin lahaayeen amaanka
Puntland ka dib markii looga awood roonaaday fawdadii ay ka wadeen magaalada
Muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye, Mudane, Afqurac ayaa sheegay in Somaliland
ay ku socoto been ay u sheegeen wadaan dowlado shisheeye oo u balan qaaday
aqoonsi haddii ay soo gaaraan xuduudihii uu gumeysigu ka tagay balse DGPL ay
iska difaaceen oo xoog uga saareen deggaamadaas.
Dhanka kale, ayuu M/weyne K/Xigeenka DGPL ku tilmaamay arrintaan mid lagu
burburinayo Dowlada Federaalka Ku meel gaarka ah ee loo dhan yahay.
Maadaama ay Puntland ka tirsan tahay Nidaamka Federaaliga ah markii ugu
horeysayna aqoon-satay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa cadaynaya in ay Puntland ka go’an tahay xaalada
dagaalku diyaargarowga Ciidamadda Daraawiishta oo si aad ah looga dareemayo
dhamaan goboladda Maamul Goboleedka Puntland iyagoo ku sii qulqulaya Goboladda
Sanaag Bari iyo Sool.
Iyadoo Wareegto uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda DGPL uu ku sheegay in lo
diyaar garoobo sidii loo difaaci lahaa dalka uguna baaqay dadweynaha Reer
Puntland in ay iska iloobaan wax yaalaha dhexdooda ah, meel-na looga soo wada
jeensado difaaca dalka, asagoo xanibay lacagihii adeegyada xafiisyada Dowladda
iyo kuwii fadlanta oo uu ku sheegay in lagu difaacayo dalka.
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com | Garoowe
|