SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

  • Wadada Isku Xirta Sh/hoose Iyo Muqdisho Oo Ay Kasoo If -baxeen Burcad Hubaysan....

  • Wax-garadka Iyo Isimada Gobolada Jubooyinka Oo Cambaareeyey Weerarkii ay Maamulka S/land Ku Qaaday Dhahar.

Wadada Isku Xirta Sh/hoose Iyo Muqdisho Oo Ay Kasoo If -baxeen Burcad Hubaysan....

Wadada isku xirta gobolka sh/hoose iyo magaalada caasimada ee muqdisho ayaa waxaa dhowaanahaba kasoo if-baxay burcad hubaysan oo dadka kasoo bara kacay dagaalada Muqdisho jidka u gala kuwaasoo u gaysta dhac, dil,iyo weliba handadaad ay ka furtaan waxay haystaan .

Bur-cadan ayaa badanaaba lagu arkaa degaanka buufoow bacaad oo hilaadii 5km u jira deegaanka tuulada shalaanbood ,kuwaasoo ku hubaysan qoryaha yar-yar islamarkaana si kusoo boodo ah ugu habsada baabuurta qaada dadka shacabka ah ee qaxaya oo badanaaba u badan baabuurta mini buska islamarkaana rasaas ooda kaga qaada .

Axadii gelinkii hore ayay ahayd markii labo baabuur oo nooca loo yaqaano homy-da ee iyagu waday dad rayid ah oo kasoo barakacay magaalada caasimada ee muqdisho ay rasaas ooda kaga qaadeen islamarkaana halkaas ay ku dhaawaceen sadex qof oo ay ku jireaan lao haween ah iyo weliba canug yar oo afar jir ah .

Dadkan oo uu dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen halkaas ayaa loo kala qaaday isbitaalada Marka oo la geeyey canuga yar iyo hooyadii halka haweenayda kalena loo celiyey magaalada Muqdisho .

Sidoo kale labo maalmood ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay rasaas ooda kaga qaadeen bur cadani baabuurta basaska ee isaga kala goosha sh/hoose iyo muqdisho islamarkaana ay ku geeriyootay haweenay kasoo qaxday magaalada muqdisho islamarkaana meydakeedii la dhigay tuulada shalaambood .

Dhibaatada amaan xumo ee haysata dadka ka soo barakacaya magaalada muqdisho ee kusoo jeeda sh/hoose ayaysan jirin cid u qalab qaadatay sidii ay wax uga qaban lahayd amaanka iyo burcada caadaysatay dhaca iyo dilka dadka rayidka ah ,marka laga reebo milayshiyooyin ku sugan deegaanada shalaambood iyo marka oo iyagu mararka qaarkood ka cayriya burcada marka xiriir la sameeyo ,waloow aysan ahayn mid joogta ah oo laysku halayn karo .

Arintan dhaca iyo dilka dadka soo barakacay ee kusoo jeeda magaalooyinka gobolka sh/hoose ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada kmg ahi ay baaritaano ba'an ku hayaan baabuurta isaga kala goosha tuulooyinka iyo degmooyinka gobolada islamrkaana ay ka baarayaan hubka , rasaasta iyo alaabta kale ee ay kamid yihiin waxyaalaha qarxa IWM taasina ay burcada u fududaynayso inay baabuurta oo markoodii hore hubaysnaa ay ka helaan meel aan cidina ka celin karin.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Wax-garadka Iyo Isimada Gobolada Jubooyinka Oo Cambaareeyey Weerarkii ay Maamulka S/land Ku Qaaday Dhahar.

wax-garadka iyo isimada gobolada jubooyinka ayaa cambaarayn kulul usoo jeediyey, sida ay hadalk au dhigeen "garadarada qaawan ee  gobolada waqooyi galbeed ay kusoo qaaday degmada dhahar ee gobolka sanaag."

Waxgarakan iyo isimadan oo kulan balaadhan ku yeeshay hotel ilyaas ee magaalada kismaanyo Isniintii ayaa cambaareeyey, sida ay hadalka u dhigeen,  sida gardarada ah ee waqooyi galbeed ay ugu tumanayso nabada islamarkaana ay ku tilmaameen weerar indho la,aan ah ,iyadoo ay sheegeen inay nabadu qaali tahay loona baahan yahay xiligan in nabada la xoojiyo.

Prof. c/risaaq xaaji oo kamid ahaa aqoon-yahanada kasoo jeeda gobolada jubooyinka islamarkaana hadalo kasoo jeediyey kulankan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarada ay ciidamada reer waqooyi galbeed kusoo qaadeen dhahar islamrkaana ay cambaaraynayaan ,taasoo uu ku tilmaamay mid wiiqaysa nabada iyo wada noolaanshaha iyadoo uu ku baaqay inay ka fiirsadaan maamulka waqooyi galbeed dadka wada dega ee walaalaha ah sidii ay xasiloonidooda u xoojin lahaayeen .

sidoo kale prof,xaaji ayaa intaas inay maamulka som-land aysan dadka shacabka ah qasbin ama aysan u maqlin nin shaqo tegey ee ay ka fiirsadaan taageerada shacabkan iyo halka ay kasoo jeedaan taasina ay xaqiiqdeedu tahay in shacabka reer dhahareed ay ka tirsan yihiin maamulka punt-land waa siduu hadalka u dhigaye ,islamarkaana uu ku tilmaamay kuwa gobolka kasoo jeeda ee taageersan maamulka hargaysa kuwo shaqo tegey laakiin aysan meteli karin shacabkan.

waxaa kaloo hadalo ka yiri halkaas ugaaska beelaha harti waamood ugaas Baqoow oo sheegay inay cambaaraynayaan islamarkaana aad uga xun yihiin weerarada uu ku tilmaamay gardarada.

Ugaaska ayaa intaas ku daray in dadku kala deegaan yahay islamarkaana ay dheceen dagaalo qabiilaysi ah taasina umadu nin kastaaba uu deegaankiisa ka taliyo ,waxaana maanta humaaga kasaarayaa inay umada gobolada sool, sanaag iyo buuhoodleba ay yihiin maamulka punt-land taasina aysan wax shaki ah ku jiri karin.

Ugaaska ayaa sidoo kale ugu baaqay umada degta gobolada SSC inay aayahooda ka tashadaan islamrkaana ay isimada , waxgaradka iyo aqoon-yahankaba inay fadhiga ka kacaan oo ay umadooda cadeeyaan halka iyo masiirkooda umadeed raacsan yihiin ,oo ay u midoobaan sidii umada goboladaasi hal maamul isugu raaci lahaayeen .

Si kastaba ha ahaatee kulankan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen waxgarad ,aqoonyahano ,iyo isimo ayaa lagu cambaareeyey maamulka som-land weerarada ee ay kusoo qaadeen Dhahar oo asalkoodu yahay dad nabadeed islamarkaana ka tirsan maamulka punt-land .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: April 16, 2007

Wasiirada iyo ciidamada Somaliland ee ka soo noqday Dhahar oo soo gaadhey Ceerigaabo
.Wasiirka Gaashaandhigga ee SL oo xilka laga qaaday...
.Ciidamada Puntland oo oo gacanta ku haya Dhahar...
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

Senator Coleman oo warqad dacwo ah
oo ku saabsan tacadiga iyo barakaca loo geystay shacabka Muqdisho gaarsiiyey Jendayi Frazer... Akhri...
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com